SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 25, 2004

Daahir Riyaale oo ku hungoobay socdaalkiisa Britain

W.Q: Mohamud Yusuf Garre

Waxaa dhowrkii casho ee lasoo dhaafay socdaal  ku joogay wadankan Ingiriiska madaxweynaha dowlada iskeed isu magacawday ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo wafdi uu hogaaminayo.

Intii aanu Riyaale imaan Ingiriiska ayey saxaafada reer Somaliland waxey fidinayeen warar sheegayey in Riyaale khudbad ka jeedin doono baarlamaanka Ingiriiska maalinta Arbacada ee ay bishu tahay 17 Maarso. Hadaba doraad oo aheyd 17ka Maarso maxaa qabsaday Riyaale iyo wafdigiisa.?

Aroornimadii Arbacada ayuu Riyaale booqday wasaarada arrimaha gudaha ee Britain halkaasoo uu kula kulmay sarkaal wasaarada u qaabilsan arrimaha qaxootiga laguna magacaabo yahay Beverly Hughes, waxeyna kawada hadleen suurtagalnimada in qaxooti reer Somaliland ah oo sharciga loo diiday loogu celin lahaa Somaliland.

Maalintaas arbacada ee ay bishu aheyd 17ka Maarso waxey ku beegneyd maalinta ugu muhiimsan shaqooyinka uu qabto baarlamaanka Ingiriiska waayo waxey aheyd maalin uu baarlamaanku ansixinayey miisaaniyada qaranka ee 2004.

Waxaa aroornimadiiba baarlamaanka buuxiyay dhamaan xubnaha dowlada Ingiriiska oo ay ugu horeeyaan ra'iisul wasaare Tony Balir, ku xigeenkiisa John Prescot, Chancellorka dhaqaalaha Gordon Brown iyo dhamaan xubnaha dowlada iyo xildhibaanada labada aqal ee sharci dejinta.

Waxaa dhacday in Riyaale iyo wafdigiisa ay la socdaan dhalinyaro aad u da' yar ay duhurnimadii isugu yimaadaan aqalka baarlamaanka hortiisa isla markaana Riyaale khudbad u jeediyay dhalinyaradii halkaa isugu timid oo la sheegay in aaney sidaa u badneyn.

Khudbadii Riyaale ee dhalinyarada reer Somaliland kadib, waxey ciidanka booliisku u sheegeen Riyaale in uu meesha ka dhaqaaqo kadib makii ay qaar kamid ah dhalinyaradii halkaa isugu timid ku kaceen falal aan munaasab aheyn, wuuna aqbalay Riyaale amarkii ciidanka booliiska oo waxey Riyaale iyo wafdigiisu u dhaqaaqeen hotel ku yaala bartamaha London, halkaasoo ay ka qadeeyeen.

Hadaba miyaaney ayaan daro aheyn beenta aan xishoodka laheyn ee ay saxaafada Somaliland u tebineyso shacabka Soomaaliyeed? iyagoo 30kii casho ee lasoo dhaafay ku andacoonayey in Riyaale khudbad heer qaran ah ka jeedin doono baarlamaanka Britain, balse xaqiiqadu noqotay in Riyaale laga soo eryo banaanka aqalka baarlamaanka iska daa khudbad uu ka jeediyo gudaha baarlamaanka'e.

Kama xumin booqashada Riyaale ee Britain waana mid aan soo dhoweyneyno balse waxaa wax laga xumaado ah beenta uu  maamulka Riyaale ka dhaadhicinayo shacabka Soomaaliyeed isagoo adeegsanaya saxaafada aan qaangaarka aheyn ee reer Somaliland.

Riyaale iyo wafdigiisa waxey wadankan kusoo galeen baasabooro Soomaali ah waxeyna visa kasoo qaateen safaarada Ingiriisku ku leeyahay dalka Itoobiya, waxeyna Riyaale iyo wafdigiisu degen yihiin hotel ay lacagtiisa iyaga iska bixinayaan.

Saraakiil ka tirsan wasaarada arrimaha dibada ee Britain ayaa horay u sheegay in aaney ka warqabin booqashada Riyaale, iyagoo intaa raaciyay in hadii ay arintaasi jirto ay tahay booqasho shakhsi ah.

Mohamud Yusuf Garre

Qoraaladii Hore ee Garre,,, Guji

Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

WARARKA HARGEYSA,,, GUJI

 
Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka AIDS-ka
Qoraal cilmi baaris ah: Prof. Yusuf Hersi Ahmed  Guji

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD