Hordhac
Ilaah baa mahad leh, Nebi Maxmedna nebed gelyo iyo badabaado korkiisa ha
ahaato, intaas kadib,
Hirgelinta shirakad ganacsi oo u adeegta bulshada run ahaantii ma ahan
shaqo fudud, waa hawl u baahan qorshayn iyo maarayn dheeraad ah.
Waxaan had iyo jeer maqalnaa shirkad kacdey ama khasaartey, dhibkooda
waxaa loo aanayn karaa qorshe iyo maarayn la’aan ku timad hawlgalkeeda, mid
hore ee ah qorshe la’aanta waxaa dhaci karta in markeedii hore aanba si qoto
dheer. Looga fiirsan qorshahii lagu furayey, oo lagu degdegey, tan danbe oo
ah maarayn la’aantu waxay iman kartaa markii ay shirakadu bilowdey hawsheedii
oo si fiican looga baaraan degey qorshaynteedii laakiin waqti danbe oo ay
shaqaynayso ku dhacdo tayo xumo xagga maaraynta sare oo ah meesha laga hago
dhaqdhaqaa hawl kasta waana mushkilad aad u saraysa maarayn la’aantu.
Si haddaba looga fogaado dhibaatooyinkaas qorshe la’aanta iyo maamul
xumada shirkada soo food saara waxaa hagaagsan in shirkadaha maanta shaqeeya
lagu dabakho habka suuqgaynta oo ah cilmi casri ah oo si gaar ah loo barto.
Habka suuqgayntu waa hawl ama qaab ganacsi oo la xiriira qorshaynta,
soosaaridda, qiime u samaynta, xayaysiinta, suuq u raadinta iyo qaybinta
badeecada ama adeeg laga danaynayo suuqa si loo baahi tiro macmiilka iyadoo
lala beegsanyo meesha ama barta looga baahanyahay badeecaddda ama adeegga
shirkadda ganacsi.
Inta aan la bilaanin hawsha ganacsi, maareeyaha mashquuca furitaanka ama
hawlgelinta shikrada ganacsi (Project Manager), waxaa looga baahanyahay inuu
sameeyo baarintaan la xiriira badeecadda ama adeega ay bixinayso shirkadda
ganacsi, si loo ogaado in mashruucan ganacsi ay u baahanyihiin bulashda
deegaanka ay shkradu ka hawlgelayso, taasi waa muhiim waayo waxaa soo baxysa
waydiimo oranaysa maxaa loo baahanyahay in la soo saaro? Qiimahee lagu rabaa?
IWM, dabcan warcelinta jawaabtaasu waxay ku siinasyaa caqli kaamil ah oo ku
dabakhan u jeedo iyo hadaf loo hawlgalo, taas oo ah in aada ogaatid wax la
rabo si aad u soo saarto, waase caqli darro in wax la iska soo saaro ama la
bixiyo adeeg aan haysan wax suuq ah, su’aasha kore waxy ku salaysantahay
helitaan dad raba waxii la soo saarayey ama (Target market).
Inagoo tix raacayna qormada kore waxaan habka suuqgaynta ku qeexi karnaa
in ay tahay xirfad loogu talagaley inay ay fududayso iswaydaarsiga ka
dhexeeya macmiilka (Customer) iyo shirkada (Organization), si loo qanciyo
baahida jirta, erayga iswaydaarsi ama (Exchange), waxuu tilmaamayaa in ay
jirto wax kala bedelasho ku salaysan baahi qancin, iswaydaarsigaasi waa qaab
aan ku heli karno badeecad ama adeeg aan u baahnahay inagoo bixinayna qiime
noqon kara lacag (Money) ama aan badeecad kale ku beddelano mid kale
(Barter), haddaba si aynu u helno badeecadaas waxaa loo baahanyahay qaab
cilmiyeed fududaynaya si aan hawlyari ugu qancinno macmiilkeenna. Sidaas
daraadeed habka suuqgayntu (Marketing) waa qalab fududaynaya iswaydaarsigaas
ka dhexeeya labo qof ama shirkadood. Haddaba waa inaynu qiimaynaa qodobadan
hoose si aan u fahano iswaydaarsigan iyo hawshiisa,
- Waa inay jiraan labo qof ama ka badan oo mid kasta haysto baahi uu u
baahnyahay inuu qnaciyo, markaas iswaydaarsi baa imanaya in kan u baahan
badeecadaas uu aado kan haya si uu uga iibsado
- Dhinacyada iswaydaarisga ka dhexeeyo ma ahan kuwo wax lagu khasba ee
waa inay si ikhtiyaari ah u go’aasnadeen iswaydaarisgaas, taas oo ah in
macmiilku had iyo jeer helo waxuu rabo shirkada ganacsina aysan ku
sanduleen iibsashada badeecadeeda dadka macmiilka ah,
- Dadka iswaydaarku ka dhexeeyo waa inay haystaan qiime si ay isu
dhaafsadaan baahida , iyada oo mid kasta aaminsayhay ina iswaydaarsigan
ay dan iyo faaido ugu jirto, taas macnaheedu waxa waaye in macmiilku helo
badeecad qancisa shirakduna hesho faa’iido u saaran badeecadan anfacaysa
macmiilka, markaas labada dhinacba waa ianay ku xisaabtamaan faa’iido.
- Waxaa muhiim ah inuu jiraa xiriir ka dhexeeya labada dhinac, taasi
waxay noqon kartaa in uu jiro dad dhexdhexaadyaal u ah (Middle men),
muhimaddu waxa weeye inuu jiro ogaansho am u warhayn ay macmiilka iyo
shikraddu isu hayaan, warbxin la’aanse iswaydaarsi ma dhiaci karo oo
macmiilkuna kama warhayo waxa suuqa yaal shirkaduna ma helayso cid ka
gadata badeecad aanba loo warhayn.
Haddaba shuruudahaas kore waxy u baahanyihiin inaan sii bayaaminno, tan
hore waxy oranaysaa waa inay jiraan labo dhinac labad dhinac midka hore waa
suuqgeeyayaal ama (Marketers), kuwaas oo ah kuwa bilaaba hawsha
iswaydaarsiga, iyagoo isku dayaya inay abuuraan hawsha suuqgaynta dabadeed
socodsiinaya iyagoo suuqa ogolaysiinaya wax soo sarkooda túsale ahaan
jaamacad qaadanaysa ardey waxay marka Admissionsku soo dhowyihiin bilaabaan
xayaysiis ay geynayaa saxaafadda kala gedisan iyagoo bar tilmaameed ka
dhiganaya in ardayda doonaysa jaamcadda ay u helaan warbixin ku saabsan
jaamcadda iyo barnaamijkeeda, haddaba xayasiiskaasi waa qayab ka mid ah
habka suuqgaynta.
Dhinaca kale oo ka mid ah iswayrsiga waxaa waaye suuqa (Market) oo lagu
qeexayo inuu yahay dad baahi u qaba badeecad ama adeeg shirkadeed, haysta
lacag ay ku gataan, islamarkaana doonaya inay gataan, tan danbe oo ah
doonida ay doonayaan dadkasi inay gataan badeecadda waa muhiim waayo waxaa
jira dad badeecad u baahan lacagna haysta laakiin aan rabin inay gataan
marka waa in saddexda qodoba la helaa oo ah in baahi jirto, qofku lacagtii
haysto islamarkaana uu rabu inuu gato, hadii kale suuq laguma seguí karo,
isla tusaalaheenii jaamcada waxuu sheegayaa in suuq geeyayaashu (Marketers)
ay sameeyeen xayaysiis, dadka loo samenayo xayasiiska waa (Market), oo
waxaa ka mid ah aradayda doonaysa inay jaamcadii dhigtaan.
Suuqgeeyaashu waxay isticmaalaan qaabab kala gedisan oo isgaarsiinta ah
si ay uga dhaadhiciyaan macmiilka helitaanka badeecada ama adeega shirkada,
isgaarsiintaasi waxay muhiim u tahay shikradda waana midda keenaysa
macmiilka goobta gadshada, war la’aan ku dhacda macmiilka waxuu keenyaa
gadasho la’aan ku timada badeecadda ama adeegga ganacsi, waxaa kaloo muhiim
ah in la raadiyo meel ku haboon gaarsiinta fariinta laga qaadayo shirkada
oo la gaarsiinayo macmiilka.
Haddaba akhriste inagoo tix raacayna kana shidaal qaadanyna daraasada
kore, waxaan hadda isku dayaynaa inaan macne guud u samayno habka suuq
gaynta, akhriste waxaan dhihi karnaa waa qaab ama hab guud oo ganacsi
looguna talagaley in marka hore la qorsheeyo dabdeed la soo saaro, qiime
loo sameeyo, la xayaysiiyo,lana gaarsiiyo suuqa badeecad ama adeeg haqab
tiraya baahi taas oo lala beegsanyo barta looga baahanyahay si shikradu u
gaarto Hadafka iyo ujeedadeeda ah inay hesho faa’iido.
Qeexitaankan kore waxaan u qaybinaynaa labo waxyaabood oo kala ah
- In qaabka ama hawsha shirkadda ganacsi noqoto mid ku salaysan
macmiilka (customer-oriented), taas oo macnaheedu yahay in la fahmo
baahid macmiilka dabdeed laga qanciyo baahidaas iyadoo la samaynaya
sida ama habka uu macmiilku wax u rabo
- Habka suuqgayntu waa inay ku bilaabantaa fikrad (idea), ku saabsan
qancin baahi jirta, iyadoo aan hawsha habka suuqgaynta la joojin ilaa
baahida macmiilka la qanciyo,
Akhriste habka suuqgayntu ma ahan wax aan halakna ku soo koobi karno,
balse intii aan ka awoodi ayaan u soo tebinayaa anigoo qayb qayb ka
dhigaya, qayba mar soo diyaariyo, qaybta ama qormada ku xigta tan waxaan
ku kala qaadaynaa hadii ilaah idmo qaybaha kala duwan ee habka suuqgaynta.
Dhamaad
N.B. la soco Qaybta xigta.
Ahmed Osman Farah (Zahid)
Preston University
Karachi-Pakistan
Tel: +92-300-2252724
axmedshiino@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004