SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 25, 2004

WAXAAN ARAGNAY GUUL DARRO HALYEEYO BADAN OO LAGU FAANAYO[MALA YAABTAA DADKAYAGA?

 abdisalam elmi  jamaame61@hotmail.com

BISMILAAHI ALRAXMANI ALRAXIIM.

ALSALAMU CALEYKUM.

Walaalayaal soomaalidu waxay tiraahdaa:[GUUSHU WAA HALYEEYO BADANTAHAY,GUUL DARRADUSE WAA GABLAN],maantase maxaan aragnaa? sidaase maah maahdaasi ushaqaysaa maanta? tuugadaanse maxay ku caan baxeen?

Bal aan aragtidayda ka dhiibto inshaa ALLAAH.

Waxaan aragnaa maah maahdii oo bil caksi [foorar] u shaqaynaysa,[guul gablan ah iyo guuldarro halyeeyo badan,waxaan haynaa niman ku soo caanbaxay dhib iyo luggooyo ay DIIN,DAD iyo DAL ugaysteen,ninba ninkii uu ka dhibaatayn badanyahay waa laga maamuusi ogyahay, lagana jecelyahay,bal akhriste ila fiiri waxa ay qiimaha ku yeeshaan:

Marabtaa in magacaaga la sheeg sheego oo aad qof caan ah noqotid,marabtaa inaad hadba dayuurad dalalka dibadaha u raacdid oo hadba hotel raaxo leh dagtid,ma rabtaa inaad caruurtaada dibadaha waxbarasho ugu dirsatid, kuwa dad kalana aad wax ku noqotid, ma rabtaa in b.b.c lagaa wareysto iyo raadiyayashaan xamar laga furay oo bakhti noolayska ah, ma rabtaa in lagu yiraahdo loogama maarmo dib u heshiisiinta dalka oo adiga laguu dabranaado, ma rabtaa inaad taageerayaal fara badanoo indha la' oo jidbaysan heshid, ma rabtaa adigoo caami ah inaad aqoon yahanno xukuntid,ma rabtaa adigoo dable'ah inaad saraakiil xukuntid, ma rabtaa adigoo faqiir ah inaad maal qabeenno xukuntid,ma rabtaa adigoo darawal ah in hoggaamiye kooxeed laguu aqoonsado, haddii tilmaamahaan hoos ku qoran lagaa helo intaas oo dhan waad helaysaa:

Marka hore:waa inaad DIINTA ISLAAMKA la dirirtaa,dadka ku dhaqankeeda raadinaya waa inaad argagixiso ku sheegtaa oo waliba gaalada u dhiibtaa, waa inaad madaxa qofka soomaaliga ag qallajisa,waa inaad sunta nugliyerka ee maafiyada lacagta ku sooqaateen dalka ku duugtaa, waa inaad dalka kala goyntiisa ka shaqaysaa, waa in cadowga taqliidiga ah ee soojireenka ah oo asalka dagaalkeennu uu yahay DIIN,DAD iyo DAL ay naga haystaan inaad gacal ka dhigataa,qaybtaan madax bannaanida sheeganaysana har iyo haben waa inaad ka fikirtaa sidii aad gacanta uga galin lahayd,haddii tilmaamahaas lagaa helo ogow nin balo ka dhacday oo waxaad tahay bulshada dhexdeeda darajo,qaymo iyo maamuus ku leh, waxaase ayaan darro AAKHARO iyo ADDUUNYO ah ay ku habsatay bulshada araadishaasi ay qaymaha ku dhex leeyihiin.

Akhristayaal bal aan is waydiinno bulshadeenna yaa magac iyo maamus ku dhex leh, yey taageeraan, yey u hiilliyaan, yey u sacabba tumaan,yey khayr ka sugaan, yey dowlad ka sugaan, yey idaacadaha yuhuuddu [b.b.c iyo kuwa la midka ahi wareystaa] jawaabta meel dheer ka raadin maysid, waa nimanka tilmaamahaas foosha xun ku sifoobay danteennana aan ka shaqaynayn marnaba bal gumaysi u shaqayska ah.

Sheeko yar ayaan rabaa inaan ku ayyido qoraalkayga anigoo MASJID iska hor fadhiya sugayana salaad ayaa nin dhallinyaro ah oo aynaan is aqoonin sheekeeyinka nimankaan ii furay waxaad mooddaa inuu i ogyahay sida nimanka aan u necbahay,dhacdooyin fara badan ayaan kawada sheekaysanay,nin dhiigyacabyada, manaxayaasha ka mid ah ayaan magaciisa soo qaaday anigoo ka sheekaynaya dhib uu sameeyay,ninkii wuxuu ku sigtay inuu waxyeello ii gaysto, asagoo ka xun xusidda aan ninkaa isku qabiilka ay yihiin aan xusay,waan u cudur daartay una sheegay inaynaan isku mustawa ahayn nin raggaas qabyaalad awgeed u difaacaya una sheegay DIINTA ISLAAMKA inay mudantahay wax loo hiilliyo.

Haddana bal aan u soo wareegno kuwa ganacsatada ugu magaca dhaadheer,ugu guryaha waa wayan,ugu buur buuran, nin walibana uu jecelyahay inuu la xidido lacagtiisa faraha badan ee xaaraanta ah darteed, gacansatadaasi xaggee lacagta ka keeneen maxayse ka ganacsadaan, xaggeese ku bixiyaan?

Waa nimanka waraaqaha lacagta nooga soo dhigay maalmihii ay billaabayeen inay lacagaha soo daabacaan ayaan arkay wiil yaroo aan is naqaanay oo tuugadaas mid ka mid ah guri loo dhisayay shaqaalaha hoose xamaalatada kamid ahaa,waxaan waydiiyay meeqo ayaa lagu siiyaa? wuxuu igu yiri labaatan kun,waxaan ku iri: markii horana wuxuu igu yiri:labaatan kun, waxaan ku iri oo sow tan sicir bararku uu dhacay?wuxuu igu yiri haddii aan ka tago mid kale oo ubaahan ayaa lacagtaas qaadanaya,marka waxaan ku qasbanahay inaan ku shaqeeyo waxaas yaraanta badan.

Akhriste haddii aan kuu ifiyo si aad wax walba u fahamtid, lacagta muzayfka ama falsada ahayd intii aysan na soogalin ka hor halkii dollar wuxuu sabaynayay: [7500ilaa 8500], laakiin markii ay lacagtii been abuurka ahayd timid wuxuu isku taagay halkii dollar[22000ilaa 23000],saddex jeer ku dhawaad ayuu hal mar kor ubooday, bal fiiriya iyo sida naxariis darrada ah ee loola dhaqmayo dadka misaakiinta ah iyo maatidaba,waxaan ognahay qofkii dollar haystaa waxba ka bi'maayaan,laakiin miskiinka aan waxaan shilin ahayn haysan luggooyo xun ayaa ku dhacaysa,sda MACALLIMIINTA QUR'AANKA gaari gacanlayda,dameereyda,xammaali yaasha iyo nin walboo waxa uu ku shaqaynayaa shilin uu yahay ALLAAH uun ayaa og dhibka gaaraya.

Wax kale iska daayee heer waxaa la gaaray inta loo tago shirakadaha daawooyinka sameeyo lagula heshiiyo daawo ay ku qorantahay inay ka koobantahay wixii loo baahnaa oo dhan,laakiin gudaha waxa ku jiraa aysan jirin ama wax qofka qaataa wax yeello u gaysan karta inuu ku daawoobo iska dhaafee,waxaana suuq gaynaaya dhakhaatiir shuftadaas gacan saar la leh,wax baan qabanaana ku andacoonaya.

Haddii aad dadwaynaha la sheekaysatid waad yaabaysaa dhibaatooyinka lagu hayo maalinba maalinta ka danbayso iyo sida ay shacbigu hayyinka ugu yihiin shar iyo KHAYR wixii lala damco.

Waxaad arkaysaa shacbigii oo markii ay nafta uyaabaan dhahaya maxkamado ISLAAadMI ah maahanee xal kale majiro,markii ay nabad galyo yar helaan ama ay isyiraahdaan qabqable qabiilkiinna ah ayaa kursiga qabsan rabana ka soo hor jeesanaya DIINTA dhanba, waxaa kugu soo dhacaysa AAYADDII ALLAAH SWT uu ku yiri:MARKII AY KORAAN DOOMAHA ALLAAH KALIYA AYEY BARYAAN AYAGOO UBARAXTIRAYA DIINKA,MARKII AAN SOO BADBAADINO BANNAANKANA YIMAADAAN WAABA AYAGOO SHIRKADOODII KU LAABTAY,gaalnimadoodii.[SUURATU AL CANKABUUT AAYADDA 65AAD].

Marka aan iswaydiino maxaa ku dhacay dadkayagi iDIINKA ku wanaagsanaa sharafta lahaa geesiyaasha ahaa,maxay umuuqan la'yihiin?

Waxay u muuqan la'yihiin bulshadii ayaa xaqirtay,kana doortay shuftadaas sidii kubbaddii hadba meel u harraatinaysa.

Waa kuwaas dhallinyaradii aan is lahayn wax bay noo soo barteen ama noo soobaranayaan caayaya CULAMADII CAAMILIINTA ahayd,bal fiiriya ninka maanta AL SHEEKH XASAN DAAHIR UWAYS leh waa dhiigyacab,marna wuxuu yiri waa nin lagu shaqaysto isla markaana wuxuu ku leeyahay waa macangag,waa nin aan soo dhuuxin kana fiirsan waxa uu qoroyo warkiisuna wuxuu la midyahay [MACALLIMOW ALIF WAX MA LEH IYO WAX BUU LEEYAHAY ADIGA AYAA LAGAA HAYAA],waxaanan garanayn sababta aad dhallinyarada habargidi kaliya ugu tacsiyadaysay,ayadoo araare ay ku baxayn dhallinyaro qabiil kata leh, lana soco inaysan jirin meel XASAN uu caydid jago uu ugu magacaabay, waxaanan kuu sheegayaa haddii aan heli lahayn SHEEKHAASOO kale oo labaatan ah inay maanta meesha dadkeennu yaallaan naga qaadi lahaayeen,ninkii aad afhayeenka u ahaydna oo markii towbad sheekadu maraysay waqti waayayna waa kanaa waqti dheer soo helay asagoo waliba ingiriis sheekadii u baddalay asago leh rag fara badan oo MASHAA'IKH ah oo qabaa'il fara badan ka kooban waxay ku jiraan buugga madow ee kaba wayne maraykan.

waxaan ku leeyahay adigu ha galin kuwa uu yiri magacooda waxaa la geeyaa sijjiin[ naar dhulka hoostiisa ah,qofkii naartaas magaciisa la geeyo ayaa hoogay,qofkii inuu MUSLIM yahay gaalo magaciisa ay u haysatana wuu libaanay.

ALLAAH AYAA WAX MAGAN IYO WAX MUUQDABA OG.

WALSALAAM.

abdisalam elmi  jamaame61@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 
Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Qoraal cilmi baaris ah: Prof. Yusuf Hersi Ahmed  Guji

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD