SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GERMANY

March 14, 2004

XAAJI KAALAY OO I AMMAAN

XagarYare

xagar91@hotmail.com 

SomaliTalk Germany

 

Sidee Ingiriiska Looga Arkaa Booqashada Riyaale

Daabaco Boggan | Print


Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...


XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO
Wafdi heer qaran ah oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha Gooni u Goosadka somaliland ayaa maalmahanba laga dhowraayay dalka ingiriiska magaalada London,

Socdaalka mudane Daahir Riyaale Kaahin ee magaalada London Ayaa siyaalo kaladuwan loo sawiranayaaa.

Xalay oo sabti ahayd ayaa waxaa aqalkayga Dalka Germany Igu soo booqday Professor Cabdalle oo socdaal ku jooga khaas ah dalkan jarmalka isagoo kayimid Dalka ingiriiska Magaalada london,

Waxaan Professorka Kala sheekaystay xaqiiqada dhabta ah ee socdaalka Riyaale,

"xagar yaroow waxaa wax laga xishooda ah siduu arinku u dhacay" ayuu PRO.Cabddalle ku bilaabay hadalkiisa,

"Waxaa qaban qaabada in uu madaxweynuhu halkan yimaado labilaabay Ka hort Doorashadii Dawladaha hoose ee soomaaliland, waxaa lagu bixiyay laaluush aad u farabadan, laaluushkaasoo lasiinaayo xubnno ka tirsan baarlamaanka Dalka ingiriiska, si ay Dawladda dhexe ee dalka Ingiriiska ugu Qanciyaan in loo ogolaado in madaxweyne somaliland yimaado halkan isagoo socdaalkiisana loo arkaayo mid Rasmi ah(STATE VISIT)." ayuu yiri PROf.Cabddale o markaan sheedadan ku soo qaaday caro weyn muujiyay ,isagoo leh somali danaha gumaysiga oofinaaya maxaa loo buunbuunin.

Wuxuu intaas ii raaciyay "ma uu haysto Riyaale baasaboor reer galbeed ah caalamkuna ma aqoonsana baasaboorka soomaaliyeed ee sideebuu ku helay fiisaha sidaas isaga dhib yar, waxaa taas suurta gal ka dhigay laaluush lagu harqiyay baarlamaanka ingiriiska".

Dhinaca kale, wariye soomaaliyeed oo london jooga aadnna iigu adkeeyay in aanan magaciisa xusin ayaa mar aan maanta khadka teleefanka London kula sheekaystay ii cadeeyay in ay jaaliyadaha soomaaliyeed ee halkaasi ay aad u qaban qaabinaayaan banaanbaxyo ka dhan ah socdaalkaasi, waxayna dadkaasi ku eedaynayaan baarlamaanka ingiriiska qaarkiis in ay hamuunweyn u qabaan kala googoynta midnimada soomaaliyeed, waxaa ay leeyihiin ayuu yiri wariyahaasi,"hadii xataa aan ognahay ama aan ku kalsoonahay in ingiriisku soomaaliland wax u taraayo waxba kamaa aanaan qabneen, balse wax aan ahayn nacayb midnimada muqadaska ah ee somaaliyeed meesha kuma hayo".

Waxaan wariyaha waydiiyay Bal sida looga dareemayo socdaalka madaxweynaha somaliland London, waxaa uu yiri: "qowmiyadda isaaqa dhexdeeda xoog ayaa looga dareensan yahay, waxaana ay dadku dareemayaan in ingiriiska aqoonsi loowaydiinaayo isna ogolaanaayo, iyakoo qawmiyadu ay haraadweyn muujinayso in ay u qabto aqoonsi loo fidiyo, inkastoo aysan dadku ogayn faa'iidada aqoonsigaba"

"Dhinaca kale waxaa iyakuna imaatinka siweyn iskugu taxalujinaaya dadka daneeya mid ahaanshaha soomaaliweyn balse shacabka caadiga ahi wax ay ka ogyihiin lama arko, oo xataa hadii aad isku daydid in aad dadka ruuxii aad aragto u sheegto imaatinka Riyaale ayaa mar mar waxaabu shaki kaagalayaa in uu ruuxaasi hadalkaaga maqlaayay iyo inkale taasoo muujinaysa sida aanba loo ogayn jiritaankiisa".

Waxaa uu wariyahaasi London aan khadka telefanka kula sheekaystay uu ii cadeeyay in siyaasiyiin soomaaliyeed oo caalamka aad ugu culus ay waraaqo hoos ahaaneed dawladda dhexe u gudbiyeen ay uga digayaan ingiriiska in uu ka waantoobo isku dilka shacabka soomaaliyeeed ee walaalaha ah.

xagar91@hotmail.com 

Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2004

XIDHIIDH CAYNKEEYAA U DHAXAYNJIRAY SSDF & SNM?


XAGAR YARE WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991, waxaana uu hadda kusuganyahay dalka Jarmalka.

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
usa


kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD