Dugsiyada Soomaalida, kuwa hadda jira iyo
kuwii horeba, way ku yarayd in ardeyda lagu tababaro sida khudbadaha looga
soo jeediyo ardeyda horteeda, marka la barbardhigo sida ardeyda Pakistan
loogu ababiyo. Waxaa laysla qiray in ardeyda Soomaaliyeed ee jaamacadaha
gashaa ay qabaan fagaaro-ka-nax markay timaaddo inay wax ka soo jeedinayaan
ardeyda horteeda. Intii daraasadda ka qeyb gashay 68% ka mid ah dhibaato ayay
kala kulmeen arrintan. Halka ardeyda Pakistanta ee ay isku fasalka yihiin,
rag iyo dumarba, aysan waxba u arkin hadday wax u jeedinayaan kow mise kun
qof.
Hadaba arintu kuma koobna
ardeyda somaliyeed ee wax ka barta halkaan ee waa ardeyda somaliyeed oo
wadanka dibadiisa usoo doonta jamacadaha oo school hoose,dhexe, sare kusoo
qaatey wadanka gudihiisa.
Arintaas anigoo ufirinaya ayaa
waxaa ila gudbonaadey in aan qoraal ka qoro qoraalkas oo aan kaga hadli doono
qaabka ugu wanaagsan oo qofku ku gudbin karo Khudbada(Presentation).
Hadaba waxaad ogaata hadii aad
rabto in aad wax gudbiso ujedadaadu waxa weeye in dadka ku dhageysanaya ay
markaas fahmi karaan ama ay uriyaaqi karaan fariinta(khudbada) aad markaas
rabto in aad ugudbiso. marka hadii aad rabto in aad ujedadaada gaarto waxaa
jira in aad feejignaan iyo xilkastnimo aad ulahaato afartaan qaab oo soo
socota:
Dhegeystayaasha khudbada
Mowduuca khudbada
Ujeedada khudbada
Kala hormari hadalkaaga
hada aan ku horeyno
Dhagaystayasha(audiance)
Waa inaad ugu horeyn si wanaagsan u deristaa dadka ku
dhegeysan doonaa nooca ay yihiin. Ma dad waayeel ah ayey u badan yihiin mise
dhalinyaro? Aqoonta ay leeyihiin waa mid noocee ah? Guud ahaan maxay
xiisaynayaan dadkaas ku dhegeysanaya? Isweydiinta Suŕalahani waxaa waxa ay
kuu fududynaysaa inaad khudbadaada ku adeegsato erayo ay dadka ku
dhegeysanayaa si wacan u fahmi karaan. Taas waxa aan ula jeedaa iyada oo ay
inta badan kala duwan yihiin erayada la isticmaalaa hadii lala hadlayo dad
aqoon leh iyo hadii lala hadlaayo dad aan wax aqoon ah laheyn.
Mowduuca khudbada
Mowduuca aad ka hadleysaa waa mid sidee
ah? Aqoontaada ku saabsan mowduucanse imisa ayey dhan tahay? Waxaa kaloo
iyana aad u haboon inaad qorto mawduucaaga adigoo u sameynaayo ciwaan sida:
Sidee Uhormarinkarnaa Bulshada miyiga Dalka somalia? Intaas
dabadeed waa inaad raadiso xaqiiq dhab ah oo ku saabsan mowduucaaga. Meelaha
aad warbixinta ka raadsan karto waxaa ka mid ah buuggaagta horay loo
qoray iyo weliba aaladda Internetka hadii ay taasi suurtogal kuu tahay.
Waxaad kaloo warbixin mowduucaaga ku saabsan ka heli kartaa adigoo waraysi la
yeelanayo dad xog ogaal u ah arinta aad ka hadleysid(expreinced persons).
Waxaa kale oo iyana muhiim ah intii aad ku dhexjirtid ururinta akhbaarta
inaad eegtid buugaagta aad adeegsaneysid wakhtigii la qoray. Marwalbana
waxaad dooraneysaa warbixiniba mida ay ka dameysey(Latest information).
Arintaasi waxay kuu suurto gelineysaa in wabixintaadu ay noqoto mid cusub oo
xiiso leh
Ujeedada khudbada
Khudbada aad soo jeedineysaa waa mid
ceynkee ah? Ma waxaad dooneysaa inaad gudbiso akhbaar cusub (information)?
Mise waxaad dooneysaa inaad dood abuurtid? Mise ujeedadaadu intaas aan soo
sheegnayba ma ahee, waxaad dooneysaa inaad wax madadaaliso. Kolkii ujeedada
iyo nooca khudbadaadu ay kuu cadaato, waxaad kaloo baaritaan ku sameyneysaa,
tusaale ahaan wakhtiga aad hadleysid. Ma waxaad hadli doontaa maalin mise
habeen? Gelin hore mise gelin dame? Saacadaha ama daqiiqadaha aad haysataa
waa kuwo intee dhan(duration time)?
Arimahaan aan kor ku soo xusnay oo dhan
waxay kuu sahlayaan inaad hadalkaaga si wanaagsan u qorshaysato.
Kala hormari hadalkaaga
Kolkii aad halkan soo gaartid waxaa kuu
dhan boqolkiiba sagaashan(90%) khudbadaadii.Waxaad haysataa mowduucii, isla
markaasna waxaad soo akhrisay wax badan oo mowduucaas ku saabsan, warbixintii
aad u baahnayd ayaad soo urursatay. Waxaa kaloo haddaba lagaa rabaa inaad
goŕan ka gaartid sidii aad hadalkaaga u kala hor marin lahayd, Adigoo
eegaayaa ujeedada khudbadaada, dadka ku dhegeysanaya iyo weliba arimaha kale
ee aan horay uga soo hadalay.
Waxaad u sameysaa khudbadaada meel bilow
ah, meel dhexe iyo meel dhamaad ah. Taasi waxay dadka ku dhegeysanaayo u
fududayneysaa iney si aan hakad lahayn ay khudbadaadii ula socdaan.
Intaas ka dib, isku day inaad tababar
wacan ku sameysid khudbadaada. Waxaa aad u wanaagsan hadii ay kuu suurtawdo
inaad qof ama dhowr qof ka codsatid iney ku dhegeystaan ka dibna kula
socodsiiyaan wixii dhaliil ah iyo wixii kale ee laga bedeli karo khudbadaada.
Waxyaalaha kale oo iyaguna muhiimka ah waxaa ka mid ah hadba heerka codkaagu
yahay kolka aad hadleysid. Ma waxaa haboon inaad codkaaga waxoogaa kor u
qaadid mise waxaa haboon inaad yara gaabiso. Taasi waxay run ahaantii ku
xiran tahay hadba meesha aad khudbadaada ka mareysid iyo xaaladaha kale ee
kugu meeraysan. Dhaqdhaqaaqa xubnaha kale ee jirka(body movement) ayaa
iyaguna muhiim ah sida gacmaha , lugaha iyo wajigaba.
Kolkaad intaas oo talaabo ee aan kor
kaga soo sheekaynay qaadid, waxaa keliya oo kuu harsan inaad tagto halkii aad
khudbada ka akhrin...
Waxaa soo diyaariyey
Mohamed A. Dayib Guure
Marketing manager and
Education officer
of
Somlink Enterpreise
www.somlink.com
cell:00925286751
Islamabad-Pakistan
dayib2@hotmail.com
Qoraalkii
hore........
Faafin: SomaliTalk.com | March 1, 2004
Afeef: Fikrada qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan