ITOOBIYA IYO SOOMAALIYA MAXAA KA
DHEXEEYA!!?
W/D:- MOHAMED HUSSINE JIMCAALE (JANTIILE)
E-MAIL:-
jantiile12@hotmail.com
Qoraa ahaan anigoo ka jawaabaya su’aasha aan
cinwaanka kaga dhigay Maqaalkaygan ayaan leeyahay waxaa ka dhexeeyay labadan
dowladood catowtinimo raagtay, waayo Dowladda Itoobiya waxaa kala dhexeysay
Soomaaliya cadaawad soo jireen ah, taasina waxaa marag ma doonto u ah in
Dowladihii kala duwanaa ee soo maray Itoobiya ay u sacyiyayeen ama u xusul
duubayeen sidii aanay marnaba salka u dhigin Soomaaliya ama aysan uga dhalan
gayiga Soomaaliya wax maamul ah.
Cadowtinimada soo jireenka ah ee ay Itoobiya
u qabto Soomaaliya waxay soo billaabtay qarniyadii dhexe xilligaasoo ay iska
horyimaadeen Geesigii Axmed Gurey oo diiddanaa gumaysiga Itoobiya ay ku
haysay markaas dadyowgii deggenaa geeska Afrika ee aan ilbaxa ahay, waxa uuna
Geesigaas Soomaaliyeed gayaysiiyay itoobiya inay ka cararto dhammaan
dhulalkii ay dagaanayeen dadkii Itoobiyaanka ahaa, wax uuna gaarsiiyay inay
Itoobiya dabada la gasho dhulal fog-fog oo xitaa dhaafsiisan geeska Afrika
sida ay qorayso Taariikhaha adduunka; gaar ahaan Taariikhda Geeska Afrika.
Dagaalladii dhex maray Axmed Gurey ALLAHA u naxariistee iyo dowladdii
Abasiiniya (Itoobiyada Maanta) waxay gundhig iyo aasaas u yihiin
cadowtinimada ay maanta ku hayso dowladda itoobiya shacbiga Soomaaliyeed ee
muddada dheer ku soo jiray dagaallada sokeeye, iyadoo taas ka
faa’iidaysanaysana waxay itoobiya geed-dheer iyo mid gaabanba u gashay ama u
fuushay sidii ay Soomaaliya uga dhex abuuri lahayd deggenaasho la’aan aan xad
lahayn, iyadoo taas u adeegsanaysa rag Soomaaliyeed oo aan iyagu ku
baraarugsnayn cadowtinimada intaas le’eg ee ay Itoobiya u hayso guud ahaan
shacabka Soomaaliyeed.
Haddii aan tusaalooyin dhowr ah u soo
qaadanno cadownimada ay itoobiya u hayso Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxaad ka
garan kartaa markii 1964-kii ay Boqortooyadii Itoobiya ee uu horkacayay Hayle
Salaasihii Geeriyooday maalin cad go’aan ku gaareen inay weerar ku ekeeyaan
dowladda Soomaaliya ee cusub si ay u curyaamiyaan howgalladeeda ku aaddan
sidii ay shacabka Soomaaliyeed ugu kifaaxi lahaayeen nabadgalyo iyo nolol
wacan. Waxay taasi dhalisay in shacabka Soomaaliyeed ay jilibka u laabaan
weerarrada gardarada ee Abasiiniya, iyagoo dareensanaa inay doonayso inay
faragelin ka dhan ah Shacabka Soomaaliyeed ku sameynayso guud ahaan dhulka
Soomaaliya, nasiib-wanaagna waxay taasi keentay inay guulaystaan geesiyaashii
Soomaaliyeed ee u baabac dhigay boqortooyadaas soo jirtay in ka badan
1500-sano, iyagoo ogaa inay iyaguna yihiin dowlad jirta 4-sano oo qura,
waxaan ku dhintay dagaalladaas Allaha u naxariistee Waddaniyiin badan oo
Soomaaliyeed. Digtatooriyadda Itoobiya ee ka dhanka ah Soomaaliya waxay mar
kale soo maaxatay markii 1977-kii ay dowladdii Abasiiniya (Itoobiya) ee uu
horkacayay Mingistu Hayle Mariam goosatay inay weerar ka culus kana weyn kii
hore (1964-kii) ku qaadaan dowladda Soomaaliya ee jirtay xilligaa 17-ka sano,
waxaase mar kale jilibka u laabay oo aan qaadan gardarradaas qaawan geesiyaal
Soomaaliyeed oo qaarkood ay maanta iilka ugu jiraan iyo iyadoo kuwo kale ay
curyaamiin u yihiin, waxaana dhacday in dowladda Itoobiya oo ay kaalmaynayaan
Masiixiyiinta ay ugu waaweyn yihiin Mareykanka, Ruushka, Cuba, Jamaica iyo
kuwo kaleba ay u baabac dhigi wayday geesiyaashii Soomaaliyeed ee naftood
hurayaasha ahaa, waxaana dhacday in dowladdii Itoobiya laga saaray dhammaan
dhulka Soomaali-galbeed iyadoo ay intaas u dheer tahay in saddex meeloodoo
labo meel dhulka itoobiya uu gacanta u galay Geesiyaashii Soomaaliyeed ee ka
hor tagay hagardaammada Itoobiya.
Itoobiya mar kale ayay indhaheeda ku argtay
in Soomaaliya ay tahay xoog ka jira geeska Afrika, kaasoo kula tartami karta
madaxnimada iyo maamulka geeska Afrika, waxayna taas dhalisay inay Itoobiya
ka fikirto sidii ay Soomaaliya u noqon lahayd meel ay danteeda ka fushato,
una kala dhantaali lahayd xoogga iyo awoodda Soomaaliyeed ee intaas le’eg,
waxayna dowladdii Itoobiya ee uu horkacayay Mingistu billowday inay abuurto
jabaahido kala duwan si ay ugu kiciso dowladdii Soomaaliya ee afka ciidda u
dartay Abasiiniya, runtiina Itoobiya way ku guulaysatay inay meesha ka baxdo
dowladdii dhexe ee Soomaaliyeed, Inkastoo iyadiina (Dowladdii Itoobiya)
meesha laga saaray. Itoobiya waxay isku dayday iyadoo dhagar ka wadata inay
dhex-gasho shacabka Soomaaliyeed una sheegto inay tahay saaxiibka keliya ee
ay ku leeyihiin geeska Afrika, waxaana dhacday inay Itoobiya u soo dirsato
gudaha Soomaaliya oo ay rabshado ka jireen dad Itoobiyaan ah si ay uga hesho
xog dhab ah shacabka Soomaaliyeed iyo firkadaha ay ka qabaan jiritaanka
dowladda itoobiya, waxayna noqotay in taasi ay ku keeni wayday wax natiijo
ah, ugu dambeyntiina ay itoobiya ku marmarsiyooto in Soomaaliya gudaheeda ay
ka jiraan kooxo argagaxiso ah iyadoo ula jeedda dadka Soomaaliyeed ee
fartoomay wixii RABBIGOODU faray, kana reebtoonaaday wixii RABBIGOODU ka
reebay.
Si kastaba ha ahaatee waxaa dhacday in
Itoobiya weerarro ku soo qaado qaybo badan oo dalka Soomaaliya ka mid iyadoo
qabsatay qaybo ka mid ah gobollada Gedo, Bay, Bakool iyo Hiiraan iyadoo ku
andacoonaysa inay yihiin goobaha ugu badan ee ay ka jiraan Kooxaha ay
tilmaantay, waxaa kaloo intaas ka sii daran in Itoobiya ay beryahaan dambe
billowday inay amarto guddoomiyeyaasha degmooyinka ay sameysteen dadka
deegaannadaas deggan haddii ay diidaan amarka Itoobiya ay xarig la beegsato
iyadoo weliba sheegaysa inay yihiin Mujrimiin amar diiddo ku kacay, waxayna
ku dhacday middaan labada guddoomiye ee Degmooyinka Dooloow-Soomaaliya iyo
Baladweyn.
Dhanka kale, Dowladda cadowga Itoobiya,
waxay caado ka dhigay inay ka hortagto sasaan nabeed oo kasta, taasoo ay u
argot in Soomaaliya iyo ay kaga baxayso qaska, Qalaanqulka iyo barbaryaaca
soo jiitamayay muddada dheer, waxayna itoobiya doonaysaa in inta ay jirto
Somalia ay sidaan uun ku raagto, balse waxaan leeyahay, anigoo hadalkayga soo
gababeynaya, WAX UU ALLE DOONO UUN BAY SOOMAALIYA AHAAN MUSTAQBALKA, waxa ay
itoobiya doonaysana waxa ay ku dambeyn dhib iyo ka aargudasho dambe haddii
RABBI idmo…
W/D:- MOHAMED HUSSINE JIMCAALE (JANTIILE)
E-MAIL:-
jantiile12@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 23, 2004
WARARKA:
BOOSAASO |
HARGEYSA |
MUQDISHO |
NAIROBI |
QURBAHA |
XORIYO
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.