SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UK

March 16, 2004  

Midnimada iyo wadajirka Soomaaliya waa muqadas Lama taabtaan ah:

Sidaas waxaa qoraalka ku bilaabay  mas'uul Soomaaliyeed oo jooga UK oo weydiistey in aan la magcaabin, waxana uu qoraalka u dhigay sidan:

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...



Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga

Guud ahaan waxaa maalimihii ugu dambeeyay ka soconaya dhaqdhaqaaqyo looga soo horjeedo socdaalka MD. Dahir Riyale Kahin ku imanayay dalka Ingiriiska.

Dhaqdhaqaaqyadan oo isdaba socda ayaa lagu diidan yahay aqoonsi ay ka helaan maamulka gooni isutaaga Somaliland ay ku doonayaan in ay ka dhaadhiciyaan madax ka tirsan dowladda Ingiriiska.

Sida la og yahay waxaa maalmihii ugu dambeeyay soconayay dadaal ay wadeen xubno ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska oo ujeedadoodu aheyd u sii gogol xaarka socdaalkan uu shalay ku soo gaarey London madaxweynaha maamulka isku magacaabay Somaliland.

Sarkaal u hadlay dowladda Ingiriiska ayaa xaqiijiyay wareysi uu siiyay mid ka mid wakaaladaha wararka caalamiga ah ayaa sheegay in aysan jirin casuumad rasmi ah oo ay dowladda Ingiriiska u fidisay maamulka Somaliland, balse mas'uul kasta oo Soomaaliyeed oo inta uu joogo dalkan isla markaana codsada in uu la kulmo madax ka tirsan dowladda iyo baarlamaanka ay suurtagal tahay, sidaas darteed baarlamaanka ma casuumin, waxaan beeninayaa sheegashadaas sidaasna waxaa yiri Envoy for Somalia David Bel.

Waxaa maalmaha soo socda ka dhici doona magaalada London mudaaharaadyo lagaga soo horjeedo wafdiga ka socda Somaliland, dadaalkan oo ay wadaan Siyaasiyiin, dhalinyaro, haween ku dhaqan magaalada London ayaa lagu sheegayaa in ay midnimada iyo wadajirka Soomaaliya tahay muqadas lama taabtaan ah, isla markaana loo guntado sidii dhibaatada ku habsatay dalkeena looga bixi lahaa.

Waxaa isa soo taraya cabsida laga qabo iska hor imaadyo soo kala horjeeda oo dhexmara taageerayaasha ujeedada wafdigan iyo kuwa diidan oo ka dhaca goobaha laga yaabo in ay wafdigan kula kulmaan madax ka tirsan dowladda Ingiriiska, haddii aan la qarin goobaha laga yaabo in kulamadaasi ka dhacaan.
<><><>

IMAATINKA LONDON EE DAAHIR RIYAALE MA RASMIBAA (OFFICIAL) MISE SHAKHSI (PERSONAL)

Maalmahaan waxaa harqiyey meediyaha soomaalida qoraalo iyo xayeeysiin lagu sheegayey in M/weynaha Somaliland uu booqasho official ah ku imaan doono London, kana jeedin doono khudbad baarlamaanka UK, hadaba waxaa is weydiin leh dadka arintaan soo qorayey oo qaarkood sheeganayeen ineey yihiin dad masuuliyiin ah ama suxuufiyiin ah ineey been aan sal iyo raad laheyn oo ay og yihiin soo qoraan kuna jaha wareeriyaan dadka maatida ah ee u dhashay goboladaa  Somaliland ee aan wax badan fahmi karin ee ku nool yurub iyo UK, ba oo qaarkood ay ka yimaadeen meelo fog , ayna soo galeen qarash badan , iyagoo rumeystay in Daahir Riyaale , uu booqasho madaxweynenimo ku imaaan doono UK, dadkaasoo aan awood u laheyn ineey lafa guraan sidee gobolo aan wax aqoonsi ah ka heysanin xitaa hal dowlad oo ka mid kuwa ugu yar yar aduunka , sidee UK  oo ka mid ahaa dowladaha ugu waaweyn aduunka madaxweynenimo ugu  martiqaadi kartaa iyadoo aan weli aqoonsanin, sideese dowlad aan ku jirin UN-ka oo aan sharciyad dowladnimo laheyn loogu casuumi karaa State Visit.?
 
Marka waxaa wax laga xumaado ah in la marin habaabiyo dadka maatida ah , loona sheego waxaan jirin oo aan sal iyo raad toona laheyn.
Wuxuu Mudane Cismaan Jaamac shaaca ka qaaday arrin muhim ah oo siyaasiyiinta "Somaliland" ka qarin jireen dadweynaha reer Waqooyi. Waa markii u horraysay oo ay Ummadda Soomaaliyeed ka maqasho qof mas'uul ah oo goob joog ahaa shuruudihii Mareekanku ku xidhay aqoonsigii "Somaliland" waydiistay. Waxa shuruudahaasi ahaayeen in SNM oo goosashada ku dhawaaqday soo caddayso arrimaha soo socda: Tabatiig..

Booqashadaan maxeey kaga duwan tahay tii ay ku imaan jireen London , sida C/laahi Yuusuf, Xuseen Ceydiid, Cusmaan Kalluun, Maxameed Cabdi Yuusuf, Shaati gaduud, iyo kuwo kale oo badan oo ka mid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed, booqashooyinkaasoo kulligood ahaa mid shaqsiyadeed, .?

 
Hadaba waxaa cajiib ah in dad badan oo soomaali ah oo qaarkood ka shaqeeyaan Heathrow Airport, ay ku Shari tameen in Daahir Riyaale , ku imaanayo State Visit , iyo Mid shaqsi ahaan, kolkaana ay yiraahdeen qaarkood haduu State Visit yahay ha ka soo baxo qeybta  V.I.P ee madaxda ka soo degaan , ama meesha caadiga ah ee dadka caadiga ah ka soo baxaan, qolooyinka sharadka kala xirtay oo shaqadiina fasax ka soo qaatey si ay lacag u kala helaan, ayaa  meeshii isa soo tubay , hase ahaatee   Mr Daahir Riyaale ayaa kasoo baxay meeshii dadka caadiga ah kasoo baxeen ,iyagoo boorsooyinkoodii wato oo daal badan ka muuqdo maadaama ay saf dheer ku jireen , taasoo keentay in dadkii dhahayey waa V.I.P  ay niyad jab ku dhacdo , hoosna ka hariifaan kuwii ku yiri dowlada UK, ayaa casuuntay Mr Riyaale,.
 
Marka soow ma haboona in aan dadka maatida ah la jawaha wareerinin loona sheegin waxaan jirin;
 
Aqoonyahano  ku sugan oo weydiistey in aan la magcaabin
London UK
<><><>

"Xildhiban" oo aan wax ka weydiiney Aragtidiisa Booqashada Riyaale ee UK

Hadaba waxaa noo suurtagashay in aan wax ka weydiino C/casiis Cali Ibrahin "Xildhiban" sida uu u arko socdaalka wafdigan wuxuuna isaga oo soo koobaya yiri:- "Dhab ahaan haddii socdaalkan ay ku joogaan London wafdi ka socda maamulka gobollada waqooyi ee jamhuuriyadda Soomaaliya yahay mid wax u dhimaya isla markaana dhiiri galinaya in ay Soomaaliya kala go'do waa diideynaa, waxaanan madaxda ay martida u yihiin sida wararku sheegayaan u gudbineynaa cabasho arrintaas ku saabsan, umana maleynayo in ay aqbali doonaan qorshaha wafigan ee ah in Soomaaliya noqoto imaarado ay ka taliyaan qabaa'ilka dagan."

Booqashada Riyaale Ee London Iyo Dareenka Reer Sool, Sanaag Iyo Cayn

C/laahi Warsame (Sanjab) oo isagu ah Guddoomiyaha Golaha Indheer Garadka Nugaal godan ayaa ku tilmaamay booqashada Riyaale mid madhalays ah oo aanu waxba ka soo hoynayan, mar haddii... [Ka Akhri halkan]
<><><>

Dhanka kale warar la isla dhexmarayo dalka Ingiriiska ayaa sheegaya in waftiga Daahir Riyaale uu casumaada uu dalka ku yimid ka qayb qaatay shirkadaha shidaalka [Eeg halkan

Xisbiga DDP oo ka hadlay Booqashada Riyaale ee London

Guddoomiyahay xisbiga DDP ayaa Soomaalida deggan London, UK ugu baaqay in ay qabtaan bannaanbax dhan ka ah booqashii ay xubno ka tirsan baarlamaanka Ingriisku ku tageen Hargeysa... [Eeg halkan]

Sidee Ingiriiska Looga Arkaa Booqashada Riyaale

"ma uu haysto Riyaale baasaboor reer galbeed ah caalamkuna ma aqoonsana baasaboorka soomaaliyeed ee sideebuu ku helay fiisaha sidaas isaga dhib yar, waxaa taas suurta gal ka dhigay laaluush lagu harqiyay baarlamaanka ingiriiska", sidaas waxaa yiri PROf.Cabddale oo Xagaryare ugu waramey Jarmalka [Eeg halkan]
<><><>

Sidee Ku Dhacday In xubno ka tirsan baarlamaanka UK u ololeeynayaan gooni isu taaga Somaliland , halka ay dowlada UK diiday ineey xornimo siiso Northern Ireland

Sida uu sheegay mas'uul weydiistey in aan la magcaabin Mida waxaa socota dacwad lid ku ah Daahir Riyaale , oo loo heysto dad uu laayey waagii uu ahaa madaxa NSS-ta ee gobolda waqooyi.. [Eeg Halkan]
<><><>

Madaxweynaha Somaliland iyo Wefti Ballaadhan oo uu Horkacayo oo Maanta u Ambabaxay Britain

Maalintii Jimcadii ee taariikhduahayd 12 kii March 2004 ayaa Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo Wefti uu hogaaminayo ka ambabaxeen Hargeysa iyagoo u sii jeeda Caasimada dalka Britain ee London, iyagoo ku sii hakan doona caasimada Itoobiya ee Addis-ababa.. [Eeg Halkan]

Faafin: SomaliTalk.com | March 16, 2004 

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD