March 25, 2004
Madaxweynaha Jarmalka oo Jabuuti Cabsi Uga
Baaqday.
XagarYare
xagar91@hotmail.com
SomaliTalk Germany
Waxaa la filaayay in madaxweyne Johannes Rau
uu shalay oo bishu ahayd 24.03.2004 ka dego garoonka diyaaradaha ee magaalada jabuuti,
si uu u soo booqdo ciidamada marinada jarmalka ee dul saqaafaya
xeebaha badda cas.
Balse isla shalay saacadu markii ay ahayd
lixdii iyo barkii maqribnimo ayaa madaxweynaha oo baqo carar ahi kasoo degey
garoon ka mida kuwa jarmalka.
Madaxweynaha oo ku talagalkiisu ahaa in uu
booqasho qaadaynaysa sagaal maalmood uu afrika ku kala bixiyo,ayaa maalintii
afraad ee booqashadiisa isagoo jooga dalka tansaaniya magaalada
daarusalaam,waxaa loosheegay in aanu caawadaas u hoyanaynin goobtii loogu
talagalay in uu magaalada ka baryo, isla markaana loo qaaday meel kabaxsan
magaalada oo aad u qarsoon,
Waxaa ay taasi kadenbeysay markii ay
ciidamada sirdoonka jarmalku ogaadeen warar ay sheegeen in ay aad ugu
kalsoonyihiin oo ah in ay kooxo muslimiin ahi doonayaan in ay madaxweynaha
khaarajiyaan.
Markii uu dhamaystay socdaalkiisii Tanzania
ayuu madaxweynuhu sidiii qorshaha wafdiguba ahaa afka saaray dhankaas iyo
jabouti, balse waxaa soo dhacay war ka nixiyay Mr Johannes Rau,
"Mudane madaxweyne waxaa ay kooxo argagixiso
muslimiin ahi Qorsheeyeen in ama baabuur si gaar ah loo cilmiyeeyay lagugu
dilo,ama wadada aad maraysid miino laguu dhigo, sidaas darteed waa in aynnu
jabuuti ka baaqsannaa si deg-deg ahna afrika uga baxnaa" war deg deg ah oo
sidaas oranaya ayaa lagu taabtay madaxweynaha.
Waxaa uu isku deyay in uu arinkaas gaashaanka u daruuro balse markii loo xaqiijiyay in uu arinku male awaal ka waynyahay
ayuu ogolaaday taladaas.
Dadweynaha iyo siyaasiyiinta jarmalka ayay
arintaasi fajiciso ku noqotay.
Illaa shalay illaa maaanta ayaa dedweynaha
iyo saxaafaddu arinkaas aad iskula dhex xulayeen,waxayna iswaydiinayeen "ANNAKU
DAGAALKA CIRAAQ KUMA AANAN JIRINE MAXAA NALAKA RABAA".
Nin sida la sheegay ku xeel dheer arimaha argagixisada oo
magiciisa layiraa Mr schmidt oo intii uu madxweynuhu hawada ku soo jiray ay
waraysatay idaacada "SWR contara INTERNATIONAL GERMANY"ayaa mar uu wariyuhu
wax ka waydiiyay sababta keentay in Jarmalka madaxdiisa halkaas laga
ugaarsado,ayaa ku jawaabay.
...jabouti waa nooc minal
soomaali, soomaalidana waxaa ay aad ceeshaw milix u yihiin sucuudiga, waana dad
100% muslin ah,... Mr schmidt |
"Horta jabouti waa nooc minal
soomaali, soomaalidana waxaa ay aad ceeshaw milix u yihiin sucuudiga, waana dad
100% muslin ah, oo ay aad u sahlantahay in cidii dan ka lihi ay xagga diinta
ka soo gali karto, dhinaca kale waxaa ay muslimiinta mintidka ahi innoo
haystaan ,waxaa aynnu nahay bahwadaagta GALBED, dhinaca kale waxaa ay innoo
tirinayaan in aynnu wax ka ridnnay ciidamadeenuna joogaan Taalibaankii
dalkooda ee AFGHANISTAN, dhinaca kale argagixiso waayadan cidna uma aabbo
yeelayso".
Madaxweynaha Jarmalka Mr Johannes Rau oo ay arintaas qabsadtay dadka dhiillo ku abuurtay waa markii ugu horraysay
taariikhda jarmalka ay madaxweyne ay leeyihiini cabsi daraadeed booqasho uu
dal ku tagi lahaa hawada loga soo celiyo kana baaqdo,
MR Johannes RAU markii uu garoonka jarmalka
ka soo degey oo ay wariyayaal ka tira badan intii uu filaayay garoonka ku sii
sugayaan ayaa mar wax laga waydiiyay sida uu dareenkiisu yahay waxaa uu yiri,
"kollaba maanan yeeleen wax la yeelana maaha
in jilbaha la qabsado, amarka ay bixiyanna si dhago fudayd ah loogu sujuudo
argagixiso aan ujeedo iyo ka jeedo midnna lahayn, waxaa aan u daneeyay
ciidamadayada jabouti jooga iyo waftigii balaarnaa ee aan hogaaminaayay oo
aan waxyeelo uga baqay balse maan yeeleen war argagixiso ,wafdigaygase waxaan
jeclaa in aan hawshiisii halkii aan ugu talagalay gaarsiiyo".
Nin u hadlay wasaaradda arimaha dibadda ee
jamhuuriyadda jabuuti ayaa sheegay in aysan daw ahyn haboonayna warkaas in uu
jarmalku is fahansiiyo oo ay cabsadaan maadaamo aysan jirin warkan
lasiiyay, madaxweynuhuna si caadi ah nogu yimaado.
Balse marka uu ninkaasi sidaas lahaa hawada
ayuu madaxweynuhu ku soo jiray.
Warbixintii Xagar Yare
xagar91@hotmail.com
SomaliTalk
Germany | Maarso 25, 2004
Warkii hore ee safarka madaxweynaha jarmalka
MADAXWEYNAHA JARMALKA OO JABUUTI TAGAYA
Maarso 18, 2004
kabolow bidix: Mrs. Stella Obasanjo
(xaaska madaxweynaha Nayjeeriya), Madaxweynaha Jarmalka Mr.
Johannes Rau, Madaxweynaha Nayjeeriya Olusegun Obasanjo, Mrs. Christiana
Rau (Xaaska madaxweynaha Jarmalka).
Sawirka: Nigeria Newspaper |
Madaxweynaha Jarmalka oo Afrika Booqasho
Kumaraya
Waxaa
maanta oo ay bishutahay 17/03/2004 ay
booqasho Rasmi ah oo Sagaal cisho qaadanaysaa ay afrika uga bilaabatay
madaxweynaha Dalka Jarmalka
Johannes Rau.
Waxaa uu socodkiisa ka bilaabay dalka
Najeeriya, inkastoo aad loo soo dhaweeyay waxaa mar uu
maanta lakulmay aqoonyahano dhanka dhaqaalaha iyo siyaasada ku xeel dheer ay
qudbad uu halkaas ka jeediyay saluugeen dad badan, tassoo ahayd.
"waa in shareecada muslinku aysan ka
korraynin qaynuunka iyo xeerka dawliga ah"
Madaxweyne Johannes Rau oo ay haatan
wakhtigiisii uu dalka jarmalka madaxweynenimada ka sii ahaan lahaa
dhamaatay, waxaa uu naajeeriya ku xijin doonaa dalka taansaaniya, waxaa taas u xigi doonta dalka Jamhuuriyadda
Jabuuti,
Ragga siyaasadaha Jarmalka ee xagga arimaha
dibadda ku wajahan Odorosaa ayaa waxaa ay aaminsanyihiin in aanu jarmalku aad
ugu tiirsanayn dhaqaale ahaan afrika ,faaiido weynna aanu ku qabin,waxaa
isaga aad ugu muhiim ah wadamada carabta iyo iiraan,
Waxaase lafilayaa in sababta ugu weyn ee uu
madaxweynuhu jabuuti u doorbiday socdaal ahaan ay tahay iyadoo ay ciidamo
jarmal ahi dul saqaafayaan xeebaha badda cas ee jabuuti ku wajahan, kuwaasoo ujeedadoodu tahay ladagaalanka waxa
ay haatan reer galbeedku ugu yeeraan "argagixisada caalamiga ah".
Bishii aynnu soo dhaafnay ayaa ninka awoodda
ugu weyn kuleh dalka jarmalka oo ah, Chancelorka Mr Gerhard Shroeder uu afrika
socdaal ku tagay,waxaanu ka bilaabay Dalka Ethiopia,isagoo ku xijiyay Dalka
Kenta.
Waxaa uu chancelorku ethiopia ku canaantay
in ay aad ugu tacadido xuquuqda aadamaha, kana codsaday in ay hagaajiso meesha
uu dalka keenya aadka ugu amaanay kaalinta firfircoon ee ay kaga jirto
ladagaalanka argagixisada caalamiga ah,isagoo halkaas ku siiyay labaatan
milyan oo doolar.
Dalka jarmalku waxaa uu kaalin libaax ka
qaataa dhaqaalaha ku baxa shirarka dib u heshiisiinta Soomaalida ee Keenya ka
socda.
Warbixintii Xagar Yare
xagar91@hotmail.com
Germany
Faafin: SomaliTalk.com | March
18, 2004
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|