March 14, 2004
Guddoomiyaha Xisbiga DDP oo Bannaan Bax
ugu Baaqay Soomaalida Reer London, UK
Maxamed Xasan Maxamud "Abgaalow": Ina
Riyaalow Boqor lama Xirto ee iska soo daa Boqor Buur madow" |
Maxamed Xasan Maxamud
Guddoomiyaha xisbiga DDP
Minneapolis, MN, USA
E-mailka:
abgaalow56@hotmail.com
- Haddii harag wan-weyn lagabaxshoo waafi
noqon waayo
- ama waran cirkaa loo ridoo webi la
dhaafsiiyo
- Saddex magac ilaahay xaajaadaa layma
marinsiiyo
Waxaan uga gol-leeyahay ummaddii dawlada
boqortooyada Britannia oo taariikh ahaan ogsoon in ummaaddii Soomaaliyeed ee
markii ay gumaysan jireen u qaybiyey shanta qaybood haddey hadda misana ku
hindisoonayso in ay Jamhuuriyaddii soo hartay ee burburku ku dhacay ay
carqaladayso.
Waxaan jamhuuriyadda Britannia usheegayaa in
waxaasi aysan ahayn wax caqliga galaya, Ummadaha adduunkuna ka yeeli maayaan,
jamciyadda quruumaha ka dhaxaysana arintan il gaar ah ayey ku haysaa taas oo
ah in aysan ka yeeli doonin in dalkaas burburay lasii carqaladeeyo.
"Somaliland miyuusan dalka oo dhan
ahayn maxaa dadka waalay" Abgaalow |
Waxaan ku oranayaa kuwa yiraahda Somaliland,
ma waxay ka hadlayaan tii Britannia gumaysan jirey ee sannadkii 1896, ma
waxay ka hadlayaan 1920 oo Britannia xakumi jirey gobolada Woqooyi Galbeed
iyo Gobolada Woqooyi Bari qaarkiis iyo dhulka hadda loo yaqaan Kililka
shanaad, mase waa Somaliland-tii 1946, 47 & 48kii oo uu xakumey min laamo
ilaa Dirirdhabe, mise waa tii 1950-60, mataas ayaa Somaliland ah. Somaliland
miyuusan dalka oo dhan ahayn maxaa dadka waalay.
Waxaan ugu baaqayaa ummada Soomaaliyeed ee
deggan Britannia ee Soomaalinimada jecel inay qabtaan bannaan bax ka hor
jeeda aragtidii gaabnayd ee miskiinka Baarlamaanka Britannia kujira ee uu la
soo noqday markii uu tegey Hargeysa asagoo aan tegin meel kale oo Woqooyi
Galbeed ah, kana war hayn sida loo kala deggan yahay, siweyn waa in arintaas
loogaga hor tagaa bannaan bax ayadoo laga dhiidhiyayo dhibka kale ee loo
maleegayo ummada Soomaaliyeed ee hadaba dhibku haysto.
Igama ahan sidan aan leeyahay in wax la
ictiraafayo waayo caalamku waa ogyahay in dawladii Soomaaliya ay ku midowdey
si xor ah oo aan jajuub ahayn, oo aan hadda jajuub loo kala qaybin karin,
waxaa la ogyahay in marka hore loo baahan yahay dawlad Soomaaliyeed oo xor ah
oo markaas haddiiba loo baahdo dadka afti la weydiiyo (Vote of confidence),
caalamka (international community) taas ayuu ogyahay, taas oo ah arin aan
meelna loo dhaafi karin.
"Ilaaha idin abuuray ka baqa oo wax uun
ku heshiiya" Abgaalow |
Waxaan baaq u soo jeedinayaa nimanka
Soomaaliyeed ee Nairobi jooga, anigoo dhehaya waxaad noo soo jiideen magac
xumo, magac xumadaas oo sii kordheysa waayo caalamku waxa uu u arkaa in
aydinba heshiin karayn. Haddaad wax garaneysaan dalkiinaad ku heshiin
lahaydeen halkaas oo aan la idiinku mana sheeganayn waxaan siinay cunto iyo
sariiro, Ilaaha idin abuuray ka baqa oo wax uun ku heshiiya. Waxaan idin
leeyahay haddaad iga yeeleysaan anaa idinku casumaya dalka halka ay beeshaydu
ka degto oo halaha geela ka haray idiin qalaya ee imaada oo gacmo furan kusoo
dhowaada Laascaanood. Waxaan idiin sheegayaa in haddii aydin tashan uu
caalamku diyaar u yahay in la idiin taliyo, taas maskaxda ku haya, ma eydin
maqal baan u malaynayaaye.
Waxaan hadalkayga kusoo xirayaa: Riyaale
waxaan leeyahay: Nix nix leeyaa, muuse dhiil baa, fardo dhaafeen kahu
sheegayn - Waxaan uga gol leeyahay ictiraafkii ay keeni waayeen
siyaasiyiintii waaweynaa C/Tuur iyo in Cigaal (Allah ha u naxariistee), keeni
meyside haku daalin.
Maxamed Xasan Maxamud
Guddoomiyaha xisbiga DDP
Minneapolis, MN, USA
E-mailka:
abgaalow56@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 14, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Guddoomiyaha Xisbiga DDP oo Shir Kuqabtay
Minneapolis Guji...
Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com
|