March 25, 2004
Haybsoocu waa liidnimo
Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com
Caqli iyo cilmi badan uma baahna in la garto
caddaaladdu in ay tahay asaaska jiritaanka ummadeed. La’aanteed miyey bulsho
dhisnaan kartaa? Sow dulmigu ma aha waxa keena balaayo kasta oo dad ka dhex
dhacda? In balaayadaas laga badbaado sow ma aha danta loo dejiyo xeerar lagu
kala leexdo, haddii la isqabtana lagu kala baxo?
Qof walba oo inaga mid ah mar ama ka badan
si uun dulmi waa loogu geystey, sidaa darteed ma jiro qof aan aqoon
xanuunkiisa. Laakiin dabciga xun ee nafjeclaysiga ayaa keena in uu qof waliba
marka isaga la dulmo uun damqado. Dabci xumadaas lagama sinna ee waxaa jira
dad xilkas ah oo naftooda ka gudba, una halgama caddaaladda guud iyo
sinnaanta bulshada. Taariikhda dhow iyo ta dheerba waxaynu ku aragnaa nebiyo,
filosoofyo iyo halyeeyo kale oo u dhintay ama u darxumooday burburinta
dulmiga.
Kun iyo afar boqol oo sano hortood ummaddii
uu nebi Maxamed ka soo dhex baxay nolosheedu wax badan kagama ay duwanayn ta
waraabaha. Marka afka diinta lagu hadlayo bulshadaas waxaa lagu magacaabaa ”jaahiliya”.
Magacaas looguma bixin oo keliya cilmidarro, ee waxaa lagu tilmaamayaa dhaqan
xumadii, kala sarrayntii iyo isdullaysigii ay carabtu berigaa ku noolayd.
Muddo yar gudaheed ayey haddana isu rogtey ta dunida ugu sarraysa xagga
sinnaanta. Sababta oo ah waxaa u yimid dhambaal culus oo madaxeeda mijo u
rogey. Gabyaagii reer masar, Axmed Shawqi, oo taa nebi Maxamed ku ammaanaya
ayaa ku maansooday:
”Akhuuka Ciisaa dacaa maytan faqaama
lahu, wa anta axyeyta ajyaalan mina rimami – walaalkaa Ciise mayd ayuu
u yeedhay oo u soo kacay, adiguna quruumo dhan ayaad dhimasho ka soo
noolaysay.”
Cumar ibn al-Khataab markii uu madaxweynaha
ahaa isaga oo sinnaanta Islaamka ka tarjumaya wuxuu Cumar ibn al-Caas oo wiil
danyar ah dulmi kula kacay ku canaantay: ”Dadka iyaga oo xor ah ayey
hooyadood dhashay ee goorma ayaad addoonsateen?!”
Malcolm X iyo Martin Luther King waa ay
ogaayeen in qaddiyaddii xaqa ahayd ee ay u kaceen lagu dili doono, waana lagu
diley. Lixdanaadkii qarnigii tegey markii ay labadaas nin wacyiga iyo
damiirka Maraykanka iyo dunida oo dhan ruxeen maraykanka madow looma hayn
qiimo ka sarreeya ka daayeerka. Tusaale ahaan looma oggolayn in ay caddaanka
dugsi la dhigtaan, ama makhaayadaha qaar shaah ka cabbaan, ama baska meelo ka
mid ah fadhiistaan, ama shaqada qaranka faraha la galaan. Maantana laba ka
mid ah jagooyinka ugu sarreeya siyaasadda dalkaas iyaga ayaa haya.
Nelson Mandela iyo saaxiibbadii markii ay
halganka kulul K. Afrika ka bilaabeen, denbi ayey ahayd in uu qofka madoobi
yidhaahdo ”qofka cad waa la siman ahay”. Weedhaas ayaa lagu mutaystay xasuuq,
jirdil iyo 27 sano oo xabbis ah. Maantana iyaga ayey Afrika oo dhami ku
dhaadataa.
Haddaba qofka isaga oo aan shakhsi ahaan u
dulmanayn danta iyo caddaaladda guud noloshiisa u hura shaki la’aan waxaa ku
abuuran akhlaaq ta dadka kale ka sarraysa. Waa maxay haddaa sababta laba
walaalo ah uu midkood naftiisa xaqa ugu biimeeyo, ka kalena weligii dulli u
weheshadaa? Maxay ahayd sababta uu Hadraawi sannadaha badan xabsiga ugu
huuray sannado kale oo badanna dayrada u ahaa? Waa hubaal qofka sinnaanta
jecel maskaxdiisu in ay ka xorriyad badan tahay ka aan dan ka gelin ama
qudhiisu wax dulmiya. Waxaa kale oo hubaal ah in uu dadnimada guud u hayo
qiimo ka sarreeya ta uu axmaqu u hayo.
Filosoofkii faransiiska ahaa, Jean-Paul
Sartare, wuxuu ku guulaystay Billadda Nobel ee suugaanta, oo ah ta dunida ugu
sarraysa, taas oo lacag badan iyo magac weyn lagu helo. Laakiin wuxuu
sameeyey arrin aan dunida hore u soo marin, wuu diiday in uu billaddaas qaato.
Oo muxuu ku diiday? “Waxaan ka baqayaa in fekerkayga xorta ah la iga fidmeeyo.
Ma oggoli in la i yeesho”, ayuu yidhi. Ninkaasi kartida maskaxdiisa oo dhan
wuxuu ugu deeqay sinnaanta iyo xorriyadda aadamiga. Wuxuu rumaysnaa in aan
dulmi jirin ilaa la sheego. “Waxa horta waa in la qoraa oo magac loo bixiyaa,
waayo luqadda ayaa abuurta fikradda, magacaabidda ayaana waxa jirsiisa oo ka
dhigta xaqiiqo. Tusaale ahaan cadaadiska madowga maraykanka saaran ilaa la
qoray cidina kama ay fekerin in dadkaas cadaadis haysto. Xataa iyaga qudhoodu
kama ay fekeri jirin in ay dulman yihiin.”
Hadalkaas run badan baa ku jirta. Waxaynu ka
fahmi karnaa bulshooyinka aan wax qorini, si kasta oo ay u karti badan yihiin,
sababta ay horumar u samayn waayaan in ay tahay xaqiiqadooda oo aan
xaqiiqo ahayn. Fac waliba isaga oo aan dhibaatada uu qabo xaqiiqo jirta
ka dhigin (aan qorin) ayuu halligmaa, dabadeed faca xiga ayaa isla
dhibaatadii oo wax cusub u eg sii daaddahsada. Tusaale ahaan mushkiladaha
maanta ina haysta oo dhami weligood waa ay soo jireen: qabyaaladda, haybsooca,
gaajada iyo harraadka. Shaki kuma jiro haddii ay awoowyadeen iyo
ayeeyooyinkeen arrimahaas qoraal kaga doodi lahaayeen in mar uun laga bixi
lahaa. Laakiin maalintii tagtaaba waayo’aragnimadeeda waa ay la tagtaa,
waagii beryaana isla waxii shalay ayuu cusayb inooga dhigaa. Weerar kasta oo
ay laba tol isku qaadaan waxaa la moodayaa madhaafaan iyo wax aan taariikhda
hore loogu arag; haddana waa macnodarro weligeed soo taxnayd oo sidii cajalad
fiidiyow la soo celceliyo. Fal iyo hadal kasta oo qof ama koox lagu takooro
liidnimada iyo dadnimoxumada ku jirta boqollaal sano ayaa marag loo soo ahaa,
haddana lagama xiisedhaco, waayo ma ay noqon xaqiiqo sugan – lama qorin.
Shantii bishii febraayo ee tagtay waxaa
wargeyska Jamhuuriya lagu daabacay cabasho ka timid Sahra Xasan. Waxay inoo
sheegtay dhacdo naxdin leh oo gilgishay dareen iyo damiir kasta oo nool. Mar
haddii aanay muuq, midab, af, diin iyo dhaqan midna gabdhaha ay dugsiga la
dhigato kaga duwanayn saaxiibad caadi ah ayey u ahayd jeer ay ogaadeen in ay
tahay denbiile weyn. Qaddarka ayaa u gartay in ay ka dhalato mid ka mid ah
reeraha dalka wada leh. Waa kaa denbigeedu. Kuwii shalay saaxiibbada la ahaa
markii ay haybteeda ogaadeen waxay bilaabeen in ay ka faqaan. Tii ay isugu
dhowaayeen oo warqadihii xafladda arooskeeda qaybinaysa ayey Sahri niyadsan
iyo qalbi furan ku weydiisatey in ay martiqaadka ku darto. Maxay ugu
jawaabtey? “Naa arooska ha naga ceebayn!” Wuxuu ahaa nabar culus oo Sahra
nafta aad uga dhaawacay. Sidaas ayey waxbarashadii kaga tagtay.
Sinnaantu ma qaybsanto, caddaaladduna ma
kala go’do. Qofka oggol in dadka qaar la takooro ama la cadaadiyo, ha
oggolaado in isagana la takooro oo la cadaadiyo. Qofka raalli ka ah in qayb
bulshada ka mid ah laga sarreeyo, ha oggolaado isagana in laga sarreeyo.
Sidaa si aan ahayn in la moodaa waa maangaabnimo.
Ummad waliba waxay heshaa waxa ay mudan
tahay, sida uu yidhaado nin aqoon fiican leh oo aanu saaxiib nahay. Cilmi
ahaan bulsho waliba sida ay u dhisan tahay waxay muujisaa sida ay qofkeeda
iyo qoyskeedu u dhisan yihiin. Ummad ninku xaaska gumaysto, oo waalidku
carruurta gumaysto, oo carruurtu sida ay u kala da weyn tahay isu gumaysato,
oo wiilku walaashii gumaysto, oo macallinku ardayga gumaysto, oo qabiilka
badani ka yar gumaysto, waa dabiici in ay yeelato hoggaamiye dadka gumaysta.
Jarmalku in ay taladii waalnayd ee Adolf Hitler iska daba yaaceen dabeed
eedeen sababteeda waxaa loo aaneeyaa bulshadaas oo lahaan jirtey dhaqan uu
qoysku kala sarreeyo. Nacasnimadaas ay jarmalku ku kaceen kama ay suurtowdeen
dadka faransiiska, oo in ka badan laba boqol oo sano lagu soo carbinayey
sinnaan iyo xorriyad, heer qof ilaa mid qaran.
Mashaqada Sahra Xasan ku dhacday maalin
walba ayey meel walba kumanyaal qof ku dhacdaa. Haddaba guud ahaan bulshadu
iyo gaar ahaan waalidiinta, culimada, warfidiyeenka, siyaasiyiinta iyo
bareyaashu sidee ayey u arkaan dulmiga intaa la’eg ee qayb dhan oo bulshada
ah dul saaran? Ma la rabaa in wax laga qabto? Mise danba lagama leh?
Ibraahin Yuusuf Axmed
Hawd99@hotmail.com
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|