SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - YURUB

March 21, 2004

Ammaanka oo la adkeeyey meelo ka mid ah Yurub iyo Daahir Riyaale oo la sheegay inuu imaanayo Brussels

Maxamed Xaaji (Ingiriis)

Brussels, Belgium

Ingiriis@yahoo.com

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

 

Magaalada Brussels oo ah caasimadda waddanka Belgium, xarunta Midowga Yurub iyo tan gaashaanbuurta NATO waxaa aad loo adkeeyey ammaanka iyo nabadgelyada. Sababta rasmiga ah ee ka dambaysa arrintan lama shaacin, waxaase dadka ku xeeldheer arrimaha nabadgelyada Yurub ay ku soo cel-celinayaan in tani daba taagan tahay weerarkii dhowaan lagu qaaday saldhig tareen oo ku yaalla magaalada Madrid ee dalka Spain.

Booliiska milateriga ah ayaa lagu soo daad-gureeyey saldhigyada waaweyn ee tareennadu ka baxaan ee waqooyiga, bartamaha iyo koonfurta Brussels. Ciidamada booliska local-ka oo kaashanaya kuwa federaalka (politie federale) ayaa taagan goobaha dadku ku badan yihiin iyo jidadka waaweyn ee saxmada leh oo dhaqdhaqaaqa dadka iyo gaadiidkuba ay ku badan yihiin.

Xilligan oo laga sii baxayo qaboobihii winter weather-ka waxaa badan socodka dadka, waxaana wada buuxa gaadiidka dadweynaha oo dadku ay taag-taagan yihiin. Caasimadda Brussels oo caadiyan ah magaalo rabshad badan oo dambiyadu ku badan yihiin waxaad dareemaysaa madax-xanuun markaad dhowr jeer maqasho dhawaaqa booliska oo meel wax ka dheceen ku sii ordaya.

Si ay ammaanka kor ugala socdaan, boolisku waxay kiciyeen diyaaradaha qumaatiga u kaca, kuwaasoo dul heehaabaya agagaarka faras-magaalaha iyo goobaha muhiimka ah. Television-ka Bruxelles ayaa sheegay in tallaabadan boolisku ay qaadeen lagu adkeynayo in lagaga hor tago weeraro argigixiso oo lala soo beegsado magaalada.

Faransiiska ayaa ka digay in waddankiisa uu qatar ugu jiro qarax argagixiso oo lagu soo qaado. Walaacaas oo kale waxaa muujiyey waddanka the Netherlands oo billaabay inay boolis la soo raacaan dadka tareennada la socda. Waddamada Ingiriiska iyo Jarmalka ayaa iyaguna sidoo kale ammaankooda aad u adkeeyey, kaddib markii Midowga Yurub uu soo saaray digniino lagu xoojinayo nabadgelyada.

Booliska Belgium, waxa ay xaqiijiyeen inay xireen ugu yaraan shan nin oo mid ka mid ah lagu tuhunsan yahay inuu lug ku lahaa qaraxyadii sannadkii tagay ka dhacay magaalada Casablanca ee dalka Marooko. Ninkan iyo kuwa kale ee la xiray waxaa laga qabtay guryo gaar ah oo ku yaalla Brussels iyo laba goobood oo kale oo aan la shaacin.

Waxa ay boolisku daboolka ka qaadeen inay tuhunsan yihiin in nimankan ay tababarro ku soo qaateen xerooyin ku yaalla waddanka Afghanistan, ayna xiriir la leeyihiin urur argagixiso oo Marookaan ah oo la yiraahdo, kaasoo marka la soo gaabiyo loo yaqaan GICM. Ururkan wuxuu ku jiraa liiska ururada uu Mareykanku u aqoonsan yahay inay argagixisada ka mid yihiin.

Baarayaasha Spain ayaa waxa ay fiirinayaan in qaraxyadii tareenka ee ka dhacay Madrid oo ay ku dhinteen 202 qofood ay wax xiriir ah la yeelan karaan kuwii May sannadkii hore ka dhacay Marooko oo ay ku geeriyoodeen 45 oo ay ku jiraan 12-kii qofood ee is niidaamiyey. Meelaha lala bartilmaameedsaday qaraxyada Casablanca waxaa ka mid ahaa qunsuliyadda Belgium; maqaayad Spanish ah iyo xarun bulshada Yuhuuddu leeyihiin.

Dhanka kale, labadii cisho ee ugu dambaysay waxaa ka socday magaalada Brussels dhaqdhaqaaq loogu diyaar goroobayo safar la filaayo inuu Madaxweynaha maamulka Somaliland, Daahir Riyaale Kaahin ku yimaaddo waddanka Belgium. Diyaar gorow ay ku soo dhoweynayaan dadweynaha u dhashay gobollada waqooyi ayaa ka socda dhowr magaalo oo Belgium ku yaalla.

Meelihii uu dadka kula hadli lahaa ayaa la sii diyaariyey, sida uu ii sheegay Jaamac Xersi Xasan. Waxaa lagu wadaa in Daahir Riyaale Kaahin uu warbixin ka siin doono Midowga Yurub xaaladda Somaliland, kaddibna uu weydiisan doono aqoonsi in la siiyo maamulkiisa. 1991-kii markii dowladii kacaanku burburtay ayaa Somaliland waxay ku dhawaaqday inay ka go'day Soomaaliya inteeda kale.

Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Brussels, Belgium
Ingiriis@yahoo.com

Nolosha Soomaalida Belgium & Holland
Warbixintii Maxamed Xaaji "Ingiriis" ka akahri halkan 12/3/4

Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2004 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD