March 23, 2004
Fulinta Dhaqantoosinta iyo La dagaallanka HIV/AIDS-ka:
- Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo
ah mindi laba-afle ah
Waxaa diyaariyey: Prof. Yusuf Hersi Ahmed
Walaayaal
Gudiga Faafreebka iyo Booliska Puntland oo Boosaaso ku Gubey 112 Kartoon
oo ah Galcaar...
Guji halkan |
Salaanta kaddib waxaa isoo gaarey e-maillo
ku saabsan gubidda condomka ee Boosaaso, inkastoo aanan si fiican u fahmin
cidda gubtey, sababta loo gubey, tirada la gubey iyo condomka la gubey meesha
laga soo uruuriyey. Inkastoo arrintu sidaas tahay, haddana waxay iigu
muuqataa in mashkaladaani tahay mid mudan bal in waxii ra’yi iyo talo ah oo
suuro gal ah layska weydaarsado.
Tan ugu horraysa, oo ku saabsan xagga
eraybixinta, waxaan oran lahaa in la isticmaalo erayga “Galcaar” meeshii laga
isticmaali lahaa “Cinjirka galmada” ama “Condom”. Erayga galcaar oo ka kooban:
gal=dabool iyo caar= xubinta taranta raga (sida meelo koofurta ka mid ah
looga yaqaan), waxaan bixiyey intii Guddiga Af-Soomaaligu jirey oo dalku
dhaqnaa, horayna isticmaalka waa uu galay. Xagga kale waad ogtihiin in
xubinta taranta ratiga “Caad” la yiraahdo, taasoo isagoo Sayidku tix raacaya
uu yiri “Calasooyinkoodii midguhu caad ma geliyeene”.
Haddaan usoo gudbo dhuuxa mashkalada, waxay
ila tahay in arrintaan isku mar laga eego xag caafimaad iyo xag diimeed/
akhlaaqeed/ bulsho.
1.Xagga caafimaadka
Way jiraan xaalado caafimaad oo kallifi kara
isticmaalka galcaarka, sida:
- a) Marka haddii haweeneydu ay uur yeelato
uu uurkasi caafimaadkeeda ama nolosheeda halis gelinayo ama dhibaato xeel
dheer u geysanayo.
- b) Marka la rabo in haweynedu ka soo
kabato uurkii hore diiftiisii, carruurtuna
helaan waqti ay ku kala koobcaan (kala
dheerayn dhalmada)
- c) Haddii labada qof oo is qaba midkood
lagu hubo inuu qabo cudur jinsi oo
halis ah, sida waraabow ama HIV/AIDS oo ay isla mar ahaantaas rabaan inay
wada noolaadaan.
- d) Haddii labada qof oo is qaba midkood
lagu tuhunsanyahay inuu qabo mid ka mid ah cudurradaas halista ah oo uu ku
jiro muddadii baarista.
- e) Haddii uu jiro qof aan garaadkiisu
kaamil ahayn oo awooddiisa is llaalintu
hoosayso oo looga baqayo inuu qaado
cudurradaas, cid celin kartana aan
haysan
- f) Haweeney uur leh oo aan iyadu HIV/AIDS
qabin laakiin ninkeedu qabo oo haddii
aan laga hortegin ay dhici karto inuu iyada iyo uurjiifkaba cudurka u
gudbiyo.
Inta arrintu heerkaas joogto Wasaaradda
Caafimaadka ayaa ku habboon inay si
xilkasnimo leh adeggaas u maamusho.
Nin raggii aan e-mailka ka helay ka mid ah
baa su’aaley haddii diintu oggoshahay isticmaalka hababka rimidreebka. Iyadoo
su’aashaas la xiriirta ayaan jeclahay inaan xuso in la weriyo in Saxaabadii
Rasuulkeennii Suubbanaa qaarkood isticmaali jireen “Cazli” oo ah in minada
debedda lagu daadsho, dhibaatooyin qoys oo haystey awgood oo lama huraan ka
dhigayey kala dheraynta dhalmada iyo ilaalinta caafimaadka haweeneyda.
Arrintaas oo la sheegay inay dhici jirtey
Nebigeennii oo jooga oo laga weriyey inuu yiri: “Maxaad isaga deyn weydeen”,
waa mid mudan bal xoogaa dabagal ah in lagu sameeyo. Oraahdaas Nebiga (NNKHA),
culimmada badideed waxay u arkeen inay tahay xarrimid, qaar kalena waxay
yiraahdeedn “cazligu” wuu bannaanyahay haddii baahiyi kallifto, sida kala
dheeraynta dhalmada iyo daryeelka caafimaadka hooyada.
Xagga kale waxa la ogyahay in nuujinta dheer
(labo sano) oo Quraanka ku su aroortay ay dawr ka cayaari karto kala
dheeraynta dhalmada (“Hooyooyinku ha nuujiyeen ilmohooda labo sano oo kaamil
ah, taasoo ah qofkii doonaya inuu nuujinta ebyo”), Suuratul Baqarah, aayad
233.
Midda aan Islaamku oggolayn waa xaddidda
tiradaa dhasha (ku koobid tiro qofku uu isagu goostay, sida labo, saddex
ilmood,iwl
Saxaabada qaarkeed baa “Cazliga” ku
tilmaamay inuu yahay nooc “Nolol-duuggii” waqtigii jaahiliyadda Carabtu
samayn jirtey oo Islaamku xarrimay . Hase ahatee, Sayid Cali oo culimmada
Saxaabada ka mid ahaa, Alle ha ka raalli noqdee, wuu diidey fikraddaas oo
wuxuu yiri nolol-duug ma jiro ilaa cunuggu maro toddobadii marxaladood oo
Quraanka iyo Sunnada lagu sheegay oo ah heerarka abuuristiisu marayso laga
bilaabo marka uu uurka galo ilaa uu ka dhalanayo isagoo nool.
Haddaba, su’aasho waxaa weeye haddii
isticmaalka galcaarku uu noqon karo “cazligii” oo la casriyeeyey, haddii
looga dan leeyahay kala dheeraynta dhalmada iyo ilaalinta caafimaadka
haweeneyda, markii ay jiraan dhibaatooyin arrintaas kallifaya. Ilaah baana
nooga aqoon iyo ogaal badan.
CIRIBTIRKII FURUQA: 1977 |
Cudurka
Furuqa waxaa dunida laga cirib tiray sannadkii 1977, waxaana la weriyey
qofkii ugu dambeeyey oo uu ku dhacay furuq in uu ahaa nin Soomaaliyeed oo
deganaa magaalada Marka oo magaciisu yahay
Cali Macow Macalin...
GUJI...
|
Tan ku saabsan ku dhex faafinta dadweynaha
isticamaalka galcaarka oo markaas dhallinyarada boodda baradka ah iyo
maangaabtu ay meel walba uga iibsan karaan sida aspiriinka oo kale, uma
arkayo inay gudanayso adeeg caafimaad ee waxaan u arkaa inay tahay
dhiirrogelin dahsoon ee dhillaysiga.
Xagga taariikhda AIDS-ka, aqoonyhanno ka
tirsan dalalka horay u maray qaarkood waxay sheegeen in viiruska AIDS-ka lagu
beeray shaybaar mid ka mid ah dalalka reer galbeedka, oo markaas si qalad ah
intuu uga fakaday shaybaarkii uu ku dhacay dadkii ugu horreyey 1981kii (Ameerika).
Xaaladihii ku xigey waxaa laga helay Yurub (Faransa?). Sababtii loo beeray
viiruskaas waxaa lagu sheegay inay ahayd in lagu ciribtiro dadka madow iyo
khaniisyada. Sida aad ogtihiin khaniisyadii waaba ay ku sii tarmayaan dalalka
sheeganaya inay horay u mareen, sababtoo ah inaad mooddo inuu halkaas ku sii
faafayo dhaqan xaarwalwaal; hase ahaatee dadka madow ee Afrika ayaa nabarkii
loo wadey lala helay.
In muddo ah waxaa la faafinayey fikrad
khawayn ah oo sheegaysa in viiruska AIDS-ku ku dul noolaan jirey daayeerrada
Afrika qaarkood, oo uu dabadeed u yeeshay iilasho xagga dadka oo markaas uu
sidaas cudurku dadka ugu gudbey. Fikraddaas gadaal waa laga beeniyey waxaana
lagu sheegay inay tahay mid aan sal iyo baar lahayn.
Aqoonyahanno caan ah oo dalal kala duwan ka
tirsan waxaa laga weriyey in Afrika si kas ah AIDS-ka loogu faafiyey
toddobaatanaadkii, markii u socdey ol-olehii ciribtirka
furaqu, waagaasoo
tallaalkii furuqa oo Afrika loo qaybiyey uu ahaa mid uu ku dheehanyahay
viiruska AIDS-ku. Haddii ayan arrintu sidaas ahayn maxaa kale oo lagu fasiri
karaa inay maanta Afrika joogaan saddex meelood labo meelood ee xaaladaha
HIV/AIDS-ka (2/3)??
Waa yaabe kuwa galcaarka la soo ordaya maxaa
u diidey inay la soo ordaan cunno, daawo iyo waxyaalaha kale oo horumarkeenna
micnaha u leh!!
|
Haddaba, waa in laga digtoonaado galcaarka
nala kula soo ordayo oo aan la ogayn waxa uu sido, ama xataa haddii uusan
AIDS sidin, ay dhici karto inuu yahay mi iimaysan oo aan waxba qofka
istcmaalay ka celinayn. Aan xusuusnaanno gabaygii Qamaam Bulxan, Alle haw
naxariistee, uu Cali Dhuux ugu jawaabayey:
- “ Baadida nin baa kula deydeyin daalna
kaa badane’
- “ Dadkuna moodi duul wada shaan wax u
dahsoonayne”
- “ Inaad heshana aan doonahayn daayin
ebedkaaye”
- “ Dallana ma leh aakhiro haddii loo
kitaab deyaye”
Waa yaabe kuwa galcaarka la soo ordaya maxaa
u diidey inay la soo ordaan cunno, daawo iyo waxyaalaha kale oo horumarkeenna
micnaha u leh!!
Xagga diinta, akhlaaqda/bulshada
Sida taariikh ahaan la wada ogsoonyahay
Soomaalidu waxay ka mid tahay dadkii ugu horreeyey oo Islaamka qaatay iyadoo,
sida meelo meelo kale ka dhacday, aan soo gudbinta diinta cusub loo adeegsan
dagaal iyo dirqin midna Marbaa nin macallin Jaamacadda Punjab (Pakistan) ka
ahi aniga i weydiiyey: “Goormaa Islaamku Soomaaliya gaarey”? Waxaan ugu
jawaabey inuu gaarey intii uusan Madiina Al-Munawara gaarin, taasoo ah in
Saxaabadii Rasuulka (NNKHA) oo Bariga Afrika u haajirey, sanadkii shanaad ee
risaaladda, ay iyagu Islaamka Soomaaliya gaarsiiyeen. Ninkii macallinka ahaa
hadal iguma soo celin taasoo loo qaadan karo inuu fikrad taas la mid ah
isaguna qabey.In Islaamku dhaqsahaas iyo dhib yaridaas dalkeenna ugu faafay
iyo in Soomaalidu kulligeed tahay dad Islaam ah waxay noqotay arrin Caalamka
Islaamka looga arko sidii billad sharaf gaar ah oo Soomaalidu ku guleysatey.
Dagaalka layna ku hayo, oo mid toos ah iyo
mid sarbeeb ahba leh, waa mid looga dan leeyahay in billad sharaftaas layna
ka tuuro. Ol-olhaa hadda layna ku hayaa waa mid looga dan leeyahay dhaqan iyo
dhalan rogid ummaddeenna, arrinta faafinta hafajiska ah ee galcaarkuna waa
qayb ka mid ah ol-olehaas.
Haddii xallinta mashaakilkeenaa si fiican
loogu adeegsan lahaa tacaaliimta Islaamka, akhlaaqdiisa wanaagsan iyo
dhaqanka suubban ee ummaddeenna, natiijo ka waanaagsan tan shisheeyuhu inoo
ku yaboohayo ayaan gaari lahayn. Haddaba, yaan arrintu inaka noqonnin sidii
qof haysta mindi af badan oo haddana mid saawir ah wax ku kirkiraya. Arrinta
dhaqnhabowga uu burburka dalku keenay, iyo dadka badan oo muddada soo joogey
dalalka AIDS-ku ku badanayahay oo deriska ina la ah oo ay dhici karto inay la
soo noqdeen cudurkaas, iyo dhillaysiga la sheegayo inuu sii faafayo, ha loo
adeegsado iskaashi qaran oo isugu jira dawlad, culimmo, aqoonyahnno iyo
dadweyne. Si natiijo wanaagsan loo gaaro wacyigelin diineed oo xoog lihi waa
lagama maarmaan.
Haddii ay inaka dhabta tahay inaan
ummadeenna si dhab ah uga badbadinno halaagga ku soo fool leh aan ku
shaqaynno sida u tilmaamayo Xaddiiskii Nebegeennii (NNKHA) suubbanaa oo
amrayey: “Qofkii idinka mid ah oo wax xun arkaa gacantiisa ha ku suuliyo,
haddii uu awoodi waayana carrabkiisa, haddii uu awoodi waayana qalbiga ha ka
kahsado, kaasoo ah iimaanka kan ugu taag daran”. Haddaba, culimmada qaarkeed
waxay u qaybiyeen cidda laga rabo gudashada qaybaha kala duwan ee xilka
xaddiisku tilmaamayo saddexda qaybood oo soo socda:
Gacanta: dawladda iyo ciddii kale oo
awood ay wax ku muquuniso leh
Carrabka: culimmada iyo ciddii kale oo
leh cod la dhegaysanyo
Ka kahsiga qalbiga: dadweynaha aan wax
kale awoodin
Faallahaas guud kaddib, waxaa il habboonaan
lahayd in arrinta ina hor taalla wax looga qabto isgarabsi culimmada diinta
iyo taqaatiirta oo labadoodu yihiin dadkii lahaa aqoonta labada dhinac leh oo
arrintaan oo kale xallinteeda looga baahanyahay.
Bal aan is weydiinno sida culimmada diintu u
jideysey in loo waajoho dhibaatooyinka xallintooda ra’yi qof khabiir ahi uu
lagama maarmaan yahay. Inta aan xugunka sharciga ah lagu dhawaaqin waxaa
qofka arrintu khusayso loo diraa cidda khibradda gaarka ah u leh arrinta
qofkaas. Tusaale ahaan waagii ay taqaatiirtu yarayd amaba ayan jirin markii
qof haween ah xukunkeeda gacanta lagu hayo waxaa loo diri jirey haweeney
khabiirad ku ah arrimaha haweenka, siiba xagga xubnaha taranta.
Mawduceennaan cidda khibradda farsamo u lihi
waa taqaatiirta. Hase ahaatee taqtar muslimka ah xilka taqtarnimada oo keli
ahi ma saarna ee kan diintuna wuu saaranayahay. Waxa uu ku talinayo waa
inayan noqon wax sharciga ka soo hor jeeda, siiba xalaalnimada iyo
xaarinnimada shayga. Waa dambi aad u weyn in qof muslim ahi uu si ulakac ah u
xalaaleeyo wax xaaraan ah ama u xarrimo wax xalaal ah. Wuxuu noqonayaa qof
Ilaahay uu baab dhigtay, maxaa yeelay xalaalaynta iyo xarrimidda Ilaah keli
ah ayaa iska leh.
Taqtarku hor iyo abbaato waa inuu aqoon ku
filan u leeyahay arrinta wax laga weydiinayo, isla mar ahaantaas ku
baraarugsanyahay turaanturrooyinkeeda dambe oo bulshada dhaawacaya
Haddaba, arrinta galcaarka oo ah midda aan
ka doodaynno waxay iigu muuqataa inay labo waji leedahay: 1) Mid caafimaad oo
ah kii aan horay usoo aragney oo khusaynaya kooxo gaar ah oo inay galcaarka
isticmaalaan dhibaato caafimaad ku kalliftay 2) Mid fasahaadin looga dan
leeyahay oo ah markii isticmaalkiisa laga dhigo jaantaa rogan.
Qaybta hore waxay ila tahay in fulinteeda
taqaatiirta iyo culimmadu iska kaalmaysan karaan, iyadoo laga shidaal
qaadanayo saldhigga fiqhiga oo leh “Dhibaatadu waxay bannaysaa wax xaaraan
ahaa”, taasoo la rabo in lagu soo koobo hadba dhibaatada wax bannaysay inta
ay le’gtahay ee aan loo adegsan dano intaas ka shisheeya.
Gunaanad
Anigoo og inuu Puntland ka jiro barnaamij
ladagaallanka HIV/AIDS-ka, haddana ma ogi ilaa inta uu mirodhalkiisu
le’egyahay. Sidaas awgeed ayaan rabaa inaan halka ku soo gudbiyo dhawr talo
oo la xiriira fulinta dhaqantoosinta iyo la dagaallanka HIV/AIDS-ka:
- a) Dejin qorshe qaran oo qeexan oo ku
salaysan tillaabooyin isdabajoog ah
- b) Iskaashi dhab ah ee dawladda,
culimmada, aqoonyahannda, iyo dadweynaha.
- c) Abuurid xarumo dhaqancelin oo laga
dhex fuliyo wacyigelin diimeed, akhlaaqeed, bulsho iyo tababar xirfadeed oo
qofku marka uu ka soo baxo u oggolaan kara inuu shaqaysan karo.
- d) Ka digtoonaansho qorshaha shisheeye oo
ah mindi laba-afle ah
- e) Soo dhoweyn cid kasta oo si daacad ah
gacan inooku siinaysa fulinta qorsheheenna.
- f) Dumin bartilmaameedyada dhaqanhabowga
iyo cadaadin dadka falkaas ku dhex jira oo la rabo in jir iyo maskaxba laga
toosiyo.
Waxaa diyaariyey: Prof. Yusuf Hersi Ahmed
Waxaa SomaliTalk soo gaarsiiyey:
Cismaan Ahmed sheekh
isxaaq1@yahoo.com
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|