Aragtidaani in ay iska meeldhexaad tahay, oo aan tiro iyo
culaab weyn loogu deeqin markii laga gudbo waxaa xoogaa imaanyoog weyn reebay
sidii hadalka loo diyaariyey in ay iska sahlanayd oo ay ummadda soomaaliyeed
badankoodu garbo siman iska yihiin markii laga eego abaabulka hadalka iyo
xaradkiisa.
Labada qoraal midna ma rabno in aannu agaasinkiisa iyo
rakibkiisa isku faarfaarno, maxaa yeelay waxaa ku khasaaraya wakhti aynaan u
quuri karin, hase ahaato ee waxaannu beegsanayanaa in aannu aragtiyaha ay
wadaan xoojinno intooda xoogaa iska roon, isla markaas aannu toostoosinno
inta liicliicaysa oo aan lugaha xooggan ku taagnayn.
Waxaannu u aragnaa in ay labada nin (Cabdirisaaq iyo
Cismaan) dadaaleen, oo ay malaha jecel yihiin in uu dalka Soomaaliya sida uu
yahay ka roonaado. Sidaas darteed qoraalkaani ma aha diiddo aannu ku
liddinayno in ay dhiibteen aragtiyo ay la tahay in lagu liibaanayo ama ay
soomaalida dani ugu jirto.
Qof kastaa wuxuu mudan yahay in loo xaqdhawro in uu
fiiradiisa maskaxeed iyo dadaalkiisa ku yoolbaaro danihiisa iyo maslaxadda
guud ee dadka ka dhexaysa, laakiin waxaa xoogaa laga macaan yahay in
hooskatuur iyo xumaato loo ekaysiiyo dadnimo iyo maslaxad guud.
Sidaas awgeed ayaannu qoraalkaan ka dhawrayna wax aan ku
suubbanayn falsafada xaqa ah iyo daacadda. Xinka iyo in qof ama dad gaar ah
la colaadiyo waxaannu ka doorbidaynaa in aannu si garsoor ah u kala saarno
arrimaha hooskatuurka ah iyo kuwa wanaagdoonka ah.
”Sirmaqabe saab baa biyo u celiya” iyo ”Daacadi ma
hungowdo” ayey soomaalidu ku maahmaahdaa, waana arrin inagu waaninaysa in
aynaan u baahnayn in aynu caloosha bugto isaga jirranaano ama aynu af iyo
uurka isweydaarsan ummadda tabaalaysan kula hadalno.
Intaasi waa ballanqaad aynu ku heshiinney in doodda uu
qoraalkaani golaha keeni doonaa ay ka nadiifsanaan doonto munaafaqnimadii iyo
jahligii kala soocay ummadda wadaagta magaca ay dooddu ku meeraysanayso ee ah
”Soomaali”, waxaynuna haatan bilaabaynaa dooddu sida ay dhankayaga ula
muuqato.
Doodda raggaas inteeda fiican waxaa ka mid ah in lagu
noqnoqday ereyga ”daacad”, oo ah ereygii aynu horay u soo sheegnay in uu
fiican yahay, taas oo caddaynaysa in aannu isku raacnay qaar doodda ka mid
ah, waxaase meesha ka maqan in ay daacadda lafteedu u baahan tahay erey kale
oo ah ”waxqabad”. Haddii sanab ama taallo meel laga taago waxay daacad u
yihiin in ay iska taagnaadaan, taasina waxay daliil u tahay in uusan dadku
dhagxanta dhaamin haddii uusan waxba qaban! Qofna dadku kulama ay
xisaabtamaan in uu daacadnimo uurka ku hayo iyo in kale ee waxaa lagu
abaalmariyaa ama lagu eedeeyaa waxyaalihii uu qabtay natiijadii ka soo baxday.
Waxaa halkaas ka muuqata in uu qofka aan daacadda ahayni
sanab u dhaamo bulshada, taasna ugama aynu jeedno in uu qofka aan daacadda
ahayni dhab u fiican yahay, ee waxaannu uga dan leenahay in qof aan weligiis
waxba qabani uu daacadnimo uu asagu sheeganayo ama dad aan wax ogayni ay ku
sheegayaan la soo shirtago.
Sidaas awgeed ayeynu ereyga ”waxqabad” ku daraynaa doodda
ku saabsan arrimaha Soomaaliya, waxaana naga su’aal ah ”Maxay dadka ereyga
’daacad’ ku celceliyey u illaaween ereyga ’waxqabad’? Ma waxay ka baqayaan in
ayaga la weydiiyo waxyaalo ay soomaalida u qabteen oo ay xujoobaan?” Ereyga
”waxqabad” haddii sidaas looga dhuumanayo sow meesha soo ay gelimayso
maahmaahdii ahayd ”Habar fadhida legdan la fudud”?
Qofkii inta uu masuuliyad weyn dalkiisa ka soo qabtay
aysan jirin wax uu ummadda u qabtay iyo wax uu sameeyey oo la og yahay
laftiisu sidee buu daacad ugu doodi karaa? Haddii uu daacad yahay muu wax
qabto oo shacabka tuso sida wax loo qabto?
Madaxdii Soomaaliya masuuliyadaha sarsare oo guud ka soo
qabtay malaha waxaa daacad ka ahaa Maxamed Siyaad oo daacad u ahaa in uu
soomaalida xasuuqo oo xirxiro. Taas oo ah wax muuqda oo uu qabtay oo aan la
inkiri karin, laakiin dadkii ka horreeyey maxay qabteen? Ceelkee bay qodeen?
Iskoolladee bay hagaajiyeen? Madbacadehee iyo warshadehee bay dalka keeneen?
Dekadehee, ayraboorradee iyo jidadkee bay dhiseen? Dadkee bay wacyigeliyeen
oo indhaha u fureen? Ummaddee bay mideeyeen oo qabyaaladda ka saareen?
Haddii lagu doodo “Waxba ma ay qaban, laakiin daacad bay
ahaayeen!” maxaa caddayn ah oo loo hayaa daacadnimadooda? Qofka
daacadnimadiisa ma waxaa lagu gartaa in uusan waxba qaban ee uu sida sanab
ama taallo weligiis ummadda u muuqdo? Ma waxaa dadka lagu taageeraa in ay wax
qabtaan mase in ay hadba meel aan la aqoon maxada ka soo ritaan oo ay
luqundiinleeyaan?
Dadka laguma kala saaro wax qalbigooda ku jira ama ay
sheeganayaan ee dhaqdhaqaaq ay muujiyeen iyo karti cod iyo ficil ah baa la
isku dhaafaa, waxaana qofka lagu qiimeeyaa in uu nolosha wax muuqda ku soo
kordhiyey. Qofka aan waxba qaban waxaa dhaama midka wax uu isku deyey ku
fashilmay, waayo dadaal buu sameeyey, dadaalkuna wuxuu ku danbeeyaa guul ama
guuldarro.
Noloshu waa dhaqdhaqaaq ee munaafaqnimo iyo waxmatarenimo
ma ah, isla markaas bulshadii aan dadka wax qabta iyo kuwa iska faana kala
aqooni waa ay duntaa mana soo toosto, waana dhibaatada soomaalida haysa.
Taallooyin tobannaan sannadood u muuqdey oo aan wax ay meelmariyeen adduunka
lagu arag bay iska fiirsadaan oo iska ammaanaan! Haddii “waxqabad” la fahmo
nolosha waa la fahmey, laakiin haddii dadka iyo dhaqxanta la kala garan waayo
waa la waalan yahay.
Doodda haddii aynu sii dabaalano waxaa labada nin
hadalladooda ka mid ahaa in ay ku celceliyeen ereyga “ra’iisul barlammaan”,
“madaxweyne” iyo “ra’iisul wasaare”! Ereyadaasi waa cudur soomaalida maskaxda
kaga dhaca, waxaannuse inta aannaan ereyadaas muhimaddooda gudagelin
taageerayna aragtida ay ku doodeen oo ah in ay siyaasadda soomaalida
qabyaaladdu tiir u tahay. Waa wax run ah in ay soomaalidu tolnimada wax kasta
ka jecel yihiin, taasina ay keentay in ay siyaasaddooda aad tolnimadu u
saamayso.
Markii la isla gartay in uu qabiilku yahay siyaasadda
soomaalida, oo la og yahay in weligeed toltol la ahaa, oo la og yahay in ay
dawladihii rayidka ahaa qabyaalad badnaayeen, oo la og yahay in uu kacaankii
qabiilka ku cimridheeraysan jirey, oo la og yahay in kacaankii ka gadaal
qabiilooyin loo kala saftay, oo la og yahay in hadda uu qabiil kastaa meel
gaar ah ku koobmay waxaa cad in ay soomaalidu ka fuqi la’ dahay qabyaalada oo
uu ku cad yahay erey ka mid ah jiifto uu Cismaan Keenadiid ku yiri:
Haddaba waxaa la moodaa in ay labadaas nin dooddooda ku
caddeeyeen in ay taasi run tahay, oo aan marna indhaha laga laabi karin in
aysan istiraatiijiyadda siyaasadda soomaalidu qabiil ka leexan karin, waxayse
dadka doodda ku jiraa ka ciilqabaan in uu Ismaaciil Cumar Geelle soomaalida u
qaybiyey afar qabiil oo is la eg iyo jaabojaabo u dhiganta afartaas mid ka
mid barkeed. Waa wax lala yaabo in loo maleeyo in soomaalida geeska Afrika ku
baahsani ay leedahay afar qabiil oo is tiro la eg! Waxaa sidaas moodi kara
qof aan marmarin geyiga ay soomaalidu degaan oo dhan oo ku dhexjira
maahmaahdii ahayd “Nin aan dhul marini dhaayo ma leh”.
Wax macne ah ma leh kala badnidoodu oo waa dad isku dan
ah, una baahan in ay ka baxaan qabyaaladda oo “Bahalhiglo afqurun kuma kala
tagto” waatii hore loo yiri, laakiin Ismaaciil Cumar Geelle wuxuu sidaas ugu
dhiirradey in aysan jirin soomaali fiiro leh oo ku qosla lana yaaba in uu
sarrifaad sidaas ku foolxun oo ay asaga dan qabiil ugu jirto qorsheeyey.
Dadka arrintaas hadda ka doodaya oo soo cusboonaynayaa ma
waxay dhasheen markii uu Ismaaciil waxaas walaaqay ka gadaal? Maxay markii
uga hadli waayeen? Malaha markii waa ay rabeen, laakiin hadda ayey si kale
ula xumaatay oo waa dad aan lahayn yool fog oo aysan la leexan ee hadba
qofkii ay markaas ximinayaan ku qalloociya!
Sida la isu daahiriyo marka ay diintu ka hadlayso waxaa
jira “najaaso” iyo “mutanajis”. “Najaaso” waa wax laftoodu najaaso ah sida
kaadida, laakiin waxyaalaha awal daahirka ahaa oo ay najaasadu gaartey waxaa
la yiraahdaa “mutanajis”, waana sida maro ay kaadiyi ku firdhatay.
“Mutanajis” waa la daahirin karaa, laakiin najaaso lama
daahiriyo ee waa laga dheeraadaa. Sidaas awgeed siyaasadda Ismaaciil Cumar
Geelle in haddeer la daahiro waxaa ka fudud in kaadi la daahiriyo. Waxaa yaab
leh in ay dad siyaasiyiin loo qabaa haddeer shirkii Carta ka hadlayaan, oo ay
la mid yihiin habartii indhaha la’ayd oo inta laga guurey tiri ”Bal wax baan
dhawrin”.
Waa indhola’aan iyo abhalnimo in loo maleeyo in Carta lagu
qaldanaa ”Afar qabiil iyo junjuraaf” keli ah! Wax kasta oo meeshaas ka dhacay
waa lagu qaldanaa, waxayna ahayd meel raashin loogu karin jirey dad meesha ay
wax ka laqaan iyo meesha ay wax ka fahmaan ay isku xirmeen, oo ku sifoobey:
”Geeddiga carruurtaan aqoon, geeska loo raraye”
Waa mir ka mid ah gabay weyn oo uu tiriyey Khaliif shiikh
Maxamuud, oo ahaa nin necbaa guulwadeyaasha iyo dadka ay risaaqaddu meelaha
xunxun la aaddo, wuxuuna odayaasha dhuumaalaysta oo uu hungurigu hago mar uu
ka hadlayey yiri:
“Mabda’ ma laha ogaygii bartaa, malabsi ceebeede”
In uu qof weyni haddeer Carta dooddaan sharafta leh ku
walaaqayaa waxay shaaca ka qaadaysaa in dadkii la oran jirey “Asxaabul kahaf”
oo quraanka lagu sheegay kuwa la mid ahi ay nala hadlayaan! Qofkii raba in uu
wax ka ogaado “Asxaabul kahaf” iyo godkii ay muddada ku jireen ha akhriyo
suuradda Quraanka kala barta ama dadka dooddaan ku jira ha u kala fiirsado!
“Asxaabul kahaf” in kasta oo ay god ku jireen haddana dad iimaan leh bay
ahaayeen, ee waxaa daran in munaafaqad god lagula jiro tobannaan sannadood!
Ereyadii aynu hore u soo taabannay oo ay ragga dooday ka
sharqamiyeen, ahaana “Ra’iisul barlammaan”, “madaxweyne” iyo “ra’iisul
wasaare” ayeynu weli goconaynaa, waxaana iska cad in dadka doodaya qaarkood u
qabaan in ay waxaasi macne weyn nolosha ku leeyihiin, oo ay ku raaxaysanayaan
in ay afka ku cushaan wax aysan dadkii ahaan jirey sheegi karin macnahooda,
isla markaas aan la hayn miro ay dhaleen muddadii ay soomaalidu magacyadaas
maqlayeen.
Hore ayeynu u soo sheegnay in ay dadkeenna ka maqan tahay
in uu waxqabadku yahay nolol, oo ay magacyo aysan fahmayn ku wareersan yihiin.
Midkii magacyadaas ahaan jirey iyo midkii maqlay waa isku heer oo wuxuu isaga
hadaaqayaa “madaxweyne!”, mana uu yaqaan baahida nolosha.
Horta maxaa keenay in laga hadlo in ay qabiilooyinku isku
haystaan magacyadaas? Siyaasadda soomaalidu waa iska qabiil oo ayaga ayaa
qabiilka doortay oo laga furfuri waayey, maxaase lamahuraan ah oo ka culus in
ay qabiilooyinku ku murmaan madax dad ah?
“Magaalomadax” iyo “magaalomadax labaad” ayaa ka muhiimsan
kana macne weyn in lagu meeraysto wax aan aayaha ummadda waxba tarayn sida
madaxweyne barri dhiman doona.
Qabiilooyinku markii ay magaalooyinkaas samaynayeen waxba
kuma ay heshiin, kamana ay fakarin waxa barri imaan kara ee sida ragga
dooddaan nagula jira qaarkood ayey iska maahsanaayeen.
Maxamed Cabdulle Xassan wuxuu dhulka uu qabiilkiisu dego
ka dhigay goobo dagaal, wuxuuna ka horjoogasey in ay ka dhismaan magaalooyin
iyo in ay ka furmaan iskoolaad. Soomaalidu magaalo iyo waxbarasho ma ay aqoon
ee waxaa u bilaabay Ingiriis iyo Talyaanni, waxaana taariikhda ku cad in uu
ninkaasi qabiilkiisa ka go’doomiyey waxyaalihii yaraa ee laga siyaadsan lahaa
dadkaas qabaad ee soomaalida ka aqoonta roonaa.
Muddadii dheerayd ee ay daraawiishi qabiilkaas
salsalinayeen waxaa labo dab laga shiday meelo ay qabiilooyin kale degaan,
waxayna qabiilooyinkaas kale ajnebiga ka faa’iideen in ay u abuurmeen
magaalooyin iyo in loo dhisay iskoollo. Waxaa arrintaas ka gabyey Alle ha u
naxariisto ee Cali Jaamac Haabiil oo yiri:
“Gaal maxasta kuu koriya ood, magansataa dhaama”
Waa runtiis oo qabiilkiisu wuxuu dadkaas uu gaalada ku
sheegayo ka helay khayr aysan helin qabiilkii uu waalay oo wareeriyey ninkaas
uu gabaygu ku socday.
Xamaasadda iyo xikmaddu macnaha ay isku dhaamaan waxaa
muujin kara sida ay labadaas nin u kala aragti dheeraayeen oo midka
qabiilkiisa iyo maxastiisa u xasuuqay midna in ay koraan uga fakarayey.
Markii ay ururkii xamaasadda ee daraawiish iyo ninkii
salaafta lahaa oo watey u dhammaatay ayey qabiilkiisii waxay iska raaceen
labadii dab oo ay Ingiriiska iyo Talyaanigu qabiilooyinka kale u shideen.
Waxaa la oran karaa dadkii qabiilkaas siyaasadda ugu jirey waxay ka sii
aragti liiteen Maxamed Cabdulle Xassankii xasuuqay, waayo asagu dhib iyo
dheefba ayaga ayuu kula dhexjirey, laakiin kuwii danbe waxay ahaayeen dagaag
iska aadey dhul aan dhibaatada ka soo fool leh la saadaalin oo aysan
qabiilooyinku waxba ku heshiin.
Waxaa la isaga hadaaqay ”magaalomadax” iyo ”magaalomadax
labaad” oo aan ku salaysnayn xikmad waafaqsan siyaasadda soomaalida oo ay
ragga haatan doodayaa isku raaceen in ay qabiil dugsato. Markii labadaas
magaalo la iska magacawday waxaa qabiilkii meesha caasimadda ah degganaa
loogu daray jagada ay dadka dooddaan ku jiraa ku hadaaqayaan ee ah ”madaxweyne”!
Qabiilkii magaalo madaxda labaad degganaa waxaa isla
waayadii mar loo bishaareeyey magaca kale ee ay ragga aan la doodaynaa
sheegeen oo ah ”ra’iisul wasaare”! Qabiilooyinkii dabka soo raacay waxaa
sidaas u marinhabaabiyey dad haatan raba in ay eedeeyaan rag ka aragti dheer,
oo aan lagu aqoon in ay iska raacaan dab guri reerood laga shiday, oo aan
hadba sun loogu darin shaah ay ka cabbayeen guri lagu waardiyeeyo oo aysan
fagaaggiisa tegi karin.
Hadalka haddii la soo koobo qofkii caqli sare lehi waa uu
ogaa in ay markii ay rabaan qabiilooyinku islayn doonaan, waayo wax adag oo
ay ku heshiiyeen taariikhda kuma au xusna. Kuwii dabka raacay oo labada
magaalo ayaga oo aan fakarayn looga yeeray waxaa ka raacay wax aad loogu
farxay oo ah in la siiyey cashar ay ku waano qaataan, casharkaas macaan oo ah
in aysan mar danbe labadaas magaalo iska oggolaan jeer ay qabiilooyinku wax
macquul ah ku heshiiyaan.
Waxaa kale oo ay ogaadeen in madaxdii hore oo ayaga ka soo
jeedey ay ahaayeen kuwo maangaabyo ah oo qadadooda iyo in ”wasiir” ama
”ra’iisul wasaare” loogu yeero dhaafsaday aayihii iyo xasilloonidii ummadda
soomaaliyeed.
Intaas kooban waxaan doodda ugu xoojinney in ay soomaalidu
ogaadaan in ay madaxda dadka ah ka muhiimsan yihiin maqaalooyinka dalalka
dunida saddexaad laga hagaa, taas oo uu macneheedu yahay in siyaasadda
soomaalida oo ah toltolka lagu saleeyo magaalooyinka noocaas ah, oo aan hal
qabiil la isgu darin madaxweyne iyo caasimad ama aan qabiil kale la isugu
darin magaalomadaxda labaad iyo ra’iisul wasaare. Qabiilkii magaalomadaxda
helaa waa in uu ka samraa madaxweyne iyo ra’iisul wasaare ama waa in uu
oggolaadaa in magaalomadaxda dhulkooda laga raro oo qabiilka loo raraa ay ka
samraan madaxweyne.
Dadka dooddaan ku jira qaarkood waxaa la moodaa in ay ka
hurdaan arrimaha qabiilooyinka oo waxay ku qarwaqaan ”Waa in ay qabiilo
qaadato wasiir”! Waxaa laga yaabaa in uu qofkaasi marka uu leeyahay ”qabiilo”
uu uga jeedo tol aan degin magaalomadaxda iyo magaalada labaad in ay wasiir
haad ah oo la waardiyeeyo u dirsadaan magaalooyinkaas! Taasi waxay
muujinaysaa in ay doodda ku jiraan dad ay unugyadii maskaxdooda in badani
dhinteen, oo u baahan in ay ka nastaan arrimahaan ku habboon in ay ka doodaan
dadka u soo kacay oo aan kharafyada ahayn!
Haddii ay qabiilooyinku wax caqligal ah ku heshiiyaan oo
ay dhuuniqaateyaasha aragtida gaabni hawlaha aysan geyin faraha kala baxaan
waxaa la abuuri karaa nabad iyo xukuumad aan si axmaqnimo ah dhinac ugu
janjeerin oo lagu wada raaxaysto, waxaana soddomeeye sannadood ka gadaal loo
gudbi lahaa soomaali qabiilka ka xiisodhacday.
Dooddaan waxaan ku dhex arkay ereyo ceeb ah oo ay ka mid
tahay in nin soomaali ah oo Aadan-Cadde la yiraahdo lagu sheegay in uu yahay
dadka oo dhan aabbohood! Nebiga CSW qof laga jeclaa ma uu jirin, lagumana
magacaabin in uu asaxaabtiisa aabbe u ahaa, waayo waxaa Quraanka ku taal in
Rabbi agtiisa ay fiican tahay in qof kasta ninkii uu gogoshiisa ku dhashay
loogu magacdaro.
Maxamed Cabdulle Xassan baa wuxuu soomaalida u bilaabay in
asaga ”aabbe” loogu yeero, waayo diinta kuma uu dhaqmi jirin oo wuxuu ahaa
keligitaliye. Kuwo caamo ahaa oo ay isku qabiil ahaayeen oo ay ka mid
ahaayeen Abshir Dhoorre, Xuseen Dhiqle iyo Ismaaciil Mire oo uu maskaxda
keligitaliyahaasi ka abaahiyey baa waxay afka la taagi jireen ”Aabbe sayidii!”.
Markaas ayuu wuxuu moodey in uu xaq u leeyahay in ay qabiilkiisa oo dhami
“aabbe” ku yeeraan, wuxuuna caqligaas gaaban ula tegey shiikh geesi ahaa oo
magaciisa la oran jirey Jaamac-Dacar oo u sheegay in uu Quraanka Rabbi
”aabbe” u yaqaan ninkii ay qofka hooyadiis u dhaxdey markii uu caloolgalay.
Markii shiikh Jaamac-Dacar uu sidaas aayad Quraan ah ugu
daliiliyey ayuu Maxamed Cabdulle Xassan xanaaqey, wuxuuna kuwii caamada ahaa
oo uu maskaxda ka kudi jirey amar buuxa ku siiyey in ay xasuuqaan dhammaan
jafida uu shiikh Jaamac-Dacar ka soo jeedey.
Goortii ay Abshir Dhoorre iyo Ismaaciil Mire xasuuqeen dad
lagu qiyaasay shan iyo toban kun oo ahaa qolo aad u badnaa oo inta tiradooda
lala yaabay lagu naysaani jirey “Buul quraanyo” ayey waxay ku yiraahdeen
”Aabbe sayidii waxaannu laynay oo badda ku daadinay shan iyo toban kun”! Waa
marka uu Maxamed bilaabay gabaygii uu lahaa:
”Rabrabtuu la yimid Jaamac-Dacar, arag risaaqdeede”
Cali-Dhuux oo awalba ogaa in uusan Maxamed Cabdulle diin
shaqo ku lahayn baa gabay badan oo uu dabeecadda darwiishka ku sifaynayey
arrintaas ka tiriyey, oo waxaa gabayga ka mid ahaa:
-
”Ninkii weligi diin iyo xaddiis,
daacad ugu sheega
-
Dariiqii Rasuulkii ninkii, daaha
uga qaada
-
Daw ulama soo baxo sharciye, wuu la
diriraaye
-
Dantoodmoogyaduu wadan jiruu, ’dila’!
yiraahdaaye
-
Ayaguna markaas bay ku didin, diidi
mahayaane”
Xilligii ahaa 21 sannadood oo uu Maxamed Siyaad soomaalida
kkarribayey waxaa socdey olole ku saabsanaa in uu Afweyne Siyaad soomaalida
oo dhan aabbohood yahay, waxaana aabbenimadaas warbaahinta iyo meelo kale la
xuurtaysnaa dad ay ka mid ahaayeen wiilal la kala oran jirey Idaajaa iyo
Shareeco oo ugu darnaa dadkii carruurta iyo makasta soomaalida maskaxda ka
faddareeyey!
Waxaa la toogtey odayaal badan oo yiri: ”War maandhooyow
goormuu Afweyne hooyooyinkayo ka sinaystey?”. Doqow iyo sirqooyin badan oo
soomaali ah baa su’aashaas keli ah lagu toogtey, waxaase ka darnaa in markii
ay carruurta qaarkood carrabka ugu tireen ”Aabbe siyaad” ay sii karaarqaateen
oo ay yiraahdeen ”Naagtiisuna waa hooyadiin!”.
Dhibaatooyinkaas oo dhan ayada oo la soo maray oo ay
kumannaan iyo kummannaan soomaali ahi u geeriyoodeen in ay diidaan aabbe aan
Quraanka waafaqsanayn ayaa waxaa dooddaan lagu daray in uu Aadan Cabdulle
Cismaan aabbe u yahay dadka teer iyo Qandala deggan.
Nin uu ahaa ma aan xasuusto ee mid BBC laga waraystay oo
aan magaciisa laqay baa waxaa la weydiiyey in la badiyey hoggaamiyeyaasha
jabhadaha oo ka qaybgelaya shirka jabhadaha qabiilooyinka uga socda Nayroobi,
waxaana hadalkiisa ka mid ahaa in hoggaamiyeyaasha lagu daray dad aan wax
dhalay la aqoon!
Doodda aabbenimada iyo minada Aadan-Cadde ku saabsan
haddii aynu halkaas uga tagno waxaa doodda lagu qasay taariikhnololeedda
Cabdullaahi Yuusuf oo ah shakhsi ka mid ah dadka soomaaliyeed oo aayahooda
laga doodayo. Sababta ninkaas taariikhdiisa iyo doodda la isugu qoofalay ma
aannu garan oo in taariikhnololeed la qoro iyo in qaddiyad laga doodaa annaga
waa ay noo kala duwan yihiin, hase yeesho ee haddii ay ikhyaarta doodda ku
jiraa sidaas garteen waa in lagu xushmeeyo oo aannu wixii toostoosin ah ku
taakulayno.
In uu Cabdullaahi Yuusuf ka mid ahaa saraakiishii ku jirey
1978 iyo in kale in laga doodaa waxay la macne tahay in uu Maxamed Siyaad ku
jirey inqilaabkii 19969 iyo in kale!
Siyaad aad baannu mucaarad ugu ahayn, nagamana ay suurowdo
in aannu isku qaladno mucaaradnimada iyo in uu ka mid ahaa saraakiishii 1969
afgenbiga sameeyey, waayo waxaan noqonaynaa maangaabyo garaadka ka dafiic ah
oo aan lahayn karti ay runta ku qiraan iyo shakhsiyad lagu aammini karo.
Xaasidnimada sidaas u hoosaysaa waxay la mid tahay in
meelo badan ayaamahaan lagu qoro in uu Cabdullaahi isu soo dhiibey Maxamed
Siyaad markii ay jabhaddii Kulmis sii burburaysey, taas oo ah arrin iska
nacayb ah oo aan mucaaradnimo waxba ka tarayn ee muujinaysa in qofka qorayaa
uu aad u neceb yahay askerigaas oo uu ku waashay nacayb uu la indho la’ yahay.
Waxaa doodda lagu daray in ay Kulmis ku laayeen dad aan
tuutihii Digifta qabin meelo xudduudda ka mid ah! Horta dadka meelaha laga
doodayo dega waxaa qof kasta la yaqaan ayeeyooyinkiis oo la iskama oran karo
dad baa la laayey, waayo waxaa la isweydiinayaa ”Dadku waa ilma ayo, waase
hahdee?”, oo midkii markaas askari ahaa iyo kii shacab ahaa waa la isla
yaqaan.
Haddii uu qof dhallinyar oo guri kacaan ah ku soo koray
iska qoro waxyaalo uu aabbe iyo hooyo ka maqlay ama uu adeerro guriga aabbe
oo maqan ku turbaya ka maqlay, oo uusan dadka uu sheegayo iyo degaanka midna
kala aqoon waa lagu qoslayaa.
Waagii hore jabhadaha soomaalidu shacabka ma ay layn jirin,
mana ay boobi jirin hantida rayidka ee jabhadihii danbe ayaa waxay marba
marka ka danbaysa bilaabayeen tuugo iyo boob, waxaana laga yaabaa in aysan
ragga doodda ku jiraa ogayn in uu Khaliif shiikh Maxamuud yiri:
-
”Maatada ma boobnoo xaqaan, mirif
ka dhawrnaa
-
Siyaad baa mareegaha furtee,
miiddii baan nahaye”
Labada nin oo doodda ku jira waxaa la weydiinayaa ”Qofka
aan tuutaha digifta wadan oo lagu diley Caabudwaaq iyo Goldogob waa ina ayo,
waase bahdee?”. Niman makhaayad Maraykan sanadda 2004 ku kaftamaya bulaan
laga soo maqlay waxaa ka sugan gabayga Khaliif shiikh Maxamuud oo kor ku
qoran, waayo wuxuu aakhirkii ku geeriyoodey dagaalladaas (Goldogob).
Ragga nala doodayaa waxay marmar leeyihiin ”War uu noo
sheegay qof magaciisa in la qariyo codsaday”! Maxaa dhuumasho iyo magacqarin
doodda aayaha ummadda ku saabsan loogula meeraysanayaa? Waxaa ka daran in
raggii Kulmis dagaalka kaga dhintay lagu doodayo in uu Cabdullaahi laayey!
Eedo badan oo Cabdullaahi loo qabsan karaa waa ay jiraan
oo lagaga jid heli karo, waana eedo aannu laftayadu har iyo habeen qorno oo
xaqiiq ah, laakiin ina Ilgiir, Ina Caydiid, Gaawiido iyo ragga la midka ah in
lagu eedeeyaa waxay la mid tahay in lagu eedeeyo in uu asagu diley ra’iisul
wasaarihii Iswiidhan oo la oran jirey Balme, waayo haddii aan la kala
garqaadanayn wax kasta ayuu af daloolaa karaa ama qalinku uu qori karaa.
Qof yar oo aan dadka Kulmis joogey tiradooda iyo qofka ay
badankoodu taageersanaayeen midna xogogaal u ahayni haddii iska yiraahdo
”Alle ha u naxariisto ee Cabdirahmaan Caydiid baa Cabdullaahi ka taageerayaal
badnaa!” waxay dooddu noqonaysaa riwaayadihii ay dadka caaqyada ahi xilligii
kacaanka tiyaatarka ku dhigi jireen oo xiisaha yaraa.
Dadka Kulmis joogey 80% in ka badan waxaa maskaxdooda ku
qufulnaa Cabdullaahi Yuusuf iyo Khaliif shiikh Maxamuud taladooda, oo
labadaba uu niyad ka ahaa dagaalka kacaanka lagula jirey.
Burburkii jabhaddaasi ma uu ahayn in xukun la isku mari
waayey ee Mingisto, Qaddaafi iyo meelo kale oo jabhadda ka baxsan bay
eersatay. Midda kale lix sannadood ayey jabhaddu jirtey, waxaana dabeecadaha
jabhadaha ka mid ah in ay burburaan haddii aysan xilli gaaban ku guulaysan
ujeeddooyinkooda.
Ragga doodda ku jira qaar baa waxay ka hadlayaan arrimo
badan oo aysan waxba ka ogayn. Isimo badan oo Puntland ka soo jeeda ayaa
Cabdullaahi Yuusuf ku kacay, waxaana ugu dad badnaa garaad Cabdiqeni, islaan
Maxamed, islaan Bashiir iyo beeldaaje dadka Bari dega badankooda u caleemo
saaran.
Raggaas oo dhami kuma ay guulaysan in uu Cabdullaahi ka
tago xukunka uu ku mabay. Dadka oo dhami waxay wada og yihiin in uusan u
baahnayn in uu isimadaas laayo ama uu xirxiro, waayo wuxuu meesha haysan
karaa ayaga oo nool oo haddii ay rabaan mucaaradsan.
Marka waxaa dooddaan ka muuqda dad u qaba in uu Alle ha u
naxariisto ee suldaan Hurre Cabdullaahi Puntland ka saari lahaa oo uu sidaas
darteed asagu diley! U malayn mayno in uu jiro isim kuwa waaweyn ka mid ah oo
Cabdullaahi ka furfuri kara meeshaas uu ku dhegey! Arrintu waaba ay fiicnaan
lahayd haddii uu isim jafihoosaad Cabdullaahi Puntland ka saari karo, waayo
xukunka ayaannu kala wareegi lahayn, laakiin waxaa run ah in xataa haddii
boqor Buurmadow loogu yeero uusan Cabdullaahi dhaqaajin kareen.
Waxaa dadkeenna mucaaradka Puntland ah inoo fiican in
uusan hadalku inaga xumaan oo aynu dadka u sheegno wax macquul ah si loo arko
in aynu nahay dad aragtiyo miiggan iyo harumar soo wada, laakiin sida doodda
ka muuqata waxaynu caawinaynaa dadkii aynu mucaaradayney, waayo xataa
carruurta ayaa dareemaya in aynu been caaqnimo ah wax ku doonayno.
Dadka qaar baa waxay Maxamed Siyaad ka fidin jireen in
diley wiil uu aabbe u ahaa! Waxaas oo kale waxaa rumaysta ama ku sheekeeya
qof maangaab ah oo aan waxba muraaradi karin! Waxaa iska cad in uusan Maxamed
Siyaad dilin wiil uu dhalay, waxayna dooddaasi muujinaysaa in uu qofkii
abuuray ahaa daciif aan Maxamed Siyaad iyo siyaasad midna waxba ka aqoon!
Ceebihii kacaanka oo ciidda ka badnaa may Siyaad ku eedeeyaan inta ay
carruurtiisa midkii geeriyooda ku masabbidayaan? Masabbidku waa wax ay ku
qaraabtaan dadka maanka gaadan oo aan aqoon xeeladaha loo dagaallamo!
Waxaa doodda ka dhexmuuqa hadal oranaya in ay shacabka
qaarkood ”goosasho” rabaan, waana arrin run ah oo jabhaddii SNM wuxuu
hadafkoodu ahaa in Soomaaliya qaar la goosto. Dabadeed isla jabhaddii baa
waxay la baxday Soomaaliland si qabiilooyin aan jabhaddii hadafkaas lahayd
ahayn looga asturo magacii jabyadda, oo loo tuso magac kale oo ay moodaan in
uu qabiilka SNM qabyaaladdii iska daayey!
Sababaha qabiilka SNM ku riixay go’itaanka waxaa si
xad-haaf ah BBC uga baahiya wiilal qabiilka SNM ka dhashay, oo waxay soo
daayaan gabayo uu qabiilku arrimihiisa ka tiriyey iyo waraysiyo badan oo ay
ka qaadaan dad qabiilka SNM u dhashay oo sheega in ay xaq u leeyihiin in ay
gaar isu buusaan!
Marmar dhexdaas ah waxay BBC noqotay meel ay ku wada
baroortaan madax beesha ah iyo wiilasha BBC ka shaqeeya intooda qabiilka SNM
ka soo jeeda! Baroortaas markii aannu u fiirsannay waxaa tiirdhexaad u ahaa
in uu qabiilka jago ay lahaayeen ka boobay Cabdirisaaq xaaji Xuseen oo ah
ninka haatan isku liiliijinaya warankii baroortaas ay Cuuke iyo ragga kale
BBC furka tuursan yihiin.
Sida ka dhadhantay hadallada raggaas baroorta BBC kala
balwa waxay beesha SNM waagii hore rabeen in la isku siiyo magaalomadaxda
labaad iyo ra’iisul wasaare, waxaana labadii arrimood oo ay isu
jaaxeerinayeen midkood seejiyey Cabdirisaaq xaaji Xuseen oo ay ilaa maanta
SNM bushunta hoose qaniinaan ciilka ay u qabaan dartiis!
Mar uu Hargaysaa lixdamaadkii booqday buu wuxuu damcay in
uu u khudbeeyo dadka beesha SNM (Soomaaliland) ahaa oo fagaare joogey,
waxayna isku mar dhammaantood u soo jeediyeen jeegada iyo barida oo waa ay ka
sii jeesteen, wuxuuna asaga oo dhabarkooda taagan ku yiri: ”Siijeedka ayaadba
ku qurxoon tihiin ii ha igu soo jeesannina inta aan khudbada dhammaynayo”!
Haddaba labo arrimood ayaa haatan Cabdirisaaq la gudboon.
Midda kowaad waa in uu SNM isu dhiibo oo uu ka raalligeliyo jagadaas ay u
arkaan in uu ka boobay, isla markaas uu magdhow siiyo! Midda labaad waa in uu
beesha runta u heego oo uu u caddeeyo in aysan isku heli karin magaalomadaxda
labaad iyo ra’iisul wasaareha, waayo waxaa jira beelo kale oo aan
magaalomadax degganayn kana tiro badan SNM oo uga xaq leh in ay ra’iisul
wasaareha saami u helaan. Sida haatan hadalkiisa ka muuqata ma uu aha nin
beesha u jawaabi kara, oo dooddaan wuxuu kaga jiraa kaalin aad u dabacsan.
Hadalka dooddaan ugu macne darani waa ereyo ay labada nin
oo aannu doodaynaa ku sheegeen in xukuumadda Soomaaliland ay shacabka wax
weyn u qabateen! Horta Soomaaliland runtii saddex waxyaalood bay ku dhaamaan
Puntland, waana dekadda Berbera, ayraboorka Hargaysa iyo laamiyada.
Xagga dekadda waxaa laga yaabaa in ay dadka aannu la
doodayno qaarkood u qabaan in marsada Berbera ay dhiseen dadka hadda ka
taliya Soomaaliland! Taasi waa arrin aysay waxba ka jirin oo waa in la isla
baaro xilligii la dhisay dekadda iyo dhaqaalihii ku baxay dhismahaas.
Sidaas oo kale ayraboorka Hargaysa oo aadka u fiican ma ay
dhisin dadka haatan meesha ku qayilaa (SNM), waana in la isla baaro
dhaqaalaha Soomaaliya ka galay dhismihii ayraboorka Hargaysa oo ah
ayraboorkii ugu fiicnaa ayraboorrada Soomaaliya.
Xagga laamiyada xataa Gebiley waxaa gala laami Hargaysa ka
baxa, oo aysan SNM dhisin ee hore meesha u mari jirey. Magaalooyinka waaweyn
ee Soomaaliland (Berbera, Burco iyo Hargaysa) dhammaantood waxaa isku wada
xira laamiyo aysan SNM dhisin.
Haddaba arrimahaas ay Soomaaliland kaga fiican tahay
Puntland ma lagu eedayn karaa Cabdullaahi Yuusuf oo ah nin ay labada nin oo
aannu la doodaynaa arrimahaas ku eedaynayaan? Annaga oo aan ninna runta uga
turayn una eexanayn ayaannu u aragnaa in aysan eeddaasi qaban ninkaas, uuse
leeyahay eedo kale oo aysan nimanka doodayaa awoodin in ay gartaan!
Dadkii waddanka maamullada sare ka soo qabtay sida
Cabdirisaaq xaaji Xuseen, aabbihiis Aadan-Cadde iyo mudane Afwene oo mootan
ayaa la weydiin karey sababta keentay in ay Puntland ka qadday in laga dhiso
dekado, ayraboor iyo laamiyo isku xira magaalooyinka waaweyn ee Puntland.
Eedda badankeedu ma ay fuulayso Aadan-Cadde waayo banaadir buu ka soo jedey
oo beesha uu wiilkiisa (Cabdirisaaq) ku sidkay dekad la’aan ma ay aha!
Dadka doodda ku daray in ay kooxda Hargaysa joogjoogaa wax
ku qabteen shacabka Soomaaliland ma ay sheegin wax daliil ah oo ay cuskiyaan
horumarka ay iska sheegeen. Waxaa laga yaabaa in hadal makhaayad lala fadhiyo
iska soo xambaarsadeen ama ay dad qayilaya kaftankood war xaqiiq ah moodeen.
Xagga nabadda wax muuqda kama uu qaban maamulka
Soomaaliland, waayo xataa dadkii cawinada oo qalaad nabaddoodii bay sugi kari
waayeen oo waxaa Soomaaliland intii lagu dhawaaqay ka dib ka dhacay dhawr iyo
toban dil oo loo geystey dad caddaan ah.
Qabiilooyinka soomaalida habeen kasta waxaa dhinta dad
socoto ah oo aan waxba galabsan. Dad badan oo gobollada Soomaaliland la
deriska ah sida Sool u dhashay baa bartanka Hargaysa la isaga toogtaa oo
aysan cidina isweydiin. Ilaa saddex nin oo caan ah oo reer Sool ah baa muddo
gaaban gudeheed si talantaalli ah wadnaha looga toogtey oo loo waayey labo
boolis ah oo ku raadjoogsada dadkii gacankudhiigleyaasha ahaa!
Arrimahaasi waxay caddaynayaan in uusan maamulka
Soomaaliland wax ciidan ah oo nabadda suga weli samayn. Arrimaha kale ee
bulshada wax uu maamul ka qabtay ma ay jiraan, waxaana la wada ogaa in
muddadii ay SNM go’itaanka ku dhawaaqeen ka dib ay debedaha ka heleen
dhaqaale aad u badan.
Waddan Yurubta galbeed ah oo aan maamukii Cigaal lacag
badan ugu deeqini malaha ma uu jirin, isla markaas dalal kale oo ay Israaciil
ka mid tahay baa lacago deeq ah oo badan siiyey. Soomaaliland iyo kooxdii uu
Ismaaciil Cumar Geelle hoggaaminayey ee Carta waxay ahaayeen dadka keli ah ee
si weyn debedaha uga helay dhaqaale badan.
Haddaba dhaqaalaha maxay ku qabteen maamukla Soomaaliland?
Runta haddii loo hadlo waxay kooxdaasi shacabka u qabteen weli lama hayo,
waana koox balwad lagu falay oo aan in ay wax qabtaan diyaar u ahayn.
Maaddaama uusan dhulkaasi waxsoosaar lahayn waxaa soo galay deeqo badan,
waxayna xoolahaasi ku dhammaandeen in jafiyaha lagu kala laaluuso iyo in lagu
tunto keli ah!
Habayaraato ee wax warshad ah, wax madbacad ah iyo wax
shaqo’abuuris ah oo lagu tillaabsaday ma ay jiraan, dadka dhiiggooduna habeen
iyo maalin waa uu iska qubtaa. Sidaas awgeed dadka indhaha xiran oo ku
doodaya in shacabka beesha SNM wax loo qabtaa waa dad u baahan in ay u tagaan
dhakhaatiir maskaxda ah si loo daweeyo!
Fursado waaweyn oo aysan Puntland haysan bay Soomaaliland
heshay kamana ay faa’iidaysan. Waxaa ka mid ah in aysan jirin beel ama
khashsiyaad qabiil ahaan u neceb oo kala diriraya in ay xasilaan, halka
Puntland ay cadaawad qabiil isugu kaashanayeen Jibuuti iyo kooxaha koofurta
qaarkood oo maskaxdooda ugu badbaan ku lumiya sidii ay qabiilka Puntland u
khalkhalin lahaayeen iyo sidii ay lacag ugu heli lahaayeen magaca Soomaaliya!
Fursadda labaad oo ay qabiilka Soomaaliland heleen waa in
ay ku yar yihiin dadka ayaga u dhashay oo ka xun horumarkooda, halka ay
Puntland ku badan yihiin dad u dhashay oo loo adeegsado ama raba in lagu kala
guuro. Marna lama arko qof qabiilka Soomaaliland ah oo neceb Soomaaliland,
laakiin waxaa jira dad caaya degaanka iyo dadka Puntland oo ku abtisada
qabiilka Puntland.
Arrintaan danbe waxaa sii xoojiya in ay qabiilka SNM
niyadda gashadeen in ay dal gooni ah noqdaan, halka uu qabiilka Puntland
qaarkood weli riman yahay dabraacii ay waa hore ku dufoobeen.
Shaafici Xassan Maxamed