Socdaalkii Duqa Magaalda
Muqdisho Dr Xuseen Cali Axmed ee uu Scandenevianka ku maarayey 15 –20
febaraayo oo naqoday mid lagu guuleeeystay.
Duqa Magaalada Muqdisho Dr
Xuseen Cali Axmed 15kii Febaraayo ayuu yimid Magaalada Katrineholm ee
dalka Sweden gaar ahaan gobolka Sormland oo ku taal Bartamaha Sweden
sidii uu jadwalku ahaa waxaa casho sharaf u sameeyay Jaaliyada
Soomaaliyeed ee magaaladaaas degen halkaas oo aay ka soo qaybgaleen
boqolaal qof oo rag iyo haween iyo weliba caruur isgu jiray.Inta aanan
hadalka lagu soo dhawayn Duqa Magaalada Muqdisho Dr Xuseen Cali Axmed
waxaa aayad quraan ah iyo halkaa hadal furitaan ka soo jeediyey halkaa
Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee magaalada Katrineholm Mudane
Cabdulaahi Xasan (Dhaqaale) Oo runtii sheegay Muhiimada halkaan laysagu
yimid aaysan ahaayn wax la dhayalsan karo oo aay muhiim tahay in laga
faa`ideeysto Intuu Dr Xuseen Cali Axmed Joogo.Mudane Cabdulaahi Xasan
(Dhaqaale) oo hadalkiisii sii wata ayuu wuxuu hadalkii ku wareejiyey oo
shirka ka soo qayb galay uguna yimid magaalo la yiraah Orobro Mudane
Iikar Amiin Iikar Ku xigeenkii hore ee Duqa Magaalada Muqdisho ee hore
waqtigii aay jirtay dawladii uu hogaaminaayey Maxamed Siyaad Barre Mudane
Iikar Amiin oo halkaa ka soo jeediyey qudbad aad iyo aad u wanaagsan
muujiyeyna qiirad wadaninimo islamarkaana ku tilaamay booqashadaan tii
ugu wanaagsanayd ee uu ka qaybgalo kulano layskuugu yimaado intii uu
joogay dalka Sweden. Mudana Ikar Amiin wuxuu kale uu halkaas ka sheegey
baahida loo qabo in dib loo soo nooleeyo maamul ineey yeelato magaalada
Muqdsho isagoo ballan qaaday wixii Documents ah ee uu ka hayo maamulkii
Muqdihu inuu ku wareejin doono Duqa
Gudoomiyaha ururka soomaaliyed KT
Cabdulaahi (Dhaqaale) Yaasiin Maaxi Dr Xuseen Cali, Yusuf Cabdow
Gudoomiyaha Ururka Daryeel iyo EX: ku xigeenkii Duqii hore ee muqdsho
Iikar Amiin IYO Maxmed Xasan Maadeey
Magalada Muqdisho Dr.
Xuseen Cali Axmed. Asagoon hadalkii ku dheeraanaaynin ayuu wuxuu ku
daray:” Waxaa maanta sharaf wayn ii ah anigoo ahaan jiray duqii
magaaladii hore ee dawladii Siyaad Barre in aan ku soo dhaweeyo Dalkaan
Sweden Gaar ahaan Magaaladaan Katrineholm walaalkeey ah Duqa Magaalada
Muqdsho Dr Xuseen Cali Axmed .” Dr Xuseen Cali Axmed oo hadalkiisii
bilaabay wuxuu yiri:
”Bismilaahi Raxmaani
raxiim waxaa sharaf ii ah in aan caawo halkaan kula kulmo dad walaalaheey
ah oo iiga horeeyey maamulka aan aniga masu’ulka ka ahay islamarkaasna
horey ugu soo shaqeeyey gobolkaan Banaadir ama aan iraahdee horey ugula
soo shaqeeyey MAYARKA magaalada Muqdsho taasi waxaay ii tahay sharaf weyn
waana ku mahadsan tihihiin casuumidaan sharafta leh Ilaaheeyna haka Abaal
mariyo intii soo abaabushay. Sida aad ka warqabtaan aniga wadanka xoogaa
ayaan ka soo maqanahay waxaanse soo aaday Nayroobi, Kenya siyaabaha aan
halkaas u soo aaday oo ah
1.Sida aad la socotaan
waxaa halkaas ka socdo shirkii14aad ee dib u heshiisiinta Soomaalida.
Hay`adaha caalamiga ah ee fadhigoodu yahay Nairobi ee qaabilsan arrimaha
Soomaliya, si aan warbixin uga siiyo xaaladda guud ee magaalada iyo
qaabka ugu haboon ee dib loogu soo celin karo bilicsamidi magaalada Xamar
oo mar ahaan jirtay goobaha ugu nadiifsan magaalooyinka qaaradda afrika,
isla markaasna ugala soo hadlo mashaariic iyo sidii kaalmo dhaqaale iyo
mid farsamo loogu heli lahaa magaalada muqdishu. Intii aan joogay Nairobi
waxaan marar badan is aragnay masuuliinta Dowladda Ku-Meelgaarka qaastan
Dr C/qaasin Salaad Xasan waxaana uga warbixiyey hay’adihii aan la kulmay
iyo rajada wacan ee aan ka qabo inaan ku qanciyo hay’adaha ka goys
adeegaya inaan Muqdishu wax laga qaban karin. Annigoo tusaale u soo
qaatay mashruucii nadaafadda ee magaalada oo ay maalgelintiisa ay bixisay
hay’adda ILO, in xamar wax laga qaban karo waxaa ka marqaati kacayo
fulinta hawsha baaxadda leh ee nadaafadda oo 6 degmo ku koobnayd, markaan
hay’adda ILO iyo UNDP ka codsaday in mashruuca baahi weyn loo qabo kana
mid yahay mashaariicda abuuri karta fursado shaqo, waxaan codsaday in
mashruuca la fidiyo muddo hal sano, lana wada gaarsiiyo 16 degmo ee
magaalada ka kooban tahay, iyadoo degmo walba aan u codsaday in loo
shaqaaleeyo 300 oo qof. Hay’adda markay muddo soo daristay waxay
oggolaatay in mashruuca la gaarsiiyo hal sano, in lagu fidiyo dhamaan
degmooyinka gobolka Banadir iyo in degmo kasta laga shaqaaleeyo 100 qof
iyadoo sabab uga dhigay dhaqaale xumo hay’adda la soo deristay sannadkan.
Sidoo kale waxaa meel
wanaagsan marayo in wax laga qabto waddooyinka magaalada oo aad u
burburay taasoo aan rajaynayo in kuwa ugu horeeyo ay ka bilawdaan
magaalada xamar, kaddib markaan dhowr hay’adood aan u bandhigay daraasad
faahfaahsan oo ay diyaariyen khubaro Soomaliyeed aadna loogu riyaaqay,
mabda’ahaan la waafaqay in sannadkan 2004 la bilaabo dib u dhiska iyo
dayactirka waddooyinkaas.
”Intii aan Nayroobi
joogay waxaa ii suurtagalay inaan la kulmo Wakiilka Hay’adda WHO u
qaabilsan Somaliya oo fadhigiisu yahay Nayroobi, waxaana kala hadlay
caafimaad xumida magaalada ka jirta iyo sidii wax looga qaban lahaa;
annaga iskaashi soko oo arrintaas aan ka leenahay wasaaradda caafimaadka,
waxaana halkaas ugu gudbiyey mashruuc biyo gelinta ee magaalada kaasoo oo
ay noo diyaariyeen khubaro Chinese ah, aadna wuu ugu farxay wuxuuna
ballan qaaday inuu maalgelin u raadin doono.
2. Inaan ka qaybgalo
Shirka Nabadaynta Ummadda Soomaaliyeed uga socda Nayroobi oo aan warbixin
uga siiyo maqaamka gaarka ah ee yeelan doonto magaalada muqdishu, taasoo
markii ugu horeysay lagu soo hadal qaaday shirkii nabadaynta ee Djibouti
2000, laakin uu dhaqan geli waayey duruufaha adag ee ka jiray magaalada.
Sida aad la socotiin Shirka wuxuu soo maray marxalado kala duwan kuwaas
mararka qaarkood aad isleedahay shirkii wuu burburay, laakin mahad ha ka
gaarto waxaa mar waliba arrintaas badbaadinayey hay’adaha caalamiga iyo
urur goboleedka IGAD oo mar waliba uu khilaaf soo kala dhexgelo kooxaha
halkaas ku shirayo culus weyn saarayo, isla markaasna u soo bandhigayey
kooxaha Soomaaliyeed options kala duwan iyo inay isu tanaasulaan.Waa
Ilaah mahadii shirka maanta wuxuu leeyahay raja wanaagsan, koox waliba
tanaasul ayey keeneen ahna mid lagu amaani karo hoggaamiyaasha taasoo aan
hore looga baran, haddana weli waxaa dhici karta in caqabado kale soo
baxaan. Sidoo kale shirka qiimahiisa wuxuu kor u kacay kaddib markii
xulitaanka xildhibaanada ay gacan weyn ku yeesheen hoggaamiyaasha
bulshada, waxaana u rajaynaya in wejiga seddexaad ee dhawaan ka furmi
doono Nayroobi uu noqdo mid soo afjara khilaafaadkii siyaasadeed ee soo
jiitamayey 14kii sano ee la soo dhaafay, loona gudbo dib u heshiisiin
dhab ah iyo is cafin guud wadada u sii xaarto Dawlad Soomaliyeed oo awood
leh dibna u soo celiso sharaftii iyo karaamadii ay lahayd Ummadda
Soomaaliyeed.Waxaay waayo aragnnimada na bartay Dawladda loo dhiso
Soomaaliya oo beesha caalamka gacmaha ka laabtaan, haddana tan lagu soo
dhisi doono Nayroobi micne yeelan mayso haddaan beesha caalamka eeyna la
barbar istaagin wax qabad dhab ah dawladda curdunka ee dhalan doonto kana
kaalmayn qaybaha tiirarka u ah jiritaan qaran waxaana qaybahaasi ka mid
ah:
1) In la dhaqan celiyo
maliishiyaada faraha badan oo mar kasta qalqal geliya nabadda iyo
xasiloonida, iyadoo loo furayo tababar dhinaca xirfadaha kala duwan si ay
mustaqbalka ugu shaqeystaan.
2) In la helo barnaamij
maliyadeed iyo kaalmo farsamo oo u kala qorshaysan
mid gaaban iyo mid dheer.
3) In la sameeyo
tirakoob dadka, xoolaha iyo guryaha si loogu jaangooyo qorshaha
horumarinta dalka
4) In dib loo
hagaajiyo kaabayaasha dhaqaalaha sida dekedaha garoomada diyaradaha,
waddooyinka iyo kaabaha laysaga gudbo.
5) In dib loo
yagleelo hawlaha bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo sportiga,
nadaafadda iyo arrimaha daryeelka deegaanka.
6) In mudnaanta
koowaad la siiyo biyaha iyo korontada, laguna dadaalo in loo sameeyo
asaas adag oo si sahlan loo horumarin karo.
7) In Horumarinta
warshadaha lagu saleeyo kuwa qalabka ceerin laga heli karo soomaaliya iyo
in loo sameeyo goobo ka xor ah canshuuraha (industrial free zone),
8) In ganacsiga la
madax banaaneeyo iyadoo loo samaynayo qawaanin dhiirigelinayso soo
jiidasho maalgelin shisheeyo iyo shuruuc damaanad qaadi karto hantidooda.
9) In khayraadka
faraha badan ee Ilaah ku manaystay Ummada Soomaaliyeed sida beeraha,
xoolaha, khayraadka badda iyo macaadiinta loo sameeyo qorshooyin iyo
jaangooyo lagu salaynayo baahida ummadda iyo baahida ka jirta suuqyada
aan wax u dhoofinayno iyo amar ku taaglayn.
10) In dalka laga
hirgeliyo ismaamul goboleedka ay dadka deegaanka ay si xor ah ugu dooran
karaan maamul ka hufan qof jeclaysi,
11)In dalka loo
diyaariyo axsaab siyaasadeed iyo doorashooyin xor ah,
12) In la ilaaliyo
xuquuqul insaan; si gaar ah loo ilaaliyo xuquuqda kuwa laga tiro badan
yahay
13) Cahdiga,
shuruucda iyo qawaaniinta dalka loo dejinayo waa inay noqdaan kuwa ku
salaysan baahida iyo dhaqan bulshadeedka Ummadda Soomaaliyeed,
Gudoomiyaha ururka soomaaliyed Cabdulaahi (Dhaqaale) Cali Axamed Dr
Xuseen Cali, Yusuf Cabdow Gudoomiyaha Ururka Daryeel EX: ku xigeenkii
Duqii hore ee muqdsho Iikar Amiin IYO Maxmed Xasan Maadeey
Markii aan ka soo
tegayey magaalada Xamar (Muqdsho) waxaa xilkii ku sime ahaan ugu dhiibay
ku-xigaha 1aad ee duqa magaalada Dr. Mohamed Cabdulqaadir, oo aan marar
badan oo dibedda safar ugu kicitimay ugu dhiibay, wuxuu xilkiisa u gutay
si waafaqsan sharciga iyo nidaamka u deggsan dawladda hoose, isagoo
kaashanayo aqoontiisa iyo waaya-aragnnimadiisa hawshii iyo mas’uuliyadii
loo dhiibay uu uga soo baxay si xilkasnnimo iyo wadannimo ku dheehan
tahay,
Waxaan halkan
hambalyo iyo bogaadin uga soo gudbinaya degmooyinka Gobolka Banaadir oo
beryahan dambe xoojiyey nidaamka difaaca amniga kaasoo saldhig u noqon
karo nabadgelyo guud oo lagu soo dabaalo magaalada muqdishu. Sidoo kale
urrurada kala duwan ee haweenka gobolka oo mar waliba aan ka daalin hawl
kasta oo laga hirgelinayo gobolka, sidoo kale odayaasha dhaqanka iyo
urrurada dhallinyarada oo mar waliba u duuban inay ka hortagaan kaddibna
xaliyaaan dhacdooyinka iyo gacan ka hadalka ka dhaco magaalada.”
Dr Xuseen
Cali Axmed iyo MAYARKA Katrineholm Mr Jan Larrsson
16kii bishii
Febaraayo waxaa lagu casuumay ee uu tegay xafiiska Duqa Magaalada
Katrinholm, Mr. Jan Larsson, wuxuuna warbixin ka siiyey baaxadda
Magaalada Katrineholm iyo dadka ku dhaqan, meelaha dhaqaalaha ka soo galo
iyo waxyaabaha ay caanka ku yihiin, sidoo kale Dr Xuseen Cali Axmed wuxuu
warbixin guud ka siiyey xaaladda Magaalada Muqdishu, dhibaatooyinka
dawladda hoose haysto iyo siday gacan uga siin lahaayeen.
Waxaa kale ee uu Dr Xuseen Cali Axmed
ugu warbixiyey rajada laga qabo dib u heshiisiinta ka socoto Magaalada
Nairobi oo laga rajaynaayo inay ka dhalato dowlad Soomaaliyeed oo loo
dhan yahay. Taasoo beesha caalamka aqoonsi iyo malgelin ku yaboohi doonto.
Waxaana uu u soo bandhigay in labada Magaalo la mataaneeyo ee uu iskaashi
dhex maro labada dhinac.
Dr Xuseen Cali Axmed iyo Mayrka
Katrineholm Jan Larrsson Baarlamaanka Degmada Katrineholm
Duqa magaalada
Katarinholm Mr Jan Larsson wuxuu ku martiqaaday Dr Xuseen Cali Axmed
inuu ka qaybgalo shir bileedka Golaha Baarlamaanka ee deegaanka magaalada
halkaas galabnnimadii oo aad iyo aad loogu soo dhaweyey, markii uu shirka
xirmayna, wuxuu warbixin siiyey qalabka warbaahinta ee magaalada ssup.org
, halkaasoo fikrad guud ah ka siiyey xaaladda ay ku sugan tahay magaalada
Muqdishu iyo sida ay dawladda hoose iyo guud ahaan Gobolka Banaadir
diyaarka ugu yahay inuu wax ka qabto baahida faraha badan ee magaalada ka
jirto, wixii awoodooda ka baxsanna ay ula kaashanaayaan beesha caalamka.
18kii Febaraayo wuxuu
u duulaya Goteborge oo ah magaalo madaxda labaad ee Sweden halkaas oo aay
ku soo dhaweeyeen Odayaal Soomaaliyeed oo magaalda degen oo aay ka mid
yihiin Prof Xasan Axmed Ochkio, Cabdulaahi Hantiwdaag, Yusuf Muuse Dheere,
Axmed Ismaaciil Gare iyo Axmed Warsheekh oo ahaa odayaasha iyo
gudoomiyaha Ururka Soomaaliyeed ee halkaas ka dhisan. Dr Xuseen Cali
Axmed wuuu la kulmay Goteborge-Initiative iyo Jaamacada Gotenborg halkaas
uu ku soo bandhigay maraxalada aay ku sugan tahay magaalo madaxda
Soomaaliya, Muqdisho, sidoo kale waxaa laga wada hadlay sidii xiriir
saaxiibtinimo aay u wada yeelan laahaayaan labada wadan gaar ahaan labada
gobol Goteborge iyo Muqdisho
I, Dr. Hussein Ali
Ahmed, the Mayor of Mogadishu, would like to express my gratitude to
everyone that contributed to the success of my recent trip on February
15-20, 2004 to Katrineholm in Sweden and Gotenborg. It has been a
fruitful and important visit which further contributed to the links which
exist between Somalia and Sweden.
I am particularly
thankful to the Mayor of Katrineholm and its great mayor, Hon. Jan
Larrsson, who gave us his assistance. I owe special thanks and gratitude
to the Head of International Relations of the Social Democratic Party in
Katrineholm, Mr. Yassin Mahi.
My best wishes to all
the people of Katrineholm for hosting me and for welcoming so many Somali
people.
20kii Febraayo wuxuu
dr Xuseen Cali Axmed u sii dhoofay UK, LONDON. Halkaas uu usbuuc sii
joogi doono isagoo ku sii socda Dubai iyo Soomaaliya Kenya
Warbixintan waxaa soo diyaarshay:
The Head of International Relations of the
Social Democratic Party in Katrineholm,
Mr. Yassin
Mahi |
maaxi@hotmail.com
Feein: SomaliTalk.com | March 1, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan.