Dhibaatooyinkaas uu qofka ilgayrta ka hadlayaa dareemayaa
waxay sii daran yihiin haddii uusan qofku weligiis ilgayr ka hadlin. Waxaa
kale oo uu qofku dhibta ilgayrta aad u dareemaa haddii uu la hadlayo dad ka
heer duwan kuwii uu la hadli jirey, sida in uu qof macallin ahi ka horhadlayo
macallimiin ay siminaar ku kulmeen ama dad kale oo ka heer duwan dadkii uu la
hadli jirey.
Dadka badankoodu waa ay ka baqaan in ay ilgayr ka hadlaan,
waxaase jira dad dhifdhif ah oo iska jecel in ay ilgayr istaagaan oo ay ka
hadlaan, laakiin waa dad aad u yar oo waxaa fiican in aynu guud ahaan ku
adkaysanno in ay dadka dabeecad u tahay in ay ilgayrta ka wada baqaan oo aan
qof gaar ah lagu xaman karin. Isla markaas dadka ilgayrta in ay ka hadlaan
jecel laftoodu waxay u baahdaan in la baro sida ugu fiican oo ilgayr looga
hadlo oo mar walba hawlaha ilgayrtu ma ay sahlana.
Wax kasta oo dadka ku cusub waa laga baqaa sida in uu
qofku wax gado asaga oo aan weligiis waxba iibin, laakiin in ilgayr laga
hadlaa waxay ka mid tahay dhibaatooyinka ugu waaweyn oo ay dadku la wareeraan,
oo waxaa laga yaabaa in ay qaar miyirbeelaan markii ay ilgayr istaagaan.
Maqaallo hore oo aynu ku taataabannay aftahmada iyo
hadalka waxaynu in yar ka sheegnay siyaalaha ilgayrta looga hadlo, laakiin si
buuxda ugama aynu boqan arrimaha ilgayrta. Sidaas awgeed ayeynu maqaalkaan
yar ku guudmaraynaa waxyaalaha la xariira in ay dadku fagaare ka hadlaan.
Baqdinta ilgayrta in uu qofku ka sabatobaxaa waa arrin
xoogaa dhib badan, laakiin waxaa lagu yarayn karaa in uu qofku fahmo baqdinta
lafteeda. Guud ahaan baqdinta waxaa u dawo ah in la sameeyo waxa laga baqayo
ee in laga caracaa waxay badisaa baqdinta.
Dagaallada ciidanka qof kasta oo ay ku cusub yihiin waa uu
baqaa markii loo dareero, laakiin markii uu hubku qarxo baqdintu waa ay
fududaataa. Isla markaas haddii uu qofku tobaaneeye goor dagaallo noocaas ah
ka qaybgalo baqdintu waa ay sii yaraataa.
Fardaha iyo baabuurta in la fuulo oo la wadaa marka hore
waxay leedahay baqdin, hase yeesho ee markii lagu noqnoqdo baqdin danbe ma ay
jirto, waxaana malaha la mid ah in fagaare laga hadlo ayada oo aan la baqayn.
Waxyaalaha markii ilgayr la istaagi doono baqdinta iyo
walbahaarka laga magangalo waxaa ka mid ah in labo ama saddex jeer sanbabada
neef laga buuxiyo oo laga sii daayo iyo in jimicsi la sameeyo ama calaacalaha
la isku xoqo.
Baqdinta ilgayrtu waxay ka mid tahay waxyaalaha ugu xunxun
oo adduunka ka jira, waxaana dawooyinkeeda ka mid ah in la isku kalsoonaado,
oo kalsoonida loo kaalmaysto in si fiican loo diyaargaroobo.
Hadalka uu qofku ilgayrta la istaagayo in uu sii
qorshaystay baa ka mid ah waxyaalaha lagaga sabatabaxo lurta ilgayrta, waana
in uu qofku aragtida uu sheegi doodo isku dubboridaa.
Sida hadalka loo habeeyo waxaynu ku soo dulmarnay maqaallo
kale, waxaana qofkii baqaya la gudboon in uu si fiican u xafido waxa uu ka
kadli doono si aysan baqdinta ilgayrtu uga kala daadin.
Bilow, duluc iyo dhammaad uu qofku og yahay waa in uu
samaystaa, waana in uu dadka dareenkooda soo jeediyaa. Arrinta uu qofku ka
hadlayo waa in uu qeexaa, waana in uu hadalka xubinba mar si gaar ah uga
hadlaa oo uusan ku baaran.
Baqdinka waxaa badiya in uu qofku dadka iyo meesha
aragtiyo xunxun ka haysto, sidaas awgeedna waa in uusan qofku ismartiyayn oo
uu dadka soo jiidaa asaga oo u qaba dad fiican oo uu la hadlayo qof ay jecel
yihiin.
Haddii uu qofku isku badiyo sawirro xunxun oo uu dadka iyo
hadalka ka haysto waxaa ku sii badanaysa baqdinta ilgayrta, sidaas darteed
waa in uusan qofka ilgayrta ka hadlayaa qaneecada iska qaadin ee uu niyadda
khayr gashadaa.
In uu qofku neceb yahay fagaarekahadalka iyo in uusan
diyaarsanayn waa in uu niyadda ka saaraa oo uu iska dhaadhiciyaa in uu ku
habboon yahay oo uu awoodo in uu meel ilgayr ah ka hadlo.
Xumaan oo dhan in uu niyadda ka sifeeyo oo uu hadalkiisa
diyaarsado waxaa weheliya in uu si fiican u shanlaysto oo uu lebbis fiican
qaato, waayo dadka badankoodu dharka fiican waxay u qabaan in uu macne u
kordhiyo qofka qaba.
Haddii uu qofku jawaan uu sarreen ka dhammaaday soo
guntado iyo haddii uu suud ama khamiis oo gashado xagga hadalka waa isku mid,
laakiin waxaa jira dad badan muuqaalka ku xisaabtama. Sidaas awgeed waa in
dhar fiican lagu khatalaa dadweynaha.
Walbahaarka ilgayrta waxaa lagu sahli karaa in aan la soo
daahin ee xilli fiican la isku soo beego meesha ay dadka lala hadlayaa
joogaan iyo in sansaanka oo dhan lala socdo oo aan la gabgablayn.
Ilkacaddayn iyo farxad waa in uu qofku iska muujiyaa
markii uu fagaaraha soo istaago, indhahana waa in uu dadka xaggooda u
jeediyaa ee uusan madaxa hoos, kor iyo geesaha u meermeerin.
Dadku markii ay foorjoobaan hadalka waa ay boobsiiyaan,
sidaas awgeed waa in uu qofku aashiis u hadlaa oo uu meelaha xiisaha leh
xoogaa aamus ah geliyaa, waana in uu iska ilaaliyaa istustus ama in uu iska
dhigayo qof uusan ahayn oo uu si dabiici ah u hadlaa.
Dadka uu la hadlayo waa in uu u sheegaa xilliga uu
hadlayaa inta uu ahaan doono, waana in uu gacalnimo iyo tixgelin u muujiyaa
si ay ugu maleeyaan in uusan qallafsanayn.
Qofku waa in uusan naftiisa buunbuunin oo uu si sahlan
dadka ula hadlaa. Marka aynu buunbuuninta nafta ka hadlayno kuma koobna
ilgayr keli ah ee qof kasta ee dad la hadlayaa waa in uu ogaado in aan lagu
jeclaanayn in uu naftiisa muujiyo.
Saxaafadda meelo ka mid ah ayaa dhawaan waxaa laga
waraystay nin magaciisa la yiraahdo Hadraawi, oo maansada afka soomaaliga
dadka tiriya ka mid ah, wuxuuna hadalkii ku daray sidaan: ”Dad badan oo
maansoon lahaa ayaa magacayga weyni ka horjoogaa in ay afka kala qaadaan,
waxaana doonayaa in aan madax u noqdo dadka maansooda gebi ahaanba, mana
jecli in boqornimo la igu sheegsheego…”
Dad badan baa waxay u qabaan in hadallada noocaan ah ay ku
jeclaanayaan dadka maqlayaa, laakiin waa in la ogaadaa in aan dadka lagu soo
jiidan in islafiicni la tuso. Mar kasta oo uu qofku naftiisa qaadqaado wuxuu
ka soo deganayaa jaranjarta sharafta, wuxuuna u sii daqdaq leeyahay sagxadda
ceebta iyo foolxumida.
Nin la yiraahdo Richard Denny oo arrimahaan aad u baaray
wuxuu yiri: ”Qofkii dad la hadlayaa waa in uu ku muudalaa oo uu ku bakhaylaa
ereyga ’aniga’ oo uusan naftiisa dadka dhuunta ka gelin”.
Waxyaalaha hadalka xumeeya waxaa ka mid ah in uu qofku
raallingelin ku bilaabo hadalka. Dad badan baa waxay moodaan in uu hadalku u
fiicnaanayo haddii ay ku bilaabaan: ”Waxaan ka xumahay in aanan ehel u ahayn
in aan idinla hadlo, oo aanan u qalmin in aad wakhtigiinna qaaliga ah igu
lumisaan!”.
Sidaas wanaag iyo soojiidasho laguma helo, waxaase ka sii
daran in uu qofku fagaareha yimaado asaga oo qayilaya ama tubaako cabbaya
amaba daasad khamro ah midigta ku haysta ama rumayanaya ama findhicilaya!
Dadka qaar baa waxay moodaan in lagu jeclaanayo in ay hal
mar oodda ka qaadaan cilmi iyo taariikho badan oo waxay ku khudbeeyaan
metelan 1984 abriil labadeedii wuxuu waraabe dhaawacay sac rimay 1983 mishii
nofember siddeeddeedii, waxaana arrintii baaray booliska oo 1985 may
labadeedii meeshii saca lagu dhaawacay u diray askeri ay naagtiisii ku
dhimatay dagaal dhacay 1982 bishii sagaalaad lixdeedii!”.
Waxyaalaha qaabkaas leh dad baa cilmi u qaba, waana in la
ogaado in ay dadku nacayaan qofkii sidaas oo kale u hadla. Waxaa kale oo
soomaalida hadalkeeda dila kuwo ku barxa ama ku walaaqa ereyo iyo tuducyo
qalaad oo isugu jira waddaado nacasyo ah iyo kuwo aqoon been ah sheegta oo
aan weli la arag wax ay aqoontooda ku qabteen.
Afafka qalaad soomaalida waxay ku hayaan dhibaato naxdin
leh, waxaase kale oo aan qofka khudbaynaya u fiicnayn in uu dadka kula hadlo
ereyo meel u gaar ah oo aysan dadku wada aqoon sida in uu dad aan beeraha
waxba ka aqoon ugu khudbeeyo sidaan: ”Abuurka waxaannu ka dareennay in uu
dhiqle galay, waxaannuna lumihii ka dhignay lammaane. Sidaas oo ay tahay
limitaankii markii labadhegoodka la falayey lumihii qaar baan dhalan”.
Hadalka aan la fahmayni wuxuu halis ku yahay in ay dadku
ka caajisaan, oo murti kastaa haddii ay ku jirto in ereyo cabbursan lagu
hadlo waxaa ka fiican in si faseex ah loo hadlo oo dhegaha dadka lagu mintido.
Falfalxumida iyo ereyada dhaqanxumida ah waa in uu qofka
hadlayaa ka dhawrsdaa. Dhawaan waxaa laantii kharribantay ee BBC laga soo
daayey dhallinyaro soomaali ah oo walaalohood maqan wakiillo uga noqday
nikaaxyo iyo aroosyo. Waxay niman dhaqanxun oo laantaas doorsoontay ka yabqaa
dadkaas shacabka ah weydiiyeen su’aalo yaqyaqsi ah oo lala anfariirey.
”Dumaashidaa arooskeedii markii aad ka tagtay oo aad
sariirtaada tagtay dareenkaaga shahwadeed sidee buu noqday?” ayuu Xasan
Bariiso weydiiyey dhallinyaro soomaali ah, waxaana laga soo daayey laanta BBC
oo xilligaan lagu guray dad aan dhaqan iyo diin midna lahayn oo aad u xikmad
iyo aqoon yar!
Markii uu Daahir Riyaale tegey London waxaa ku qamaamay
kuwo ay dad isu xigaan oo ficilo darteed uga yaacay laantaas macnaha daran,
waxayna kuwo kale oo isla meeshaas kharriban ka sharqamaa dabadeed kuwii
adeerkood ku orday weydiiyeen ”Muxuu Daahir noo soo booqan waayey oo aad
idinku u aaddeen, sowtii ay siyaasiyiin hore noo imaan jireen oo warar noo
keeni jireen mar kasta oo ay London caafimaad u yimaadaan?”.
Jawaabtii waxay noqotay wax aan bulsho loo sheegi karin oo
aad sharaf iyo tayo daran, waxayna ahayd ”Waa siyaasi aad u weyn, oo dadkaas
kale la uu mid ma aha!”. In uu qofku siyaasi yahay ma waxaa lagu gartaa in
uusan saxaafadda soo booqan oo uu ka baqo, ka dibna ay u soo dhuuntaan ciyaal
ay isku qolo yihiin oo caqli iyo dadnimo yari?
Waxaynu uga jeednaa in qofkii mujtamac guud la hadlayaa
uusan dumaashi loo niyoonayo iyo qabyaalad daciifnimo ah ku meeraysan ee uu
wax abbaartiisa ah ummadda maqashiiyo.
Qofka hadalkiisa waxaa qurxiya in uu iska dhigo in uu
dadka uu la hadlayo ka mid yahay, oo uu wax kasta la wadaago iyo in uu wixii
shaki keeni karaa ka durko. Waxaa kale oo lamahuraan ah in uusan dadka liidin.
Liiditaanku ma aha in uu caayo keli ah ee waxyaalo badan
ayaa laga fiican yahay oo tusaale ahaan waa in uusan oran ”Waxaan idiin
sheegayaa wax aydaan waxba ka aqoon oo muhiin idiin ah ee dhegaysta!”.
Sidaas haddii uu yiraahdo wuxuu waayayaa sharaf uu heli
lahaa haddii uu oran lahaa ”Sida aad wada og tihiin waxaa la qabtay Saddaam
Xuseen oo ay injiri gashay!”.
Dadka uu qofku la hadlayo dhalliilahooda waxaa fiican in
uusan dhuunta ka gelin ee uu si leexsan ugu sheego, sida in uu ka hadlayo dad
aan meeshaba joogin. Sidii aynu soo sheegay ”aniga” waxaa ka fiican ”innaga”
ama ”annaga”. Soomaalida maansooda midkii ay hadalkiisa ereyadaas danbe ku
badan yihiin waa uu ka aftahansan yahay kuwa naftooda caleemosaara.
Waxyaalaha hadalka dila waxaa ka mid ah in uu qofku
lahjaddiisa ka baqo oo uu lahjad kale la dhacdhaco iyo in uusan wakhtiga uu
hadlayo ku xisaabtamin ee uu iska shubmo.
Farta uu sabuuradda ku qorayo iyo sawirrada uu dadka
tusayo waa in uusan ka walaacin in ay foolxun yihiin ee uu tartiib u qoraa
una muujiyaa wax ay dadku akhriyi karaan ama ay arki karaan. Inta uu
sabuuradda wax ku qorayo ama uu sawirrada la soo baxayo waa in uusan aamusin
ee uu asaga oo sii jeeda hadalkiisa wataa.
Haddii qofka su’aal uusan jawaabteeda hayn lagu soo tuuro
waa in uusan jawaab u baarbaarin ee uu dadka ku soo celiyaa si daacadnimo
looga dareemo, waana in uusan dadka wax weydiinaya weerarin oo uusan ku
xanaaqin ee uu iska ilkocaddeeyaa. Haddii uu xanaaqo ma maradiisa ayuu ka
badanayaa?!