Marka ugu horaysan intaanan ugada galin mawduucayga aan ka
hormarsado hordhac yar oon ugu talo galay dadka taageerayaasha u’ah
qabqablayaasha dagaalka dhamaantood.
Waxaan oran lahaa hadii aan aragnay in dadkeenii iyo dalkeenii uu marayo
marxalad inuu dalkii tirtirmo kuwa tirtiraya qaranimadii iyo dawladnimadii
halganka adag loo soo marayna ay yihiin kuwo xukun ku raadinaya wado aan
ahayn wadadii loo mari jireyxukun ,oo dadkii walaalaha, deriska ,xididka iyo
qaraabada ahaaba kala kaxeeyey oo meeshaas Soomaali dhigay. Ma ka quusan la
nahay inaan ka haroo aan madax cusub oo maskax fayow dalka iyo dadkaba ku
hogaamise ku badalano kuwan, maxaan udaba istaagi la nahay kuwa toosan ee aan
gacmaha dhiiga ku lahayn, oo aan dhiig cabayaasha,dagaal oogayaasha,dulmi
falayaasha aan ugu daba fayshanahay?.
Waxaan qabaa in la soo gaaray xiligii kala baxa,iyo kala garashada
xumaanta iyo samaanta la soo gaaray. Walaalayaal dhamaan inta akhrin doonta
maqaalkaygan,iyo gaar ahaan kuwa aan ugu yeero taageerayaasha sharwadayaasha
Soomaaliyeed aan dib umilicsano taariikhda kuwo aan taageerada uhayno oo
hoogaamiyayaasha sheeganaya.
Maanta aan ku bilaabo kan ugu weyn xaga filka iyo xaga sharkaba ugu
horeeya waa kornaylka sida laftigiisuba ku faano aabaha u’ahaa sharka iyo
fidnada ummada Soomaaliyeed ka dhex bilaabatay laga soo bilaabo 1978 ilaa
manta ood la socotaan meesha magacii Soomaali uu ku danbeeyey,waa Kornayl C/laahi
Yuusuf Axmed sharwadahaasi aan maanta lafa gurno.
Kornayl C/laahi waa nin caynkee ah?
Aan usoo noqdo dulucdii qoraalkayan,ugu horayn waxaa dad badan oo wax
magarad ah ku hadaaqaan kornayl C/laahi waa halyey,waa geesi, waa nin hormuud
u’ah beesha Daarood,hadaba waxaan rabaa marka hore inaan idiin
iftiinsho waa kuma kornayl C/laahi Yuusuf?, markaas kadib idinkaa ii sheegi
doona qofka sifahaas leh inuu ku sifaysan yahay geesi, halyey, wadani,
hormuud iyo hadii beelaha kale ee Soomaaliyeed kuwa isaga la midka ah waa
kornaylk C/laahiye ay magacyadaas iyana uyaqaaniin.
Kornaylku wuxuu ka mid ahaa sida intiina badan aad ka dhagaysateen
idaacada BBC waraysiyo uu dhawr goor siiyey uuna ka mid ahaa barnaamijikii
loogu magacdaray Soomaaliya iyo qarnigii tegay,inuu ka mid ahaa ragii ka
shaqeeyey inqilaabkii dhicisoobay ee dalka ka dhacay 1978,inkastoo dadka qaar
yaqaanakornayl C/laahi ay yiraahdaan shaqo kuma lahayne waa uu isaga
faanayaa,laakiin aan qaadano hadalkiisii iyo inuu soo abuubulayba.
Kornaylku wuxuu abaabulay jabhad dagaal ku soo qaaday xukuumadii markaas
jirtay ee Maxamed Siyaad barre, sax iyo khalad midkuu doonaba ha noqdee
dagaalkaas waxaan marna la ilaawi Karin dhibaatooyinkii uu ugeystay dadkii
Soomaaliyeed ee deganaa xuduudaha Soomaaliya ay la wadaagto Itoobiya,gaar
ahaan dadka Daaroodka ah ee aagaas deganaa.
Aan ku hormaro dagaalkii uu ku qaaday kornayl C/laahi dhawr goor beelo ka
tirsan Daaroodka uu maanta rabo inuu magacooda wax ku helo ee xadka
Itoobiya dega,weliba dadka uu soo weeraryna ay ahaayeen dad shacab ah oo aan
xukuumada shaqo ku lahayn. Wuxuu kornalyku iska dhigayey inuu la dagaalamayo
dawladii kaligii taliyihii marxuum Maxamed Siyaad ayuu dagaal ku qaaday oo
dhib ugeytay qabiil ka mida Daaroodka ee degan degmada Caabudwaaq waa beesha
Mareexaan isagoo ka dhigaya in gididoon ay taageeraan dawlada Maxamed
Siyaad, wuu laayey oo xoolahoodii dhacay. Ciidamadii jabhada oo markii hore
uu ku soo xeraystay inay xukun ridaana wuxuu uleexshay dhankii
qabyaalada,taasoo markii dambana uu Maxamed Siyaad isna uu uga dayday
dhaqankaas isna uu bilaabay sidii uu udhaqmayey kornaylka oo ah in maatada
lagu guryo noqdo,Maxamed Siyaadna uu isna intaasoo kale iyo kabadanba
ugeystay shacabkii uu xukumay ee ku noolaa degaanada maanta loo yaqaan
Puntland qaarkamida. Waxaana arintaas in shacabka aan hubaysnayn la
laayo,xoolahooda la dhaco bilaabay oo ku horeeyey kornayl C/laahi Yuusuf oo
laayey dad udhashay beesha Mareexaan oo xuduuda Soomaaliya ay la leedahay
Itoobiya deganaa oo xoolo dhaqato ubadnaa.
Kornayl C/laahi waa soo gudbay oo wuxuu qabsaday degmo kale oo Daarood
deggo waa Galdogobe, wuxuu na cagta mariyey maal iyo mood waxay lahaayeen
qabiilka ka mida Daaroodka waa qabiilka Leelkase oo dega gobolka Mudug
iyo qaybo ka mida Nugaale. Kornaylku kuma ekaan labadaas qolee wuxuu bilaabay
inuu askar isaga taageersan uu usoo diro degaano kale oo dad Daarooda ay
degaan sida qabiilka Awrtablaha si loogu laayo iyadoo marmarsiinyo
laga dhiganayo waxay la shaqeeyaan xukuumadii kaligii taliyihii marxuum
Maxamed Siyaad .
Markii uu soo afjaray layntii qabiiladii kale ee Daarood ee gacantiisu
markaas gaartay ayuu misna wuxuu dib ugu noqday jabhadii SSDF
dhexdeedii isagoo bilaabay kaligii talisnimo iyo in cidii ka hortimaada uu
udiro wiilal si gaar ugu dhaw oo uu soo laaya yiraahdo,ayna dhacday in dad
badan oo jabhadii SSDF magaca ku dhexlahaa oo kornalylku is yiri armay kaa
magacdheeraadaan uu si dadban udilay isagoo shirqoolo umaleegay,sida C/raxmaan
Caydiin, Ina ilgiir, Gaawiido iyo rag kaloo farabadan oo
caan ka ahaa jabhadaas. Intaas kuma ekaane wuxuu misna laayey oo nooc kasta
oo huba u’isticmaalay beesha uu ka dhashay kornaylku ee Majeerteen
ilaa uu gaarsiiyey inuu qaarna Isimadii ka laayo qaarna uu xuduuda degaanka
Puntland ka saaro isagoo waliba aan ka xumayne kaga faana meel kasta.
Wali shacabka reer Puntland waxaa umuuqda dilkii Suldan degaanada Puntland
aad looga qadarin jirey oo uu kornayl ku maalin cad ku toogtay tuulada
Kalabayr waa Suldaan Hure oo ahaa Isimada Puntland kuwo ugu cadcadaa
ka soo horjeedida arimaha siyaasada ee kornaylka,isimku wuxuu ahaa aqoon
yahan bartay cilmiga dhaqaalaha, wuxuuna aad ugu ololayn jiray in dhaqaalaha
dalka aan siyaasad lagu bixine dalka lagu horumariyo waana taas tan kornalyka
oo aaminsan inaan laga daba hadal dhaqaalaha degaanka ee uu kaligiis iska
maamulanayo keentay inuu suldaanka ula bareero dil,taasoo degaanka ugub ku
ahayd in isin la dilo ama jaa' fifo loo gaysto.Ilaa iyo hadana aan laga wada
hadlin dilkaas inkastoo maxkamad London ku taal ay ku socoto kornaylka.
Waxaasoo dilal ah iyo dhagarba ah markuu gaystay kornayl C/laahi ayuu ugu
dambayntii kornaylku wuxuu gaaray xad uu isku soo koobo markii dambe jifi
hoosaad taasoo uusan maanta degaanada Puntland ku kalsoonaan Karin cidaan
ahayn jifi hoose waa dhanka amaankiisee inay waardiye unoqdaan.Taasina waxay
ku tusaysaa heerka uu gaaray siduu maalinba beel uga takhalusayey in uu
aamini la yahay cid uu naftiisa ku aamino oo aan ka ahayn xigto aad ugu dhow
oo qura.
Hadaba waxaa isweydiin leh, hadii aanan been ka sheegayn kornayl C/laahi ,waxaan
oo xumaanana uu isagu yahay kan gacantiisu ama amarkiisu ay wax ku noqdeen
qaybaha kala duwan ee Daarood ukala baxo, ma iyagaa cafiyey oo xalay dhalay
ka dhigay,mise isaga iyo taageerayaashiisa indhaha la ayaa ku been abuuranaya
in beesha Daarood ay taageero la dhinac taaganyihiin kornaylka?.
Waxaa hubaal ah in aysan jirin in qabaa’ilka Daaroodka la yiraahdaa
aysan marna ku waafaqsanayn ama taageersanayn damaca waalan ee kornaly C/laahi.
Waxaa shacabka aan aqoon kornalyka tusaale ugu filan halka uu ka taaganyahay
xukunka uu uhanqaltaagayo bal eega maamulka ka jir degaanka uu ka taliyo .
Bal eega Puntland oo ah dhawr gobol oo isu tagay ayuu wadi la’yahay
maamulkeedii oo markuu dibada usafro aad maqlaysaan waxa ka dhacaya iyo
maamul xumadiisa iyo digtatooriyadiisa, sidee qof dhawr gobol xukumi waayey
uu uyiraahdaa ha la igu aamino maamulka dalka oo idil. Ma suuro galbaa arday
kaabagalaasa inuu yiraahdo isagoo ka soo bixi waayey masuuliyadii kaaba
galaasnimo ha la iga dhigo macalin ama maamulaha iskuulka. Hadii taasi suuro
gal tahay markaas waa uu hawaysan karaa kornaylka maamul sare ee
dawladnimo,hadii kale oo ay san suuro gal ahayn arintaas waxaan filayaa inay
waali tahay inuu kornaylku hawaysto heer qaran inuu gaaro oo Soomaali
yiraahdo waan maamuli karaa isagoo Puntland aad aragtaan khilaafka iyo
maamulxumida ka taagan uuna awoodi la yahay inuu horumar dadkiisa iyo
degaankaba gaarsiiyo sida madaxda reer Somaliland ay dadkooda ugaarsiiyeen
horumarka lixaadka leh ee maanta aan cidina inkiri Karin.
Bal eega shalay wuxuu lahaa laba sanno ka hor dalka doorasho kama dhici
karto waa Puntland,maantana isagoo Nairobi jooga ayuu rabaa inuu degaanka ka
maamulo Nairobi taasoo idin tusaysa inuu yahay kaligii taliye aan istaahilin
xitaa in wax yar oo jago ah dalka looga dhiibo iska daa madaxweynee.
Kornayl C/laahi Yuusuf maamulkiisu wuxuu ushaqeeyee sidii odayaashii garta
geed hoostii ku qaadi jiray oo wax maamul ahoo taabagal ah kama jiraan
degaanka waa magac iyo qawlado faaruqa ,waxaan ku matali karaa waagii uu
marxuub Maxamed Faarax Ceydiid sameeyey salbalaar oo riyadadii dheerayd ee uu
ku rawaxay waa Caydiide uu ku jiray isna oo uu iska magacaabay
wasaarado,wakaalado iyo wax la mida oo aan meel ay ka hawlgalaan aysan jirine
magic uyaal uun ahaa.
Waakan tusaale kooban oo ah sida maamulka Puntland ka jira sida uu yahay
oo xaqiiqa.Waxaa ila soo xiriiray nin aanu saaxiibo nahay oo dalka ku sugan
magaciisana aanan doonayn inaan halkan ka sheego nabad galyadiisa
awgeed,wuxuu ii sheegay in uu shaqaale ka yahay wasaarad ka mida wasaaradaha
Puntland,wuxuu iga codsaday inaan uraadsho sponsar dibada ah,waxaan ku
wargaliyey sponsaradu inay hada adkaadeen oo sidii hore aysan ahayn ee uu
shaqadiisa ku fara adaygo oo ku mintido. Wuxuu igu yiri waayahaye marka
Nairobi ayaan soo aadin oo aan rabaa inaan dhawr bilood soo joogo ee
tigidkayga wax ka soo bixi,waxaan iri oo ma helaysaa fasax dhawr bilood ah oo
aad meelahaas ku soo marmarto?. Wuxuu igu yiri waxaan Nariobi ugu tegin oo
fasaxa warsan Madaxweynaha Puntland. Waxaan weydiiyey Wasaaradiinu ma waysan
lahayn masuul adiga kaa sareeya oo aad fasax warsato,mise madaxweynahaa toos
uhoos tagtaa?. Wuxuu iigu jawaabay waxaanan waligay maqal oo ah cid kasta
waxay toos uhoos tagtaa madaxweynaha laga bilaabo waardiye,dhulxaaqe ilaa kan
ugu sareeya oo awalba qabiilbaa meesha na geeyey ee wasiir ama masuul kale
toona nama gayn aqoona kuma aanan tegin ,qofkii la bedelayana madaxweynaha
uunbaa ka qaadi kara shaqada darajo kasta qofkaasi ha hayee !!!
Runtii waxay ugu noqotay waxaan aad ula yaabo ama filan waa igu ah
maadaama nidaamkii maamul ee aan arki jiray haba iska liitee uu ahaa kii
dawladii burburtay ee Soomaaliya, oo ahaa jaranjaro kala saraysa oo qofba
qofka ka sareeya uu ka amarqaato.
Hadaba taasi waxay tusaale utahay kaligii talisnimada uu rabo inuu isagu
si toosa umaamulo dhulxaaqe ilaa wasiir ama madaweyne ku xigeen,waana
calaamadaha lagu garto galigii taliye aan arxan ulahayn dadkiisa iyo
dalkiisaba.
Waxaa soo dhan markaad akhristow ukuurgasho waxaa hubaala inaad si fiican
ugu qanci doonto ama si fiican ubarandoonto kornayl C/laahi Yuusuf iyo sida
uu dalka la jecelyahay haduu helo xukunka uu raadinayo sidii ku maamuli lahaa
illaah xukun nooguma dhiibee isaga iyo wixii la mid ahba.
Hadaba waxaa isweydiin leh, yaa wada xayaysiiska ah kornaylku wuxuu
taageero ka haystaa beesha uu ka dhashay ee Daarood?.
Waxaan hubaa in beesha uu ku been abuuranayaa ee Daarood korna aan kusoo
sheegnay dhibkii iyo dibin daabyadii uu ugeystay inaysan beeshaasi uhayn wax
taageero iyo jacayl toona,ayna tahay beesha kaliya ee uu kornaylku dhibtaba
ugaystay.
Hadaba sidee ayey uga suuroowday kornaylku inuu intaas oo dhiba inta
ugeystay inuu misna yiraahdo Daarood baan wax udoonayaa?. Waxaa wada been
abuurkan koox yar oo ku taageerta dulmiga uu dadka ku hayo iyo ku dulnoolaan
shaha uu ku dul noolyahay dadka reer Puntland. Canshuurta uu ka qaado ayaa ah
mid uusan waxba ugu qaban dadka degaanka uu xooga ku haysto ,wuxuuna ku
khasaarshaa dakhligii degaanka horumarkiisa loogu talo galay tartan uu ku
doonayo inuu mar uun madaxweyne dalka ka noqdo, taasoo aan qabo inay tahay
calaacal timo ka soo baxeen.
La yaab maleh hankaasoo askartoo dhan ayaa qabta riyooyinka caynkaas ah,
oo inta dadkooda laayaan misna sidaa xukun ku doona. Sidaan u fakaro aniga
iyo inbadan oo ila mida kornayl C/laahi waxa kaliya oo uu istaahilaa in
maxkamad la soo taago sidii Milosevig kii Yoguslaafiya oo tacadigii uu
dadkiisa ugaystay laga gooyaa isaga iyo inta la midka ah ee dambiilayaasha
dagaalka ah maantana tartarka ugu jira inay dalka madax ka noqdaan si ay ubad
baadaan oo danbiyadii ay gaysteen aan looga abaalmarin.
Maalin maalmaha ka mida waxaan usheegayaa shacabka Soomaaliyeed ee ka
quustay rajada ah in kuwaas mar uun maxkamad la soo taagi doono inay dhici
doonto in rag badan lala xisaabtamo oo maxkamad caadil la soo taago mudo
kasta ha qaadatee,intii illaah maalintaas nolol ku gaarsiiyo ayaana nasiib
uyeelan doonta inay arkaan rajadaas.
Ugu dambayn tii shucuubta Daarood waxay leeyihiin sidan “Kornayl
C/laahi ehel uma aha masuuliyada dalkeenii hooyo ee Soomaaliya,mana matalo
beesha Daarood, kumana taageersanin damaciisa xukun doonka ah” .
Beesha Daarood waxay taageeraysaa qofkasta oo Soomaali ah oo wata maskax
fiyow gacmahana aan dhiig ku lahayn,magac iyo sumcad fiicana bulshada ku dhex
leh,watana barnaamij haboon oo uu ka gadi karo mustaqbalka, qabiilkasta
musharaxaasi ka ka dhashee.
Allow madaxweyne caadil ah ayaan Soomaali kaaga barinay,oo aan ahayn kuwa
haatan dhiiga u'ooman
Wabilaahi tawfiiq.
Osman Ahmed Sheekh.
Isxaaq@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2004 | Updated: March 15, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan.