SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 20, 2004

MAXAA KA SOO BIXI KARA SHIRKA SOOMAALIDA EE KEENYA? MAXAASE BURIYA HESHIISYADA HOGAAMIYAASHA SOOMAALIDU GAARAAN???

Axmed Muuse Cabdulle(idaawaqaca) Keenya/Nairobi
axmeddheere65@hotmail.com

 

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



FAAQIDAADA CIYAARAHA... GUJI

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Shacabka Soomaaliyeed Waxa Ay Soomareen Dhibaatooyin An Qoraal& Bog Saxaaafadeed Cidina Ku Soo Koobikarin Waxaa Jiray Masiibooyin Dhinacyo Badan Leh Oo Umada Soomaaliyeed Soomaray Waxaana Shacabka Soomaaliyeed Dunida Kagaleen Kaalin Hooseeysa Dhinac Walba Soomaaliya Waa Goob An Xasiloneen Shacabkeeduna Wali Ayan Ubislaan Nabada ,,,

Soomaalidu Waadad Isla Wayn Adna Moodo In Ay Isku Heestaan Qoomiyada Aduunka Ugu Sareeysa Dadka Soomaaliyeed Taariikh Ahaan Waadad Kasoo Jeeda Xoola Dhaqato Reer Guuraa.ah Hadbana Uhayaama Meeshee Roob& Barwaaqo Laga Sheego Dadka Soomaaliyeed Waxa Ay Caan Kuyihiin Laguna Tilmaamaa Qabyaalada

Hadaba Qoomiyadan Ama Qaranka Soomaaliyeed Waxa Hoos Udhigay Una Diidan Horumarka Casriga.ah Waa Qabyaalada Soomaalidu Waa Duul Isku Laayay Qabiil Qabiil Una Baahan In Bal Marka Hore Looheshiisiiyo Qabiilqabiil Kadibna Loo Fadhiisiyo Dib Uheshiisin Qaran Sida Shirka Nabadeenta Soomaalida Ee Maanta Kasocda Duleedka Magaalada NAIROBI Ee Dalka Kenya,,

Soomaalidu Waxa Ay Soomareen Shirar Badan Oo Loogu Yeero Dib Uheshiisiin Qaran Shirarkaas Waxaa Lagu Soo Qabtay Wadamo Badan Oo Soomaaliya Daneeya Waxa Ayna Kor Udhaafayaan 14 Shir Hadaba Waa Su.aale Maxaa Shirarkaas Dumiya Waxa Waliba Wax Lala Yaabo Ah Shirakaas Waxaa Lagu Gaaraa Heeshiisyo Balse Waxba Kama Soobaxaan Marka Horana Waa Lagaaraa Dadbadano Soomaaliyeed& Kuwa Ukuur Gala Xaalada Soomaaliya Dhoowrkan Sababood

1- Marka Hore Lama Kheexo Waxa Lagu Heshiinaya Sida Wax Looqeebsanayo Cida Noqoneeysa Wasiir Hebal Tan Noqoneeysa Madaxweeyne Min Wasiir Ilaa Agaasime Teey Kutahay Gudoomiye Dagmo Dadka Shiraa Ama Heshiinayaa Xisaabta Kuma Darsadaan In Awal Colaadi Udhaxeeysay Colaadana Sabab Utahay Xukun Jaceelka Soomaalida Marka Majiro Moowqif Sarexad Leh o Hogaamiyaasha Soomaaliyeed Leeyihiin Oku Adan Damacooda Jaga Ee Soomaaliya Ama Waxa Ugu Wacan Dagaalada& Nabaad Guurka Dadka& Dalka Soomaaliya Ee Masiibadu Ku Habsatay

Balse Waxa Un Lashaaciyaa In Lagaaray Heshiis Laakiin Waxaa Biloowda Maalmo Kadib In uu Burburay Heshiiskii Lagaaray O Hogaamiya Waliba u Kawaayo Maamulka Meeshaa Lagu Dhiso Magaciisa Sababtuna Maba Yaqaano Waxa Usaxiixay Waxii Awal Kamaqnaa& Dantii Heshiiskan Loo Saxiixay Balse Dantiisa Waxa Ay Ahed In Bal Maalmo Uu Ku Soo Nasto Goobta Shirka Lagu Qabanayo Ileen Waa Meel Soomaaliya Dibada Ka.ahe,,,,

2- Hogaamiyaasha Siyaasada Ee Soomaalidu Maahan Inta Badan Kuwa Matala Bulshada Ay Sheegtaan In Ay Iyagu Matalaan Laakin Waa Rag Gumeeysi Ku Heesta Bulshadoda Mid Maskaxeed& Mid Dhinaca Quwada Ahba,,,

3- Raga Siyaasada Soomaalida Horboodaa Ma.ahan Ragleh Aqoon Siyaasadeed Ama Aqoonta Kale Dhinac Walba,,

4- Hogaamiyaasha Soomaalidu Waa Kuwa Danbi Muuqda On Qarsoonen Kagalay Bulshada Soomaaliyeed Meelna Uga Dhacay Sharafta &Qaranimada Soomaaliyeed

Markaas Iyagu Madoonayaan In Lala Xisaabtamo Lana Waydiiyo Hantida Bulshada Soomaaliyeed o Ay Xooga Kumaroorsadeed Lalana Xisaabtamo Hadii Doowladi Dhalato Hogaamiyaasha Soomaalidu Raali Kama Ahan In Soomaaliya Doowladi Udhalato Shacabkuna La Xisaabtamo Doowladaasna Kuwarejiyaan Hantida Ay Umada Ka Maroorsadeen,

Hogaamiyaasha Soomaalidu Waxeey Leeyihiin Garoomo Diyaaraduhu Ku Soo Dagaan Dakedo Maraakiibtu Ku Sooxirtaan Oiyagu Maamulaan Marka Miyaad Is Leedahay Sisahlan Ayeey Ku Wareejinayaan Maalkaa Ay Sida Qaldan Ugu Adeegtaan ???

Jawaabtu Waa Maya O Way Kuu Muuqataa Adigaba

5-Dhibka Ugu Waynee Kale Balse Soomaalidu Wali Fahmini Waa Wadamada Lagu Soo Qabtay Shirarka Dib Uheshiisiinta Ee Loogu Magacdaray Shirka Geedi Socotka Nabada Ee Magaalo Hebal Ama Wadan Hebal,,,

Wadamada Ikhiyaareey Waxaa Kadhaxeeya Loolan Badan Odhinac Walba Ah Wadamadani Qaarkood Waxaa Soomaliya Udhaxeeya Colaad Gaamurtay Soona Bilaabata Qarniyo Hore Colaadahaa o Iskugu Jira Mid Diimeed Mid Siyaasadeed Mid Dhuleed Wadamada Waxa Kamida ETOPIA Waan Wada Ognahay In ETOPIA Aysan Marna Rabin In Soomaaliya Ay Doowlad Hesho Dhinaca Kalle Wadamada Talyaaniga Masar Liibiya Jabuuti Keenya Waxan Ognahay In Ay Soomaaliya Dano Gaara Kaleeyihiin Isla Marrkaasna Isku Khilaafsanyihiin Sidii Soomaaliya Looga Dhalin Lahaa Doowlad Sal.adag Leh Dhinaca Kale Midoowga Yurub& Mareeykanka Arimaha Soomaaliya Adbeey Iskugu Qilaafsanyihiin Waa Halka Ay Soomaalidu Katiraahdo Marka Ceeleeyo Heshiisaa Xoolo Biyo Cabaan

6- Soomaalida O Ah Dada Qabyaalad Badan Hadana An Fahamsaneen Una Taageerin Hebel Maxuu Kuu Kordhin Kara Maxaase Ukaa Biinkaraa Ayaan Inta Badan Fulin Waxyaabaha Kasoo Fulo Shirarka Soomaalida,,,

Heshiiska Maanta Kasocda Keenya Ama IMAGATI oo Isagu Soo Maray Marxalado Badan Ayaa Hada Waxa Culees Badani Ka Joogaa Sidii Loogu Gudbilahaa Wajiga Sadaxaad Iyadoo Heshiiskaan Kooxwaliba Maalin Kabaxdo,Okacarooto Waxaa Caradii Ugu Horeeysay Bilaabay Doowlada DKG, Ee Uhogaamiya Dr Cabdi Qaasin Salaad Xasan Waxaana Xukumadan Dhaxmara Khilaafyo Badan Kadib Markii Madaxweeyna DKG Shirka Iskaga Baxay Hayeeshee Xasan Abshir& Deerow Ku Haren Balse Ay Kuwaayeen Xilkii Ay Doowlada Kahayeen,,

Waxaa Iyaguna Kacarooday Kooxda Muuse Suudi Laakiin Waxaa Lagu Guuleestay Bal In Lagu Soo Celiyo Waliba Waxa Ay Yimaadeen Iyagoo Layimid Wax Loo Bixiyay Samata Bixinta Laakiin Hadana Waxaa Shirkaasi Kacarooday SSRC oIyagu Labo Ukala Jabay Qaarna Ay Rabaan In Shirku Socdo Qaarna Kabiyo Diisanyihiin La.arki Doonaa Halka Wax Ku Danbeeyaan Soomaaliya Ceelna Uma Qodna Cidina Uma Maqna

Axmed Muuse Cabdulle(idaawaqaca) saxafi soomaaliyeed oo jooga dalka keenya

axmeddheere65@hotmail.com

Qoraalkii hore ee idaawaqaca

Faafin: SomaliTalk.com | March 20, 2004 

Afeef: ARagtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD