Waxaa dalka UK ka socda diyaar garoow xoog badan oo ay ku jirto
jaaliyada soomaaliyeed ee UK oo aan u kala harin woqooyi iyo Koonfurba,
waxaana laga yabaa in ay harqiyaan magaaladaan London, waxaana hogaaminaya
dad u dhashay Somaliland qudheeda.
Waxeey soomaalida is weydiinayaan sababta ay xubno ka tirsan baarlamaanka
UK, ugu ololeeynayaan gooni isu taaga Somaliland , halka ay dowlada UK diiday
ineey xornimo siiso Northern Ireland oo kula jirtay dagaal hubeysan
mudo badan wadankaan UK.
Usbuucii hore ayaan aniga qudheyda waxaan la kulmay nin ka mid ahaa MP
yadii tegay Somaliland, wuxuuna ii sheegay in markii ay soo laabteen ay
warqad u qoreen xoghayaha arimaha dibeda ee UK Mr Jack straw kuna weeydiiyeen
in la aqoonsado Somaliland iyo in kale, wuxuuna ii sheegay MP gi in Jack
Straw ku soo jawaabay in aanay macquul aheyn arintaa iyada ah, waayo EU iyo
UN-kaba waxeey ogol yihiin somali weyn, waana diideen in somalia la kala
qeybsho, anagana hadaan nahay UK, waxaan ku shaqeeyneynaa go,aanadaa ay
gaareen EU, iyo UN-ka , waxaana gacan ka getsaneynaa sidii soomaaliya dowlad
u yeelan laheyd, dhawaan, anagoo si buuxda u taageereyna shirka hadda ka
socda kenya ee dib u heshiisiinta,
Marka MP -gii wuxuu aniga igu yiri arinta Somaliland sidaas ayeey ugu
dhamaatay, wuxuuna ii sheegay in isaga qudhiisa uu taageersanyahay midnimo,
waayo ayuu yiri kala go'a waan weakness, mana xalineyso waxa ay
doonayeen oo ah ineey xaliso dhibaatada heysato, wuxuuna tusaale u soo qaatey
Eritrea oo uu yiri wax ay soo kordhisay , xaga dhaqaalaha iyo horumarkaba ma
leh.
Waxaa kale oo jira in maalinta Isniinta ay xubno badan oo ka mid ah
jaaliyada soomaaliyeed ee UK la ballansan yihiin MP-ga iyo kuwii kalaba ee
tagay somaliland.
Waxaan soo ogaadey arinta ah Daahir Riyaale wuxuu ka qudbeyn doonaa
baarlamaanka UK in ay tahay arin aan jirin. Mida kale sida wararku
tibaaxayaan mala kulmi doono xitaa wasiirka arimaha dibada ee UK, ee waxaa
laga yaabaa inuu la kulmo shaqaalaha wasaarada arimaha dibeda qaar ka mid ah.
Mida kale waxaa socota dacwad lid ku ah Daahir Riyaale , oo loo heysto dad
uu laayey waagii uu ahaa madaxa NSS-ta ee gobolda waqooyi, marka waxaa
dacwad la maagan dadkii eheladooda ahaa iyo heyadaha xuquul insaanka ee degan
wadankaan, maadaama xarunta Amnesty International ay tahay London.
Fadlan magaceyga ha sheegina.
Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan