SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNESOTA

March 16, 2004  

Minnesota: Inaad Soomaali tahay xaqiiji;

Maanta waa laguu baahan yahay ee wixii dhiig lehow kaca!

Waxaa isku soo dubaridey:
Maxamuud N. Wardheere
mnwardere@yahoo.com 

Haddii aad dhexmarto Minneapolis ama St. Paul iyo nawaaxigooda xilligan qabow waxaad arkaysaa dad tabeelayaal wata oo dab kulaalaya habeen iyo maalinba taagan goobo mucayin ah. Dadkaasi waa shaqaalihii gaadiidka dadweynaha ee caasimadda gobolka Minnesota oo mudo 10 beri ah shaqo joojin ku jiray. Waxaa kale oo aad arkaysaa dad baabuurta hoonkooda yeerinaya oo gacmaha u taagaya si ay u taageeraan.

Dadka dhibaatada ka soo gaartay gaadiidkaas dadweynaha joojintiisa waxaa ugu horeeya waayeelka, dan yarta, iyo soo galootiga gobolka ku cusub oo ay ugu badan tahay Soomaalida. Dadka Soomaaliyeed waxa ay la safan yihiin shaqaalaha Soomaaliyeed oo ka shaqayn jiray gaadiidka dadweynaha oo beryahan shaqo la’aan ahaa iyo qoysaskooda sidoo kale shaqaalaha guud ee gaadiidka dadweynaha iyo in gobolku helo gaadiid dadweyne oo la isku halayn karo.

Abdirizak Gayre oo ah Soomaali ka shaqeeya gaadiidka dadweynaha oo kuna jira shaqo joojin ayaa yiri “ Waa naga taalaa anaga iyo reeraheeniiba oo waxaan sugi la’ nahay goorta la soo afjarayo shaqo joojinta oo heshiis la gaarayo”

Maxaa la isku haystaa?

Ururka shaqaalaha ee la yiraahdo Amalgamated Transit Union Local 1005 (ATU) oo ay xubno ka yihiin 2200 oo shaqaale ayaa ku dhawaaqay shaqo ka fariisi xirayna gaadiidkii ka dhex shaqaynayay caasimadda gobolka badankiis ka dib markii uu fashilmay wada hadaladii u socday ayaga iyo 17 qof oo ah guddiga uu governorka u magacaabay golaha Metropolitan Council (www.metrocouncil.org) ka dib markii la isku mari waayay arrimo la xiriira musharada iyo daryeelka caafimaadka shaqaalaha. 1995 ayaa u danbaysay shaqo fariisigan oo kale laakiin waagaas qoraxdu kulayl ayay ahayd Soomaalidana gobolka waa ku yarayd, governorkii waagaas joogay Gov. Carlson inkastoo uu markii hore is adkeeyay oo ku hanjabay inuu ciidamada isticmaali doono si uu dadka gaadiidka u baahan u daabulo hadana 21 beri ka dib waa uu isbedelay ka dib markii ururo shaqaale oo kale ay u soo hiiliyeen ATU oo ku hanjabeen in ay ayagana shaqada joojin doonaan. Dad badan oo uu ka mid yahay mudane Omar Jamal waxay ka codsadeen Governor-ka inuu ku soo laabto miiska wada hadalka isla markaana ogolaado in dhexdhexaadiye soo dhex galo hase yeeshee ilaa hadda jawaab kama iman governorka.

Ururada shaqaalaha ayaa aad ugu farxay taageerada ay ka heleen bulshada Soomaaliyeed sidoo kale Mr. Awalow Baba oo ka yimid Nigeria ayaa yiri “Waxaan deganaa Minnesota tan iyo waagii uu Koffi Annan kaga baxay Minnesota jaamacad bilowgii lixdamaadkii weli ma arag muuqaal iyo saamayn Africanku maanta ku leeyahay Minnesota oo kale intii aanan Soomaalida noo iman. Ilaahii keenay ayaa mahad leh”

Awalow oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri “Soomaalida waa dad aad u firfircoon oo yaqaan xirfadda ganacsiga oo jecel afkooda iyo diintooda iyo dhaqankooda gabdhahaba ha ugu horeeyaane. Waxaan la yaabaa sababta ay u ogolaadeen in jabhado isku diraan oo dagaal ka dhex ridaan oo dalkooda burburiyaan waayo halkan aad ayay isu jecel yihiin” Mr. Awalow hadalkiisa waxa uu ku soo gabo gabeeyay “waa dad ku qanacsan Soomaalinimada oo ku faana bal u fiirso oo weydii qof soomaali ah xaggee ka timid si aad dhaqso u ah ayuu kuu oranayaa waxaan ka imid soomaaliya weliba asagoo kor u dhahaya”.

Minnesota Governor Tim Pawlenty


Metropolitan Council Chairman  Peter Bell

Minnesota Governor Tim Pawlenty

Waa nin aad u ad adag oo jecel inuu markasta guulaysto oo weliba aanan aaminsanayn gaadiidka dadweynaha oo jecel inuu dhiso wadooyinka dadka baabuurta gaarka ah leh maraan oo aanan filanayn inuu soo dabco (ilaahay amarkii kuma darin) waxaa uu ku dhawaaqay inuu usbuuc walba siin doono ururada bulshada ee saacida dadlka $100,000 si ay dadka u daabulaan. Waxaana lagu eedeeyay inuu ka wado ciribtir iyo lugooyo oo uu la damacsan yahay ururka shaqaalaha ee gaadiidka dadweynaha Minnesota. Peter Bell oo ah gudoomiyaha Metropolitan Council kuna hadla afka Governorka ayaa yiri “waan ka xunahay dhibta soo gaartay dadka ay arrintan saamaysay waxaanan ku hawlan nahay in aan gaadiid u helno”

Dadka aqoonta u leh ururada shaqaalaha ee Minnesota ayaa walaac ka muujiyaya taageero la’aanta haysta ATU iyo cod la’aanta waxayna yiraahden in Governorka ka guulaysto ayay u badan tahay haddii aan loo soo hiilin.

Governorka waxaa dhegta wax ugu sheega urur la yiraahdo Minnesota Tax Payers Leaguue (www.taxpayersleague.org ) oo ah koox aaminsan in dadka Minnesota laga daayo canshuurta badan oo la joojiyo mashaariicda badan ee ah danta guud ayagoo isticmaalaya xisaabaad iyo tiro koobyo iyo dabagal marin habaabin ah si ay dadka uga dhaadhiciyaan inay saxsan yihiin waxayna aad u isticmaalaan qalabka warbaahinta doodooda waxaa ka mid ah

  • a) Gaadiid dad weyne looma baahna ee dan yarta aan u gadno baabuur
  • b) Basaska waaweyn waa ka hawo wasaqayn badan yihiin baabuurta yar yar
  • c) Dadka raacaa gaadiidka dadweynaha waa 4.5% ma u qalmaan in sanadkii lagu bixiyo Minnesota $300 million
  • d) Reer Minnesota haddaan nahay waxaa nalaka qaadaa canshuur ka badan isku celcelis ahaan gobolada dalka 38%. Macnaha gobolada kale canshuu yar ayay bixiyaan.
Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Maxaa Ururada shaqaalaha Maraykanka ka dhigay kuwo tabar daran?

America waxaa ka badbaadiyaya shuuciyadda waxaa la oran karaa ururada shaqaalaha oo guulo badan soo hoyiyay oo waxa ay shuuciyadda rabtay badankeed qabtay wadankoon shuuci noqon. Dabcan dabayshii shuuciyadda ahayd ee xawliga ku socotay waa gilgishay maraykanka dacaayado badanna waa ku furtay waayo shuuciyadda ururada shaqaalaha ayay aad ugu doodi jirtay hase yeeshee

Ururada shaqaalaha ee maraykanka waxay ku guulaysteen in tujaarta loo shaqeeyo laga helo fasax sanadeed, saacadihii shaqada oo la yareeyay, fasaxa haweenka dhalmada ku maqan, fasaxa jirada, inaan waayeelka shaqaynkara lagu badalan xoog soo koraya, in goobaha shaqada nadaafadooda iyo nabadgelyadooda la wanaajiyo, in daryeel caafimaad helaan shaqaalaha iyo mushaar fiican, xaqa qofkii shaqada dhaawac ku gaarto ama xaqa hawlgabka iwm.

Hase yeeshee sanadihii u danbey america waxaa soo maray barwaaqo aan la qiyaasi karin oo jiilka cusub maba fahmi karaan dhibkii iyo halgankii waalidkood iyo awoowayaashood/ayeeyayaashood. Barwaaqadaas iyo technoloyiyada casriga ah ayaa sare u qaaday nolosha shaqaalaha oo gaarsiiyay in unionska muhimadiisa hoos u dhacdo oo xataa awoodoodii siyaasadeed hoos u dhacdo. Ururada shaqaalaha ee maanta Minneota shaqo ka fariisiga ka sameeyay waxaa rajadooda xumeeyay dadkii oo aananba u baahnayn gaadiid dad weyne in yar maahee waayo guryaha waxaa yaal labo ilaa saddex gaari marka qofka caadiga ah sidaas uma saamaynayso.

Tan kale daqliga dadka maraykanka oo aad u kacay tusaale ahaan isku celceliska daqliga sanadkii soo gala qofka maraykanka waa $40,000 taas oo gaartay heer aanay weligaaed gaarin. Shirkadaha waaweyn si ay u helaan xoog jaban waxay maal gashadaan dalalka soo koraya haba u badnaadaane India iyo China habkaas oo loo yaqaan outsourcing

Soomaalida Minnesota waxay ka mid yihiin dadka ay waxyeelaysay gaadiid la’aanta dadweynaha. Xubno Soomaaliyeed oo ka walaacsan dhibtan ayaa ku taliyay in la is abaabulo oo la iska warqabo waayo waa ceeb in tiro badan oo dhalin yaro ah rag iyo haweenba leh ayadoo ay Minnesota joogaan in qof Soomaali ah uu waayo qof meesha uu rabay geeyo oo uu guriga ku xabisnaado xilligan qaboobaha ah.

Hadda Soomaalida dhibta saamaysay waxay u badan yihiin arday iyo waayeel iyo qaar shaqaale ah marka waxaa haboon in la iskaashado.

Soomaalida iyo iskaa wax u qabsonimada

Ummadda Soomaaliyeed waxay hido u leeyihiin inay isgarab qabtaan oo iskaashadaan laga soo bilaabo xiligii ay badankeed reer guuraaga ahayd ama beeralay ama kaluumaysato ilaa markii ay xornimada si wada jir ah u dhaliyeen ilaa markii ay bacaadka shalnbood si mutadawacnimo ah ku celiyeen ilaa markii ay iskuulada iyo xarumo badan iskaa wax u qabso ku dhiseen, ilaa markii ay ololahii waxbarasha ee qoris iyo aqris barashada. Maanta Soomaalida reer Minnesota waxaa la gudboon in ay isgarab qabtaan.

  • Mudane Omar jamal oo ah gudoomiyaha Somali Juctice Advocacy Center 612-715-1221
  • Mudane Abdiaziz Warsame CSCM 612-338-5282 Ext 260

ayaa waqtigooda huray oo furay liiska isdiiwaan gelinta

Haddii aad rabtid in aad qof qaado oo aad meel gayso xataa mudo yar fadlan soo wac mutadawiciintaas haddii aad u baahan tahay in meel lagu geeyo sidoo kale soo wac mutadawiciintaas.

Soomaaliyay toosoo toosoo isku tiirsadeyee hadba kiina taag daraneey taageera weligiinee........

Kuwii isu gargaara ayuu ilaahay u gargaaraa.

wardheere Maxamuud N. Wardheere

mnwardere@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com | March 16, 2004 

Minnesota: Macallimiin iyo arday Soomaaliyeed oo xusay Taariikhda Dadka Madow
Sida la wada ogsoon yahay dadka madow ee ku nool dalka maraykanka mar awoowayaashood badankood.. Guji 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD