Waxaa 8:00dii fiidnimo ee xiliga GMT soo gaaray magaalada London madaxwaynaha
maamulka Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo wafdi uu hogaaminayo oo kasoo
ambabaxay magaalada adis ababa ee dalka Ethiopia, Waxaana wafdiga la socda
kamid ah Gudoomiyaha Baarlamanka iyo wasiirka arimaha dibadda.
Waxaana gagidda caalamiga ee Heathrow kusoo dhoweeyay qiyaastii 200 oo
taageerayaal iyo mas'uuliyiin reer somaliland ah oo maalmihii ugu danbeeyay
laga dareemayay diyaar garoow balaaran. iyadoo ay jiraan taageerayaal ka
yimid dalalka kale ee la dariska dalkan ingiriiska.
Wafdiga somaliland ee uu horkacayo Madaxwaynaha somaliland Daahir Riyaale
kaahin ayaa la sheegay in ay martiqaad ka heleen xubno ka mid ah baarlamanka
dalka ingiriiska oo bilihii aynu soo dhaafnay booqasho ku tagay somaliland.
Waxaa kaloo wararku ay sheegayaan in dadaalka casuumaada somaliland ee
dalka ingiriiska ay ka qayb galeen sharikado baara shidaalka oo doonaya in ay
somaliya ka baaraan shidaalka isla markaana dhowr jeer kala hadlay somaliland
arintaas.
Wafdigan inta ay joogaan dalka ingiriiska waxaa la filayaa in ay la
kulmaan jaaliyadda somaliland, xubno ka tirsan baarlamanka oo ay kala hadlaan
taageera dhaqaale oo la siiyo somaliland iyo gacan ay dawladan ka gaysato
doorashooyinka iyo hirgalinta dimoqraadiyadda sida ay ku warameen ilo ku dhow
dhow somaliland oo aan la xiriiray.
waxaa kaloo socdaalkan qayb ka ah in somaliland ay waydiisato dalkan
aqoonsi dawladnimo oo somaliya ka go'an iyadoo dawladda dalkan ingiriiskana
horay ay sheegtay in aanay aqoonsanaynin somaliland.
Ridwaan Xaaji Cabdiwali
London, UK.
ridwanhaji@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 15, 2004
SHIDAALKA IYO MACDANTA
KU DUUGAN SOOMAALIYA
Waraysigii SomaliTalk la yeesheen Dr. Osman sannadkii 2000
Xisbiga DDP oo Bannaan Bax ugu Baaqay
Soomaalida Reer London:
Waxa kale oo guddoomiyaha xisbigaasi uu
Soomaalida joogta shirka Nairobi ku casumey in ay tagaan Laascaanood..
Guji
Maarso 14
Sidee Ingiriiska Looga Arkaa Booqashada Riyaale
Weriye jooga London oo weydiistey in aan magaciisa la sheegin ayaa Xagar
Yare u sheegay in...
Guji
Maarso 14
Madaxweynaha S/L iyo Wefti Ballaadhan
oo uu Horkacayo oo Maanta u Ambabaxay UK
& Kumanaan reer
Somaliland ah oo ku qul-qulaya
London si ay uga qayb qaataan soo dhoweynta..
Guji