SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - HARGEYSA

March 19, 2004  

Khudbadii Madaxweynaha S/land uu ka jeediyay Barlamaanka Uk

Cabdifataax Xasan
Cabdifataax_96@hotmail.com 
Hargeysa Somaliland

Sida aad la socotaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Booqasho hawleed ku joogaa Dalka Ingiriiska, weftigu intii uu ku guda jiray booqashada waxa uu la kulmay mas’uuliyiin kala duwan kuwaas oo wadahadaladii ay yeesheen ay ku dhammaadeen is afgarad iyo jawi wanaagsan.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu ka akhriyay Guriga West Minister Hall ee Baarlamaanka ingiriiska khudbad aad ay u jeclaysteen xubnihii Baarlamaanka ee dhagaysanayay iyo dadweynihii kale ee goob jooga ka ahaaba.

Madaxweynaha oo khudbadiisu ay u badnayad, horumarka iyo heerka ay gaadhay Somaliland iyo sida ay xaq ugu leedahay in caalamku ay aqoonsadaan, waxa hadaladiisii ka mid ahaa.

Madaxweyne Rayaale khudbada uu goobta ka jeediyay waxa uu ku bilaabay in uu sharaxo dal waxa uu yahay waxa uu soo qaatay afar qodob oo uu ku tilmaamayay dal waxa uu yahay, waa takoowada dalku waa in uu leeyahay dad joogta ah waa in uu leeyahay xuduudo qayaxan dawlada iyo awood uu xidhiidh kula gali karo wadamo kale shuruudahaasi waxa weeyan buu yidhi qaar dalkaygu buuxiyay.

Si dulqaad leh ayaan u sugaynay ayuu yidhi in ay ka samaysanto dawlad wakiil ka noqon karta Somalia si aan markaas wada hadalo u galno laakiin taa macnaheedu maaha in aanu ka soo degnahay xaqa aanu sharci ahaan aanu u leenahay aayo ka tashi iyo aqoonsi caalami ah.

Madaxweyne Rayaale waxa uu soo qaatay hadal 1980 tamadii ay jeedisay haweenadii ahayd raysal wasaaraha dalka ingiriiska Miss Margret Targer erayadii ay tidhina waxay ahaayeen The Lady is not for turning oo ay ku adkaysanaysay markaas in ayna ka noqonayn mawqifkeedi, Madaxweyne riyaale isagoo tusalaha ku soo qaaday khudbadiisa waxa uu tilmaamay in aan isaga iyo dadkiisa reer Somaliland aanay ka noqonay mawqifkooga ay qaateen.

Isagoo ka hadlayay aragtida ay Somalia ka qabto Somaliland waxa uu yidhi waxa jira hadii Somaliland la aqoonsado ay mujaxaabin doonto hawlaha dib u heshishinta ee Kenya ka socda toona.

Waxa aan ku doodayaa ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale in ay runtu ay tahay mid taa ka gedisan waayo ayuu yidhi hadii Somaliland la aqoonsado walaalahayaga Somalia waxa ay xoogooga saari dooni doona sidii ay xal ugu heli lahaayen khilaafkooga maadama aan kaadhaadh Somaliland la yidhaado oo miiska lala tagaa ay meesha ka baxayaan.

Waxa taas ii dheer ayuu yidhi madaxweyne Rayaale in Somaliland oo qaran gooni ihi door wax tarlihi ay ka ciyaari doonto xal u helida walaalahayaga somalia si ay nabad gelyo waarta u gaadhan.

Madaxweyne Rayaale oo ka sii hadlayay Aqoonsi doonka Somaliland waxa uu yidhi dadka reer Somaliland waxa afti laga qaaday taariikhdu markay ahayd 2001 oo ay ku muujiyeen qaranimadooda taas oo uu yidhi waxa ay tahay su’aal u taagan aduunyada inteeda kale inta ay doonayaan in Somaliland aqoonsi sugto waxa uu yidhi sadex iyo tobankii sannadood ee laga soo gudbay wadamo badan ayaa gooni isku taagay waxana ka mid ah ayuu yidhi East Mor, Serbia Georgia, maxaa Somaliland taas u diiday iyadoo runtu tahay ayuu yidhi in 63 wadan, wadamo tiradoodu ay ka badan tahay aanu ka dad badan nahay oo ay ka mid yihiin Lugsanberg, Jamhuuriyada Kongo, Jamaica iyo weliba 85 wadan oo aduunka ka tirsan aanu ka dal balaadhanahay waxana ka mid ah ayuu yidhi Belguim, Jordan iyo El Salvador.

Madaxweyne Rayaale isagoo ka hadlayay is badalkii aduunyada ku yimi intii ka denbaysay 11 September madaxweyne Riyaale waxa uu hadalkiisa ku yidhi waanu ka war qabnaa dalalka guul daraystay amaba socon wayay kaasi oo af English looga yaqaano (Failed State) laakiin anagu Somaliland ahaan ma nihin dal socon wayay waxanu nahay dal awood leh masuul ah oo dumuqradi sida ugu haboon ee argagaxisnimada lagula dagalami karaana waxa weeye in cudurka Xididkiisa lala dagalamo oo ah in Sabool-nimada la tirtiro oo ay ka dhalato darxumo iyo niyad xumo, la dagalanka darxumada iyo hoos u dhaca nolosha dadka waxa khasab ah in ay walaac ku noqoto qof walba hadii ay nolo nabad ihi aanu ku doonayno aduunyada isku soo dhowaatay.

Madaxweyne Rayaale waxa uu dabadeedto u galay dibaatooyinka aqoonsi la’aantu ay ku haysto dalkiisa isaga oo ku tilmamay in ay yihiin kuwa bini’aadnimada ka baxsan oo naxariis daro ah waxa uu yidhi dadkaygu uma ganacsan karaan umana safri karaan sida ay tahay in hawlahaas loo fuliyo waayo waxa ka maqan waraaqo aqoonsi caalami ah, maalgelin caalimi ahna ma soo jiidan karno ayuu yidhi mana samaysan karno bangiyo la aqoonsan yahay oo caalami ah.

Si adag gacan ugama geysan karno la dagaalanka argagaxisada lagula jiro waayo macluumadka lama wadaagi karno aduunyada hore u martay.

Caruurtayaduna waxbarasho dibada uma heli karaa dhab ahaan waxanu ku jirnaa yauu yidhi madaxweyne Rayaale xabsi aanan garanayn sababa aanu ugu jirno.

Madaxweyne Rayaale waxa uu yidhi hadii aan soo koobo wixii aanu qabsanay sannadihii ugu denbeeyay waxa ugu haboon in aan soo xigto arayadii hogaamihii weynaa ee dalkan Britain oo la odhan jiray Sir Winiston Churchil oo mar yidhi Weligeed waa in aynaan marna ka gaabsan cod aan cabsi ku jirin aynu si cad ugu sheegno mawaadiida waaweyn ee xornimada iyo xuquuqda qofka oo ah dhaxal wada socda oo ay leedahay aduunyada af ingiriisiga ku hadasha oo ay ka mid ahaayen sharciyadii la odhan jiray Magna Cata ee 1218 oo ka hadlayay xoriyada iyo xuquuqda siyaasadeed iyo kii kale oo la odhan jiray Bila Fiet ee sannadkii 1689 iyo kii kale ee isna la odhan jiray Habous Copus oo ka hadlayay in qofku xaq u leeyahay in maxkamad la geeyo iyo Englishi Common Low oo ka soo jeedo ayuu yidhi dhaqan iyo go’aamo garsoor oo hore u dhacay kuwaas oo dhamaantood si wayn loogu cabiray dhawaaqi madaxbanaanida ee dalka maraykanka American Declarations of Independence.

Madaxweyne Rayaale waxa uu khudbadiisa ku sheegay in xeerarkaas oo dhami ay cabirayeen xaq dadka wadankasta ay u leeyihiin iyagoo adeegsanaya talabo distooriya in ay doortaan ama ay badalaan nooca dowladood ee ay ku hoos nool yihiin, taas oo ah ayuu yidhi fariinta dadyowga maraykanka iyo ingiriisku ay u gudbiyaan bini’aadamka aduunka.

Madaxweyne Rayaale waxa uu yidhi waxa aan leeyahay aanu ku hadalno waxaynu ku dhaqano, aanu ku dhaqano waxaynu ku hadalno.

Cabdifataax Xasan

Cabdifataax_96@hotmail.com 

Hargeysa Somaliland

Faafin: SomaliTalk.com | March 19, 2004 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD