SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAALO

March 17, 2004  
  • Somaliland diidow iskeen sii
  • Taloxumo darteed ayeynu wax walba oo ay ahayd in aynu wanaajinno sii xumaynaa.
  • SOOL IYO CAYN MA SIDAN BAA UDANBAYSAY
  • Cadaw abuurka umada somalida

Cadaw abuurka umada somalida

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Marka hore salaan ayaan gaar ah iga gudooma

Maalinta arbacada hadii ilaahay yidhaa waxay noqondoontaa maalin dadka muwaadiniinta reer somaliland kala ogaadaan xasadka, cadawga ay leedahay umadaa tashatay.

Reersomaliland iyo xukmumadaheedii kala danbeeyey weli lagu ma hayo cid ay qori caaradii ku qabsadeen umada samalilandna waxay ku caanbaxday dad walaaltinimada iyo nabada jecel.

Dadka doonaaya in ay madaxweyne umadi dooratay ku mudahraado waxaan leeyahay ogaada in cadawtinamada xalkaa ka dhalataa dal iyo dibad ay ahaandoonto mid lama ilaawaan ah.

Kuwa sheegta in ay reer sool yihiin lakiin majeerteenie u bada waxaanu u leenahay hadii dadnimadii iyo walaaltinamdii diideen cadawtinimo dagaal iyo cashar fiican ayey dun heli.

Umda ka xun degenaanshaha horumarka somalliland oo ah hadhaagii siyaadbare waxaan u leenahay samra. waxba yaanay majeerteen iyo dabadhilifka la socdaa somali jaceel is ka dhigin reer somalie badankoodu wey ku faraxsanyihiin hor umarka ay gaadhay somaliland. ilaahayna somalie quluubtooda ha is ku soo jeediyo si ay dawlad la mid ah taa somaliland u dhistaan,

Faqash ilaahay iyo umadiisa ayaa nacday.

Cabdi Raxmaan cabdiaaden11@hotmail.com

<><><>

SOOL IYO CAYN MA SIDAN BAA UDANBAYSAY

Sida aynu lawada socono beesha degan sool iyo cayn waxay taariikhda soomaaliya ku leeyihiin door muhiimaoo lama ilaawaanah.halganka kuwo iyaga ag degani ay gaar usheegtaan, waxay ahaayeen kuwii halganka mudada 21ka sano kula jiray gumaysigii ingiriiska oo kuwa jiiranka la ahi ay ku hadaaqaan had iyo jeer waxaa na aqoonsanaya ingiriis taas oo ah riyo indha la,aan ah oo ay had iyo jeer isku maaweliyaan .hadaba hadii aan u dhaadhaco cinwaanka qormadaydan waxaan is waydiiyaa had oiyo jeer beshan inkaartu ku dhacday masidan bay dadkii hore wax kula qaybsan jireen ,mise masiibo ayaa ku habsatay aan la garanayn meel katimi .waxaan leeyahay beeshu waxay ubaahan tahay gargaar iyo talo degdeg ah ooka yimaada aqoonyahanada,waxgaradka,maalqabenka,jiridu marmar ayay xalka furdaamis unqdaane,iyo kuwa aan uguba ciilbadnahay ee yidhaahdo isimada .waa in xal degdeg ah loo doonaa nacaybka dhex yaala besha.waad salaamantihiin

Abukar Jama
dhole_99@yahoo.com

<><><>

 Taloxumo darteed ayeynu wax walba oo ay ahayd in aynu wanaajinno sii xumaynaa.

Maalmahan waxaa carro Ingiriis isugu gooddiyaya laba kooxood oo aan ku sheegi karo xagjir xaqiiqo badani seeggan tahay. Rayaale Ingiriiska aqoonsi ka heli maayo, wuuna og yahay, mana aha danta uu u socdo. Haddiise uu maatada uu mas'uulka ka yahay ee harraaddan nimankaas faranji giniyo uu biyo ugu soo saaro ka helayo maxaa lala walanayaa? Maxaa aqoonsi baa nala siinayaa iyo aqoonsi baanu burburinaynaa loogu hadaaqayaa? Maxaa muddaharaadka iska soo hor jeeda ee aan macnaha lahayn loo wadaa? Ma dagaalkii iyo nacaybkii lagu soo barokacay ayaa dhulka qaxootiga lagu joogo loo soo rarayaa? Run ahaantii labada dhinacba laf cad ayey toobin ku hayaan.

Waxa loo bannaanbaxayo ama laga bannaanbaxayaa waa wax aan sidoodaba ajendaha booqashada Rayaale ku jirin. Sidaa darteed waxaa ila qurux badan in buuqa, nacaybka iyo qalaanqalka dhulka shisheeyaha laga wado la joojiyo. Waxaasi karaamada soomaalida ee awelba dhulka taalley ayey dhulka sii dhigaysaa ee qiimo kale ma leh.

Ibraahin Yuusuf Axmed
hawd99@hotmail.com 

<><><>

Somaliland diidow iskeen sii
Salaan,
Waxaan maqmaqlaya in qaar ka mid ah hadhaagi Afweyn oo malaha baryahaaba xiiq gooye in ay isku dayayaan in Madaxweynaha ka ag warwareegaan(waayo kuma dhacaan in ay ag maraan)war la'aanba col hoday,Somaliduna waxay tidha libaax nin aan aqoon ayaa lax ka rita.kadib markii ay Cigaal oo xanuunsanay Pretoria intii yarayd ee meesha joogtay ku qaylqayliyeen,Riyaalna Laascanood ugu edebdaroodeen ayey waxay u qaateen in meelwaliba sidaas oo kale tahay oo siday jecelyihiin u meel marayso .laakinse London Pretoria maaha, waxaa idin qaadanaya mowjado iyo daadka caruurtii iyo haweenkii aad dayuuradaha la dhacayseen,guryahoodana soo fadhataysateen.London maha Somaliland oo aan kala dhowrayno colaad dhexmarta dadka walaalaha ee wada dagan ee jelicisan , hadaad far taagtaan shanbaa la iidiin taagya.

Waxay dadweynaha reer Somaliland markii ugu horaysay fursad u heleen in ay si fiican uga ciilbaxaan kuwa ay cunsuriyadu iyo qabyaaladu madaxooda dhaamisayee ee Somaliweyn xumaanta ku qorshaysta kuna qarsada . Waa la huba un mudaaharaadkooda mooye in meesha kabahaygii maa aragtay ka dhacdo. Kuwaa dawladii Somaliya burburiye mid kalana aan raali ka ahayn in ay dhalato ,waxay u haystaan an mudaaharaad ay dhigaan ay dawlada Ingriisku dib uga noqondoonto talo ay gaadhay .talow miyaanay xasuusnayn banaanbixi weyna ee malyuunka Mayorka london ku jira ka soo qaybgalay ee lagu diidana dagalka Ciraaq ee cidi u joojin wayday ,mise waa afar tuug uu booligu qalbiga madoobeeye.
Mid ka mid ah faqashta ka muraaro dilaacsan martiqaadka Riyaale ee Ingriiska ayuu wuxuu ku sheegay in NGO yadu Riyaale ku casuumeen Londonana waxaan leeyahay ka sida leh saadambe ayaad garan.kuwaa muraarodilaacay waxay kaloo ku maaweeliyaan noocooda in qarashka dagaalka ee bariga Somaliland, socdaalka Madaxweynaha ee Ingriiska ,lacagta ku baxaysa soo dhawaynta wafdiga iyo laaluush fara badan oo ay yidhaahdeen waxa la siiye barlamaanka Ingriiska in ay bixiyeen labada nin ee lakala yidhaa Indhodeero iyo Dahabshiil. Xasadku waa cudur wuxuu ku kalifay in labadaa nin ee oo heer gaadhay in ay u nisbeeyaan wax aanay samayn ,dawlada somaliand ka dhigaan mid cidla fadhida oo aan noolka iska bixin karin.

Hadal iyo dhamaantiin waa inoo balan hadaad daandaansiyadaadi mid horle ku darto in aad kala kulmidoonto waxaan ku cajabin.

Reer Somaliland midbaan leeyahay Muxaafid iyo mucaardba maanta oo kale shacabku ma kala laha waxy tagantahay SOMALILAND FIRST.

Maxamad Cali 
weerarw@hotmail.com
Waxaa Qoraalkaas SomaliTalk soo gaarsiiyey
warsama sammatar libaan   waarrya1955@hotmail.com

XUDUUDAHA AFRIKA DHAMAAN IYO PUNTLAND

Faafin: SomaliTalk.com | March 17, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalada sare waxaa leh qorayaasha ku saxiixan

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Imaatinka London ee Daahir Riyaale ma Rasmibaa Mise Shakhsi
» Midnimada iyo wadajirka Soomaaliya waa muqadas Lama taabtaan ah.... Warar Goosgoos ah... Guji Maarso 16, 2004

Booqashada Riyaale Ee London Iyo Dareenka Reer Sool, Sanaag Iyo Cayn: C/laahi Warsame (Sanjab) oo isagu ah Guddoomiyaha Golaha Indheer Garadka Nugaal godan ayaa ku tilmaamay booqashada Riyaale mid... warbixintii Asad 16/3

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD