March 16, 2004
Booqashada Riyaale Ee London Iyo Dareenka
Reer Sool, Sanaag Iyo Cayn
Asad Cadaani Ibraahim.
Laascaanood Soomaaliya
assadlaska@yahoo.com
Sannadguuradii
koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray
Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood
Asad
|
MAGACA
SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in
Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya?
Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka?
Fahad
|
"hadii
ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa
nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga
somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa
in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga
magaalooyinka camiran ee Somaliland"
Salahudin
|
"Miyaan
niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la
raafaa, magan waa la dhiibaa!)"
C/Waaxid
|
"dadkaasi
la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka
mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo
ONLF"
Diridhaba |
Kuwii
sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad
maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan"
Asad |
"Shacbiga
Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana
aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA
SAMATAR. "
Faysal |
"7/12/2002
ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin
booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka
dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga
dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu
ku degey"
XagarYare |
Waxaa baryahanba la hadal hayey In uu
booqasho ku tagi doono Dalka Ingiriiska Hogaanka maamulka Hargeysa Riyaale
Kaahin oo isagu gacanta ku haya Magaalooyinka Hargeysa , Burco Iyo Boorame,
sida la soo warinayana hada sooba gaadhay ,magaalada London oo martiqaada ka
helay sida la sheegayo shirkado iyo NGO.
Hadaba waa sidee dareenka ay ka muujiyeen
dadweynaha ku dhaqan Gobollada Sool, sanaag Iyo Cayn.
C/laahi Warsame (Sanjab) oo isagu ah
Guddoomiyaha Golaha Indheer Garadka Nugaal godan ayaa ku tilmaamay booqashada
Riyaale mid madhalays ah oo aanu waxba ka soo hoynayan, mar haddii siyaasada
Ingiriisku hore u sheegtay in aanay aqoonsanayn , maamulka isku magaacbay
Somaliland.
Wuxuuna intaasi ku daray (waxaanu filaynaa
in sidii Laascaanood looga
Caydhiyey
halkaasna uu guuldaro kala kulmi doono, Londonna loo bixindoono Riyaale ku
Hongow sida Laascaanood maanta loogu yaqaano wadadii uu ka baxay Riyaale ku
caraar).
Gaashaanle sare Siciid Isbariije ayaa
isaguna ku tilmaamay booqashada Riyaale ee London mid guul daro ku soo
dhamaan doonta sababtoo ah dhulka ay sheegtaan in ay dawlad ka samaynayaan
ama ay doonayaan in lagu aqoonsado kala badh oo badh ayaan gacantooda ku
jirin oo ay mujaahidiinta daraawiishtu gacanta ku hayaan, maantana ay dawlad
Goboleedka Puntland oo ay wax ka dhiseen kaga tirsan yihiin.
Odayaasha iyo aqoon yahanka kala duwan ee
gobollada Sool, Sanaag Iyo Cayn ayaa baaqyo kala duwan ka soo saaray
arragtidooda ku aadan Booqashada Riyaale kaahin ee uu ku marayo dalka
Ingiriiska oo ay sheegeen in ay tahay mid ay wataan beelaha Isaaqu ama Dirta
waqooyi(Isaaq, Gudibiirsay,Ciise).
Odaayasha Guurtida ee gobollada Sool, Sanaag
Iyo Cayn oo iyaga lagu dhawaaqay markii Riyaale Colaada ku soo ekeeyey
Gobolladan oo iyagu ka kooban 51 xubnood ayaa warqad ay shalay ka soo saareen
Magaalada Laascaanood oo uu ku saxeexnaa guddoomiyaha Diiriye Maxmed Cali
Bunay ayaa waxa ay ku sheegeen in ay Yihiin kuwo u heelan Qaran difaac iyo
midnnimada ummadda Soomaaliyeed ,Isla markaana ay naf iyo maalba u hurayaan
difaaca midnnimada Soomaaliyeed.
Waxayna si cad u qeexeen in ay Puntland wax
ka dhisteen, ayna si buuxda uga mid yihiin Puntland, Riyaale Kaahina waxay
ugu baaqeen in aanu cadaawad ula soo huleelin dhulkooda ee uu ku ekaado
degaankiisa.
Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Laascaanood
ayaa dareen kooda ka muujiyey booshadan Riyaale, iyaga oo badankoodu ku
tilmaamay Riyaale Kaahin(nin laf cad toobin ku haya), waxayna qaarkood
sheegeen in ay marka hore haboon tahay Riyaale in uu joojiyo colaada iyo
cadaawada qaawan ee uu ku soo ekeeyey gobolada Sool, Sanaag Iyo Cayn.
waxayna sheegeen in ay ka xun yihiin kuwa u
dhashay deegaankooda oo hada ka mid ah waftiga Riyaale, sida Axmed Maxmed
Qaybe oo ay tilmaameen in uu cimrigiisii ceeb ku sii sagootiyey.
Booqashada Riyaale iyo maamulkiisa , ayey
dadweynaha Reer Sool, Sanaag iyo Cayn kala socdaan warbaahinta kala duwan
sida shabakada Internetka iyo Idaacadaha kala duwan, waxayna sheegeen in ay
bal fiirindoonaan waxa uu Riyaale kala soo noqdo.
Asad Cadaani Ibraahim.
Laascaanood Soomaaliya
assadlaska@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | March
16, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha S/L oo Kasoo Duulay
Addis Ababa oo yimid London
»
Waxaa wararku sheegeen in dadaalka casuumaada
somaliland ee ingiriiska ay ka qayb galeen sharikado baara shidaalka oo
doonaya in ay somaliya ka...
Guji
15/3/04
Xisbiga DDP oo
Bannaan Bax ugu Baaqay Soomaalida Reer London:
Waxa kale oo guddoomiyaha xisbigaasi uu
Soomaalida joogta shirka Nairobi ku casumey in ay tagaan Laascaanood..
Guji
Maarso 14
Sidee Ingiriiska Looga Arkaa Booqashada Riyaale
Weriye jooga London oo weydiistey in aan magaciisa la sheegin ayaa Xagar
Yare u sheegay in...
Guji
Maarso 14
Sidee Xubno
Katirsan Baarlamaanka Ingiriisku ugu ololaynayaan S/L halka ay u diideen
Xoriyad N/Ireland
& dacwad loo heysto Daahir Riyaale dad uu
laayey waagii uu ahaa madaxa NSS-ta...
Guji
Madaxweynaha S/L iyo Wefti Ballaadhan oo uu
Horkacayo oo Maanta u Ambabaxay UK
& Kumanaan reer
Somaliland ah oo ku qul-qulaya
London si ay uga qayb qaataan soo dhoweynta..
GujiKulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|