SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

March 20, 2004

CASHO SHARAF LOO SAMEEYEY MADAXWEYNAHA KA DIB QUDBADIISI BAARLAMANKA BRITAIN

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
 
LONDON, UK: Waxa habeenkii xalay ahayd ka dib markii laga dareeray banaanbaxii weynaa ee ka dhacay badhtamaha magaalada London ee ka soo horjeedka Baarlamanka dalkan Britain, ayaa waxa weftigii uu hogaaminayey madaxweyne Riyaale u baqooleen inay ka qabyqataan casho sharafeed si heer sare ah loo soo abaabulay oo lagu qabtay hotelka caanka ah ee la yidhaah The "Land Mark" taasi oo macnaha ka danbeeyayna ahayd in lagu soo dhoweeyo madaxweynaha Somaliland dalkan Britain isla markaasna ahayd in loogu mahadnaqo gudidii baarlamanka Britain ee booqday somaliland bishii January ka dibna isku soo duba riday doodii qiimaha weyn lahayd ee barlamanka ingiriiska lagaga dooday qadiyada Somaliland bishii February 4dii.
 
 
 
Cashadan waxa ka soo qayb galay Weftighii uu hogaaminayey Madaxweyne Mudane Riyaale, xubnahii Barlamanka ingiriiska,mudane ka socday baarlamanka dalka Sweden, Saaxiibada kale ee Somaliland oo ajaanib ah xubno ka kala socday sedexda xisibi siyaasadeed ee Somaliland  iyo marti sharaf kale oo reer somaliland ah oo si gaara loogu soo casuumay xafaladaas qiimaha badnayd.

Madaxweyne Riyaale oo soo gelaya hotelka loogu sameeyey casho sharafta

Xafaladaas oo hadlo aad u qiimo badan ay ka jeediyeen xubno ka kala socday barlamanka Britain iyo Sweden, Prof. Lewis, wasiirka arimaha dibada ee Somaliland Marwo Adna Aadan, Cismaan Axmed Xasan - wakiilka somaliland ee UK, Cabdifatax Siciid Axmed iyo Xasan maygaag oo ayadahii furitaanka quraanka ka bacdi duco yar halkaas ka akhriyey, hadaladaas oo dhamaantood halmeel ku wada aroorayey kuna saabsanaa gooni isutaaga somaliland iyo horumarka ay ku talaabsatay

 
Wasiiradda Arrimaha dibadda Somaliland Dr. Marwo
Adna Aadan Ismaciil oo khudbad u jeedinaysa ka  qayb gelayaashi casho sharafta

Ka dibna waxa loo dhaqaaqay cashadii halkaas loogu talo galay martisharaftii halkaas iskugu timid, oo dhamaantood wejiyadood faraxadii banaanbaxii maantu ku sii dheehnayd.


Gudoomiyaha Golaha Baarlamaanka somaliland Mudane
Axmed Aadan Qaybe oo soo gelaya hotelka casha sharafta lagu agaasimay. 

guud ahaan waxaa dadkii ka soo qayb gallay ay xoog waraysi badan ka dhegaysanayeen Madaxweynahooga oo goobtaasi mid mid ula faqaayey.

SOMALILAND DEMOCRATIC WATCH ORGANIZATION BOGGA SAXAAFADDA.

WAAXDA EUROPE

Waxaa sii tabinaya Mohamed Abdi Hassan (diridhaba)

Karachi, Pakistan.

diridhaba2001@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2004 

Afeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
April 5, 125
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD