Waxaa jiray xilli lagu qiyaasay qarnigii 16aad
boqor Soomaaliyeed oo la odhan jiray Wiil Waal. Waxaa lagu sheegay inuu ahaa
nin xukun adag xikmadse badan. Wuxuu ahaa hogaamiye cimrigiisa badankiisii ku
idlaystay duulaan iyo difaac joogta ah oo tolkii kula jiray Galla degaankaa
muddo gaaban ka hor ka talin jirtay.
Nin dadka aad u imtixaana oo isku daya inuu
qof walba garashadiisa dhudhumiyo ayuu ahaaye, maalin maalmaha ka mid ah ayuu
shir weyn wacay oo uu isagu yeedhay dhammaan raggii Bartire. Wuxuu codsaday
in nin walba oo soo gaadhi kara shirka yimaado. Il-laawe iyo lug-laawe kol ay
ku tahay Bartire wixii akabaabiga ka dhawaa ayaa isu yimid. Af-niijiye (qof
dadka warka gaadhsiiya siddii makarafoonkii) ayuu idmay oo intuu shirkii ka
dhex kacay faray in nin walba gurigiisii ku noqdo gawracna ugu jiido
adhigiisa neefka ugu shilis dabadeed barito lasoo xaadiro “cadka rag
walaaleeya.” Raggii shirka yimid oo yaaban oo war tolow maantana muxuu
arintan cusub uga jeedaa is leh ayaa dib u geddoomay.
Way shireen oo war rag talo kama dhamaatee
muxuu Wiil Waal raadinayaa is weydiiyeen. Cadka rag walaaleeya ayaa in badan
laga dooday. Muxuu yahay mase jiraa? Si guud iyo gooni gooniba raggii way u
shawreen hase ahaatee dhakafaar ayey ka qaadeen in kasta oo ay arinta sii
rogrogaan. Ninba ninkuu garasho ku tuhmayey ayuu dhinac ula baxay oo war
maxay kula tahay yidhi. “Maantana maxay noqon siddii, Muxamed loo yaabye”
ayuu xaalkoodu ku sifoobay. Markii ay isku daaleen wax ur ahina u bixi weyday
ayey ku kala faadhumaysteen war bal faq iyo gorfeyn waxba ku soo saari
weynayee nin walba iskii ha uga soo fakaro arinta cadkii uu ka badin waayana
ha keeno.
Aqaladdoodii haddii ay tageen wuxuu nin
walba reerkiisii warsaday in neefka adhiga ugu shilis la gawraco hilibkana si
cajiib ah loogu sameeyo. Nin walba wuxuu si gooni ah u codsaday cadkii uu
islahaa ragga ayuu walaaleeyaa. Midbaa codsaday in garabka loo diyaariyo,
midbaa codsaday in sararta loo diyaariyo, mid kalaa codsaday daqayda, midba
waxbuu codsaday.
Waxaa raggaas la xujeeyey ka mid ahaa nin
caydh ah oo aan bar adduun ka nixin tobaneeyo neef oo adhi ah mooyee caruur
rajooyin ahna korsada. (aabe mutaxan ama ‘single father’ ayaa dhici karta
inaad u taqaano ninka noocaa ah.) Caruurtaa waxaa ugu weynaa gabadh 16 jir ah
oo la wariyey inay qurux iyo qiimaba bogcad cidla ah u taagnayd. Gurigiisii
ayuu tagay odaygii oo uu gabadhii faray inay gawracdo sabeenta neefafkooda ka
dhaqaaqaysa. Oo aabo miyaad waalatay caydh ayeynu nahay ee miyuu inaga baxaa
neef aan gawracno maanta, maxaadse sabeenta adhiga ugu buuran ku maagtay?
ayey weydiisay. Aabo miyaan khayaar leeyahay saw Wiil Waal raggii ma amrin
inay sidaa yeelaan, waynu ku qasbanahay ee aabo sarakac oo durduri, ayuu ugu
jawaabay. Way u muuqatay danyaraanta gabadhu ka calaacashay laakiinse wuxuu
laabta ku hayey cawaaqib xumada ka dhalan karta amarka Garaadka oo la fulin
waayo ileen “Askar amar ka diidaa kornayl, waa Allow sahale.”
Sabeentii ayaa la xalaaleeyey markii la
diyaariyey ayuu odaygii kala doordoorasho galay isagoo kolba cad qaadaa
dhigaya oo leh tolow ma kanaa mise waa kaa. Ugu dambayntii ayuu doortay lug
oo uu yidhi tanaan la tagayaa? Gabadhii ayaa mar kale la yaabtay aabaheed oo
su’aashay xaggeed geynaysaa aabo? Garaadka ayaa na faray in nin walba shirka
la yimaado “cadka rag walaaleeya” sidaa awgeed waa inaan qaadaa aad bay iila
buuran tahay una malaynmahayo in cid mid ka wanaagsan keeni karta ay jirto,
ayuu ku juwaabay. Wax Alla wuxuu uga jeedo garanmahayo laakiin jid kale iima
furra inaan warka Garaadka yeelo ma ahee, ayuu gabadhiisii ku qanciyey
Gabadhii ayaa qadar gaaban aamustay oo ka
fakartay xujada aabaheed iyo raggii kale ee Bartire haysata. Aamuskaa gaaban
ka dib ayey aabaheed ku tidhi maya aabo ha qaadin cadkaa maxaa yeelay ma aha
midka Wiil Waal doonayo. Odaygii ayaa ku adkaystay inuusan cad aan kaa ahayn
la shir tagi doonin. Gabadhii oo aad ugu dadaalaysa in aabaheed xujada furo
ogna in cadkaa odaygu dadaabtay ahayn kii xujada furi lahaa ayaa mar kale
tidhi maya aabo ha qaadin kaa anniga i kadbo oo waxaad qaadaa hunguriga!
Odaygii ayaa amakaag iyo af-kalaqaad qabsaday! Ma anigaa shirka hunguri la
taga oo Garaadka waxaas oo xurmodaro ah u gaysta. Alla maxaad gabadhyahay
waalan tahay anna inaad i waasho damacsan tahay.
Aabo aniga i aamin ma rabo inaan kuu sheego
sababta maxaa yeelay Garaadka naftiisa ayaa kuu sharxi doona ee adigu
hunguriga shirka la tag wixii danbi ah ee halkaa ka dhashana anigaa dusha u
ridin doona, ayey tidhi. Odaygii ayaa dhiiranaanta iyo isku kalsoonida
gabadha yar ka muuqata la yaabay kolkaa ayuu cabbaar qadariyey fikraddeeda.
Waxaa u muuqan waayey sababta yartu hunguriga u xulatay iyo inna wax hunguri
dheer yahay cadadka kale. Wuxuu mar is yidhi waa dhallaannimo iyo waayo
aragnimo la’aan laakiin isla markiiba wuxuu xusuustay in gabadhu caaqilad
weyn ahayd oo aan haba da’yaraatee talo ay soo jeedisay hadda ka hor lagu
hungoobin.
Mar wuxuu is yidhi adiga ayaa lagu xujeeyey
ee Allaa ku lehee arinta go’aankeeda ku calool adayg sida kula qumanna yeel.
Laba qalbiyeyn iyo walaac ayaa coobbaha is tubay. Waxaa dhagihiisa ka guuxay
“wixii danbi ah anigaa oogada u ridin doona.” Mar dambe ayuu ku jawaabay
waayahay waxaan qaadayaa hunguriga maxaa yeelay gabadh caqli badan inaad
tahay ayaan ogahay, calool adayg waa Alla wehelkiiye hadday dan mooddo
baddunna buurta ha talowdo ayuu isku tirtirsiiyey.
Shirkii ayuu odaygii u dhalandhoolay. Wuxuu
ugu tagay raggii amarka la siiyey oo mid walba cad soo qaaday mid walbana ka
kale ka qarinayo cadka uu doorbiday. Way is fiirfiiriyeen isfiirfiirin tuhmo
iyo Allow ceeb astur ku dheehan tahay. Wax yar ka dibna Garaadkii ayaa soo
muuqday. Asalaamu calaykum? Wacalykuma salaam iyo waxay isku dareen ‘quumuu
li sayidikum’ war Garaadka u sarajoogsada. Fadhiista idinkoo mahadsan nin
walbana shaaca ha ka qaado cadka uu soo saaray, ayuu ogeysiiyey. Dhinacii
odaygii miskiinka ahaa fadhiyey ma ahee dhinaca kale ayaa dhawaaqii u
horeeyey ka yeedhay nin walbana daboolka ka rogay cad aad loo soo habeeyey.
Ma lugbaa, ma garabbaa, ma sararbaa cadba cadkuu ka gashin wanaagsanaa.
Odaygii ayaa talo ku ciirtay oo hamiyey in dhulku la go’o. Allow i xil furo
mooyee weedh kale ayuu afkiisu haleeli waayey. Wuxuu is yidhi adiguba lugtaa
hebel keenay oo kale unbaad keeni lahayd ee tii yarayd ayaa Alle kuusoo diray.
War ileen talo isuma kaa sheegto iyo Alla caqligu xaasidsanaa ayuu hoostaa ka
guray. Gabadhiisii ayuu hiifay ileen iyadaa usoo xambaarisay cadkan baasee.
Hadal afka ka weyn iyo talo haween raace tagoogtuu ka jabaa iyo maahmaahyo la
midab ah ayuu xusay.
Garaadkii ayaa weydiiyey; saaxiib adna
maxaad soo qaaday? Meel uu ka noqdo ileen ma joogee wuxuu daboolka ka rogay
hungurigii dhawr jeer markay gacantiisu ka gabbatay inay ragga soo dhex
dhigto ka dib. Talo dhabaqday! Wixii rag shirka fadhiyey ayaa mar kaliya
af-labadii dhawaaqay. War ninku miyuu waashay mise wuu soo wataa ayaa gees
walba ka yeedhay. Ma foolxumo intaa la eg iyo ixtiraam daro heerkaa gaadha
ayaa Garaad Wiil Waal maanta loo geystay. Lun adduunoow! Hunguri sideebuu
madasha u keeni karaa! Qaarkood haddii aysan Wiil Waal wajigiisa ku
ixtiraamaynin gacantooda ayaaba gaadhi lahayd ninkan ay u arkeen inuu lamana
maqal lamana aragta dhigay. Odaygii oo awalba walbahaarsanaa ayaa sawaxanka
ragga ka yeedhay rucbi iyo naxdin hor leh u keeneen. Hoos ayuu indhaha u
rogay isagoo iska dhawraya in indhihiisa iyo kuwa Garaadku kulmaan. War ileen
ceeb iyo cadho naftu kaagama takariso.
Cabbaar ayuu Wiil Waal aamusay si canaanta
iyo eedayntii shirku soo jeediyey u kala degto. Odaygii oo la yaaban waxa
ragga kale afxumo kasoo baxaysa iyo aamusnaanta Garaadka ayaa isha ku
biciriiriyey wajiga Wiil Waal mise wuuba dhoolla-caddaynayaa oo nin lagu
gafayba uma muuqdo. Hubsiimo halbaa la siistaaye dhawris labaad ayuu u
celiyey mise qosol ayuu gaws-ka-gaws Garaadkii ka wareegay. Mar kale ayuu
fajacay. Wixii madasha san-ku-neefle fadhiyey ayuu cid kale oo aan Garaadka
ahayn oo nuuxnuuxsata ka waayey. Wuxuu is yidhi ama waad yara khafiiftay ama
waad riyoonaysaa ee sidani kolla xaqiiqo ma aha.
Cabbaar ayaa shib la yidhi. Garaadkii ayaa
kolkii aamuskii yara dheeraaday hadalkii dib u furay. Tolow i maqal, waxaa
idinku jira oo kaliya hal nin wax caqli iyo garasho dhamaystirin Eebe siiyey.
Laba ma aha oo saddex ma aha waa uun hal nin oo kaliya. Odaygii ayaa qaadan
waayey hadalka Garaadka afkiisa kasoo yeedhay oo sidaa u eegay isagoo
dhakafaarsan. Wuxuu ka shakiyey in qawlka Garaadka afkiisa kasoo degay iyo ka
dhagihiisu maqleen isku mid yihiin. Qalbigiisa ayaa rumayn waayey maqalkiisa.
Wiil Waal wuxuu ahaa nin aragti dheere
dareenka wajiga odayga ka muuqda ayuu ka shakiyey oo is yidhi shaw odaygu
fikradda maba keenin markaa ayuu hadal baadhis ah kusoo tuuray oo yidhi;
saaxiib adigu fikradda ah inaad hunguriga soo qaado ma aadan keeninee yaa kuu
sheegay? Odaygii ayaa madaxa xoqday. Maya, anigu, haddee, em, tu yaroon
dhalay oo aanan u ducaynin ayaa igula talisay ayuu ku jawaabay! Wiil Waal
ayaa mar qudha haw fadhigii kasoo yidhi oo dhammaan intii madasha joogtay soo
jeediyey. Maya ayuu yidhi idinkuma jiro hal nin oo caqli leh siddaan hore u
sheegay ee waxaa idinku jirta hal gabadh oo caqli u saaxiib ah. Hal gabadh
ayaa dhamaantiin idin dhaanta oo idinka aragti saraysa.
Sababtu waxay tahay idin ma weydiinin inaad
hilib ii keentaan waxaan idin weydiiyey in nin walba keeno cadka rag
walaaleeya. Ma gaajo iyo wax dib loo liqo la’aan baad igu ogaydeen ama igu
tuhmayseen? Hadalkayga guntada oo xikmadayda dhagaha u fura; hungurigu waa
cadka rag ama walaalo ka dhiga ama cadow ka dhiga. Adduunku waa nin qatan oo
indhaha ka xumbaynaya iyo mid quuta oo dibbiro la daaca qudhunsan, hayste iyo
mahayste, taajir iyo faqiir mucsur qaawan ah. Qatane quutuu rabaa inuu ka
qaato ama la qeybsado, faaqiirna taajirka ayuu in ka daadso is leeyahay, ma
haystane haystaha ayuu hunguriyeeyaa kolkaa ayey dhexdooda ka oogantaa oo ay
dagaal iyo difaac tagtaa. Maxaa kale oo rag isu geeya bal ii sheega oo aan
hunguri ahayn? Waxse ka weyn oo kale oo rag walaaleeya bal ii sheega? Raggii
cargaagtamay markii ay hunguriga arkeen ayaa marxabbayn iyo weeye wajiyadooda
laga dareemay.
Haddii aan ka yara leexdo sheekada, waxaad
moodaa in Karl Marx (1818-1883) iyo saaxiibkii Frederick Engels (1820-1895)
oo ahaa nimankii qoray “The Communist Manifesto” ay baal ka mid ah falsafadan
Wiil Waal amaahdeen markii ay lahaayeen sooyaalka taariikheed ee dunidu wuxuu
ku dhisnaa waligiiba dagaal dabaqadaha u dhexeeya. Addoon sayidkiisii iska
dhici is leh, saanaca iyo ka hoosada uu ka shaqeeyo leh, dulmane iyo kii
dulmay iwm oo daa’inkood dirir ku jiray. Marka laysku soo uruuriyo waxay isku
haystaan wuxuu isugu imanayaa hawo adduun iyo hunguri sida Wiil Waalba
caddeeyey qarniyo ka hor Marx iyo Engels.
Sidoo kale waxaa si xariifnimo ah arintaa
gabay ahaan ugu cabbiray Cabdullaahi Badel Cabdi Qamaan oo ah gabyaa isu
geystay hal-abuur hodan ah iyo falsafad culus oo uu gabayadiisa gundhig ooga
dhigo. Waa kii lahaa:
- - Shanta qaaradood waxaa ka riday,
qayladiyo buuqa
- - Waxa qamarka guud iyo hawada, qaraxa
loo saaray
- - Waa quud nin haystiyo mid raba, inuu ka
qaataaye
- - Ama qaab uu gumaystuhu bartiyo, waa
qoqoba riixe
Sheekadii aan gunaanadee, intaasi markay
dhacday ayuu Wiil Waal wajahay dhinicii odaygii isagoo ku leh gabadhaadu
waxay ka garaad wanaagsan tahay dhamaan ragga halkan fadhiya cid rag iyo
dumartoona u dhiganta ma jirto sidaa awgeed waxaan rabaa inaan kula xidido.
Odaygii oo ay horay neefi uga soo booday ayaa waayahay waa lagu siin gabadha
Garaad ku jawaabay. Adiguba haddii aad xilligaa joogi lahayd fursad aad kula
xidido Garaad Wiil Waalna heli lahayd miyaad ka labalabayn lahayd? Waa maya
jawaabtu ayey ila tahay. Halkaa ayaa gabadhii xujadda furtay loogu dhisay
Wiil Waal ciddiina ku qaraabowday.
Qore: Cawaale Xuseen Cabdi
awallea@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2004
Afeef: Fikrada qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Lugo Goroyo ma
Horbaa mise waa Dib: Wiil Waal iyo Cali