SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 25, 2004

Shirka Soomaalida Ee Keenya Shir Midabo Badan

Axmed Muuse Cabdulle(idaawaqaca)
Saxafi Soomaaliyeed O Jooga Dalka Keenya
axmeddheere65@hotmail.com

 

Daka Soomaaliyeen Inta Badan Waayadan Danbe Waxaa Dhagahooda Soo Jiidanaya Shirka Loogu Yeero Geedi Socodka Nabadeenta Soomaaliyeed Ee Ka Soconaya Dalka Keenya Shirkani Waxaa Xariga Kajaray Madax Badan o Katirsan Wadamada EGAT Ee Anu Jaarka Nahay Waxaana Daaha Laga Rogay Bishii OKTOOBAR 2002 Markii Ay Shan& Toban Aheed Shirku Waxa Ulayimid Yididiilo Siyaasadeed o Dadka Soomaaliyeed Jecleesteen & Doowladihii Shirkaasi Goob Jooga Ka.ahaa Waxaana Durbadiiba Qalinka Lagu Duugay Heshiis Runtii Soomaalida Farax Galiyay Hogaamiyaasha Siyaasada Ee Soomaaliya Doowladii Kumeel Gaarka Aheed Maamuladii Jiray Sida Butlan Bay Hiiraan Gobolada Dhaxe Dhamaantood Heshiiskaasi Way Saxiixeen Waxana Caalamku Aqoonsaday 24 Hogaamiye o Xiligaasi Sheegay In Ay Matalaan Shacabka Soomaaliyeed,

Shirkaasi Heshiiskii Lagu Gaaray Ee 27 OGTOBAR 2002 Waxa Urajo Galiyay Bulsho Waynta Soomaaliyeed Dalalka Goobjoogayaalka.ah Ee Daneeya Soomaaliya Waxaana Qalinka Lagu Duugay Lix Qodoboo Ku Macaan Sheegida Quruxna Badan Laakiin Lixdaasi Qodob Waxba Kama Hirgalin Waxaase Ku Siyaaday Dagaalo Hala Keeyay Gobolada Dalka Soomaaliya Sida Qardho Bay& Bakool Waxaana Marqura Biloowmay Dagaalo Sokeeyo Magaalada Muqdisho Way Sii Daersatay Waxaana Cirka Markale Galay Nabadii Soomaaliya Hogaamiyaasha Siyaasada Ee Soomaaliduna Way Kala Dhaqeen Dhinaca Fikirka .

Waxaa Abuurmay Xisbiyo Kooxo Cusub Ururo Ee Ku Ba Hoobeen Hogaamiyaal Sheegtay In Ay Iskku Fikir Yahiin Laakiin Daqooqad An Waligood Isku Figrad Noqon Marka Laga Reebo Umidoowga Burburinta Qaranka& Midnimada Soomaaliyeed

waxaa Burbur ku habsaday intii shirka ka hor is haystay sida TNG-da SRRC-da iyo Bulshada Rayidka , waxaa Magaalad Balcad ee Waqooyiga uga aadan Muqdisho ayaa Maalintii Talaadada aheyd 30- Sept 2003 loogu dhawaaqay Isbaheygsiga cusub oo loo bixiyey ? Golaha Samatabixinta Qaranka Soomaaliyeed? waxaana ku midoobay 12 urur oo isugu jira ururo iyo shaqsiyaad ujeeddada ay ku mideysan yihiin ay tahay ka soo horjeedidda qaabka uu ku socda shirka Kenya, waxaa Hogaamiye loo doortay Xaaji Muuse Suudi Yalaxow waxaana ragga ugu caansan ka mid ahaa Cusmaan Caato, Korneyl Barre Hiraale, Korneyl Cumar Jees, Maxamed Ibraahim Xaabsade, Jaamac Cali Jaamac, Faarax Sendiko iyo siyaasiyiin kale,

Dad Badan O Soomaaliyeed Ururkaasi Waxa Uku Abuuray Rajo Xumo Waxaana Sii Lumay Rajadii Umada Soomaaliyeed Ka Qabta Horu Socodka Geedi Socodka Nabada Ee Soomaaliya

Waxaa Sidoo Kalle Abuurmay Isna Laguna Dhawaaqay G8 Waxaana Hogaamiya Maxamed Qanyare Afrax Waxaa Shirkaasi Marar Badan Ka Baxay . Doowlada Ku Meel Gaarka Ah Ee U Hogaamiya C/Qaasin

Waxaa Batay Musharaxiinta Damacsan In Ay Soomaaliya Madaxweeyne Ka Noqdaan Waxa Ayna Kor Udhaafeen Wax Ka Badan Ilaa 50 Musharax Waxa Ayna Iskugu Jiraan Siyaasiyiin Hogaamiye Kooceedyo Aqoonyahano.

Waxaa La Saxiixay Laguna Heshiiyay In La Isla Qaato Xeerka Baarlamaanka Soomaaliya Hadana Waa La.isku Qilaafay Si Walba Xaalku Ha Noqdee Waxaa Bulshada Caalamku La Yaabeen Heshiisyada Soomaalidu Saxiixaan Hadana La Isku Qilaafo,,

Waxaase Dunidu Si Ada Ula Yaabta Ilaa Saacadan Lajoogo Heshiiskii 29 Janaayo Qalinka Gu Duugeen Hogaamiyaasha Soomaalidu

heshiiskaan ay hogaamiyaasha somaliyeed wada saxiixeen ayaan waxaa goob joog ka’ahaa Madaxweynaah Dalka Kenya Mwai Kipaki iyo mash’uuliyiin sar sare oo socday Uruu goboleedka IGAD Iyo waliba beesha Caalamka.

Markii ugu horaysay waxaa qalinka ku duugay colaad joojinta Muusa suudi oo matalayay goalaha samata bixinta , waxaa ku xigay Maxamed dheere oo ku saxiixay maamulkiisa Jawhar, kooxda SRRC waxaa u saxiixay Sheekh Aden Madoobe, G8ka waxaa u saxiixay Maxamed Qanyare Afrax, Puntland waxaa u saxiixay Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed, Dawladda kumeel gaarka waxaa u saxiixay Raisul wasaare Maxamed Cabdi yuusuf, halka bulshada rayidka ay u saxiixeen Shariif saalax, Caasha xaaji Cilmi iyo Jaamac maxamed qaalib

Kalonzo musyoka oo ah wasiirka arimaha dibada ee Kenya ayaa isna halkaasi ka sheegay in lagu heshiiyay in baarlamanka ay soo xulaan TNG,Maamulada gobolada iyo dagmooyinka,SRRC,Samata Bixinta, G8 iyo Bulshada Rayidka iyadoo ay ansixin doonaan odayaasha dhaqanka ee shirku aqoonsanyahay.

Waxaa kaloo kalonzo uu sheegay in la ansixin doono Axdiga federaalka kumeel gaarka ee soomaaliya si loogu gudbo wajiga sadexaad ee awood qaybsiga oo baarlamanka ay beeluhu soo qaybsan doonaan mudo 30 maalin gudeheeda, kadibna loo gudbi doono qaybaha kale ee shirka soomaalida.

Madaxwaynaha dalka Kenya Mwai Kibaki oo isna xafladaas goob joog ka ahaa ayaa sheegay in hogaamiyayaashu ay dhamaystiraan heshiiska ay gaareen oo meel dhexe ayna kaga tagin, isagoo sheegay in gobolka ay danaynayaan xasilooni ka dhalata dalka soomaaliya

Waxaa Shirkaasi sidoo Kalle Ka Hadlay Hogaamiye Kooxeedyada Iyagoo Amaanay Dadaalka Beesha Caalamka& IGAT Sheegayna In Dhinacooda Ka Fulin Doonaan Heshiiska Ay Gaareen,,

Laakiin Waxaa Soo Baxay Diidmo Badan Okatimid Hogaamiyasha Siyaasada Ee Soomaalida Waxaana Diidmada Ugu Badani Ka Timid Hogaamiyaasha SSRC_da &Hogaamiyaha Maamulka Butlan Con Cabdulaahi Yuusuf Axmed ..

Waxa Ayna Urur Cusub Uga Dhawaaqeen Joowhar Waxaana Loogu Magac Daray Golaha Abaabulka Waxaa Awal Jiray Kala Qeebsanaan Xaga Shirka Ah Ee Dhinaca SSRC_da Laakiin Arinkaasi Meesha Hada Waa Kabaxay kadib Markii Xuseen Ceydiid o U Habeen Dhaweed Wareeysi Siiya Idacada La Iska Arko Ee KTNka Kuna Muujiyay Diidmadiisa Shirka Waxa Isna Hadlay Xashara Waloo Shaati Guduud Shaaciyay In Shirku Soconayo Marka Shirka Soomaalida Ee Hada Socdaa Waa Saadaal Qarsoon

Axmed Muuse Cabdulle(idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com

BBC_DA WAA:ASATAANTA HORUMARKA,UMADA SOOMAALIYEED

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD