March 1, 2004
BBC-du Dadkay Kala Dishaa
MAXAMUUD AXMED CABDALLA [SHIINE]
February 20, 2004 | Faafin: March 1,
2004
abdall02@email.franklin.edu
HORDHAC:
Walaalayaal gabaygan waxa curiyey Maxamuud
Axmed Cabdalla [shine] waxana lagu magcaabaa sida kor ku xusan. Sida xaqiiqda
ah BBC-da sida ay isu dhigto way ka duwan tahay, sababta oo ah, wararka oo
aan si run ku salaysan loo baahin, fikradaha dadweynaha iyo indheergaradka oo
qaar ka mida la cabudhiyo, iyo weliba nacayb ay ka dhix fidiso ummadda
soomaaliyeed. Anigu ra’yigan keli kuma ihi xataa Abshir Bacadle gabay
dhaliila ayuu u tiriyey BBC. Dhibka haddii aynaan ka hadal, innaguun buu ina
qarsan doonaa. Gabayga qaybo badan ayaa ku jira, wuxuna farta aad ugu
fiiqayaa in ay jiraan ilo kale oo hadda lagaga maarmi karo BBC-da. Akhris
wanaagsan wixii fikrado ahna waan soo dhoweyn. Email:
abdall02@email.franklin.edu
Gabaygiina sidan buu u dhacayaa:
BBC-du dadkay kala dishaa kala dillaashaaye
Waa dawan iblays tumayo oo laysku dagayaaye
Waa diradiriyo eex qarsoon jaahil damaciise
Dadkeenniyo dalkeennii burburay dakharradii gaadhay
Dembi baan ka saaraa warkay dawdabahayeene
Dagaalladii sokeeyaha fidnay nagu duwaayeene
Saxaafadaha dunidee xorta ah tani ka diimmoone
Raga daaddeheeyaa sirbay nagu deyaayaane
Hadba kooda gaalka u debcaa duubka loo xidhiye
Ninkii daacadnimo lagu ogaa dooxa loo eriye
Ducaaliyo Siciidiyo ka tage Haydarana daaye
Ina Xaajigii ugu darnaa debedda loo saarye
Daabaan jin iyo jaanabaa diiraddow sida’e
Dadka inay cabbudhiyaan ayaa loox ku daabacane
Dabka olola waxay dhawrayaan dirir colaadeede
Dardar geliya beentay qalbiga kaga dahaadheene
Soomaali duminteeda iyo docadocaynteeda
Waa darammal shaydaan waxaad derejo mooddeene
Daacadnimo ha joogtee runtay dalab u yeelaane
Damiirkoodu wuxu noolyahaan uga digaayaaye
Dhegihii daloolaan rabaa inaan ku duubaaye
Dacwaddayda Soomaaliyeey aan idin deeqsiiyo
Dunidii midowdoo beryahan waa dar iyo ceele
Dalaabaadyo badan baa jiriyo ila war doorroone
Idaacadaha darandoorriyaa waa dareemada’e
Talafishanno dananaaya iyo shabakad doodaysa
Internet waa diyaar aaladaha laysku daawado’e
Durba haatuf talifoona baad sii dalwinaysaaye
Degdeg baad u heli faalladiyo xaajo kaa dedane
Waa laga dallacay daasaddii duud marka ahayde
Dacartiyo suntay baahiyaan loo dardaar weriye
Alla doori waxay doonayaan inaan dullownaaye
Dadoow diida BBC waa duumo iyo booge
Email:
abdall02@email.franklin.edu
Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2004
Afeef: Fikrada qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan »BBC-da:
SIYAASADAHA DAHSOON EE GUMAYSTAHA [Salahudin]
»BBC WAA IDAACAD
HUFAN LAAKIIN MAXAY INOO TAHAY?
»"BBC-DA WAA
ASATAANTA HORUMARKA UMADA SOMALIYEED"
»Cudurka Aidska
iyo BBC-du maxay wadaagaan? [Cali]
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|