Waxa baananbaxan ka soo qayb galay dad
ay tiradoodu kor u dhaaftay ilaa sadex kun oo qof oo ka kala yimid
gobolada iyo degmooyinka dalkan ingiiriiska iyo waliba qaar ka yimid
wadamada yurub iyo kuwo ka soo socdaalay koonfurta ameerikba dadkaasi
waxay tan iyo subaxnimadii shalay ku soo qulqulayaeen iskuna
urrursanayeen barxada ama fagaaraha ka soo hor jeeda xafiiska arimaha
dibada ee dawlada ingiriis

Sacadu markay ahayd labadii duhurnimo
ayay dadka oo ay horkacayaan ciidanka boolisku waxay u soo dhaqaaqeen
fagaaraha weyn ee ka soo horjeeda aqqalka baarlamanka ee dalkan
ingiriiska dadkan oo lulayay calanka jamhuuriyada somaliland iyo
calanka dalkan Britain iyo boodhadh ay ku qoran yihiin erayo iyo halku
dhagyo lagu tageerarayay gooni isu taaga somaliland iyo sawirka
madaxwaynaha jamhuuriyda somaliland dahir riyaale kaahin waxaana
wajiyaddooda ka muuqatay farxad iyo xamaasad dheerada oo heesaha iyo
ciyaraha gabayada halkaas ka dhacayey ay xafladii isku bedeshay maalin
ciida oo kale ah.

Dadkaasi waxa ka mid ahaa caruur aad u
da yar oo dhabanadadooda ku soo xardhay calanka iyo astaanka qaranka
somaliland, waxa halkaa ka muuqday gabdho ku labisnaa calanka
somaliland iyo qaar wejigooga ku soo sawirtay calanka somaliland,
banaanbaxan oo ahaa mid aan loo kala hadhin yar iyo wayn rag iyo dumar
muxaafid iyo mucaarid intaba waxa kale oo banaanbaxii shalay iiga
muuqday dad badan oo magac leh sida fanaaniin ay ka mid ahaayeen
Xudaydi, Saynab cige, Cabdi nuur allaale iyo fanaaniin kaleba waxa isna
shalay bananaanbaxa joogay ninka labaad ee ugu dheer aduunka ina Bisad
oo reer somaliland ah kuna jeeniqaarnaanna calanka somaliland.

Hadaba dadwaynihii shalay halkaa isugu
yimid oo anan marnaba la qiyaasi karayn jawiga xaamaasdii ka muuqatay
ayay sacaadu markay ahayd shantii galabnimo waxay isula oogsadeen
sacab iyo saxwaxan dheeraada kadib markii raxan gawaadhiya oo ay saaran
yihiin waftigii reer somaliland ee uu hogaaminayay madaxwaynahu ay soo
hormareen iyga oo sii galaya badhtamaha dayrka weyn ee aqalka
baarlamanka dalkan ingiriiska

Markii uu madaxweyne Riyaale soo
gelaayey
guriga HOuse of commons-ka ingiriiska
iyo shucuurta dadweynaha.

Markii weftigii Madaxeyanahu
horkacayey galeen Barlamanka ingiriiska ka dib waxa kor u sii kacay
shucuurtii iyo sawaxankii dadkii halkaas isugu yimid waxaana dhacday in
wiil dhalinyaro ah oo aad sawirkiisa hoos ku arkidoontaan oo aad u
qiiraysani in uu fuulay deyrkii baarlamaka ingriiska isagoo luxaya
calanka Somaliland, taasi oo ciidankii booliska ee halkaas nabadgelyada
ilaalinayey hal mar ku soo yaaceen iskuna deyeen inay dhulka soo
dhigaan, mudo yar kadib waxay lugaha soo jiidaanba way soo qabteen,
isla markiibana, xabsiga ayaa loo taxaabay.
Dadku waxay halkaas ka sii
damaashaadayeen ilaa iyo 7 fiidnimo.
dhinaca kale ma jirin wax mudaharaadyo
ah oo ka soo horjeeday wefdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.


Mudaharaadka iyo tamashaadka
Somalilanderka reer England oo sii socday ilaa cad ceed dhaca magaalada
London.
Somaliland Guul iyo Gobonimo, allow
reerka dhisne inta hadhayna nagu gargaar.
Warbixitani waxaa soo diyaariyey
weriyayaasha Somaliland democratic Watch Organization London
waxaa sii tabinaya Mohamed Abdi Hassan
(diridhaba)
Karachi,pakistan
diridhaba2001@hotmail.com
