Dadka maxkamadaha ka warqabaa waxay og yihiin in qof
uu dacwada oogo iyo in uu mid kale qareen (abukaate) yahay, oo uu dadka
ay arrintu khusayso difaaco, laakiin ruuxa dacwada ooga iyo qareenka
waxaa la og yahay in uu qareenku badanaaba xagga cilmiga sarreeyo.
Cilmi marka aynu leenahay waxaynu u jeednaa dalalka ay
aqoontu ka shaqayso ee kama aynu wadno meel uu qof kastaa magaciisa ku
horqorto Dr asaga oo jaahil axmaqa ah!
Haddaba maxaa keenay in qofka dacwadda oogaa uu
aalaaba ka cilmi yar yahay midka wax difaaca? Su’aashu ma ay adka oo
markii ay arrintu dood tahay waxaa lamahuraan ah in uu qofka wax
difaacayaa ka hub badan yahay midka wax eedaynaya.
Qofka eedaysanaha ahi waa miskiin oo wuxuu u baahan
yahay gurmad hubaysan, laakiin qofka eedaynaya waxaa ku filan in uu eed
haysto oo uu ku oogo qofkaas miskiinka ah!
Maqaalkaan gaaban ciwaankiisu wuxuu sidaa labadaas
macne oo weerarka iyo difaaca ah, laakiin wuxuu culayskiisu ku saabsan
yahay ”isdifaac”.
Sababta aynaan eedaynta ugu dheeraanayn waa in aysan
eedayntu dhib badnayn, oo dadka kuwa ugu caqli iyo cilmi yar baa ugu
eedayn badan. Midda kale isdifaacu sida badan waa kedis oo qofka eedda
wadaa wuxuu jeedinayaa arrin uu ka soo baaraandegey, halka uu eedaysanuhu
degdeg isu difaacayo ama loo difaacayo.
Dadka caaqyada iyo jaahiliinta ah wax ka eed badan
lama arko, isla markaas isma ay difaaci karaan, taasina waxay
caddaynaysaa in aysan eedayntu la miisaan ahayn isdifaaca.
Haddii nin lagu eedeeyo in uu gabar qabsaday waxaa loo
difaaci karaa siyaalo taxane ah oo looga fujinayo xanuunka eedda. ”Qabsi”
waxaynu uga jeednaa waxa ay reermagaalku maanta u yaqaanniin ”kufsi”!
Run ahaantii afka saxda ah waxaa kufsi loo adeegsadaa
geela ee dadka ”qadsi” baa la yiraahdaa, waxaynuna tusaalaheenna ”qabsi”
uga dhiganay in uu yahay arrinta ugu daran oo maanta lagu eedeeyo rag
badan ee soomaali ah, siiba ciidamada Cabdiqaasim oo uu qabsiga dumarka
Marka iyo Kismaanyo u noqday taraawiix iyo wardi ay shaydaanka ugu
dhawaadaan!
Tillaabada ugu horraysa ee difaaca laga bilaabaa waa
in shaki la geliyo in uu eedaysanuhu denbigaas galay, taasina waxay
abuuraysaa in ay dadkii eedda watey markooda difaac galaan oo ay caddayn
doondoonaan.
In ay eeddu danaysi tahay waa in laga dhigo oo ay
dadka eedda wataa faduul iyo marmarsiinyo wadaan. Mar kasta oo qof eed
lagu wajaho waxaa u fiican in uu raadiyo sabab keenaysa in ay dadkii
eedeeyey difaac galaan oo uusan asagu noqon meel lagu shabbaaxo ee eedda
lala wadaagaa.
Haddii ay caddaymo miiggan oo muuqda la yimaadaan waa
in eedda laga dhigaa in aysan eedba ahayn oo ay wax caadi ah tahay,
waxaana looga jeedaa in ay dadka eedda rimani caddeeyaan sida ay arrintu
denbiga ku noqotay! Xeerkee baa denbi ka dhigay? Xaggeese lagu xukumaa
xeerkaas?
Dhibaatada ugu weyni waa markii la caddeeyo in ay
arrintu denbi tahay, waxaana markaas la bilaabaa in denbigii caddaaday
loo leexiyo qof aan ahayn qofka lagu soo oogey! Marka ay arrintu halkaan
marayso waxaa loo baahan yahay codkarnimo iyo belaayoniomo waaweyn, waayo
denbigii baa meel kale loo rarayaa!
Waxaa laga yaabaa in la moodo in ay arrintaani ka soo
horjeeddo in aynu hore u soo sheegnay in denbiga lagu caddeeyo
eedaysanaha, laguna caddeeyey oo aan denbiga eegga la rari karin.
Maya! Benbiga eegga waa la rari karaa, waxaana la
eegaa in eedaysanaha ay dantu ku kalliftay in uu denbigu sidaas darteed u
dhacay, taas oo uu macneheedu yahay in ay dadka eedda wata ama kuwo kale
abuureen oo sababeen in uu denbi dhacay, isla markaas ay dhibtuba intaan
ka weynaan lahayd haddii uusan qofka la eedaynayaa ku damiyeen arrinta
loo haysto.
Waxaa halkaas ka soo baxaysa in uu eedaysanuhu
dhibaato dhici lahayd ka hortegey iyo in ay dad kale galeen dhibaato ka
weyn midda meesha la keenay, waxaana furmaysa in ay dad kale difaac hor
leh galaan iyo in uu eedaysanuhu noqdo qof fiican oo arrin xalliyey!
Haddii eeddu ay sidii aynu soo sheegnay tahay in nin
lagu eedeeyey in uu gabar qabsaday waxaa markaan furan in la sheego in
eedaysanaha la dili lahaa haddii uusan gabadha qabsadeen oo ay dad ugu
hanjabeen in ay nafta ka goynayaan haddii uusan gabar qabsan!
Markaas waxaa laga doodayaa ”Qabsi iyo qurgooyo kee
baa benbi ahaan daran?”, waxaana laga fakarayaa dad kale oo sameeyey
hanjabaad dil ah, kuwaas oo dhiig daadin lahaa oo bulshada qaar layn
lahaa haddii aan lagaga badbaadeen in gabadha la taataabtay.
Gabadha lafteedu in ay hanjabaadda ka danbaysey oo ay
qabsigeeda ayadu abaabushey baa xataa lagu doodi karaa, si ay dadka oo
dhami uga fakaraan ay tahay qof uu denbigeedu qoddo dheer yahay oo ay
fiican tahay in ummadda laga qabto, ama la xiro ama la ganaaxo amaba la
dilo!
Haddii uu difaacii soo adkaado waxaa loo sii gudbaa in
uu eedaysanuhu astaahilin in denbi lagu oogo, oo uu da’ yar yahay ama uu
marmar waasho ama uu sarqaansanaa ama uu ka yimid meel aysan arrintaani
denbi ka ahayn. Xataa waxaa la oran karaa in uu sabool (faqri) yahay oo
ay baahiyi u geysey in uu metelan tuug noqdo.
Waxaynu maqaallo hore ku soo sheegnay in loo hadlo si
kicinaysaa dareenka dadka maqlaya. Sidaas awgeed markii la isdifaacay
waxaa lamahuraan ah in dadka arrinta maqlaya dareenkooda la beddelo, si
ay ugu garaabaan difaacaan eedda lagu kharribayo.
Isdifaacu maxkamad keli ah ma aha ee waa arrin nolosha
caadiga ah ka mid ah, oo saxaafadda markii wareesi la samaynayo waa in ay
labada dhinac og yihiin eedaynta iyo isdifaaca.
Irid kasta oo keenaysa in ay su’aalaha saxaafaddu sii
bataan waa in uu qofka la waraysanayaa xiraa oo uu wakhtiga ku lumiyaa in
uu faruuro arrimo kale oo ay in laga hadlaa asaga dan u tahay. Sida uu
arrimahaas u keenayaa waa in ay xariir la leedahay su’aalo la weydiiyey,
si aan loo dareemin in uu hadalka leexiyey.
Qofku waa in uu u diidaa in ay u furmaan su’aalo aan
ahayn kuwii uu loogu soo talogalay, isla markaas waa in kuwii loogu soo
talogalay uu qiyaasaa, oo uu abuura jawi ay qofkaas maskaxdiisu ciriiri
dareento, si ay dadka dhegaysanayaa u dareemaan in uu wareeray, oo uusan
u qalmin in uu saxaafadda ka shaqeeyo.
Waa in aysan dadka maqlaya ama akhrinayaa dareemin in
uu luggooyo sameeyey ee ay dareemaan in qofkii waraystay uusan karti
fiican lahayn, asaguna uu ka hadlay waxyaalo nuxur leh, uuna ahaa daacad.
Qofka waraysiga wada iyo idaacaddiisa laguma xanaaqo
lamana caayo, ee waxaa la abuuraa jawi uu ku ceeboobo inta uusan asagu
helin fursado uu kugu khalkhaliyo, oo uu kuu hoggaamiyo sidii uu rabo.
Hadalka iridaha u furmi kara iyo kuwa ka xirmi kara
qofkii xukunkooda la wareega ayaa ku guulaysa waraysiga, waxaana muhiim
ah in la ogaado aysan wax naxariis ahi jirin markii uu waraysi qaadayo
cadow ku dadaalaya in uu dadka maqashiiyo qof uu dhaandhaamay!
Haddii ay kuwa waraysiga ka qaadayaa asaga jecel
yihiin waa in uu qofku u dabacsanaadaa oo uusan xuurto iyo dhib
dareensiin, laakiin waa in laftooda uu xukumaa oo aysan qaadsiin waddo uu
ku kharribmo.
Si kastaba ha ahaato ee waxaa hadalka eeddiisa iyo
difaaciisa ku samcan qofkii og waxyaalaha ay dadku soo wadaan iyo
dareenka ay ka qaadan doonaan jawiga iyo oraahaha la isdhaafsaday.
Guddoon kasta oo la xukumo qof baa ku farxa, waxaana
difaacyada waraysiyada iyo kuwa maxkamadaha xukuma dadka maqlaya ama
akhriyaya. Sidaas awgeed waa in uu qofku dareenka iyo maskaxda dadka
xukumaa oo dejiyaa si ay ayaguna u xukumaan in uu qof xaq ku taagan yahay.
Dadku waxyaalaha maskaxdooda lagu shubo ayey ”xaq” u
yaqaanniin, oo isdifaacu waa in dadka laga sifeeyo eed maskaxdooda la
geliyey, dabadeedna madaxooda laga buuxiyo waxyaalo ay ku illaawaan
eeddii iyo su’aalihii ay maqleen. Sidaas awgeed dadku waa iska gaadiid,
waxaana raran yaqaan qofkii u sheega waxyaalo ay xaq u qabaan oo ay u
khushuucaan.
Shaafici Xassan Maxamed