Wixii ka danbeeyay burburkii dowladii Milatiriga
ahayd ee somaliya ee uu madaxda ka ahaa Marxuum Genaral,Maxamed Siyaad Bare
ayaa waxaa meesha ka baxay waxbadan oo ay dadka u qaban jirtay sida
Caafimaadka,Waxbarashada ,Nabad gelyada, Ganacsiga Xorta ah,laakiin waxaa jirta
in Ganacsatada somaliyeed Qaarkood ay qabteen qaarka mid ah adegyadii ay
dowladi Qaban lahayd,sidaa darteed waxaan hlkan idiinku soo gudbin doonaa
waraysi aan la yeelanay Saciid Cali Cismaan oo ah Mas,uul ka Tirsan Maamulka
Shirkadda Duulimaadka ee Jubba

Saciid Cali Cismaan oo ah Mas,uul ka Tirsan Maamulka
Shirkadda Duulimaadka ee Jubba |
Waraysigan oo ah mid taabanaya dhinacyo badan oo ah
Dhibka ayta dadka somaliyeed iyo waxa ay ka faa,iideen dowlad la,aanta ayaa
waxaa inoo soo qaaday wariyahayaga Magaalada Muqdisho Abdiwali Ibraahim Aadan
(Garyare) waxa uuna u bilowday Waraysiga uu wariyaheena kasoo Qaaday Saciid
Cali Cusmaan oo ah Mas,uul ka tiorsan Shirkadda Duulimaadka aee Jubba
“Wariye Garyare”
waxaan marka ugu horeysa kuwaydiinayaa Saciid Cali Cusmaan bal in aad
iisheegto xilika aad bilowdeen shaqadan duulimaadka Shirkaddan magaceeda
layiraahdo Jubba iyo cida aasaastay halka ay joogeen xilikaasi Saciid
“Saciid Qalinle” waad
mahadsan tihiin marka hore walaal intaasi kadib waxaa la,aasaasay shirkaddan
Duulimaadka ee Jubba sanadka markuu ahaa 1999,waxaana aasaastay Ganacsato
Somaliyeed oo markaasi ku sugneyd gudaha Magaalada Muqdisho ilaa iyo iminkana
jooga Muqdisho Garyare
“Wariye Garyare”waa
tahay waxaad iiga warantaa Saciid Qalinle waa maxay sababta dhalisay in aad
bilowdaan howshan duulimaadka xili ay dalka iyo dadkaba aysan lahayn wax
dowlad ah oo la xisaabtanta Dhib iyo Dheef waxa soo gaara intaba Saciid
Qalinle
“Saciid Qalinle”waa
su,aal mudan in la siwaydiiyo runtii walaal waxaa nagu dhaliyay in aan
bilowno howshan kadib markii aan aragnay dhibaatada dadkeena ka haysata
dhinaca Duulimaadka maadaama dalka aysan dowlad la,hayn oo dadka ka caawisa
dhinaca duulimaadka,waxaa sidoo kale ka mid wax yaabaha nagu dhaliyay arintan
marka aan aragnay dad badan oo u baahan Caafimaad dibada ah iyo inay soo
Xajiyaan Ama soo Cumreystaan,
“Wariye Garyare”maalintaad
bilowdeen howshan halkii aad Duulimaadka ku tagi jirteen miyaad iminkana
tagtaan mise waxaa jira goobe kale oo aad tagtaan oo waad sii balaarateen
Saciid Qalinle
“Saciid Qalinle”walaahi
runta marka aan ka hadalno walaal markii aan Duulimaadka bilownay ilaa iyo
Iminka Farqi wayn ayaa udhexeeya oo waad dareemi kartaa howlkasta marka la
bilaabo iyo marka ay mudo Socoto Miisaan wayn ayaa u dhexeeya, marka anaga
markii aan howshan bilownay waxaan tagi jirnay Meelo iska kooban laakiin
meelaha aan iminka tagno ka mid ah dhinaca Dibada Shaariqa,Dubia, iyoJidda
halka aan dalka ka tagno Magaalada Hargeiso ee Xarunta u ah Maamulka
Somaliland
“Wariye Garyare”sida
aan ogsoonahay dalka wax dowlad idinla xisaabtanto Ma jirto hadii aad tihiin
Ganacsatada,hadaba miyeey jiraan wax Canshuuro ah oo la idiinka qaado
Magacaasi Canshuurta Mise waxaad Tihiin Ganacsato aysan jirin Cid lahadli
karta
“Saciid Qalinle”ma
jito cid aan sitoos ah aan usiino Canshuur oo Sida aad Sheegtay Dowladi
majirto laakiin waxaan bixinaa wax u eg laakiin hadana ka duwan taasi marka
aan ku leeyahay waxaan ula jeedaa dalka meelo badan oo ka mid ah ayaa waxaa
yaal Isbaarooyin oo midba uu doonayo in gaarkiisa loo siiyo Lacag,dowlada KMG
ah ayaa mar nala soo xiriirtay laakiin wadahadalkii ma meelmarin marka
arintaasina waa sidaa
“Wariye Garyare”
dadka somaliyeed marka ay ka hadlayaan Dadka kasoo horjeeda Nabada Dalka iyo
Dadka Somaliyeed waxaa ay sheegaan in Ganacsatada ay ka midka yihiin
shaqsiyaadka aan rabin in lahelo Dowlad Somaliyeed oo markaasi ay uga
Gonleeyihiin inay iyaga oo Qura dalka ka Nacfiyaan,waxaana taasi kuu
cadaynaya ayay leeyihiin Lacaga been abuurka ah oo ay dalka soo
gelinayaan,Daawooyinka bal iyada arintaasi oo saameysay dad badan kawaran
Saciid Qalinle
“Saciid Qalinle”Mis
milaahi arintaasi runtii waa arin laga naxo oo aan lagu farxin waayo anaga
waxaan doonaynaa in aan dadkeena wax u qabano waxaana aan diyaar u nahay wax
waxba oo nooga soo aada xageena,mida kale waxaa dadka aan usheegi lahaa in
laga Mid noqdo Ganacsatada waa mid iska Fudud oo Xitaa Hogaamiyayaasha ayaa
kusoo Biiri kara oo ah raga horkaca Siyaasada Somaliya,marka waa Macquul in
aad kuwaasi aad ku eedeysaan Arinta aad Iminka ka dhawaajseen
“Wariye Garyare”waxaad
horay uga dhawaajisay Saciid Qalinle in aad dalka ka tagtaan oo kaliya
Magaalada Hargeiso hadaba majiraan wax qorshe ah oo aad la damasan tihiin in
aad Dulimaad ku tagtaan oo Dalka ka mid ah
“Saciid Qalinle” haa way jirtaa in aan rabno
in aan sii balaarino howsheena oo waxaan iminka Bilownay in aan Duulimaad ku
Tagno Magaalada Barbara oo ah Magaalada kaliya ee ay wax uga soo dagaan
Maamulka La magic baxay Somaliland taasi waxay kuu cadaynaysaa in aan
damacsan nahay Howlo badan oo dhinaca duulimaadka ah
intaasina waxaa ku dhan waraysikii aan la yeelanay
Saciid Cali Cusmaan (Saciid Qalinle)oo ah Mas,uul ka tirsan Maamulka
Shirkadda Duulimadka ee Jubba ee Fadhigeedu yahay Magaalada Muqdisho waxaana
waraysikaasi inoo soo Qaaday Wariyahayaga Magaalada Muqdisho Abdiwali
Ibraahim Aadan (Garyare) oo Mas,uulkaasi kusoo Waraystay Xafiiskiisa
Magaalada Muqdisho uu ku leeyahay
W/Q.C/wali Ibraahim Aadan (Garyare)
garyare20@hotmail.com