Md.C/risaaq Xaaji Xuseen oo mar ahaa Ra’iisuwasaare
soomaliyeed xili ay yarayd aqoonta ay soomaalidu u lehayd, is xukunka
inkastoo ay jireen dad yar oo faro ku tiris ah oo yaqaana Dowlad waxa ay ta-hay
kuwaas oo u badnaa dad la sooshaqeeyay xukuumadihii Isticmaarka ee dalka
Xoogga ku haystay.Md.C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ka mid ahaa siyaasiyiinta
fara ku tiriska ah eeka joogta dadkii talada soo galay 60-meeyadii kuwaasoo
xilka ka qaadaysticmaarkii labada Gobol [Waqooyi iyo Koonfur].
Inkastoo ay dadaaleen waxaa muuqanaysay inay jireen
is xusulayn hoose oo udhexe-ysay Xisbiyadii waqtigaa jiray oo laga soo
dooranaayay mas’u-uliyiintaxilka qabanaysay iyagoo marka la soo doorto ka dib
noq-onaayay mas’uul Beeleed inkastooy Xisbi ka soo jeedeen.
Waqtigii Md.C/risaaq Xaaji Xuseen uu xilka hayay
inu-usan wanaag wax kuxuku-mayn waxaa kaaga daliil ah er-ey Suugaameedka ey
isticmaalayeen dadkiideganaa Muqdisho iyo nawaaxigeeda xilka qaadistiisii ka
dib [Rashiid miyaa Risaaq ka roon, rasuulku ha ku reed ku dee]. 21 sano oo
kacaanku dalka xukumayay ma dhicin tacadiyo gaar ah oo la isugu gaysto
magacyada Qabiilada uu sheegay inay isu qabaan Colaado iyo xumaan soojireen
ah soomaalida kalana ay u qabto labadaas Beelood oo uu carab-aabay {Hawiyeiyo
Daarood}.
14 sano oo dowlad la’a-an ah iyo dagaalo sokeeye oo
reebay dhibaatooyin xanuunbadan hadda ma jirto qof loo haysto ahaanshaha
qabiilkeeda mana jirto nacaybgooni ah oo ay isu qabaan dadka ku abtir-sada
Labadaas beelood ee aan kor ku soo
xusnay.Hogaanka xukun raadinta xiligaan ee labada
Beelood {Hawiye iyo Daarood} waaugu cad cad yihiin haddii loo eego Beelaha
kale maanta, markaad fiiriso marxalada Dalku ku sugan yahay qofna kuma
fakirayo yaan Xil loodhiibin Hawiye iyo Daarood midna, haddii aad fiiriso
warqada Furan ee Md.C/risaaq Xaaji Xuseenee uu kaga hadlay shirka dib u
heshiisiinta ee Carta oo uu sheegay in Beel wax lagu qaybsaday in ay qalad
ahayd hadana uu leeyahay ya-an beelaha qaar wax loo dhiibin, aan xusuusinee
Madaxweynihii ugu horeeyay Soomaaliya Md.Aadan Cabdule
Cusmaan-{Hawiye} Ra’iisulwasaarihii ugu horeeyay Md.C/risaaq
Xaaji Xu-seen [Daarood} Gudoomihii Ba-arlamaanka Sheekh Muqtaar Cabdi
Rooble[Digil iyo Mirifle] hadii 60-kii sidaa wax loo qayb-shay ayna yaraayeen
inta faha-msanayd Xukun iyo is Xukun, 44-sano ka dib oo la wada fahamsan
yahay waxa Dowladi tahay ayna badan yihiin inta u hanqal taageysa inay
noqdaan Hogaanka sare ee dalka maan-ta ma la dhihi karoo qoraalkii Md.C/risaaq
Xaaji Xuseen ee Xiligaan waa
mid u jan jeera dhinac iyadoo la cuskanayo
xaqiiqooyin ay ka mid yihiin sida uuu canbaareeyay qaybsigii shirkii Carta
iyo natiijadisii, sidoo kalana shirka Kenya ee dib u heshiisiinta soomaalida
oo socda 17-bilood in ka badan soona maray marxalado badan oo is bad badal
leh kana cakirnaan badan xaalada shirka ee maanta kama hadlin Md.C/risaaq
Xaaji Xuseen intaas hadiise mara-xalada maanta
loo fiiriyo qoraa-lka waxaa kuu muuqanaysa in wareega
miisaanka shirku raad ku leeyahay labada Beelood mid ahaan {tan uu ka soo
jeedo} haddii aysan xaaladu sidaas ahayn wuxuu hadli lahaa intii hogaanka
shirka uu u gacan badanaa Col:C/llaahi Yuusuf oo ay isku Beel ka soo wada
jeedaan filkirba ha ku kala duwanaadaane waa in la gaaraa maalin la ogaado in
tiro iyo tayo wax lagu dooranaayo. Soomaalidu waa qabiilo waxa wax lagu
qaybsanayana waa Qabiil shirkana ma
joogaan Asxaab siyaasadeed oo ku loolamaya siyaasad
iyo barnaamijyo marxaladaan kala guurka ah waana lagama maarmaan in hogaanku
uu noqdo Beel leh Awood Tiro iyo tayo intaba haddana haddii aan hawiye iyo
daarood Xukunka loo qaybin xalku kuma fududa sida ku qoran xashida C/risaaq
mar hadii shirkii dhammaad joogo aysana u muuqan Odaga natiijo uu ku farxi
karo oo dhiniciisa ah oo u dhiginta midii 60-kii ma wuxuu is yiri maanta
hanan waydaye hawiyaha ka hooji. “eeboow adigaa naga og wixii Qayr ah waxaase
noo mu-uqata in aysan yarayn dareenka ku jira Duqa soo daalay lana dhihi karo
wuxuu gacan saar hoose la leeyahay qaar ka mid ah siyaasiyiinta Beelaha kale
ee uusan carabaabin. Qoraalka kama muuqan Soomaalinimo ee waxaa ka mu-uqaatay
daaroodnimo taa waxaa
u daliil ah marna sooma qaadin gooni isu taaga
Somalil-and haddii uu dhihi lahaa soomaalidu ha taageerto siyaasiyiinta
Somaliland in ay mudan yi-hiin in iyaga loo wakiisho sidii shalayba ay ku
keeneen qaranimada somaaliyeed 1960-kii,sikastaba ha ahaatee Md.C/risaaq
Xaaji Xuseen ha ogaado inaan la joogin 60-kii ayna jiraan aq-oonyahan awood
badan u leh inay garataan dabinada isdaba yaal lana xusuusan yahay Post Rosso}
.
W/Q.Muxudiin Cabdi Calasow
Mcalasow@yahoo.com