Waxaa todobaadkan lagu soo gabagabeeyey magaalada Khartoum ee dalka Suudaan xaflado waawayn oo ay soo qaban qaabisay Wasarada dhalinyarada iyo
Sportiga ee Suudaan.
Xafaladaha oo ahaa laba qaybood ayaa qaybtii hore waxaa maalgalisay Jamacada
Carabta iyadoo isla markaana lagu qabtay magaalada ku taala koonfurta fog ee
wadankan oo layiraahdo Jubba, waxaa xafladaa lagu casumay dowladaha Carbeed sida
Masar,Qatar,kuwait, Ciraq,Somaliya, Djabuti,Lebnana, Suriya,iyo kuwa kale oo
badan, kulankan oo uu furitaankiisii ka soo qayb galay Wakiilka Arimaha
dhalinyarada iyo sportiga ee Jamacada Carabta Mr.Mustafa Hanai iyo wasiirka
dhalinyarada iyo sportiga ee wadan ayaa u dhacay si aan la filayn.
Barnaamijkan oo ay fangaraysay Jamacadda Carabta ayaa looga danlahaa in lagu soo
jiito dadka koonfurta wadanka dega oo isla markaana taageera kooxda falaagada ee
uu horkacayo Col. John Garan oo ay hadda heshiis hor u dhiciisii lamahadiyey ay
ku gaareen isaga iyo dawladda, magalada Nefasha ee dalka Kenya.
Waxaa goobtaasi lagu soo bandhigay Riwaayado ka hadlaya Nabada,heeso dhaqameedyo
gabayo iyo madaalooyin, waxayna halkaa ku balanqaadeen dowladihii carbeed iyo
wakiilkii Jamacadda Carabta Mr.Mustafa Hani mashaariic horumarineed oo loogu
deeqi doono Reer Koonfureedka.
Waxaa ka danbeeyey markii taa la soo gabagabeeyey barnaamij isna todobaad socday
oo isna loogu magac daray Todobaadkii Nabadda lagu qabtay magalada khartoum ee
casimadda ah, barnaamijkan oo ka balaadhnaa kii hore ayaa waxaa soo qaban qabiyey ururka dhalinyarada ee Sudan waxaana lagu marti gashay dhamaan wasiirada
Sportiga ee Dowladaha Carabta iyo kuwa Africaanka ah.Waxaana dawlad walba la
siiyey xubno gaaraya ilaa 65 qof. Waxaa kaloo lagu marti gashay shaqsiyaad sar
sare sida Nelsan Mandela, Caamar Musa iyo kuwo kale,waxaana furay barnaamijkaa
Madaxwaynaha dalka Cumar Al-bashiir.
Cabdulahi Cali Cabdi(Xanaf)
Khartoum-Sudan Mobile
N0:+24912643200