March 20, 2004
Shirkii Lagu Maaweelinayey
Soomaalida oo Qarka u Saaran Burbur
Wararka maanta oo Sabti ah kasoo baxaya
caasimada dalka Kenya ayaa tibaaxaya in shirkii Soomaalida uga socdey halkaas
uu qarka u saaran yahay in lagu kala dareero.
Mas'uul weydiistey in aan la magcaabin ayaa
SomaliTalk u sheegay in sababta ugu weyn ee shirku u burburayo ay tahay "Soomaalida
oo ka daaley maaweelada aan dhammaadka lahayn iyo IGAD oo aan Soomaalida soo
hor dhigin qorshe cad oo Soomaalidu ku qanci karaan iyo hogaamiyayaasha
Soomaaliyeed oo aan wax dan ah u hayn shacabka maatada ah".
Mas'uulkaas oo hadalkiisa sii wata ayaa
sheegay "in hoggaamiyayaasha dagaalka Soomaaliyeed ay ogyihiin haddii
Soomaaliya ay dawladi ka dhalato lala xisaabtami doono, waayo mudadii dalku
dawlad la'aanta ahaa waxay dalka ku beereen daroogo, waxay xaalufiyeen
dhirtii, waxay dhoofiyeen xoolaha dhedig, waxay fududeeyeen in si sahal ah
loo xaalufiyo kalluunka iyo khayraadka kale ee badda,
waxay dalka keeneen kuwo ku aasa sun
halis ah, waxaana intaas oo dhan ka daran ayaga hoggaamiyayaasha
Soomaaliyeed sheegta oo waxaas oo dhan iska indha tiraya iyo shacabka
Soomaaliyeed oo aan inaba taas ku baraarugsanayn ama la jaah wareeriyey oo
lakala qoqobay".
Mas'uulkaas Soomaaliyeed waxa uu yiri "Soomaaliya
waxay nabad uga dhalan la' dahay waa dadka Soomaaliyeed oo hilmaamay
diintooda muqadaska ah: bal fiiri shineemooyinka filimada xusxun ee ka furan
Soomaaliya oo xataa culimadii aysan ka hadlayn, bal eeg jaadka ay ragga iyo
dumarku wada ruugayaan, bal eeg heesaha lagu xayaysiinayo derbi kasta ayadoo
dadkii gaayo iyo aqoondari ku habsatey, waxaa taas ku sii darsamay Hay'adaha
loo baxsaday NGO oo ay wataan dad dano qalaad wata oo lacag ku cuna dhibta
Soomaaliyeed iyo dawladaha deriska la ah Soomaaliya oo gumeysta dhul
Soomaaliyeed oo aan miciin bidnay (xusuusta NFD & Soomaali galbeed), waxaase
is weydiin leh, ayuu yiri, qof qayb dhulkaaga ah gumeysta sidee qaybta kale
nabad ugu ogolaan karaa horumar asagoo og in dhulkaas lagu sheegan doono,
waxaana taas kuugu daliin ah shirka dabada dheeraaday ee kenya ka socdey 16ka
bilood ee Soomaalida lagu maaweelinayo waqtigana looga dhuminayo si ay u soo
baxaan fac ama jiil aan wax aqoon ah lahayn oo aan cid la xisaabtami karayn,
waxaana in badan arkaysaa in hoggaamyayaasha Soomaliya laga dhex raadinayo
mid aan muwaadin ahayn oo madaxa loogu salaaxo in uu soo dhiso xukuumad
nacamle ah".
Wararka maanta oo sabti ah waxay sheegayaan
in Xuseen Caydiid oo ku hadlayey magaca 17 hoggaamiye uu sheegay in
dhexdhexaadiyayaasha shirku ay maqli waayeen dhinacooda, sidaas daraadeedna
uu ku hanjabey in ay gebi ahaanba ka bixi doonaan shirka.
Eeg halkan....SOMALIA
LATEST NEWS
Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2004
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|