Sharaxaadyadan waa ururis kooban oo isku dayaya in lagu macneeyo, mawqifyada
aqoonyahanka Soomaliyeed iyo waxa ay ka yiraahdeen arimaha Soomaliya iyo sideey
u arkaan xalka.
Doodahan waa doodaha rasmiga ah, waxaanan soo qaadaney hal heysyada hal ku
dhagyada siyaasadeed oo dadka qaarkii ku khaldaan iney doodo yihiin. Hal
heysyada caanka ah waxaa ka mid ah; "Soomaliya faragalin baa halkaas dhigtay".
Mutacalimiinta Soomalida doodahooda waxaan u qeybin karnaa, ilaa iyo hadda shan
dood, oo ku soo urura Seddex. Shanta dood waxey hoos yimaadaan Sedexdan:
1) Doodda Taariikda/dhaqanka, oo laba aan ka soo qaadaneyno
2) Doodda Hey’adaha; oo aan iyadana laba ka soo qaadaneyno, iyo
3) Doodda Diinta; oo aan iyana hal u deyneyno.
Shantan dood, macnayaasha ey siiyeen arimaha Soomaliya iyo Xalka siday u arkaan
waa kuwan:
1) Doodda Dhaqan-Taariikheedka; oo aan ka soo qaadaneyno labo waxay kala yihiin;
A) Doodda kooxda "Tix-raac" ama "Re-visionists". Doodan waa farac ka mid ah
doodda "Taariikh/Dhaqanka". Kooxdan (Oo aan ka soo qaadaneyno dadka ka mid ah,
waloow uusan kaligii ahyen Prof. Ali Jimcaale) waxay diideen inuu jiro waayo iyo
taariikh dhab ah oo ay Soomalidu wadaagto. Taasbayna sal uga dhigeen is af garad
la'aanta dhex taal Soomalida; maadaama dawalad iyo nagaansho (stability) la helo
ku xirantahay markii bulshada badankeed waayaha taariikhdooda isku si u arkaan,
bey mutacalimiinta kooxdan leeyihiin waayo taariikheed oo Soomalida ka dhaxeeyay
oo la taaban karo maba jiro! Taariikh ka dhaxeysa oo ay wada sheegan karaan ama
ku wada faani karaan Soomali ma jirto.
Koox kastoo Soomali ah bey leeyihiin ashuun ama haan bey taariikh u gaar ah ka
buuxsadeen, been ama run tey doontaba ha noqotee, oo si fiican uga dhargeen.
Taas kaliya maahee Taariikhda ay koox kasta gaarkeed uga dhargtay waxaa garab
socda diidmo ay koox kasta diideyso ama yaseyso taariikhda kooxda kale! Waxay
qabaan in la buun buuniyay, fikirka ah Soomalidu waa dad isku af ah, isku diin
ah, isku dhaqan ah. Waxey leeyihiin, xittaa haddii ay jirto taas, taariikhda
Soomalida si rasmi ah ugama muuqato, mana jiro dareen muujinaya iney soomaalidu
taariikh wada wadaagto!
Laba arin baa Soomalida heshay bey leeyihiin mutacalimiintan. Waa mare;
Gumaysigii ay Soomalidu la dirirtay oo ka xoroowday baaba Soomalida is baray oo
isu keenay oo qaran ka dhigay ee awal maba ahayn qaran midaysan oo isyaqaan,
taariikhna wadaaga, iska warqaba (consciously) ama maba jirinba dareen qaranimo!
Waa marka xigee, waayihii ama taariikhdii soo bilaabatay wakhtigii gumaysiga
ilaa 1990kii, ma ahayn waayo la wadaago ama Soomalida ka wada dhaxeeyay ee waxay
ahayd mid been ku salaysan, oo ka turjumaysay kaliya kooxo gaar ah. Tusaale
waxey u soo qaateen taariikhdii Soomalida oo laga dhigay tan reer guuraaga
kaliya. Soomaliya waxaa la isku dayay bay leeyihiin in ay ka turjunto koox ama
qabiiloyin gaar ah. Markhaatina waxey ka dhigteen taariikhdii Daraawiishta, oo
ay leeyihiin waxay aheyd taariikh hal gobol, iyo hal qabiil, ee maaheyn taariikh
ummadeed. Sidaa si la'egna tii SYL waxay aheyd bey leeyihiin taariikhdii
gobolada dhexe kaliya, ee maaheyn taariikh Soomali wada wadaagto!
Waxay kooxdan qiil u heleen arin ay mutacalimiinta kale, ka jawaabi waayeen oo
aheyd; maxaa loo jajabiyay ama loo du-dumiyay taalooyinkii qaranka? Maxaa
heya'dihii qaranka loo baa bi'iyay? sababta loo dumiyay taalooyinkii
Daraawiishta, Ahmed Gurey, Xawo taako, iyo Abshir kahiye (dhagax Tuur) waxay
aheyd bey leeyihiin; waxaan loo arag iney ka turjumayaan taariikh la wadaago, ee
waxay ka turjumayeen taariikhda kooxo gaara, sida gobollada dhexe, galbeed iwm.
Waxay isweydiiyeen haddii aabbihii Saalixiyada, waa Darwiishkiiye, loo dhisay
taallo maxaa loogu dhisi waayay taallo aabbihii Qaadiriyada, Sheikh Aweys! Waxay
daliishadeen sababta loo dumiyay taalooyinkii qaranka inay ahayd iyadoon
Soomalidu isku si u arag taariikhdooda. Si kale u dhahoo; taariikhdii dugsiyada,
hey’adihii dawliga iyo gumaysiga ay fidiyeen waxay ahayd "tii reer guuraaga
soomalida" bay kooxdan ku doodayaan.
Dooddan waloow ay kharaartahay, waxay furtay waji cusub. Waxayna yeelatay, ku
tala gal aan loo wadin, oo ah iney aasaas u noqoto fikirka Goboleysiga; oo leh
taallooyin Darwiiskii uga dhisa Eyl iyo taleex, Abshir Kaahiyana uga dhisa
Gaalkacyo, Sheekh Aweysna Baraawe, inta laga helayo mid naga dhaxeeysa!
Cilladda, ama gol-daloolada ugu weyn ee kooxdan dooddooda heysata waxay tahay,
maxaa lagu aqoonsanayaa ama waa maxay halbeegga, si loo yiraahdo waayahaas ama
taariikhdaas Soomali wey ka wada dhaxeysaa? Haddii SYL iyo xubnihii hogaanka u
ahaa loo nisbeeyo gobol ama koox gaar ah, maxaa ka bad baadin kara inaan
dooddooda gobol iyo koox loo macneyn?
Waloow dooddan ay ku bilaabatay in loo helo macne, sababta keentay in hey’adihii
dawliga ee wadanka la burburiyo, hadana nuxurkeedii wuu is rogay, oo dood sal u
ah bey noqotay; in gobol kasta uu ku doodo in uusan la dhaqan aheyn gobollada
kale, oo taariikhdoodii lagu tuntay; Anaga Reer Waqooyi baan anahay, anaguna
reer Punt baan anahay, anaguna reer Hiiraan baan nahay, anaguna reer Arlaadi
baan nahay, anaguna reer Jubbaan nahay iwm!!! ayna helaan iney aayahooda wax ku
yeeshaan, maadaama tii Soomaliya qofkii ay gacanta u gasho uu ka dhiganayo
taariikh iyo guri reerkiisu leeyahay!
B) Doodda Kooxda "Indheer-Garadka" afka qalaadna lagu yiraahdo "elitists", iyana
waa farac kale ee doodda Dhaqan-Taariikheedka. Kooxdan waxay xoogga saareen;
dhaqanka qofka iyo Bulshada. Mutacalimiinta Soomalida ee soo badnhigay
qoraallada kooxdan bay ugu badan yihiin, sida walaalaha ilma Samatar, qoraaga
caanka ah ee Nuuradiin Faarax.
Cudurka Soomalida burburiyay waxay qabaan inuu yahay cudur ka yimi
"Dhaqan-Taariikh Qabiili ah". Siyaasiyiinta Soomalida ugu caansanna kooxdan bey
isku mawqif yihiin. Giddi Mutacalimiintaan iyo siyaasiyiinta ra'yigan la qabtaa
waxay ku bar baareen waayihii "Lego", waxayna hami jabeen dawladihii lixdanka.
Waxaa fikirkooda raad ku yeeshay doodihii lixdameeyadii ee Afrika.
Waxay qabaan dammiirkii qofka Soomaliga inuu dhintay taasna ay keentay tii
kooxda ama bulshada inay dhimato. Qabiilka, baa dhimashada karaamada qofnimo
iyo qaranba sabab u ah, bey leeyihiin. Dhaqan ahaan buu qofkii soomaliga u
noqday qof hooseeya bey ku doodayaan.
Tusaale hadaan ka soo qaadanno, Nuuradiin Farax, dooddiisa waxaa sal u ah;
dhimashada dareenka qaranimo iney ka soo horeysay dhimashada dareenka suubban ee
qofka. Nuuradiin wuxuu leeyahay dareen qofnimo oo hufan baa markii hore dhintay,
taasbaana keentay dareen hufan oo qarinimo in la waayo. Waxay leeyihiin
shakhsiga Soomaliga wuxuu ku faanaa wax ceeb ah, waxaa shakhsiyaadka lagu dhiiri
galiyaa wax khaldan. Taasbaana keentay, bulsho iyo qaran doorsan inuu ka soo
dhex baxo shaksiyaaddii qofafka ee liidatay!
Qofka Soomaliga waxay leeyihiin kooxdan; waa qof liita oo xanta aad ugu deg
dega, been badan, samaan iyo xumaan aan qiimeyn karin, dhaca iyo boobka
xalaashada, wax laga xishooda ku faana, aan ku qiimeyn qofka kale waxa uu
shakhsiyan gudo ama galo, oo aan garaneyn waxa xittaa danta ugu jirto!
Waxayna daliishadeen sida qofka Soomaliga maganta ugu yahay qabiilka!
Canbaareyntooda ugu weyn waxay ku dhacdaa "Qabiileysiga". Waxay kooxdan aad u
duraan sida Soomalidu ugu fashilantay iney qiimeeyaan qofnimada qofka!
Xalkoodu wuxuu ku saleysanyahay aasaaska doodooda, waxayna qabaan, maadaama
Qofka Soomaliga ah uu yahay qof liita, dantiisa aan garanyan; in lagu
khasbanyahay in yar oo waafi ah, wax fahmeysa, iney u gartaan qofafka
Soomaaliyeed dantooda! Maadaama badanka Soomalidana ay dad xun yihiin waa in
inta san, oo fara ku tiriska ah, ay marka hogaamisaa! Waxaa loo fasirtaa iney
leeyihiin "Anagaa aqoonyahan ahe, aan talinno ama taayada ha la dhageysto!"
Fikirka kooxdan mid asal ah maahan, waa hadaaq "Narrative". waa dood la qaateen
ah, Soo daashay sidii Afrika oo dhan looga hal qabsanayay, xamaasaduna ay gaddo,
oo af buuxsi qurxoon (ready made) lagana isticmaalayay Afrika laga soo bilaabo
Lixdameeyadii.
Waxay kooxdan caan ku yihiin sida ay marmarsiinyo uga helaan, hogaanka
qaloocsama ee Soomalida, oo ay sarbeebiyaan inay turxaanta boholaha taariikhda
ay mar kasta ku dhici lahayd Soomalida, maadaama ay asal ahaan Soomalida qabiili
khariban fikirkooda ku saleysanytahay, oo aan ninna ka badbaadeen. Micnaha waxay
leeyihiin Gen. Siyaad Barre iyo qab qablayaasha dagaalka midina danbi gaara ah
malahan, ee wacyiga Soomalida baa asal ahaan khariban, qof kastoo kalana oo
wacyigii ay ku soo barbaareen ku soo barbaarana kama duwanaadeen!
Iska horimaanshahaas baa aad loogu duraa, waxaa kaloo lagu duraa rajo xumada eyn
siineyn wax himila ah Soomaalida, oo oranaya wax kastoo Soomalida heysta
wacyigaa keenaya ee ha la iska qaayibo! waxaa kaloo lagu duraa, sida ey marna u
leeyihiin wacyiga xun dartiis qofna kama badbaadi karo, marna u leeyihiin, in
yar oo ka badbaaday baa la helayaa- oo loo fasirtay iyaga iney iska wadaan!
Doodaan waxay aad uga careysiisaa mutacalimiintii wadanka xukunkii kali taliska
ahaa dartiis uga cararay, sida Prof. Togane, Prof Sicid Samatar, waxayna
leeyihiin; "caqli gal maahan in la dhiiri galiyo wadaniyiin fara ku tiris ah oo
dadka toosisa!" Waxayna ku durayaan inay dhiiri galinayaan kaligii taliye
wadani ah. Waxay kaloo mutacalimiinta kale ku duraan Kooxdan; inay xagga
maskaxda caajis ka yihiin oo ayn shiili karin maskaxdooda, dood asal ahna keeni
karinin oo ay si qoto dheer su'aalaha taagan jawaab ugu raadin karin, oo kaliya
ay iska soo qaataan doodihii lixdankii Afrika ka taagnaa! Doodahoodana ay yihiin
'hadaaq" narrative, dhagaha wax badan ay maqleen oo afrika oo dhan ka jira!
Fikirka kooxdaan wuxuu astaan u yahay siyaasiyiinta ku dhaggan "Dawlad dhexe oo
adag" oo ku dooda; Dawlad wadanka durba hurumar gaarsiisa, maslaxada ummaddana
ka shaqeysa, dad taya leh ey hogaamiyaan oo wadiniyiin ah, tubta toosanna u
horseedda "Ummaddan Indhaha xiran"!
Halkaas waxaan kaga hareynaa, doodda kooxaha Taariikh-Dhaqameedka, oo midda hore
aasaas u noqotay "Goboleysiga" tan danbana aasaas u noqotau "Dawlad dhexe oo
adag"
2) Doodda hey’adaha: Oo iyana u kala kaca labo waxaan ka soo qaadaneynaa;
A) "Hey'ado qalaad" "Imperial institutions", waa farac ka mid ah doodda
Hey’adaha. Waxeyna leeyihiin; Hey’adihii qaranka, baa ahaa kuwo ajnabi oo eynaan
aqoon. Dawlad bayba leeyihiin, waa wax nagu cusub. Iney marka dunto dawlad ku
dhisan hey’ado ayn dadku aqoon wax la baciidsado maahan! Hey’dahii laga dhaxlay
gumaysiga, oo awal dadka lagu caburin jiray, oo lala diriray si looga xoroobo
gumaysi, maahan in la fisho in inta sidooda loo qaato ay hurumar bulshada
gaarsiiyaan bey leeyihiin. Hey'adihii dawliga ee aan dhexalnay, oo mar ahaa
astaanta gumeysigii Soomaali la dirirtay, oo ayn dadki wali wada ogolaan baa
haddana xukuumadihii ka danbeeyay u isticmaaleen inay shacabkii ku sii
caburiyaan. Wasaaraddii arimaha gudaha ee Talyanigu iyo Ingriisku u isticmaali
jireen caburinta dadka, baa intay Soomali la wareegtay u isticmaashay in
qabiilooyin lagu caburiyo! Dumintooda taas bay sal uga dhigayaan kooxdan.
Sidii kooxihii hore, buu kooxdan xalkoodu ka soo dhil-dhilanayaa macnaha ay
siiyeen fashilkii ku yimi dawladddii qaranka. Waxayna qabaan si loo bad baado
mustaqbalka in la isku daro heyadaha casriga ee uu gumaysigii nooga tagay iyo
kuwii qadiimka ahaa ee qabiilka ku salaysnaa sida; Isimada, Culumaa'udiinka iwm:
Maadaama hey’adaha Soomalidu aragatay ay ahaayeen; heyado ay aqoon jireen
daacadna u ahaayeen, sida tan Isimada iyo hey’ado casri ah oo uu gumeysigii na
baray, aanse daacad loo aheyn kase faa'iido badan kuwii qadiimka.
Kooxdan waxay marka hore isweydiisay, "Maxaa Soomalidu ugu arki weyday heyadihii
dawliga ahaa iney iyagu leeyhiin? Wasaaradda caafimaadka maxay Soomalidu ugu
arki weyday iney wasaaradoodii tahay?! Maxay Jaamacadda ama dusgi meeshuu ka
dhisnaa dadku ugu arki waayeen iney iyagu leeyhiin!
Maadaama ay Soomaalidu aad u difaacdo, wax alla wixii hey’adda qabiilka loo
tiriyo, sida Isimada, Waxay kooxdan leeyihiin, hey’adihii burburay ee qaranka,
lama dumiyeen haddii ay marka horeba aqbalaad ka heysan lahaayeen heyadihii
dadku dhaqan ahaan yaqiinay!
Waxay soo jeedinayaan in heyadaha casriga, sida baarlamaanka iyo kuwa qadiimka,
sida Isimada la isku barxo, si ay dadku u ogolaadaan. awoodda la siiyo waayadan
Isimada, doodan baa sal u ah!
Fikirka kooxaha (1B) iyo (2A) waxaa lagu duraa inuu isku mid yahay, waloow
midina doodda dhaqanka ay hoos imaneyso midina doodda heyadaha, oo kaliya hal
shilin bey midna waxay sharraxaad ka bixisay barbarkiisii ahaa "Xarashka" midina
barbarkiisii ahaa "Madaxa".
Labaduba waxay aad uga soo horjeedaan codka "qofkastaa halkiis" (One man one
Vote), oo kooxda (1B) waxay arkaan inay kooxaha ka soo jeeda qabiilooyinka
waaweyn dantooda ka arki karaan midnimo qabiilooyinka waaweyn. Tusaale waxay
arkaan inay dhici karto xubna qabiili ah oo isku urursaday qabiil; Koox Daarood
ah, iyo Koox Hawiye ah, iyo koox Dir ah, iyo koox Digil iyo Mirifle ah iney
codka badan mideyn karaan, oo uu aasaasku noqdo kooxo ka turjumaya codadka
qabaa’ilka ee ayn noqon tayada qofka. Sidaasoo kale kooxda (2A) waxay qabaan
Isimku inaan lagu saleyn tirada qabaa'ilka.
Fikir ahaan kooxdaan cilad weyn baa heysata, oo ma asturna mana cusba.
B)"Kalaguur hagaasay". Waa faracii kale ee doodda hey’adaha. Kooxdan waxay
qabaan heyadihii casriga inay hagaaseen. Waxayna ku doodayaan xilligii kala
guurka ay soomalida hey’adahooda iyo kooxaha hormuudka u ah bulshada ay kaga soo
guurayeen wakhtigii gumaysiga ka hor ee qabiiliga iyo wakhtiga haddeer ee
casriga inuu hagaasay. Hey'adihii iyo kooxihii la isugu bahaysanayay wax ka
duwan qabiil, baan yeelan dhumuc iyo adeyg ay kaga badbaadaan hay’adihii
qadiimkka ama ay iyagu isku bahaystaan si ay u dumiyaan nidaamkii ay diideen ama
himila kale u gaaraan.
Kooxdan, waxay u aragtaa fikirka kooxda (1B, ee oranaya qofka Soomaliga waa qof
liita oo u baahan in dantiisa loo garto) aflagaado loo geysanayo qofka Soomaliga
oo ay leeyihiin Soomaligu waa shakhsi nadiif ah oo aad u qeyma badan ogolna
maamul kastoo ay u arkaan inuu hurumar keenayo. Waxay tusaale u soo qaataan,
waagii leegada iyo bilawgii Kacaanka. Waxay kaloo ugu yeeraan kooxda (2A, ee leh
ha la isku barxo heyadaha casriga sida barlamaanka iyo Heyadaha qadiimka sida
Isimada) ku talax tag lagu talax tagayo magaalo ku noolka oo laga sara marinayo
dhaqan miyi joog, laguna hagaasinayo hey’ado dhex-dhexaad ah oo ay bulshadu wada
wadaagi karto.
Dhibka waxay u tirinayaan hey'adihii dawliga iyo kooxihii bulshada hogaaminayay
inay ku xujoobeen Soomaliya, oo aan la garan dantoodii, loona cabiidiyay
hay'adda qabiilka, suurtoobina wayday in la isku baheysto hey’adihii casriga
sida hey’adihii ardayda, shaqaalaha, kaluumasatada, ganacsatada, Askarta,
masaajidada iwm, oo ay noqon waayeen wax ay bulshado isku baheysato. Meesha SSDF
ay majeerteen ka noqotay, SNM Isaq ay ka noqotay, USC ay Hawiye ka noqotay, RRA
ay digil-Mirifle ka noqotay.
Qabiilka naftigiisa bey u arkaan hey’ad ey soomalidu u dhistay mar iney
danahooda ku ilaaliyaan, laakiin wakhtigii laga kobci lahaa la soo dhaafay mar
hore, oo ay ahyed in loo gudbo heyado danaha guud kulmiya oo ka kobocsan
qabiilka. Hey’adaha casriga ee Soomalida bey ku eedeynayaan iney dabooli
la'yihiin baahida soomaliga u geyneysa inuu qabiil ku tiirsanaado.
Qabiilka la caayo, ama la weeraro dan uma arkaan, oo kaliya waxay leeyihiin
hey’adihii qabiilka badali lahaa baa u baahan in loo guntado sidii loo kobcin
lahaa! Weyna ka soo horjeedaan in qabiilka la caayo ama la isku dayo in la tir
tiro, inta laga helayo hey’ado badala oo dadku isku kaashan karo!
Soomaalidii labay u qeybiyaan kooxdan; Soomaali dareensan baahida hey’ado ka mug
weyn qabiilka oo ka turjuma danaha guud ee kooxaha bulshada iyo Soomali aan wali
ogeyn jirtaanka hey’ad ka sareyn karta qabiilka. Fashilka Soomalida waxay u
tiriyaan kooxaha garanaya, kana soo shaqeeyay, kuna caana maalay hey’ado ka
kobocsan hey’adaha qabiilka. Dadka doodan aaminsan waxaa ka mid ah, Maxamed
Dahir Afrax.
Xal waxay u arkaan in la helo wacyi aqoonsanaya muhimadda hey'adaha madaxbanaan,
kuwa dawliga iyo kooxaha bulshada. wacyiganna waxaa laga rabaa bay leeyihiin
kooxaha bulshada hurmnuudka u ah, oo ay maslaxadoodu ku jirto ilaalinta
hey’adaha dawliga.
Kooxaha (2b) iyo (1A), waxay aad ugu kala fogyihiin bilawga dhilin dhilintooda
iyo sababayntooda. Waxayse wadaagaan gunaanadka! Oo ah in la helo wacyi u bisil
baahida iyo waayo la wadaago oo ay ka turjumaan hey’ado qarankoo dhan iska dhex
arki karo! Kooxdan fasirkooda uguma tala galin iyaguna iney aasaas u noqoto,
dadka raba goboleysiga, waase laga deynsaday aragtidooda waxaana loo isticmaalaa
doodda Goboleysiga; Hey’adaha in hoos laga soo bilaabo si ey bulshada u aaminaan
hey’adaha aan aheyn qabiiliga, aasaaska hey'adahana bulshada wax laga siiyo iney
iyagu marka hore aasaasaan!
Doodaha (1A) iyo (2B) waxaa qaatay, dadka xalka u arka goboleysiga. Doodaha (1B)
iyo (2A) iyana waxaa qaatay kooxaha maamul dhexe ku dhagan.
Waxaa lagu duraa fikirka kooxdan (2B) iyo Kooxda (1A), ineyn heyn si loo dhaqan
galin karo ama ey adagtahay in fikirkooda la dhaqan galiyo, oo ayn ka duwaneyn
"Riyo" ama "Utopian". Kaliya waa wax ku qurxoon qoraalka iyo mabaadii ahaan!
Masa hayaan see loo dhaqan galinayaa! Haddii uusan fikirka goboleysiga ee qaatay
doodahooda eyn soo bixi laheynna, micna dhaafsiisan aragti, ma yeesheen.
Sidaan kor ku soo sheegnay kooxda 1A iyo 2B fikirkooda wuxuu aasaas u yahay
fikirka federalismka ee Soomaliya, maadaama ay labaduba durayaan sidii
hey’adihii qaranka loo isticmaalay (1A) ama loo isticmaali waayay (2B). Midi
(1A) waxay leedahay hey’adihii qaranka baa waayo iyo wacyi koox gaar ah loo
isticmaalay oo xaq bey aheyd iney dawladdii dunto. Midina (2B) Hey’adihii
dawliga wey hagaaseen, waana suurtoobi weyday iney Soomaalidu isku baheysato
hey’adhii qaranka, oo lama arag jabhad oraneysa; Jabhaddii intii ka qalin
jabisay Dugsiga Lafoole, ama Jabhaddii kaluumeysiga, ama Jabhaddii Ganacsatada,
ama mid oraneysa Jabhadii Xamaaliyiinta, ama Jabhaddii Makhaayadleyda!
3) Doodda Diinta: oo aan la kala qaadin, waloow kooxaha diinta ay iyaguba dhowr
yihiin hadana fikir ahaan waa isku mid.
A) Fikir Diineedka: Sida la dareemi karo, kooxdan waxey hoos yimaadaan doodda
Diiniga. Waana kaligood. Kooxdan Waxay leeyihiin, waxa Soomaliya ku dhacaya waa
ciqaab alle, markii ay Soomalidu ka tageen diintii Islaamka. Waxa Soomaaliya ku
dhacay wax kale maahan bey leeyihiin ee waa ammuur rabbaani ah, dadka diintooda
ka tagana sida Soomalida Ilaahay wuu ciqaabaa.
Waxay kooxdan ku doodayaan, gumeysiga ka hor aqoon xumo diimeed waa jirtay,
laakiin diin xumo ineyn jirin. Gumeysigii iyo dawladihii ka danbeeyay labaduba
waxaa sharci u ahaa mid ay iyagu qorteen, waxayna ka tageen kii samaawiga ahaa.
Sharciga ciqaabta iyo madaniga ee dawladihii Soomaaliya labaduba waxay ahaayeen
sharciyada loo yaqaan "Napeleonic, oo ka soo jeeda hogaamiyihii Faransiiska ee
qarnigii 18naad iyo common laws, oo isna ka soo jeeda xeerarka Ingriiska". Kuwii
dastuurkana waxaa laga soo min guuriyay ama laga soo deensaday kuwa reer
Galbeedka iyo kuwa shuuciyiinta! Marka maxaa loola yaabayaa bey leeyihiin dad
wax qalaad ku dhaqma la yiri iney fashilmaan!
Xeerarka Galbeedka, maadaama uu ka turjumayay dhaqamadii qarniyaal isbiirsaday
ee bulshada reer Galbeedka, see loo filayay bulsho ka dhaqan duwan iney sidooda
oo kale ugu dhaqmaan! Maxaa dad Islaam ah, oo dhaqan iyo xeerar kale lahaa
qarniyaal, ku khasbay iney sharcigii ilaahay ku dhaqma yiri tuuraan, bey
isweydiinayaan!
Maadaama Sharcigii ilaahay ugu tala galay addoomadiisa inuu kala hago la tuuray,
oo ay qaateen mid aadane dhoo-dhoobay, filan waa maahan bey leeyihiin kooxdan
iney bur-burto dawlad ku saleysan sharci xaaraan ah. Hal xaaran ah nirig xalaal
ah ma dhasho bey leeyihiin Culumada Islaamka Soomalida.
Dawladihii Soomalida laba arin bay u burbureen bey qabaan culimda diinta ee
Soomaalida; waa mide waxay ku dhaqmayeen sharci xaaraan ah oo uusan ilaah raalli
ka aheyn, waa midda kalee xaarinimada sharciga waxaaba sii weheliyay iyadoon
ummadda Soomalida eynan aqoon kana warheyn waxa dawladihii hagayay oo ay ka
dhigteen sharci!
Aduunku meel dawlad aan sharcigeeda dadweynuhu aqoon ay ka hirgashay ma jiro bay
qabaan. Taas waxay keentay iney duraan sharcinimada jiritaankii dawladihii
Soomaliya soo maray, maadaama shuruucdii dawladda aynan dadweynuhu kaba warheyn,
dawlad maba jirin bey ku doodayaan.
Burburkii dawladdii Soomaliya waxay u arkaan wax mar kasta dhici lahaa, maadaama
dadkii loo keenay xeerar iyo shuruuc dhanna xaaraan ka ah, dhanna wax qalaadba
ah!
Waxay xal u arkaan in loo soo noqdo shuruucdii iyo xeerarkii ay ummaddu fac ka
fac taqaanay ee Islaamiga! Waxay u arkaan wax kastoo ka duwan shuruucda diiniga
ee Islaamiga iney iskood u fashilmayaan, wakhti iyo awood xittaa dadkoo dhan
wacyigooda looga badalo oo ay u hogaansamaan wax eyn aqoon inaan la heyn!
Waxay ku doodayaan in Soomali marna ku carartay fikir reer Galbeedku u bixiyeen
"Demoqraadiyad" oo macnahiisu yahay kii lacag leh iyo kii bari taar heli kara
inta kale ha ku tunto. Marna ku carartay shuuciyad fusqiga xaalaaleysay.
Fikirka Culumaa’u diinka Soomalida isna maahan asal, oo dunida Islaamka oo dhan
bay doodan ka taagan tahay. Waxaa hurmuud u ah fikirkan kooxaha "Wadaada".
Kooxdan waxay rabaan in diintu noqota aasaaska dawladda Soomalida. Wixii aan
aasaaskiisu diinta aheynna waxay u arkaan wax
fashilmi doona
Farax Dhibic
fdhibic@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004