SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

March 19, 2004  

MADAXWEYNAHA SOMALILAND MUDANE DAAHIR RIYAALE OO KA KHUDBEEYEY BAARLAMAANKA IYO INGIRIISKA IYO BANAANBAX BALAADHAN OO KA DHACAY XARUNTA BAARLAMAANKA INGIRIISKA HORTIISA

Hassan Salahuddin
Somalitalk
London.
Email: Salahuddin100@hotmial.com

Tel: 00-44-7904830522

Waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayey madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane Daahir Rayaale Kaahin oo muddo dhawr cisho ahba ku sugnaa carriga ingiriiska ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 18-March sanadkan 2004 saacada dalka Britian markii ay ahayd abaaro ilaa 5:00 galabnimo khudbad taariikhi ah ka jeediyey xarunta baarlamaanka dalkan ingiriiska ee loo yaqaano WEST MINISTER HALL.

Khudbada uu jeediyey madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin oo si degan looga dhagaysanayey xarunta baarlmanaanka ingiriiska oo aad u camirayd waxa uu ku nuux nuuxsaday qadiyada gooni isu taag Jamhuuriyada Somaliland isaga oo baarlamaanka ingiriiska uga warbixiyay xaalada dhaqaale ta bulsho iyo ta siyaasadeed ee ay maantay marayso Jamhuuriyada Somaliland.

Waxa isna sidoo kale ka hadlay Ambassador Cawil(wasiirka Maaliyada ee jamhuuriyada Somaliland), waxa isna sidoo kale khudbad taariikhi ah halkaa ka soo jeediyey XAAJI ABDI XUSEN(ABDI WARABE) oo ah waayeel cod kar ah oo caan ka ah guud ahaanba Somaliland kana mid Golaha Guurtida ee Jamhuuriyada Somaliland.

Dadweyne lagu qiyaasay ilaa sadex kun oo qof oo reer Somaliland ah ayaa ka soo qayb galay isu soo bixii ugu balaadhnaa ee in muddo ah ka dhaca dalkan britian shalay iyagoo sita calanka Jamhuuriyada Somaliland ayey soo buuxiyeen xarunta baarlamaanka hortiisa.

Waftiga uu hogaaminayo madaxweyne Daahir Rayaale ayaa la filayaa inuu maantay la kulmo Jaaliyada Reer Somaliland eek u dhaqan dalkan ingiriiska, waxa uu waftigu uga sii gudbi doonaa magaalada Cardiff sida ay ii xaqiijiyeen xubnaha u qaabilsan waftiga saxaafada oo saacado ka hor markii aan qoraalkan soo dirayey la xidhiidhay.

Wararka waftiga Madaxweyne Daahir Riyaale kala soco Somalitalk.

Waa Walaalkiin Hassan Salahuddin

Global Media Group

London

Uk

Salahuddin100@hotmial.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2004 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD