Waxaan
jeclahay inaan wax yar ka idhaahdo qoraal aad mooddo inuu qoray nin aad u
deg-degaya oo aad mooddo inay hadda noloshu u cusub tahay waa ninka isku
magacaabay
Dirir-dhabe.
Horta wiilyohow waxaad meel uga dhacday ummad qaran ah, ma waxay kula
tahay inaad ummad sida aad sheegtay wax waliba ku
jiraan(aqoon-yahan,caaqil iyo wax-garad,siyaasiyiin) oo sida aad ku
timaantay ay yihiin dad ka dhoohan wixii lasoo dhoob-dhoobay oo caadifad
qabiil ayey ku dheggan yihiin waxaan ku dhihi lahaa arrintaasi waa gef
ummadana meel ha uga dhicin qoraalkaagana ka feker inta aadan usoo
bandhigin ummadda.
Arrinta kale ee meesha ku jirtaa waxaa weeye
ee in la fahmo u baahan haddii intaa aad sheegtay ay sida aad u sheegtay
tahay oo ay khaldan yihiin, maxay waxaad adigu iska dhaadhicisay haddii sida
aad adigu wax u fahamsan tahay uu Riyaale dhihi karo orodoo iska tag waan ku
cafiyaye, waxaan u arkaa inaad laba jir tahay wax badan baana kuu dhimman ee
intaadan falin ka fiirso reer Somaliland-na ceeb ha usoo jiidin.
Waxay aniga ila tahay haddii dimoqraadiyadi
ay jirto oo Boqorka wax cad lagu xidhay waa in wixii lagu xidhay oo cad la
keenaa haddii aan waxba lagu hayninna in sharaftiisa loo soo celiyaa waliba
la xaar mariyaa oo lagu xaal mariyaa gardarradii lagu qabtay iyo intuu
xidhnaa sharaftii laga xayuubiyey ee cid waliba ay ku wiirsanaysay waa war
saxaafadeed ay dawladdu ku sheegtaa in laga gardarraa waa haddii wax lagu
waayo, laakiin warqad wiil kintir lihi karaaji kasoo qoray madax weyne fadlan
sii daa taasi waa mid aan maanka fayow gelaynin adiguna nin yow cirkaad isla
joogtaaye daaloco duruustaada ayaan ku dhihi lahaa.
- Adigoon tacliin dhigan
- Caashaqa ku dhega tiray(siyaasad baa
madaxa kaa martay)
- Waxa uu ka dhigan yahay
- Dhabar weyne jiilaal
- Ninka reer u dhaanshee
- Dadku dhowrayeene
- Dhexda awrku kaga lumay
- Haw dheg-taagin jacayl(qabiil)
- Ha ku dhiirran iska dhaaf.
Waa waano dhaxal-gal oo aday dan kuu tahay
ama qaado ama diid.
Waa Cabdirashid Sheekh oo jooga SWEDEN
abdirashids@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
WARQAD FURAN OO KUSOCOTA DAAHIR RIYAALE
[Diridhaba]
Xaflad Loogu Mahadceliyo Boqor Cismaan Maxamuud
(Buur-Madow) Iyo Suldaan Saciid Suldaan C/Salaan
Guji....