Meelaha qabyada weyni ka
jirtay ama Soomaalida Canada aanay ka muuqan waxa ka mid ah ka qeyb-galka
nidaamka siyaasadda ee dalkan Canada. Waa la arki jiray or-orod wata is-khilaaf badan
marka ay doorasho timaado iyadoo koox waliba ay taageerayso musharixiintooda.
Hase-yeeshee,
doorashooyinkii deegaanka iyo kuwii gobolka Ontario ee sannadkii la soo
dhaafay way ka duwanaayeen sidii hore. Waxaa ka muuqday Soomaalida dareen iyo
xamaasad ka duwan kuwii hore loogu yiqiin. Soomaalida intooda badan waxay
qaateen go’aanno ay ku kala taageerayaan musharrixiintii isa soo taagay.
Waxaa abuurmay guddi hawshiisu ay ahayd inay dadka soo saaraan si ay codkooda
u dhiibtaan. Nasiib wanaag, laba ka mid ah musharrixiintii ay Soomaalida
badankeedu taageereen (Duqa Magaalada iyo Xildhibaanka metala Etobcoke North)
way guuleysteen. Waxaa iyaduna isku soo taagay dowladaha hoose dhowr qofood
oo Soomaali ah oo ku kala nool magaalooyinka Toronto iyo Ottawa. Nasiib darro,
qof Soomaali ah kuma uusan guuleysan tartankaas.
Si kastaba ha ahaatee,
tallaabooyinkaas waxaa ku jiray casharro farabadan. Waxaa la ogaaday in mar
walba musharraxa ay Soomaalidu taageertaa uusan wax weyn u qaban. Casharradii
laga faa’iiday doorashooyinka la soo dhaafay waxaa ugu muhiimsan in Soomaali
badan ay garteen halka ay ka sahlan tahay in is-baddel laga sameeyo.
Waxaa kale oo u muuqatay dad badan in nidaamka xisbiyada dalku ay u
shaqeeyaan uu yahay qaabka kaliya ee dowladda Gobolka iyo tan dhexe saamayn
muuqata loogu yeelan karo.
Isla-doorasho Ilaah iyo
nasiib wanaagba ku sheegoo, waxaa dareenkaasi xoogeystay iyada oo wax laga
baddelay qaabkii hore ee xubnaha Xisbiga Liberal-ka ee dowladda Federaalka ay
wax u dooran jireen. Maaddaama uu xisbigani yahay kan ugu ballaaran xisbiyada,
islamarkaasna dalka xukuma, waxaa halkaas uga muuqday bulshooyinka tirada yar
oo ay Soomaalidu ka mid tahay fursad ay wakiillo iyaga metala ugu dirsan
karaan Baarlamaanka.
Sida uu ku dhawaaqay
hoggaamiyaha Xisbiga Liberaalka, ahna Ra’iisul-Wasaaraha dalka Paul Martin,
qaabka cusubi wuxuu awoodda oo dhan siinayaa xubnaha xisbiga ee xaafadda ama
seejada (waaxda sida Etobicoke Centre). Canada hadda waxaa ka jira 301 seejo
ama xaafadood oo ay ka soo galaan 301 xubnood. Wakiilka uga tartamaya xaafad
kasta waxaa dooranaya xubnaha xisbiga ee xaafaddaas. Sida badan, tirada
xubnaha joogtada ah ee xisbiga Liberalka ee soo xaadira habeenka ay laamaha
xisbiga ee xaafaduhu ay dooranayaa qofkii meteli lahaa xisbigooda waxay
celcelis ahaan u dhexeeyaan 300 ilaa 400 oo xubnood. Yacni, waxaa laga wadaa
xubnaha soo xaadira inay codeeyaan marka xisbigu dooranayo wakiilkiisa.
Tani waxay u fududeynayaa
ummadaha tirada yar ee isku xiran inay saamayn weyn ku yeeshaan natiijada
doorashada. Tusaale, Beesha Siikha ama Singa-Singaha ee deggan xaafad ka mid
magaalada Mississauga waxay ku guuleysteen doorashoyinkii Gobolka Ontario ee
kal hore inay saddex qof oo beeshaas ka soo sharraxaan saddexda xisbi ee
waaweyn ee dalka. Taas waxaa u suurtageliyey kadib markii ay iyagu u bateen
ama qabsadeen xubnihii 3-da xisbi ee xaafaddaas.
Qaabka cusub ee
Ra’iisul-Wasaare Martin uu hadda wado wuxuu ku qasbayaa in uu wakiil kasta uu
ku soo guuleysto in xubnaha xisbiga ee xaafaddu ay soo doortaan. Wuxuu
sheegay inuusan isagu qofna u soo magacaabi doonin xaafadaha (inkasta oo uu
sharci ahaan xaq u leeyahay). Taasi waxay keentay in dhammaan beelaha laga
tira badan yahay ay is abaabulaan oo ay ka mid noqdaan xisbigan. Tusaale,
sida warbaahintu ay qortay, xaafadda Saanich and the Islands oo ka mid ah
Gobolka British Columbia waxaa deggen dadweyne ka badan 320,000. Tirada dadka
ka soo jeeda Hindida Siikha ah ee xaafaddaas waa ilaa 3500 oo qof. Xubnaha
xisbiga Liberalka ee xaafaddaas waa ilaa 1500 oo qof. Inta badan tiradaas waa
Siikh, sida uu sheegay madaxa xisbiga ee xaafaddaas. Sidoo kale, waxay wataan
oo taageerayaan nin Siikh ah. Haddii cod la qaado waxaa ku guuleysanaya
xaafaddaas inuu ka tartamo ninkaas - oo macnaha Xisbiga Liberalka iyo
Martinba waa ku qasban yihiin in ay dhaqaalo iyo taageeraba ay siiyaan makii
doorashada dowladda dhexe loo dareero dhawr bilood kaddib.
WARARKII HORE EE CANADA |
...Ciidamada
Canada oo Taariikhda Markii ugu Horeysey Loo Sameeyey Wadaad Islaam ah
...Canada oo Ra'iisul Wasaare Cusub Yeelatay
Guji.....
Sawirka Baasaboorka Canada oo Lagu Soo
Rogey in aan La Dhoola Cadayn Karin
Guji... |
Sida aan kor ku sheegay,
waxaa xaafadda Etobicoke Center ka tartamaya Professor Maxamed Muunye Qaasim.
Walow ay xaafaddan deggen yihiin dad badan oo u janjeera aragtiyada xisbiyada
garabka midig (conservative) ay wataan, haddana waxaa deggen dad badan oo ah
Liberal iyo kuwo dalka ku cusub oo ay Soomaalida iyo Muslimiin kalaba ka mid
yihiin. Marka la fiiriyo tirada yar ee loo baahan yahay si loogu guuleysto
tartanka, iyo dadka faraha badan ee taageero laga heli karo, waxaan qabaa in
Professor Muunye uu ku guuleysan karo haddii uu taageerada uu u baahan yahay
ka helo bulshadiisa. Tan kale, Professor Muunye, ka sokow aqoontiisa iyo
kartidiisa, waa nin sumcad wanaagsan ku dhex leh bulshada Soomaaliyeed. Run
ahaantii, waxaan dhihi karaa haddii ay dadka taageeray Professor Muunye ee
is-qoray ay sida ay soo baxaan oo yimaaddaan habeenka codeynta, waa uu ku
guuleysanayaa tartanka.
Ugu danbeyntii, hamiga
siyaasadeed ee Professor Maxamed Muunye wuxuu yididiilo weyn ku beeray
aqoonyahanno, waxgarad, odoyaal, dumar iyo dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed
oo aan ka labalabayn taageeradiisa. Shaqsi ahaan, waxaan rumeysanahay in
Professor Muunye uu ka soo bixi karo xilkaas. Waxaan ku dhiirrigelinayaa
dadka Soomaaliyeed iyo bulshada kale ee Xaafaddaasba ee xubnaha ka ah xisbiga
inay ku habeenka codeynta oo ah March 6, 2004 ay soo baxaan oo taageeraan
Professor Maxamed Muunye Qaasim. Waxaan qabaa in Professor Muunye uu leeyahay
aqoon, karti iyo hufnaan uu arrntaas uga soo dhalaali karo.
Afyare Cabdi Cilmi
Toronto, Canada
aelmi@oise.utoronto.ca
Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2004
Afeef: Fikrada qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan