- 1- Yaasiin Xaaji Cismaan SHarmaarke. Aabaha Aasaasayaasha.
- 2- Cabdulqadir SHiikh Sakhaawudiin
- 3- Xaaji Mohamed Xuseen.
- 4- Mohamed Faarax Hillowle
- 5- DHeere Xaaji DHeere.
- 6- Cali Xasan Cali (Barduure)
- 7- Cismaan Geeddi Raage.
- 8- Mohamed Cismaan Baarbe.
- 9- Daahir Xaaji Cismaan
- 10- Sayidiin Xirsi Nuur.
- 11- Mohamed Ibrahim Xayeesi
- 12- Huddow Macalin
- 13- Mohamed Cali Nuur.
Haddaba iyaddoo aasaasiintii SYL ahaayeen 13kaas ayaa nasiib darro waxaa
dhacda in marar badan dad aan ehel u aheyn una noqon Halgankii DHallinyarada
Soomaaliyeed Hormoodka u ahaayeen sheegtaan iney ka mid ahayeen
Aasaasiintii dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL, dadka ku been abuurtey SYL
waxaa ka mid ahaa nin magaciisa ku sheegey Cali Cabi SHiddo oo sheegtey inuu
ka mid ahaa Aasaasiintii Ururkii DHallinyarada Soomaaliyeed ee 1943 15 May.
Sheegashada been abuurka raqiiska ah waxaa dhammaadkii bishii Feb 2004 qorey
shabakadda beenta fidisa kuna caanka baxdey naceybka (hatred) ee fullisa
arrimaha Qabiilka taasoo laga qoro muqdisho.
Cali SHiddo oo ka mid ahaa dadkii
sida ba,an uga soo horjeedey halgankii SYL oo dhibaatooyinkii uu geystey
1952- 1991kii dad badan oo Soomaali ahi ogyihiin waxaa nasiib daro ah isagoo
weli falalkii xumaa faraha kula jira inuu maanta sheegto waxaan ka mid ahaa
Halgamashii iyo Aasaasiintii SYL kana sheego meel fagaaro ah.
Sanadkii
2001kii waxaa isna meel fagaaro ah ka sheegey ninka ay qaraabada yihiin
SHiddo ee Ina Salaad Boy magacyo dad aan ka mid aheyn Aasaasiintii SYL
isagoo ku andacoodey iney ka mid ahaayeen Aasaasiintii 13kii wiil.
Haddaba
waxa la isweydiin karaa ragaani Beenta sheeganaya oo ku tababartey kuna
barbaarey Billiliqada maxay doonayaan waxaa u wanaagsanaan laheyd iney
Xoolaha kaliya iyo Guryaha iska yiraahdaan ANIGAA TAABSADEY (bILLILIQEYSTEY)
ee ha la ii daayo sida dhallinyarada ay adeerada u yihiin yeelaan iskana
daayaan dhanka taariikhda ee ay beenta ka sheegayaan. Qofkii rabaa wuxuu
booqan karaa shabakaddaha Internetka oo laga helayo haddaladii uu Cali SHiddo
ku sheegtey inuu ka mid ahaa 13kii Ururkii DHallinyarada Soomaaliyeed ee
SYL, haddii u jiro qof qiraya ama ku raacsan Cali SHiddo inuu ka mid ahaa
SYL fadlan ka soo hadal arrimahaan. Waxaa kale oo dhageysataa khudbad laga
siidaayey isla shabakadda Beenta fidisa ee muqdisho kasoo baxda taariikhdu markey
aheyd 2001 khudbadaas oo uu akhriyey ninka sheegta Madaxweynaha
Soomaaliyeed Ina Salaad Boy waqtigaas oo ahaa markii laga celiyey oo loo
diidey B/weyne, marka si uu qalbi laxowsado ayuu sheegey magacyo dad reer
Hiiraan ah oo aan shaqo kulaheyn SYL iyo aasaasiintii Dhallinyaradii
Soomaaliyeed wuxuuna qirey iney ka mid ahaayeen.
Waxaa cajiib ah waxa odayaasha daba dhegey taariikh aysan shaqo ku laheyn.
Waxaa u wanaagsanaan laheyd iney isku hawlaan waxyaabaha dadka Soomaaliyeed
ku yaqaanaan raggaan odayaasha ah iskana dhaafaan hawlahaan iyo taariikhdaan
aysan shaqada ku laheyn hawlahoodana iska wataan.
Tolow Maxaa Ragaas daba dhigey ka been sheega Taariikhda 13kii dhallinyarada
Soomaaliyeed
ma u maleyneysaan ruux isagoo da, diisu dhaaftey ama ku dhowdahey 70 ka
xishoon waayey wixii xumaa u isago dhallinyaro ah wanaag iyo cadaalad iyo
midnimo ka shaqeynayey (hard to believe)
Wixii aad Baratey waa Baaskaa Ragaan halalataliyo./.
Yusuf Osman
yusufosman277@hotmail.com
QORAALADII HORE EE YUSUF OSMAN
Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
WARQAD FURAN OO KUSOCOTA DAAHIR RIYAALE
[Diridhaba]
Xaflad Loogu Mahadceliyo Boqor Cismaan Maxamuud
(Buur-Madow) Iyo Suldaan Saciid Suldaan C/Salaan
Guji....