March 25, 2004
Boobka Iyo Bililaqada
Soomaaliya Hantida Muuqata Kuma Koobna
Prof, Dr, Sheekh, Siyaasi, Suxufi, Generaal, Ugaas, Boqor Iyo Suldhaan Waa
La Boobay.
Sida aan lawada socono dagaaladii sokeeye ee
Soomaaliya ka bilawday dabayaaqadii sideetamaadkii waxay sababeen in dhac iyo
bililiqo xoog leh loo geystay hantidii muuqatay ee qaranku lahaa iyo tii
dadwaynu sida gaarka ah u lahaayeen intaba.
Laakiin boobkaas iyo bililiqadaas loo
geystay hantida muuqata waxaa dhinac socday mid loo gaysanayey Hantida
Adabiga ah iyo darajooyinka ay dadku ku mutaystaan dadaal dheer oo ay
u galaan sidii ay ku gaari lahaayeen.
Hadaba darajooyinka adabiga ah ee ay Prof,
Dr, Sheekh, Gen, Siyaasi, Suxufi, Ugaas, Boqor Iyo Suldhaan ka mid yihiin
ayaa iyagu noqday kuwo si sahlan loo sheegto. Ruuxii maalin uun wax xariiqday
sida iskuul, machad, jaamacad iwm wuxuu la baxay Dr, ruuxii jaamacad wax ka
dhigay ama Machad wuxuu sheegtay Prof, ruuxii mar uun ka mid noqday
saraakiishii ciidanka darajadiidu intii ay doonto ha gaartee wuxuu la baxay
Generaal, ninkii hal xadiis ama aayat aqrin karaana cimaamad weyn intuu
xirtay ayuu Sheekh la baxay, ninkii xoogaa mooryaan ama day day isku
leexsadayna, ama maqaayadaha uga faallooda arrimaha murugsan ee Soomaaliya
siyaasi ayuu la baxay, ninkii reerkiisu Ugaasyada, boqorada, iyo salaadiintu
laga soo duubi jireyna Ugaas ayuu isku magacaabay.
Waxaase su’aasha isweydiinta mudani tahay
boobka iyo dhaca loo gaystay hantida adabiga ma laga yaabaa inay ka xanuun
ama dhibaato reeb badan tahay dhaca ama boobka loo gaysto hantida Muuqata.
Waxaan isku deyi doonaa inaan si gaaban u falanqayno inta ay la egtahay iyo
saamaynta ay leedahay dhibaatada ay keeni karto boobka iyo dhaca loo geystay
hantidan adabiga ah.
Prof & Dr
Prof iyo Dr waa labo darajo oo ay inta badan
sheegtaan ruuxii diplom ama shahaado jaamacadeed qaatay iyo ruuxii Jaamacad
ama machad macalin ka noqday. Waxaa laga yaabaa inuu arrinkani si gaar ah ugu
badan yahay Koonfurta Soomaaliya. Waxaa la wada ogyahay sida qaalibka ah ama
loo badan yahay in Dr lagu sheegan karo labo darajo midkood inaad tahay ruux
haysta P.h.d iyo inaad Medical doctor tahay.
Sidoo kale ayuu ruuxu Darajada Prof. sheegan
karaa hadii ay jirto jaamacad siisay darajadaas kadib markii uu sameeyey ama
samaysay cilmi baaris badan oo loo qiimiyey inuu darajadan u qalmo taasoo
inteeda badani Jaamacadaha ama hay'adaha Akadameediga ahi bixiyaan. Waxaa
jira Assistant Prof, Associate Prof iyo Full Prof, Carabtu waxay tiraahdaa
Uztaad Musaacid, Uztaad Mushaarik iyo Uztaad Kursi.
Hadaba waxaa niyad jab ah inuu ruux si dhib
yar isaga sheegto darajo uusan dadaal dheeraad ah ku bixin, waxaase taa ka
sii daran markii ay dadku ka filayaan inuu wax wanaagsan soo kordhiyo,
laakiin uu ka liito kii aan weligiis goob waxbarasho tegin amase ay isku
garaad noqdaan.
Sheegashada darajooyinka Prof Iyo Dr waxay
keeni karaan A) In Ruuxii hiigsan lahaa uu ka niyad jabo maadaama dad aan
gaarin darajadaas bulshadii ugu yeerayso Prof ama Dr, iyo in danbi laga galo
ruux usoo dhibtooday darajadan oo isku si loogu yeero isaga iyo kii darajada
bililiqaystay, waana mid uu indhihiisa ku arkay qoraha maqaalkan.
Sheekh
Bulshada Soomaaliyeed waa dad aad u qadariya
dadka Culimada ah iyagoo siiya tixgelin wayn iyo qadarin balaaran ruuxii ay u
gartaan inuu ahlu diin yahay ama aqoon u leeyayay Diinta. Laakii waa bulsho
aan si qoto dheer u qiimaynin una qod qodin dhabta iyo waxa uu ruuxa darajada
Sheekh sheeganaya uu yahay.
Sidaas daraadeed waxaa kugu filan inaad
Sheekh noqoto inaad xirato dharka ay Soomaalidu u yaaqaan dhar diineedka sida
Khamiiska, Cimaamada, aadna yeelato haybad diineed sida inaad gerka daysato
kitaabana aad garweexsato.
Taasi waxay keentay in haybad iyo labis
culimo lagu noqdo. Waxaa soo baxay culimo aan aad u dhugan ama u dhuuxin
Maqaasida Shareecada iyo Mudnaan Diinta ay kala leedahay. Waxay inta badan
bixiyaan fataawi ama jawaabo diineed oo aan laga fiirsan, waxaad maqlaysaa
waxaasi waa Xaraam,waxaasi waa banana yihiin, kaasi waa gaal, waxaas lama
ogola.
Inkastoo la yiri Fatwadu waxay u
hogaansantaa isbedelka Zamanka ama Casriga, Waqtiga, Makaanka iyo Meesha la
joogo, Ashkhaasta iyo axwaasha dadka,hadana iyagu waa ay ka dhego xiran
yihiin. Arrinkani wuxuu jahwareer ku riday dadwaynihii iyagu ka culimo
dhigtay ama u hor fadhiyey qolyahaas darajada sheekhnimo soo labistay.
Suxufi
Saxaafadu waa awood muhiim ah oo ka mid
ilaha bulshada garaadkeeda iyo Aqoonteeda lagu kobciyo lagana helo macluumaad
wax ku ool ah, waxay ka mid taay meelaha sida wayn looga baahiyo laguna
ilaaliyo qiyamka iyo dhaqanku bulshadu leedahay, waa isha laga muraaqabeeyo
ama lagu toosiyo wax qabadaka hay’adah Bulshada ama kuwa dawlada
Dadka ka shaqeeya saxafaada waa ineey yihiin
dad ahal u ah aqoon iyo mas’uuliyad intaba, laakiin waxaa maalmahan danbe
sidii magacan loo boobayba soo baxay Suxufi iyo saaxaafad, aan la ogeyn
ujeedooyinkeeda, suxufi doonay inuu caan ku noqdo ama ku soo baxo cayda iyo
sharaf ridista ama aflagaada dadka kale, warar la been abuuro, isku taag iyo
isku dhiririn lagu sameeyo cidii la is leeyahay wax uun bey ku dheer tahay si
loo yiraahdo war labada suxufi kala celiya.
Waxaad is leedahay inta badan saxaafada
haatan Soomaaliya ku wajahan haday tahay Idaacadaha, wargeysyada, iyo
websaiteyada iwm waa mid wax bur burinaysa ee ma ahan mid wax dhisaysa.
Caalamku wuxuu yaqaan xoriyad saxaafadeed laakiin waa inaysan labo arrin
midkood ku xadgudbin Danta Qaranka iyo Sharafta Dadka. Waxaa soo baxday
saxaafad hadii aadan suxufiga shaah u shubin uu sumacadaada wax u dhimayo,
cid la xisaabtamaysaan aysan jirin, waxaa soo baxday saxaafad aysan u kala
soocneyn Dan Qaran iyo Qabiil, waxaa soo baxday saxaafad uu suxufi tababar
iyo khibrad aqooneed u baahnayn.
Saxaafada noocani ah waa mid hurisa
colaadaha qabiileed ee Soomaalida u dhaxaysa, waa tan duminaysan danta
qaranka, waa mid dulmayso sumcada shakhsiga iyo xuquuqdiisa. Waa saxaafad iyo
suxufi aanan ilaalilayn qawaaniinta caalamiga iyo qiyamka islaamka ee
wabaahinta.
Siyaasi
Ma doonayo inaan ku dheeraado faallada
qodobkan sababtoo ah waxaa si weyn ugu muuqda dadwaynaha Soomaaliyeed dadka
siyaasiyiinta sheeganaya ee hor booday siyaasad Soomaaliyeed heerka ay ka
joogaan siyaasada, iyadoo sidaasoo kale si weyn loo arkay kuwii siyaasiyiinta
ahaan jirey dagaaladii sokeeye ka hor.
Waxaan cashar badan u baahnayn in siyaasadu
tahay Hogaan Suuban oo ku salaysan Xirfad, Aqoon, Aragti Dheer iyo Burji,
laakiin waxaa cad inaan intaa loo baahnay si aad u noqoto Siyaasi. Inaad
siyaasi noqoto waa inaad xukuumadihii hore ka mid ahaan jirtay ama inaad
dawladii dhacady xabad kaloo horjeeday oo aad Mujahid ahayd waa sida loo
dhigaye, ama aad qabiilkaada dagaalkii kala dhexeeyey qabaa’isha kale aad
hormuud ka ahayd, laakiin ugu danbayn hada waxay maraysaa inaad qabiilkaadaa
soo layso oo aysan jirin cid kugu haysataa hogaanka jufadaada.
Yaa Lagu Eedayaa Boobka
Hadii aan si kooban uga hadlo eeda ugu
wayn waxaa iska leh ilaaheyna ku xisaabin doonaa cidii sheegatay darajo aysan
mudnayn. Ilaahey wuxuu isagoo kuwa noocaas ah ka hadlaya yiri “
Haw Malayn Kuwa Ku Farxa Waxay La
Yimaadaan Oo Jecel In Lagu Mahdiyo Waxayna Falan Inay Ka Nabad Geli Cadaabka
Waxaana U Sugnaaday Cadaab Daran"
Suurat Aali
Cimra Ayaadda 188
Tan kale eeda waxaa dhinac ka ah bulsho
waynta Soomaaliyeed ee aan aqoontoodu gaarsiin inay kala soocaan ama kala
saaraan dadka mudan darajooyinka iyo xilalka loogu yeerayo iyo kuwa
bililiqaystay, mar hadii aad ugu yeerayso ruuxa darajo uusan lahayn waxaad si
aadan ogeyn ugu sharciyaynaysaa bililiqadii uu haystay. Hadaba sida keliya ee
aad ku kala sooci kartaa waa inaad cid walbaa dhigtaa meeshii iyo maqaamka uu
mudan yahay uguna yeertaa darajada uu mutay kana soo miro dhaliyey, sida ay
diinteednu tilmaamayso.
Gabagabo
Waxaan su’aal wayn ka jirin in Ummad Shiikh,
Prof , Dr Sheegte, Siyaasi iyo Suxufi sheegte uu hogaankeedii yahay, mid
walbaahi dhinac bud kala dhacayo adagtahay inay ka kacdo, inta laga helayo
dad sita xilalka ay dadkaasi sheeganayaan oo dhab ah, lana yimaada niyad
wanaagsan iyo waxqabad muuqda wanaagna u horseeda Bulshada.
Hadaba su’aasha aan doonayo inuu aqristuhu
jawaabteeda ila wadaagaahi waxay tahay Kee dhib badan nin hanti muuqata
boobay iyo mid hantida aan muuqan ee Adabiga ah boobay?.
Waxaan ka cudur daaranayaa inaad ka tegey
qolyaha sheegtay Generaalada, Ugaasyada ama Boqrada, Abwaanada Iyo
Ganacsatadda, anigoo ka baqay inuu qoraalku ila durko ugana kaaftoomay in
kuwa kale looga qiyaas qaato.
Abdirahman A. Warsame
cabdirahman@hotmail.com
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|