SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ETHIOPIA

March 24, 2004  
 

Wararka Ethiopia ee Maanta

Dr. Negaso Gidada: Waa in si degdeg ah loo soo celiyo xuquuqdii ay lahaayeen ismaamulka Gambella

Wasiirka arimaha federalka ee Ethiopia ayaa sheegay in 60 qof ay ku dhinteen,inku dhaw 10,000 ay u qaxeen dhanka sudan shaqaaqooyinkii ka dhacay Gobolka gambella ee Ethiopia labadii bilood ee u gu danbeysay.

Mr.abbai tsehaye wasiirka arimaha federalka ayaa sheegay mar su’aalo laga weydiinayey isaga oo hor jooga parlemanka jamhuuriyada democracyga ee Ethiopia talaadadii, in 60 qof oo katirsanaa qabiilka layidhaahdo agnuak ay ku dhinteen,halka 74 qof oo u dhashay buuralayda sare ee dalka ay iyana ku nafwaayeen, laguna gubay Guryo dhan 410 ,shaqaaqooyinkii ka dhacay Gobolka Gambella ee Ethiopia .

Wuxuu intaa ku daray abbai in tiro aan laga ranaynina ay ka baxday xuduuda u dhaxaysa dalka sudan iyo Ethiopia.

Dhanka kale waxaa canbaareyn xoog leh ay dawlada ooga timid heer calami iyo mid gudeba,

Dr. Negaso Gidada oo ahaan jiray madaxweynihii hore ee jamhuuriyada democraciga Ethiopia ayaa ku sheegay hadal lagu daabacay jariirada af Engilishka ku soo baxda maqaalkeedii arbaca mar.24.04 in ay dawladu ka gaabsatay sugida amaanka ee qabaa’ilka wadda dagan halkaas,isaga oo ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan loogu soo celiyo xuquuqdii ay lahaayeen ismaamulka Gambella, sida laga warqabana waxaa jirtay kadib markii shiqaaqooyinkaas ka dhaceen Gobolkaas ay dawlada dhexe ee federalku ay la wareegtay maamulkii Gobolka gambeela.

Dhanka kale waxaa Dib loo dhigay shir ay lahaayeen xubnaha Gudida fulinta ee deegaanka soomaalida,shirkaas oo la shegayo in dib logu dhigay sabab la xidhiidha khilaafaad u dhaxeeya Gudida Fulinta ee kilika.

Abdirahman

 Faafin: SomaliTalk.com | Ethiopia | Maarso 24, 2004

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD