Axmed
Muuse Cabdulle(idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Guud Ahaan Mudadii Buburka& Dagaalada Sokeeya Soomaaliya Halakeeyan
Ayaa Waxaa Lumay Guud Ahaan Dhaqankii &heeybadii Umada Soomaaliyeed
Lahaayeen Dhinaca Walba Waxaadna Moodaa Un In Ay Kamid Yahay Guurkuna
Tiirarkaa Qiimiga Ku Fadhiye Ee Soomaaliyeedoo Lumay.
Hadaba Guurka Waa Astaanta Dhaqanka Suuban Waana Taranka Bulsha
Waynata Ku Dhaqan Dunidan Anu Ku Noolahay In Kastoo Maanta Ay Iilbaxnimo
Noqotay Yareenta Dhalmada .
Guurku Waa Il Qaboowsigeena Dhalaanka Anu Jacelnahayna Ka Helno Guurku
Waa Rugni Diinta Islaamku Nagu Dhiirigaliso Ayadoo La.amrayo In
Dhalinyaradu Guursadaan Ama Soomaan Guurku Waa Sheegayga Ugu Qiimiga
Badan Ee Rabi Adoonkiisa Ku Abaalmariyo Iyadoo Lasiiyo Dadka Janada Rabi
Geeyo( Xuurul Cayn) Hade Waxaan Filayaa Mar Hadii Janadiiba Rabi Noogo
Nimceeyay In Guurku Yahay Rugni Diintu Qadarisay,
Diinta Islaamku Waxa Ay Kabiloowda Guurku Naguna Amartay Masnaa
Wasulaasa Warubaaca Bal Fiiri Gacaliye Qiimiga Guurka Ogoow Looma Baahna
Tacadi o Waxaa Siiraacaya Hadeeydaan Cadli Faleeyn Hal Guursada Laakiin
Maanta Dumarkeena& Rageenuba Uma Baahna Dhaqankaa Islaamiga.ah Ee Waxaa
Laqatay Dhaqanka Reer Galbeedtka Ee Sida Wayn Uga Soo Horjeeda Diinta&
Siyaadida Bulshada Islaamigaa Dumarkana Waxaa Lagu Dhiiri Galiyay In Ay
Eryaan Ragooda Hadiiba Lala Guursado ..
Hadaba Guurka Wanaagaa Badan Leh Soomaalidu Sidee Ayeey Uguursadaan
Sideese Uxushaan Gacaltooyadooda Ay Rabaan In Ay NoloshaLa Wadaagaan
Soomaalidu Waxa Ay Tiraahdaa Guurku Waa God Gacanta Gasho Godna Wax Walba
Kafilo Colaad& Nabad Waxaa Kaloo Soomaalidu Tiraahdaa Nin& Afadii Colaad&
Nabad Midna Maahan Taasina Waa Been An Sal& Raad Midna Laheen Rabigeena
Ayaa Noo Cadeeyay Oyiri Waxaan Dhaxdiina Yeelnay Isjaceel& Naxariis.
Dhinaca Kalle Soomaalidu Waxa Ay Isu Guursadaan Qabiilka Goboleeysiga
Hanti Dano Gaar Ahaaneed Ama Haka Timaado Gabadha Ama Wiilka Wax
Guursanayee Waxaana Soomaalidu Marka Ay Qabyaalada Isku Guursanayaan
Yiraahdaan Waxaa Taqaano Guuri Waxaa Taqaneey Dhalaane Laakiin Soomaalidu
Iskuma Guursadaan Sida Waafaqsan Diinta Ama Xitaa Dhaqamada Hada
Soomaalidu Qadariyaan Ee Reer Galbeedka Dooq Doorasho Isjaceel Xariir
Waayo Soo Jireena
Hadaba Waayadan Waxaa Soobaxay Dhaqan Rog Badan o Dhinac Walba Leh
Guurkuna Waxa Ukamid Yahay Dhaqan Rogaas Wax Waliba Isbadaleen Waxaad
Arkeeysaa Goobaha Qaar Dumar Lamood& Raglamood Hadaad Aragto Adan
Naftaada Daaye Ku Aminteen Xoogaa Eyo Ah Hadana Wada Gorfeeynaya Guur
Dumarka Qiimiga Badan Ee Soomaliyeed Waxaa Sharafta Kaqaday Faruuro
Guduud Casarkii Wadada Meermeeraya Meel Adkamartana Adan Heleen Waayadan
Danbe Waxa Soo Baxay Dumar Badalay Quruxsanaantii Eebe Udhaliyay Kuwasoo
Isticmaalo Daawooyin Dhalan Roga Jirkooda &Muuqalkii Dahabiga.ahaa Ee
Caadada Ulahaayeen Dumarka Soomaaliyeed.
Ragbadano Calaf Doona Ayaa Mooda Dumar Wacan Naftoodana Horumar
Uhorseedi Kara Laakiin Markii Ay Guursadaan Waxa Ay Kala Kulmaan
Dhibaatooyin Badan Dhinac Walba Hanoqotee Waxaa Sidoo Kalle Waayadaan
Batay Guurka Loo Yaqano Xawilaada Guurkaas Inta Badan Waxa Isticmaala
Dadka Kunool Wadamada Soomaaliya Dibada Ka.Ah Gaar Ahaan Yurub&Ameerika
Waxaa Jirta In Qof Kunol Wadamadaas An Soo Sheegnay Dalbado Shaqsi Ku
Sugan Gudaha Soomaliya Waligiis Ma.arag Lama Sheekeeysan Dabeeca Qofkaas
Shaqsiyadiisa Midna Waxba Kama Yaqaano Laakiin Waxa Laga Yaabaa In u Arko
Sawirka Qofkaas Dabadeedna Dalbado Dhaqanka Dabeecada Aqoonta Midna Kama
Sina Laakiin Waxaa Barnaamishkaan Ka Soo Shaqeeya Dad Un Dano
Qabyaaladeed Wata Hanoqoto Xigtada Wiilka Ama Gabadha,
Guduud Looma Raaco Haween Gobolba Waa Ceeyne Isku Gadhay Gabadhaa
Tiraa Meel Un Baa Go.ane
Hadaba Dumarkeena Soomaaliyeed Waxaa Kujira Dumar Wali Wata Dhaqankii
&Asluubtii Diinteena Suuban Gayaana Leh Laakiin Ikhiyaareey Waayadan
Waxaa Batay Qashin Ueg Dumarkeenii Soomaaliyeed Ee Asluubta Rabi
Kumaneestay Hadaba Maanta Waxaan Idinkaga TIxdan Qeebta Danbe La Soco
Kuna Raaxeeyso Tixdan Waxaa Kuu Soosocda Guurka Soomaalida&Yurub Gacal
Doorasha Guurka
Ma geyoon ma gamashiyin
Ma gommodin ma gaagixin
Ma gabloobin maan gudhin
Mana gabin halkaygii
Gabaygiina maan deyn
Geeraarradaydii
Imminkaan gardaadshoo
Weli maan gunaanadin
Murti nimaam gunteediyo
Baran gogol-dhiggeedoo
Gonda degi aqoonoo
Garab-daar lahayn baa
Gawl-gawla hadalkoo
Kolba dhinac garoocdee
Sida Webi Ganaanoo
Cirka godollo maaloo
Biyihii ku gaaxdiyo
Gebiyadii kusoo degey
Ku darsaday gufaaciyo
Gullama diriroo
Galli jabay habeenkii
Kolba gacan masoo rogay
Qudhaciyo galoolkii
Gunta xididka maw jaray
Dhulka wada galaal iyo
Gabbalaha makaga tegey
Afartaa geddaydii
Dhaha laygu garan jirey
Gurmashada dagaalkiyo
Gulufkiyo colaadaha
Goobaha naf waagiyo
Halka laysku gowroco
Marka gorodda lays daro
Haddaan dumarku goonyaha
Guubaabo kicinayn
Sida galowga dhiilloon
Illaa geesi qayrkii
Birta kuma gumaadeen!
GuŽ hagaagay oo daŽay
Dhulka geedo jiifaan
Gurya-samo barwaaqa ah
Haddii geeddi lagu furo
Dhallinyaro is gurataa
Gurdan raaca fiidkii
Gole weyn ku kulantoo
Cagta garan-garkeediyo
Isu geysa jiibkoo
Googooska luuqdiyo
Gedda sacabka loo jaro
Hablahaa u gaaroo
Garashada codkoodaa
Qof gaboobay kicisoo
Gelbiskiyo mashxaraddaa
GamaŽkaa ilaashee
Haddaan gabadhi boodeyn
Illaa gegi cayaareed
Wax ma dhaanto geriyaad
Haddaan guudka laga jarin
Gudihiisa xaabkiyo
Cayayaanka laga gurin
Marwo dumar garka u xidhan
Illayn guri dugsoon maleh
Gaadaha habeenkii
Kelidaa galgalashiyo
Ged-geddoonka dhalisoo
Adigiyo goŽaagaa
Hadba dhinac u guuroo
Barkintaad gabbood iyo
Gaashaan ka dhigataa
Haddaan guud haldhaaley
Kolba gacan la saareyn
Illayn gogoshu wehel ma leh
Kuma galo adduunyada
Ninna goonni-socodkoo
Marwo garasho dheer baa
Ninka raga u gudinoo
Iyadaa guddoonkiyo
Gadh-hayaa naftaadiyo
Gaadiidka reerkiyo
Gurgurshaaga noqotoo
Arrin kula gorfaysee
Haddaan gaari kula jirin
Illaa noloshu guul ma leh
Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga goleeyey
Go'i waa barbaareey
Gobi waxay ku dhaqantaa
Garab waxay ka dhigataa
Gallad waxay ku dheeftaa
Samo waxay ku gaadhaa
Gololadda haweenkee
Hiddaheena gaarka ah
Hablihii gabowgiyo
Geerida ku sugi jiray
Hablihii garayskiyo
Xiran jiray guntiinada
Hablihii gu' iyo dayr
Sida baarqab golongolay
Dhexda xarig ku goyn jiray
Hablihii garaaraha
Gaatan-socodka laafyaha
Sida gorayga ciideed
Gelbin jiray tallaabada
Hablihii gun iyo baar
Isha gacalo-eegtaa
Gama aanay ledi jirin
Hablii talada guunkiyo
Gunti jirey xishoodkee
Hadlakoodu gaabnaa
Hablihii gef hooyiyo
Qarsan jirey guhaadee
Haday godolo soomaan
Haddey gaajo liitaan
Cidi aaney garan jirn
Hablihii gammaan faras
Iyo geela ugubka ah
Guur doon ka bixin jiray
Hablihii Gargaariyo
Guuleed ku curan jiray
Goldaloolo iyo ceeb
Hablihii ka guban jiray
Hablahaan gankoodiyo
Hilibkooda gadi jirinee
Haddii aad gujeysaan
Guulguul ku leysaan
Godol qudha ku moodaan
Gabal kooda dumisaan
Hadba tooda goosha ah
Ganacleyda jabisaan
Dadku gabanaa xooriyo
Garrac ley yidhaahdaan
Inagoo gumeyniyo
Dhaqan guurey weeyee
Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga gon leeyahay
Godob aabbe faleybaa
Ubadkiisa gocondhiyo
Gumarshiga ku noqotee
Gabi dheer ku dumisee
Ninka inan ma geyda
Golqaniin ku maalee
Guraac kaga daneystow
Waxaad gaax saneysiyo
Gashigaad cuneysiyo
Xumahaad galeysaa
Ruuxey ka goan tahey
Gabadhaada weeyee
Gafka aad faleysiyo
Waxaad geysanasaa
Galabkale ka sheekeyn
Gebagebada sheekada
Bal aan soo gunaanado
Guddoonsiiyo jiiftada
Gabigeed adduunyada
Gobol-gobol u qaadoo
Hablo weerar geli kara
Hablo geela dhicin kara
Hablo geesi dili kara
Gobonimana hanan kara
Hablo talada goyn kara
Garta madal ka niqi kara
Garashana iskaga mida
Quruxdana ka wada gob ah
Geesteena mooyee
Gayi kale ma joogaan
Hadaba Waxaa Filayaa In Maanta Intan Idinkaga
Filantahay Tusaalaha Guurka Waxaana Idiin Soo Socda Qormadeena Xiga
Tusaaloyin Kale Guurkaagu Waa Miraha Mustaqbalkaaga
Axmed
Muuse Cabdulle(idaawaqaca)
axmeddheere65@hotmail.com
Keenya/Nayirobi
Faafin: SomaliTalk.com | March 25, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO