SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

March 24, 2004  

C/casiis Al Rantissi oo Qabtay Xilkii uu ka Dhintay Shiikh Axmed Yaasiin


Abdel-Aziz Rantissi oo 54 oo loo doortay hoggaamiyaha cusub ee Hammas ee GAZA: Sawirka: Google

Kadib markii uu dhintay Hogaamiyihii Ururka Xamaaz, Shiikh Axmed Yaasiin ayaa xalay waxaa si rasmiya loogu doortay inuu bedelo Booskii Shiiqa, C/casiis Al Rantiizi oo horay uga mid ahaa Madaxda ururkaasi,

C/casiis Al-Rantiizi waxa uu doorashadiisa kadib si rasmiya u shaaciyay inuu mari doono wadadii uu Maray Shiiq Axmed Yaasiin, Wuxuuna ugu hanjabay Yuhuuda inaysan nabad ku naaloon doonin,

C/casiis AlRantiizi waxa uu sheegay inay Xamaaz jawaab ka bixin doonta gumaadka lagu hayo shacabkeeda, wuxuuna sheegay inay samayn doonaan aarsi,

Horay ayaa Al-Rantiizi waxa uuu uga bad baaday isku day dil oo ay doonayeen inayu ku fuliyaan Ciidamadda Isreal xilli uu marayay Magaaladda Gaza laakiin dhaawac ayaa ka soo gaaray weerarkaasi, waxaana lagu tiriyaa Rantiizi nin hal adag oo ay ka go’an tahay in lala jihaado Yuhuuda Xooga ku haysata Dhulka Falastiiniyiinta,

Dhinaca kale Xubnaha Qaramadda Midoobay ayaa maanta dood ka leh jawaabta ay ka bixinayaan dilkii Shiiq Axmed Yaasiin, xubnaha golaha ayaa u kala qaybsamay labada dhinac,

Wakiilka Falastiiniyiinta Naasir Al-Kidwa ayaa cambaareeyay tallaabadda ay Isreal shiiqaasi ku dishay, wuxuuna sheegay in Isreal ay u soo jeesatay xasuuqa dadka rayidka ah, laakiin wakiilka Isreal ayaa ku tilmaamay Shiiqa nin hortaagnaa Wadahadaladii Road Map isla markaana argagixiso ah, Maraykanka ayaa iyaguna ku hanjabay inay codka diidmadda qayaxan ee Fiitoowga u isticmaali doonaan haddii la soo saaaro go’aan kasta oo lagu cambaaraynayo isreal isla markaana aan lagu qeexayn qalalaasaha ay wadaan Falastiiniyiintu,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
Garyare20@hotmail.com  garyare20@yahoo.com  garyare@msn.com 

<><><>WARARKII: Maarso 22, 2004<><><>

Sidee Looga arkay Caalamka Geeridda Sheikh Axmed Yaasiin.

Helocopter ay leedahay Israel ayaa gantaal la beegsaday Sheikh Axmad Yaasiin markii uu kasoo baxay Masaajidka oo uu kusoo tukadey salaadii Subax, waxaana gantaalkaas ku geeriyoodey ugu yaraan siddeed qof: aljazeera

  • Canada oo cambaaraysay dilkii Sheikh Axmed Yaasiin Halkan daawo

Sheik Ahmed Yassin

Allaha u Naxariistee, Aas Aasihii Ururka Xamaas, Shiikh Axmed Yaasiin ayaa saaka ku geeriyooday Magaaladda Gaza kadib markii ay gantaal la dhaceen Ciidamadda Isreal baabuur uu saarnaa Shiiqu,

Dilka Shiiq Axmed Yaasiin oo dhacay Saaka Aroortii hore xilli uu ka soo baxay Masaajid uu ku soo tukaday Salaada Subax ayaa waxay goobjoogayaal sheegeen in diyaarad Helicopter ah ay weerar dhinaca cirka ah ku dishay Shiiqa, Waxaana wax yar kadib markii uu weerarkaasi dhacay ay Masaajidada Falastiin billaabeen inay ku dhawaaqaan geeridda Shiiqa, iyagoo ku baraarujinayay Falastiiniyiinta inay is difaacaan,

Telefeshinada Caalamka ayaa saaka waxay baahinayeen Muuqaalo naxdin leh oo muujinaya dhiig iyo hilbo googa’an oo dhulka daadsan, Waxayna Falastiiniyiinta oo ay caro badan ka muuqato billaabeen inay isugu soo baxaaan waddooyinka waawayn ee Gaza iyagoo ugu dambayntiina ku soo aruuray Gurigii uu deganaa Allaha u Naxariistee Shiiq Axmed Yaasiin,

C/casiis Ramtiizi oo u hadlay Xamaas ayaa sheegay inay aargudan doonaan, wuxuuna wacad ku maray in dhimasho ay ka dhici doonto guri kasta oo Yuhuudi ay degan tahay,


Bartii lagu diley Sheikh Axmed Yaasin

Meydkii Sheikh Axmed Yaasiin oo la dhex marinayo GAZA. Sawirka: reuters

Ramtiizi waxa uu ugu baaqay caalamka Islaamka inay ku baraarugaan cadawtinimada Yuhuuda isla markaana ay lagama maarmaan tahay inay meel uga soo wada jeestaan si ay dhulka ula gil gilaan Isreal,

Ra’iisul Wasaaraha Falastiin Axmed Quraya ayaa ku tilmaamay weerarkaasi tallaabo waalan oo Qatar ah isla markaana ay fulaynimo ku dheehan tahay, Wuxuuna cambaarayn dusha uga tuuray Maamulka uu hogaamiyo Sharon oo uu sheegay inay cirka ku shareereen nabadii Bariga dhexe,

Raadiyaha Isreal ayaa isna laga soo xigtay in dilka Shiikh Axmed Yaasiin uu sharaf wayn u yahay Maamulka Sharon, Wuxuuna Raadiyuhu ku tilmaamay dilka Shiiqa Tallaabo loo baahnaa oo lala soo dib dhacay,

Wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga ee Isreal ayaa isna sheegay in Shiiqu uu mudnaa in la dilo, iyadoo dhawaana ay Golaha Wasiiraddu Isreal soo cusboonaysiiyeen sharci lagu ugaarsanayo shaqsiyaadka Bartilmaameedka ah ee ay aaminsan yihiin inay qatarta ku yihiin Isreal,

Dawladaha Carabta ayaa dhamaantood iyaguna cambaareeyay weerarka lagu dilay Shiiq Axmed Yaasiin, Dawladda Masar ayaa ku tilmaantay Weerar Fulaynimo ah,

Maraykanka ayaa iyaguna ka codsaday labada dhinac inay muujiyaan deganaan isla markaana si taxadar ah ay u wajahaan xaaladda,

Wasiirka arrimaha dibadda ee Britain, Jack Straw ayaa isaguna sheegay in dilka Shiiqu uusan wax horumar ah u keenayn Isreal, wuxuuna cambaarayn dusha uga tuuray Maamulka Sharon,

Wasiirka arimaha dibada canada Bill Graham ayaa si kulul u cambaareeyey dilkii sheikh Axmed Yaasiin, Waxaa kale oo dilkaas cambaareeyey Koffi Annan asagoo sheegay in dilkaasi uu ahaa mid sharci darro ah.

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)

Wasiir ka tirsan Maamulka uu Maraykanku ka sameeyay Afghanistan oo la dilay,

Wasiirka Duulimaadyadda iyo Dalxiiska ee Afghanistan, Marwaaz Saadiq Khaan ayaa lagu dilay shalay galinkii dambe Haraad ee dalkaasi,

Madaxwaynaha Ku Meel Gaarka ah ee Afghanistan, Hamid Karzai ayaa sheegay in dilkaasi uu yahay mid aad looga xumaado, waxaana lagu waddaa in gobalkaasi ay tagaan masuuliyiin ka tirsan dawladda oo uu ka mid yahay wasiirka gaashaandhiga Afghanistan, Gen Fahiim,

Wasiirka la dilay ayeey wararku sheegayaan in laga soo toogtay guri uu leeyahay nin ka mida taliyayaasha Ciidamadda Afghanistan, waxaana lagu waramayaa inuu jiray muran horay ugu dhaxeeyay wasiirka iyo taliyahaasi,

Iska hor imaad dhex maray illaaladda Taliyaha iyo Ciidamadii uu watay Wasiirka la dilay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 100 qof, waxaana lagu soo waramayaa in wali gobalkaasi ay xiisadi ka taagan tahay,

W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare@msn.com

 Faafin: SomaliTalk.com | Maarso 22, 2004

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD