March 16, 2004
Gabay iyo Baaq: Daahir ina Riyaalow mid
baan dawgu noqonayne
MAXAMUUD AXMED CABDALLA [SHIINE]
March 14, 2004
abdall02@email.franklin.edu
HORDHAC:
Dhammaanba ummada soomaaliyeed ee ku dhaqan
daafaha adduunyada, salaan gacaltooyo guddooma. Gabaygan waxa tiriyey
Maxamuud Axmed Cabdalla. Gabaygani waxa uu wax ka bidhaaminayaa marxaladda
maanta ee Daahir Riyaale iyo wafdigiisu ka fureen dalalka Yurub. Iyada oo
sidaad wada ogtihiin arrintu tahay in Soomaaliya la kala qaaro oo aqoonsi
looga raadiyo wadammadaas gobollada waqooyi. Waxa xusid mudan, in maammulka
Daahir riyaale bilihii lasoo dhaafay xus dabbaaldega u sameeyey “Camel Corp
Units” oo ahaa dadkii gumaystaha ka dhinac dagaallamayey. Tallaabadan labaad
oo nimankaasi qaadeen waan in lagaga diyaariyo naxariis dawladaha Yurub gaar
ahaan Ingiriiska. Haddaba arrintani waa mid fool xumo ku ah shucuubta ku
dhaqan waqooyiga soomaaliya iyo dhanka kaleba.
Xaqiiqadu sida ay tahay, dadka waqooyiga
badankoodu waa ka soo horjeedaan in dalka la kala jarjaro. Siiba iyagoo
taariikhda halganka soomaaliyeed baal dahaba kaga qoran; weliba ay u
badanaayeen halgamayaashii kuwa ka soo jeeda gobollada waqooyi. Haddaba
abwaanka gabayga tiriyey oo isaga laftiisu u dhashay waqooyiga ayaa gabay ku
tibaaxaya in go’itaanku yahay mid ku dhisan been iyo jajuub iyo weliba
buunbuunin. Ugu dambayntii gabayga mucdiisu waa waano ku socota Daahir
Riyaale; waa caqli celin iyo canaan wada socda. Idinkoo mahadsan, akhris
wanaagsan. Wixii talo iyo tusaale ah ku soo hagaaji emailka kor ku qoran.
Wuxu yiri:
Daahir ina Riyaalow mid baan dawgu noqonayne
Walaalow digniintayda maqal una dulqaad yeelo
Dawladbaan horkici iyo warkaad dooxa kala yeedhay
Dacal goosigiyo xaajadaad nagu dadduucaysid
Diktaatoorinimadiyo waxay damacday laabtaadu
Dadku doonimaayaane waad nagu deyeysaane
Adigiyo darkaa kula saftee dabinka qoolaaya
Dibindaabyo mooyee wanaag idin ka diimmoone
Diimihiinnu way badan yihiin daniyo xeeshiine
Durbaan hadimo idinkaa tumoo kamana daashaane
Nafta dooji uunbaad adduun derejo mooddeene
Dorraad iyo shalay waadigii daaciga ahaaye
Dawladdii Siyaad waadigii xilal u duubnaaye
Waadigii sirtiyo dabagalkii daaddahayn jiraye
Diiwaanaddii waadigii daahir hayn jiraye
Dembibaaba lagu saarayaye daa’inka hortiise
Deyn qolo tirsanaysaa jirtoo aad xaq duudsidaye
Inta dibinta kuu ruugaysaa waa dareemada’e
Adna maanta dookhaa istiri durugso taadiiye
Dubaaqooyinkaad geysatiyo dakharradii gaadhay
Deero-deero uma ay hirdiyin baad ku sii dariye
Duullaalo dheerida beryahan noqotay doolaale
Daandaansi iyo waxad la timi kibir la duullaane
Maammulkaagan daalaadhaciye dunidu ay diidday
Ee Hargeysa labadeeda dacal doc uun ka soo jeeda
Dadka reer waqooyigu ma geyo daah ku qarintaase
Dirqi lagu aqoonsado waxaad dawlad ugu yeedhay
Wedkoo daawadiisii la helo baa daliil u aha’e
Afartaa ma diray oo haddana daw ma qabadsiiyey
Deelqaafka maw diiday iyo waxan ku deeqaynin
Dabuubtayda meeshaan la rabey diirad ma u saaray
Darbaa gabayga daaldaaliyee deel ma ka higgaadshey
Warhooy dunida waa laga tegiyo aakhiraa darane
Dulmi iyo ihaaniyo nin galay duudsi banow aadam
Daa’inka hortibaa lagu xukumi laysku daahirine
Dembiguu galaa lagaga jari dabaqa naareede
Dood iyo anaa miigganiyo hadalka waa deyne
Gaal loo dacwoodaa ma jiro kuna dammiintaaye
Dadka caasiyaa maalintaa lagu dulleeyaaye
Duukhaankeeda jahannama ayaa loo diyaafadine
Dabar iyo hoggaaniyo markay diidddo kala reebta
Dig waxay ka siin daahiroow duul munaafaqa’e
Talaan kuugu deeqiye anaan deynin waanada’e
Daalac kuugu sheegaye warkaa daymona u yeelo
In la daabbadaystaa nin raga waa dayuusnimo’e
Doonnida adaa darawal ka ah wayna sii degiye
Waa xaal durey iyo waxaan duugga soconayne
Durba mawhadaha iyo markuu daadku idin qaado
Ku duleedka kaa taagan baan kuu dubnaxahayne
Ha dandaansan eed kaa fog waa lagu dulloobaaye
Afartaa ma diray oo haddana daw ma qabadsiiyey
Deelqaafka maw diiday iyo waxan ku deeqaynin
Dabuubtayda meeshaan la rabey diirad ma u saaray
Darbaa gabayga daaldaaliyee deel ma ka higgaadshey
Dalalkaa galbeedka ah haddaad haatan duluglayso
Iyagaa dakanadii dhextiil taa dabiib ula’e
Ingiriisku deyr buu ku xidhay darafta Irland’e
Dacwad kala go’iyo waa dafiray waxay daneeyeene
Faransiiska daayoo Germany laysu soo durugye
Beljam docadocayn waa qolyaha diiday waa hore’e
Dudday wada gashaa Yurub beryahan waa ul iyo diire
Ururray daleeyeen u siman daafac iyo hawle
Degdeg Yuuradiibaa arlada daadsan suuqyada’e
Isku duub dadyow kala afoo diinna ku heshiinin
Oo diirka kala rogan ayay deris walaalayne
Afartiisa daamood adduun ways dugsanayaaye
Daaf kastood istaagtaba khalqigu waa dar wada yaale
Soomaali oo daa’inkay deex ku wada uumay
Danwadaag qaraabiyo xigtiyo dir u walaalooba
Oon kala duwani lagu ogayn dub iyo muuqaalba
Diinta iyo dhaqankood mid yahay labada daamoodba
Waxad kala diraysaa dadaan kala dibboonayne
Qorshe cadow la dooniyo sirtuu xabashiguu daadshey
Dogob baad dhex dhigaysaa naflaha diradir naareede
Wixii hore u dumaybaad markale dalow ka tuuryayne
Dalkaba adiga iyo baa kharribay duul sidaada ahe
Dagaal oogayaal lagu magcaw dhiig dibbirayaale
Waxaw daranse ula jeeddadaa waa dal kala goyne
Dareenkaa adiyo dhawr kalaa dano ku raacdayne
Dawankaan maqlaayaa ka dheer dawlad aamminah’e
Dallad hoos nin moodaa malaha lagu dagaayaaye
Dusha boogta laga dhayo marbay dhab u dillaacdaaye
Dhabaq-dhabaqtankaas daahirow dib uga waantooba
Doqonniimo weeyaan haddaan deyey xogtiinniiye
Dib u toobadkeen gacaliyoow goosi duug malehe
MAXAMUUD AXMED CABDALLA [SHIINE]
abdall02@email.franklin.edu
Faafin: SomaliTalk.com | March
16, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
Gabay: QAYLADHAAN II
Qore: MAXAMUUD AXMED CABDALLA [SHIINE]
Gabaygan la magac baxay
Qayladhaan II waxa tiriyey Maxamuud Axmed Cabdalla. waa gabay aan ugu
tala galay in aan...
Guji March 2
XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|