Waxaa Maanta oo ay Taariikhdu tahay
18ka maarso ka Furmay Jaamacada Bariga Afrika ee Bosaso Puntland Aqoon
iswaydaarsi looga Hadlayo sidii loo furi lahaa Kuliyada Waxbarashada
Macalimiinta oo ah kuliyad ka tirsan Jaamacada Bariga Afrika uuna socon
doono 18-21/03/2004 oo ah mudo Afar casho ah, kuliyadaa ayaa laga furayaa
Gobolada kale ee Puntland ayadoo ay jirto baahi weyn oo looqabo Gobolada
Puntland ama Guud ahaan Soomaaliya sida ay sheegeen aqoon yahano ku
hawlanaa u kuur galida Waxbarashada Soomaaliya.
Aqoon iswaydaarsigaan ayaa waxaa lagu Furay
Quraanka kariimka kadibna waxaa ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Bariga
Afrika oo tilmaamay in ay jaamacada hada ay ku sii socoto horumar la
tilmaai karo oo aan qofna ka qarsoonayn Gudoomiyaha oo sheegay inay
Jaamacada hada ka kooban tahay sadex kuliyadood oo kala ah Kuliyada
Shareeca, Kuliyada Maamulka iyo Ganacsiga iyo Kuliyada barashada
Kumbuyuutarka ama loo yaqaan IT oo hada Ardayda loo saamaxay in ay
sameeyaan waxbarasho Internet-Online ah oo Dalka dibadiisa ah.
Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay Bisha
Setembar 2004 Jaamacada ka qalinjabin doonaan in ka badan 40 Arday, ayana
tahay markii ugu hotaysay oo ay jaamacada ka baxaan Arday intii la
aasaasay Jaamacada ay dhigtaan in ka badan 400 oo arday.
Gudoomiyaha kadib ayaa waxaa ka hadlay
Mas,uuliyiin badan oo til maamay Baahida waxbarasho kuwaasoo aqoon u leh
Waxbarshada. Kadib ayaa Aqoon iswaydaarsigaa waxaa furay Agaasimaha Guud
ee Wasarada waxbarashada DGPL Mr Axmed Awaare
Aqoon iswaydaarsigaa ayaa waxaa ka Dhex
muuqday oo lagu Casumay si Fir fircooni ahna uga Qayb qaadanayay Nuur
shire Cusmaan oo ahaa wariye ay yaqaanaan dadka intiisa badan hadana ah
Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska DGPL
Aqooniswaydaarsigaa ayaa waxaa ugu horeentii Aqoonyahanada lagu casumay
ay ka Doodeen sidii lagu bilaabi lahaa aygoo u wada fariistay qayb Qayb
ama kooxkoox iyadoo uu barnaamij wadahu uu ahaa Prof Cali Cabdala Warsame
oo aqoon u leh Kuliyada waxbarashada hadana wax ka dhiga Jaamacad ku taal
dalaka Maleesiya.
Aqoon is waydaarsigaas ayaa u furan cidii
ka Geysanaysa Furitaanka Kuliyadaa Hiil iyo Hooba.
Dhanaka kale waxaa maanata ka furmay
kalfadhi aan caadi ahayn oo uu isugu yeeray madaxawyne ku xigeenka DGPL
Golaha wasiirada Magaalada Garoowe ee Caasumada DGPL kalfadhigaas oo ay
ka maqnaayeen Dhor wasiir oo la sheegay in ay Fasax ku maqan yihiin
kuwana aan la sheegin meel ay jiraan ayaa madaxweyne ku xigeenku sheegay
kalfadhigaan cidii ka maqnaataa ay wayn doonto Xilkeeda waxaa
kalafadhigaas guddoominayey Madaxweyne Ku Xigeenka DGPL Maxamed Cabdi
Xaashi oo Horey u sheegay in uu kalfadhigaan mihiim u yahay socdaalkiisa
uu ku aadayo Dalka Kenya halka uu ka socdo shirka Nabadaynta
Soomaalaiyeed uuse shalay sheegay in uu ka baaqsaday Safarkaa.
Kalfadhigan ilo lagu kalsoonyahay
sheegayaan iyadoo aan saxaafada loo ogolayn in uu la isku fur tuurtay oo
ay wasiirada qaar ka muuqatay in ay ka hadlayaan Dhibaatooyinka kaga
imaanaya Mushaar la,aanata Shaqaalaha Wasaaradaha iyo Guud ahaan
Dhaqaalaha Puntland oo laga Dayriyay taa ayaa la sheegayaa in inta Badan
Dhaqaalaha lagu bixiyo Xaalada deg dega ah oo ay Wasiirada kuwo ka tirsan
soo jeediyeen in la joojiyo oo aan loo baahneyn..
Wasiirada Kalfadhiga isugu yimi ayaa cod
buuxa iskula meel dhigeen in la sameeyo Maxkamad Dastuuri ah oo
dhameystiran,
Golaha wasiirada ayaa kuwooda ugu kalsooni
badan Bulshada ay soo jeediyeen in ay yihiin kuwo gudan waayay xilkoodii
Ummaddu u dhiibatay Guud ahaan wasiirada ayna haboontahay in ay ka hor
tagaan Ummadaan Jecel nabada iyo Horu marka ama wax loo Qabto Madaama aan
nahay Golaha Fulinta DGPL Golaha Wasiirad ayaa intooda Badan aragtidaa
soo Dhaweeyay
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Yuusuf Xaaji.
Siciid ayaa halkaa hadal ka ka soo jeediyay ku saabsan sidii loo heli
lahaa Mushaharooyinka Guud ahaan iyo Gunnadii xubnaha Golaha Baarlamaanka
ayna haboontahay ayuu yiri in la dhawro Midnimada Puntland.
Waxaa qoraalkaan isku soo dubaridey
c/fatax jaamac
somalinews@hotmail.com
|

Hoolka lagu galay Aqoon iswaydaarsiga

Prof Cabduqaadir oo ah Gudoomihaya jaamacada oo ay la fadiayaan
Agaasimaha waxbarashada DGPL Awaare

Prof Cali cabdala oo warbixin ka dhiibaya Mihiimada Kuliyada Macalimiinta

Prof Master oo ku hadlayay magaca Guud ee macalimiinta Jaamacadaha
Soomaaliyeed

Salaado oo ku hadashay magaca Haweenka

Sheekh Cabdirisaaq oo ka hadlaya sibinaarka
|