Qoraalkan wuxuu falcelis u yahay Warqad Furan oo ku taariikhaysanayd 9-ka
Maarso, 2004 oo lagu daabacay bogagga internetka Soomaalidq ee Somalitalk iyo
Goobjoog oo uu mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo mar noqday ra'isul
wasaarihii dalka Soomaaliya (1964 -1967) uu ku soo tebiyay fikirkiisa ku
aadan waxa xal u noqon kara hirdanka xagga awoodda iyo xukun ku dirirka ee
dalka Soomaaliya ee ay horseedayaasha ka yihiin beelaha Hawiye iyo Daarood ee
muddadii ka danbaysay curashadii qaran Soomaaliyeed oo madax bannaan oo sida
talantaaliga iyo kaltanka ahna u wada ahaa hormuudka sed bursiga xagga talada
iyo xukunka dalka oo wada alamsaday awoodihii wax ku oolka ahaa ee dalka ugu
sarreeyay ayagoo cantuugadana kaga bogtay. Malaha waxay ku sifoobeen oraahdii
Soomaalida ee oranaysay " Digaag qurun wuu wada cunaa balse aftirashaduu isku
dhaama"!. Haddaba si loo bixiyo jawaab waafi ah oo ku haboon qodobbada iyo
firkradaha uu Cabdirisaaq ku nuuxnuuxsaday ayaa qoraalkan jawaabta ah wuxuu si
kooban uu diiradda u saari doona bidhaaminta dulduleelada iyo turxaanta ku
jirta qoraalka Cabdirisaaq, wuxuuna ilays ku iftiimin doona cilladaha iyo
naquska ay xanbaarsanyihiin fikradaha uu mudane Cabdirisaaq ku soo bandhigay
qoraalkiisa.
Mudane Cabdirisaaq wuxuu qoraalkiisa ku billaabay su'aasha ah: ..." ma rabtaa
in nabad, xasillooni iyo midnimo lagu soo dabbaalo waddankaaga hooyo,
Soomaaliya?". Dabcan jawaabta uu qof kasta oo Soomaali ah uu ka bixin karo
su'aashan waa haaa, marka laga reebo qawlaysatada (buracadda iyo mooryaanta)
wax ma garatada ah iyo kuwa tirada yar ee ku tanaaday, kuna hodmay dagaalladii
sokeeye iyo burburkii dalka gaaray oo uu ka baaba'ay damiirkii
beni'aadannimo, muslinnimo iyo kii Soomaalinimo mooyaane oo ay dan gaar ah ugu
jirto fawdada iyo nolosha u dhiganta nolosha dugaagta iyo duur joogta ee ay
Soomaalidu maanta ku nooshahay. Sidoo kale markuu sifaynayay qaabka iyo
hilinka (wadada, dhabbaha) ugu haboon ee loo mari karo gaaridda arrimaha kor
ku xusan wuxuu carabka ku dhuftay arrimo ay ka mid yhiin "madax daacad ah,
karti iyo aqoon dhab ah leh, kasbi karta kalsoonida aqlibiyada dadweyneha".
Sifaadkan iyo tilmaamahan waa sifaad aan muran iyo dood ka taagnayn oo
dhammaan Soomaalida qaybaheeda kala duwan ay isku waafaqsanyihiin balse sida
uu xusay ay adagtahay in la qeexo qofka madaxda ah ee buuxin kara sifaadkan.
Maadama ujeeddada qoraalkan jawaabta ah ay tahay abbaaridda gun dhowida iyo
qoto dheeraan la'aanta fikradaha uu soo jeediyay Cabdirasaaq Xaaji Xuseen
marka la eego sida ay oogada sare oo keliyah ay uga salaaxaan dhibaatada
gaamurtay ee la xiriirta isu dheelitir la'aanta xagga xukunka iyo awoodda
dalka Soomaaliya ee muddada badan halka dhinac u janjeerayay waxay sadarrada
xiga bidhaamin doonaan cilladaha ay xanbaarsanyihiin fikradaha Cabdirisaaq
Xaaji Xuseen.
Wuxuu yiri: "Inkastoo aan garan karo jawiga waqtigaas jiray, weli waxaan
rumeysnahay in qalad weyn iyo aragti gaaban ayey ahayd markii shirkii Carta
(Arta), ee Djibouti, lagu sharciyeeyey in talada ama maamulka qaranka saldhig
looga dhigo fiiro qabyaaladeed (4.5)...dadkii shirkaas ka qayb galay waxay, si
aan toos ahayn (indirect), muujiyeen in sababta dagaalladasi ku dhaceen ay
jid/gar ahayd, ee sidaas darteed qabyaaladdu, hadda ka dib, noqotaa mitirka
talo qaybsiga qarameed lagu jaangooyo. Si dhug leh ma loogu dhabba galay sida
nidaam qabyaaladeed iyo mid qarameed ay u heshiin karaan?"
Ra'yiga iyo fikradda kor ku xusan ee uu qabo Cabdirisaaq waa danankii
durbaantii Soomaalida loo tumayay muddadii ka danbaysay madax bannaanidii
Soomaaliya. Waa isla fikradihii goboobay ee iska indha saabayay qaab
dhismeedka iyo sifaadka mujtamaca Soomaalida. Waa isla fikradihii isku
khaldayay is ururaysiga beni'aadamka (human association) oo ah baahi uu beni
aadamku kala mid yahay naflayda koox kooxda iyo wadar ahaanta u wada nool.
Wacdaraha bayolojiga (biology-cilmiga noolayaasha) waa mid wax lagu qaato. Bal
eega oo u fiirsada sida shimbirba uu shimbirka ay isku jaadka yihiin uu ula
duulo!. Qaran iyo qaabiil way is qaadi karaaan, waxayna isu qaadi karaan sida
uu mudane Cabdirisaaq iyo Soomaalida kale ee u soo hayaamay wadamada Kanada ,
Australia. Maraykanka iyo Yurub ayan Soomaalinimadoodii sinna u wiiqin ama u
baabi'n oo ayagoo hiddahoodii, dhaqankoodii, diintoodii, afafkoodii ay xor u
ah haddana daacad u ah xeerka iyo nidaamka u yaalla wadamada ay ku noolyhiin.
Bal qiyaas haddii wadamada ay Soomaalidu ku noolyihiin ay soo rogaan
tallaabooyin is dhexgal iyo isku milmid dirqi ah? Ma tahay cadaalad? Jawaabtu
waa maya.Sow gef iyo khalad ma aha in halis loo arko Soomaalinimada ay ku
dheggenyihiin Soomaalida dibadaha u soo haajiray? Muwaadinka Soomaaliga ah
asagoo abtirsi, tol, qabiil, qowmiyad iyo gobolaysi ku dheggan ayuu haddana
qaranku daacad u ahaan karaa. Bil xaqiiqaha qabyaaladdu waxaa loo adeegsan
karaa qaab faa'iido iyo manfac horseedi kara. Tusaale ahaan waxaa jira
nadariyad la yiraahdo "Social Capital"-ra'sumaal bulshadeed. Ra'sumaal
bulshadeed waa shabakadda iyo isku xirnaanta bulshada dhexdeeda oo ay ka mid
tahay is tolaysiga iyo wixii la mid ah oo culimada cilmiga bulshadu ay
xaqiijiyiin in ay wax wayn ka tarto la dagaallanka denbiyada magaalooyinka
baaxadda wayn ee dadka ku nooli aanu ka dhaxaynin wax is xigsasho ah. Gunta
dhibaatada Soomaaliya waa awood bursiga iyo si xun u adeegsiga qabiilka
xaqdarrada ah ee ay beelo gooni ah fara maroorsadeen awood shacab malaayiin ah
ka wada dhaxaysa tasoo loo aanayn karo qaran dunka ku habsaday Soomaaliya.
Waa khiyaali iyo hawaawi iyo is inkiraad u dhiganta qof muraayad isku eegay oo
diidan muqaalkiisa iyo bidhaantiisa. Ma waxaa jira beni'aadam qaab
dhismeedkiisa iyo sifaadka bulshadiisa ay isku mid yihiin? Xisbiyada iyo
ururrada siyaasadeed ee maanta ka jira caalamka ugu horumarsan sida Germany
iyo Japan ee awoodda iyo xukunka dalka u baratama (u tartama, u loolama) oo
markay doorashadu dhamaato xukunka ku qaybsada qaab wadaag iyo isbahaysi
ururro ah ee jagooyinka dawladda lagu beego xisbi kasta miisaanka codka uu
doorashada ka helay maxaa sal u ah?. Waxaa sal u ah wax loo yaqaanno
"Cleavage". Waa erey micno badan leh balse cilmiga siyaasaddu uu ka soo
amaahday cilmiga daraasaadka dhadhaabta iyo oogada dhulka (Geology). Waxaa loo
adeegsadaa sifaynta dildilaaca iyo tararka dhex gala dhadhaabta iyo
dhagxaanta oo lagu tusaaleeyay misaalna looga dhigay oo lagu shabahay kala
qaybsanaanta iyo kala dhantaalka ku jira danaha iyo masaaliixda beni'aadamka
oo aan marnaba isku mid noqon karin. Waxaa la is waydiiyay maxay dhadhaabtan
ama dhagxaanta isku midka ah ay u yeeshaan dildilaacyo iyo qarqooryo marba
dhinac isu raac raaca oo la moodo in ay is muhanayaan. Malaha waa sidii
oraahdii "Webiyo isu ooman". Waxaa la isla gartay in waxa u keena dhadhaabta
iyo dhagxaanta in ay marba dhinac isula dildilaacaan uu beni'aadamkuna sidaa
ookale uu yahay oo dano kala jaad ah uu isku raaco. Haddii webiyadu isu oomeen
maxaa u diiday beni'aadamku?. Xisbi kasta oo adduunka ka jira wuxuu leeyahay
sal (cleavage ah) oo noqon kara sal diineed, dabaqad, isir (reer, qabiil,
qowmiyad), aydiyoolajiyad, deegaan juqraafi ah (sida Maraykanka). Ma is
waydiisay sababta xisbiga dimuqraadiga ah ee wadanka Maraykanka uu taageerada
xagga doorashada ee ugu badan uu uga helo wilaayadha koonfurta dalka
Maraykanka ku yaaalla?. Qofka codeeynaya marka uu galo goob cod bixineed
murashaxa uu dooranayo muxuu ku dortaa?. Wuxuu ku dooranayaa sababaha kor ku
xusan mid ka mid ah ama kuwo kale oo asaga (iyada) u gaar ah. Waa beeralay oo
xisbiga murashaxa ayaa u ballanqaaday in haddii uu xukunka la wareego uu meel
marin doono sharciyo faraya kabid iyo baritaar loo fidiyo beeralayda. Ama waa
ganacsade, waa xoogsade, waa qof madow ah, waa qof cadaan ah, waa qof u
dhashay dadka laga tirada badanyahay, waa qof diin gooni ah leh, waa qof xagga
aydiyoolajiyada ay bahwadaag yihiin ama dano kaloo gaar ah ayaa ugu jira.
Qofka codeeyaha ah qaabka uu codkiisa u dhiibto kama dhigayso mid halis uu ku
geliyo qarannimada dalka. Masalan codeeye weligiisa u codayn jiray xisbiga
dimuqraadiga ah ee wadanka Maraykanka sinna looguma tilmaami karo muwaadin aan
wadani ahayn oo koox gaar ah oo bulshada ka tirsan u heelan. Ileen dastuur iyo
nidaam si takoor la'aan ah xuquuqda muwaadin kasta u damaanad qaadaya ayaa
jira oo abuuray xuquuq lama taabtaan ah oo ood dastuuri ah lagu hareereeyay oo
xisbi kasta oo dalka qabta ka mamnuucaya inuu ka soo tallabo ayaa jira.
Haddaba waxaa is waydiin mudan maxaaa Soomaalida ku dhejiyay qabiilka oo ay u
xajisanayaan oo aysan u daynayn?. Jawaabtu waa mid iska cad. Bulshada
Soomaalida weli ma helin wax badiil ah oo ay ku doorsadaan qabiilka marka laga
hadlayo is abaabul siyaasadeed. Qarankii u horseedi lahaa marxalad qaab qabil
aan lagu cabirin danaha siyaasadeed oo masalan ay aydiyoolajiyaddu sarrayso
oo aqoontii iyo horumarkii bulshada Soomaalida heerkaas gaarsiin lahaa u
guntan lahaa ayaaba noqoday dab dhaxmooday iyo dawo buukooytay oo awood qaybsi
qabiil oo dhinac u xagliya loogu wanqalay. Midda kale waxaa la is waydiin
karaa ma dhab baa mise waa dhalanteed halista la huwiyay qabiilka? Xaqiiqda
dhabta ah waa: Halista qabilka kama wayna halista ka imaan karta kala
qaybsanaanta kale ee beni'aadamka ku dhex jirta sida kala duwanaanta xagga
isirka, diinta, dabaqadda iyo fikirka xagga aydiyoolajiyada. Dagaalkii sokeeye
ee wadanka Spain(1936-139) ma qabiil buu ku salaysnaa?. Jawaabtu waa maya.
Waxaa dagaalkaas ka qayb qaatay kumanaan ka kala yimid dunida daafaheeda oo
ay ku jireen tiro badan oo ka tirsanaa dhallinyaradii Briten ee raacsanaa
siyaasadaha bidixda sida hantiwadaagga oo naftooda u huray sidii ay guushu ku
raaci lahayd kuwa ay aydiyoolajiyadda bahwadaagta ku yihiin. Halista
aydiyoolajiyada ayaa 10 jibaar ka wayn halista qabyaaladda. Soomaalidu haddii
uu qabiil Ilaahay quluubtooda maanta ka wada masaxana waxay berri ka maalin ku
diriri karaan aydiyoolajiyad, dabaqad iyo wixii la mid ah. Waa sal laawe
fikradda ah in qabyaalad aan sed bursi iyo is takoor qaawan ku dhisnayn ay
Soomaaliya halisa u tahay. Qofka muwaadinka Soomaaliga ah wuxuu ahaan karaa
Digil iyo Mirifle oo afkiisa ku hadla, dhulka uu degganyhay maamula isla
markaana ah wadani ay Soomaalinimadu ku dheertahay. Soomaaliya waxa u
horseeday masiibada ay maanta ku jirto waa qabiil si xaqdarro ah loo
adeegsaday ee ma aha qabiil cadkii uu xaqa u lahaa oo keliyah goostay. Waxaa
is waydiin mudan maxaa u horseeday shucuubta hore u maray in ay nabad ku wada
noolaadan? Waxaa u horseeday, waxay garwaaqsadeen in ay kala duwaanaan karaan
ayagoo hal dawlad qaran wadaaga. Waa bulsho uu xukumo sharci. Waa bulsho is
qaddarisa oo aan is dafirin, oo oggol is ururaysiga beni'aadamka.Waa bulsho
dimuqraaddi ah oo aaminsan in qof kasta oo mas'uul ah lala xisaabtamo oo uusan
qaban xil aan loo dooran.
Haddii uu Cabdirisaaq uu is leeyhay qaaciddada 4.5 (afarta beelood iyo barka)
ee markii ugu horraysay ay Soomaalidu adeegsatay shirkii Carta ee Jabuuti
waxay ahayd "qalad weyn iyo aragti gaaban" oo duruufaha markaas jiray unbaa
qiil looga dhigay muxuu u soo bandhigi waayay qaab kale oo beddela
qaaciddadan. Sow ayaan darro ma aha in dhiig daatay iyo silic farabadan ka dib
uu ka tusaala qaadan waayo waxa uu Soomaali baday awood qaybsi dhinac u
janjeera!. Qaaciddada awood qaybsiga qabyaaladda iyo isirka ku dhisan ma ah
wax adduunka ku cusub oo waxaa jira wadamo uu ka mid yahay wadanka Fiji oo
adeegsada qaaciddada loo yaqaanno (liis beeleedka-Communal Roll) oo qaab
qoondo cayiman ah lagu beegay tirada beel kasta oo ay beelaha mid waliba
baarlamaanka qaran u soo xulato ergada matalaysa. Nidaamka qaaciddada 4.5
wuxuu ahaa nidaam aad uga dib dhacay wakhtigiisii waxaana lagu doodi karaa in
haddii nidaamka qaaciddada 4.5 la qaadan lahaa 1960-kii Soomaaliya uusan
dagaal sokeeye ka dhici lahayn Soomaaliya oo aysan beelo gaar ahna isu arki
lahayn in ay yihiin dhibanayaal dulman yihiin.
Bal u fiirsada sadarrada kore iyo kuwa xiga sida ay isu burinyaan oo ay
caksiga isugu yihiin:
" Sida la wada ogsoon-yahay, waxaa jira (jirta) labo reer oo si gaar ah isu
fiirsanaya ama u ficil-tamaya: D (=Daaroot) iyo H(= Hawiye). Labadaan reer si
weyn ayey wax u kala tirsanayaan. Waa sheeko muddo dheer soo socotay, welina
socota. Dadweynaha kalena wax weyn ayuu ka tirsanayaa labadoodaba.Hoggaanga
xukunka oo labada reer (D iyo H) midkood ama labaduba qabtaan wuxuu noqon
karaa qoryo xansaso ah oo dab la saaray?. Intii ay xoogga saari lahaayeen
wacyi waddaninimo iyo horumar guud, waxay waqti iyo maalba ku lumen-doonaan
tartan, awood ku looltan(power struggle) iyo xoog-qabiil isugu faan, taasoo
deg-deg u horseedi karta colaad cusub iyo sii kala fogaansho horleh. Qiyaas
cad ayaa laga qaadan karaa sansaanka iyo "record"-ka dadka maanta walaalahay D
iyo H safka hore ugu jira loollanka hogaanka xukunka. Ummadu waa ka daashay
dagaal iyo xunguruf ku salaysan qabyaalad, oo koox yari danaheeda gaar ah ku
beer dulucsato. Dadweynahu taas waa ku liqanyooday, waxaanaan rajaynayaa inuu
ka soo jeedo. Wuxuu maanta doonayaa (maaha u baahan-yahay) nabad, xasillooni,
dib-u-heshisiin iyo dib-u-dhisid, si uu uga soo kabto bur-burkii iyo barakacii
uu ku soo jiray in ka badan 14 sano".
Sidaas darteed, daawadu maanta waxay ku jirtaa in labadaan reer ay ka
tanaasulaan saddexda jago ee u sarreeya jagooyinka qaranka: Madaxweyne,
Ra’iisul Baarlamaa iyo Ra’iisul Wusaare 5ta sano oo KMG ah. Saddexdaas jago
waa in loo doortaa madax ka soo jeedda dadweynaha kale ee aan ku abtirsan
labadaas reer (D iyo H).Dadweynahaas kale wuxuu tabanayaa, dhabna ah, xaq
darrooyin iyo tacaddi; wuxuuna sheeganayaa, oo badibana wax ka jiraan (si ay
ku noqotayba), in laga bursaday talada/ maamul qarameedka, ilaa qaarkood ku
dhawaaqay goosasho. Arrimahaasu garowsho iyo daawo ayey u baahanyin ama
mudanyihiin, waana ayaan darro haddii si weyn loo tixgelin waayo."
"Walaalahay D iyo H waa inay si fiican uga fiirsadaan taladaan. Kursi qof iyo
labo ku fariisato, waxaa ka faa’ido badan daryeelka danta guud. Waa ogahay in
qofkii rabaa oran karo dad gaar ah ayaa Cabdirisaaq ula jeedaa taladaan. Anigu
waxaan leeyahay, oo iga dhab ah, qof (qofaf) toona ulama jeedo. Waa arrin iigu
muuqatay in daawo ay u noqon karto xaaladda maanta lagu suganyahay. Waa talo
dabin looga boodayo, ee maaha mid loola jeedo "joogto".
"Waa shan taan sano oo lagu magacaabay "Ku Meel Gaar (KMG)". Xukunku maaha, oo
keliya, madaxweyne iyo ra’iisul wusaare, iwm. Walaalahay D iyo H saami weyne
ayey ka qaadan karaan maamulka dawladda, waxayna ka ciyaari karaan dowr weyn
dib-u-heshisiinta iyo dib-u-dhiska qarankooda, waana ku waajib. Sidaas bayna
magac, muunad (sharaf) iyo tixgelin weyn kaga kasbi karaan dadweynaha
Soomaaliyeed iyo adduunweynahaba. Maxaa ka sharaf iyo qiimo badan xaqaaga oo
aad uga tanasushay daryeelka danta (maslaxadda) guud ee Qaranka?"
Waa kaaf iyo kala dheeri ismana qaadi karaan in uu Cabdirisaaq uu ku doodo mar
in qaaciddada 4.5 ay ahayd "qalad weyn iyo aragti gaaban..oo ay "noqoto
mitirka talo qaybsiga" waa sida uu u dhigaye oo uu marna isla sadarrada xiga
uu ku soo bandhigo isla "mitir" qabyaaladeed. Waxaaba abuurmaya shaki ah: ma
isla qofkiiba qoray!
Mudane Cabdirisaaq wuxuu oo jeediyay fikrad cusub goor ay xeero iyo fandhaal
kala dhaceen. Nuxurka fikriddan uu uu is leeyhay waxay u horseedi kartaa
Soomaaliya xal waxay tahay: in shanta sannadood ee xilliga ku meelgaarka ah
saddexda jago ee dalka ugu sarraysa ee madaxweynaha, ra'isul wasaaraha, iyo
af-hayeenka baarlamaanka loogu yabooho oo deeq ahaan loo siiyo waxa uu ugu
yeeray "Dadweynaha kale" ee aan ahayn labada beelood ee Hawiye iyo Daarood.
Waa s'uaale yaa deeqda awoodda dalka bixiya? Ma beelo ayaa beelo kale ugu
deeqa? Taa waxaa loo fasiran karaan beelo gooni ah ayaa mudnaanta sare leh oo
Eebbe gallad u siiyay xukunka iyo talada dalka Soomaaliya
Fikraddan waa mid turxaan bixin u baahan oo uu ku jiro naaqus iyo cillad.
Mudane Cabdirisaaq wuxuu ku dhiirtay in uu carrabka ku dhufto Hawiye iyo
Darood dhawr jeer asagoo beelaha kale ee Somaalida ee uu leeyahay xukunka
shanta sanadood ah ha lagu wareejiyana uu magacooda ka warwargeegay oo uu ku
tlimaamay "dadweynaha kale"). Hadda waa su'aale inta kale ma "dadweynaa"?!.
Hawiye iyo Daarood waa beelo miyaa? Qaybaha kale ee Soomaalidana ma
"dadweynaa"?. Malaha xarfaha Digil iyo Mirifle carabkiisuba ma qabto!. Mar
wuxuu kuu doodayaa in awood qaybsiga qabiilka ku dhisan uu yahay awood qaybsi
khalad ah marna wuxuu soo xigtay mudane Aadan Cabdulle Cusmaan Dacar
(Madaxwaynihii ugu horreeyay ee Soomaaliya) oo sida uu sheegay laga hayo in uu
yiri "Dadku ha kala barto raggiisa (madaxdiisa)" oo loola jeedo sida uu u
dhigay in " xukunka..loo sinnaadaa, oo hadba qofof talada loo dhiibaa, si
dadweynahu u kala bartaan madaxdooda iyo si ay u caddaato in qof/qofof ama
reer/reero gaar ahi aysan si joogto ah u layn hoggaanka xukunka". Hadalladan
aan is qaadi karin waxay daliil iyo tusaale u yihiin heerka uu gaarsiisnaa
garaadka siyaasadeedka ee dadkii hoggaanka xukunka dalka Soomaaliya muddada
badan hayay oo munaafiqnimada ku sifoobay.
Digil iyo Mirifle ma aha masiixiyiinta tirada yar ee dalka Labnaan (Lebanon)
ee uu dastuurka Labnaan u qoondeeyay jagada maqaar saarka ah ee madaxwayne
aan awood fulin lahayn, mana doonayaan in loogu yabooho oo deeq ahaan loo
siiyo jago iyo mansab la hubo in ay maalintay noqotaba ku gaarayaan qaab
dimuqraaddi ah haddiiba berri ka maalin muwaadin kasta oo Soomaali ah gacanta
loo geliyo xaqa codaynta doorashada oo la hubo in tiradooda Soomaalida
badankooda ka dahsoon ay la fajici doonaan oo sida shiicada reer Ciraaq iyo
Oroomada Itoobiya ay Soomaalidu ku indha furan doonto miisaanka tiradooda!.
Digil iyo Mirifle waxay jireen ka hor intaysan Soomaalidu yeelan dawlad
Soomaaliyeed oo sidata magaca Soomaali. Cabdirisaaq Xaaji Xuseen waxaa afkiisa
laga hayaa mar uu ka qayb qaadanayay barnaamij dood ah oo ku saabsanaa
goosashada Soomaliland oo ka baxay BBC Somali 29/02/2004 in uu yiri Soomaalidu
maba aqoon magaca Soomaali wixii ka horreeyay dawladda qaran ee u curatay
sanadkii 1960. "Qofka Soomaaliga ah marka la waydiiyo yaa tahay? qabiikiisa
ayuu sheegi jiray". Hoggaankii Soomaaliya ka talinayay muddadii ka danbaysay
xorriyadda ee qabyaaladda xaqdarrada ah iyo sed bursiga ku dhisnaa waa kan
Soomaaliya maanta gaarsiyay heerkan liidnimada ah. Waa kan aqoonsan waayay
afka Maayga oo ka hor madax bannnaanidii Sooomaliya laga sii dayn jiray
idaacaddii Raadiyo Muqdisho. Sow ayaan darro ma ahayn in dawladihii
Soomaaliyeed ay afka Maayga cabburiyaan oo uu isticmaarkii Taliyaaniguna uu
Raadiyo Muqdisho ka sii daayo!?. Waxaa maanka ku soo dhacaya tusaale la yaab
leh. Qofkii so booqday ama deggan wadanka faca wayn ee Britain ee dhisay
imbaraatuuriyaddii (empire) ugu baaxadda waynayd ee adduunka oo afkiisa
(af-Ingiriis;) ku wada faafiyay adduunka oo maanta shucuubta caalamka afka
labaad u noqday waxaa ku yaalla gobol af kale looga hadlo. Gobokan waa gobolka
Wales. Waa gobol afkiisa (Welsh) uu Baarlamaanka Britain uu xeer gaar ah uu ku
aqoonsaday. Afkan wuxuu ku qoranyahay rukhsadaha baabuurta,(Driving Licence).
Waxaa lagu dhigaa dugsiyada iyo dhaammaan goobaha waxbarshad. Qof aan ku
hadlin shaqo kama heli karo dhulka miyiga ah ee ay ku noolyihiin dadka afkan
keliyah ku hadla. Waxaa jira BBC Wales oo telefishin iyo idaacado ah oo sii
daaya barnaamijyo afkan. Waxaa uu ku qoranyahay boorarka tilmaamaya soohdinta
uu gobolkan la wadaago gobollada kale ee wadanka Britain. Waa af deegaannada
looga hadlo kaga jira darajada koowaad oo leh mudnaan gaar oo laga sara mariyo
afka Ingiriiska meelaha looga hadlo. Bal isku qiyaasa Soomaaliya oo shalay
qaran noqotay oo is dhexgal qaran oo buuxa weli yeelan oo beel beel weli u
qaybsin in ay dafiraan jiritaanka afka Maaayga halka Britan oo aad uu faca
waynna ay sharci baarlamaan ku ansixiso jiritaanka iyo maqaamka afka Welsh oo
si barbaryaac ah ugu garab qoran afka Ingiriiska.?
Gebogabadii iyo gunnaanadkii, qoraalka Cabdirisaaq Xaaji Xuseen wuxuu
xanbaarsanyahay fikrado aad u gun dhow oo aan qoto dheerayn oo is burinaya oo
aan cidna caad ka saarnayn sida ay caksi isugu yihiin. "Mitir" awood qaybsi
qabiil ah buu ka soo horjeedaa wuxuuna kaas ku bedelay "mitir"kale oo ka
qiyaas daran kan uu diidanyhay. Wuxuu ku guuldarraystay in uu soo bandhigo
qaab cilmiysan oo looga guuri karo qaabka uu diidanyhay. Ummad jirta ayuu
magcooda dafirayaa oo uu "dadwayne" magac laawaayaal ah ugu yeerayaa. Wuxuu ku
dhiiranyaa in uu carabka ku dhufto Hawiye iyo Daarood wuxuuna ka warwareegayaa
in uu afka ku dhufto Digil iyo Mirifle. Wuxuu yiri fikradda uu soo jeediyay ee
ah in xukunka shanta sannadood ee ku meel gaarka ah "dadwaynaha kale" loogu
tanaasulo "...ma aha mid joogto ah...dabin baa looga boodayaa". Waa su'aale
dabinka uu maldahayo muxuu yahay?. Dabcan wuxuu ula jeedaa Digil iyo Mirifle
ayaa waxay hormuud u noqonayaan una nuglaanayaan in uu dal shisheeye sida
Itoobiya uu isticmaaloo, waxayna caqabad ku noqonayaan dib u soo noolaanshaha
qarankii Soomaalida ee buburay. Si kale haddii loo dhigo wuxuu ula jeeda Digil
iyo Mirifle gooni bay isu arkaan (wayba isu arakaan, waana xaq in ay isu
arkaan), wadaninimadooda ma qoto dheera oo Xabashida iyo wixii la halmaala
ayay u adeegayaan haddaan xukunka awoodda shanta sannadood ee ku meelgaarka ah
lagu sasabin waxay noqonayaan kuwo loogu daw galay qaran Soomaaliyeed. Sidaa
aawadeed sida uu qabo si looga boodo dabinkan waxaa uu xal ahaan u soo
jeediyay in loogu deeqo jagooyin. Xaashaa Iillaah. Isku soo wada duubo waxaa
hubanti ah in qaabka qaaciddada 4.5 ee afarta beelood iyo barka ama qaab
dimuqraaddi ah oo ay xisbiyo ku tartamaan xukunka dalka kay noqotaba aysan
qowmiyadda Digil iyo Mirifle midna ku hungoobayn. Waxaa gef ku ku ah garaadka
wax-garadka Digil iyo Mirifle in shan sannadood oo aan "joogto ahayn...oo
dabin looga boodayo" sida uu Cabdirisaaq hadalkiisa u dhigay loogu deeqo
qowmiyadda Digil iyo Mirifle. Deeqda xukunka iyo awoodda dalka miisaanka
tirada dadka u dhashay iyo qaab dimuqraaddi ah ayay Digil iyo Mirifle ku
gaarayaan ee ma aha wax beelo goonni ah laga baryayo. Dhamaa waagii uu nin
gabayaa ah uu ku tiraabay " Maandeeq hasheenii markii caanaheeda haruubka lagu
shubay duul yar baa dhamay". Dhamaa waagii xukunka iyo awoodda dalka uu
gacanta ugu jiray beelo miisaanka tiradooda aan si xaqiiqo ah loo hubin ay sed
bursi wax ku maamulayeen.Alloow yaa Soomaalida reer reer u tiriya oo nafar
kasta beesha uu ka dhashay diiwaan geliyaa!. Aqlabiyadda aamusan ayaa soo
daahiri lahayd!. Dhamaa waagii lacagta dawladda ka soo gasha canshuuraha laga
qaaday dhiil yar oo caano ah oo ay dhabarka ku siddo haweenay taag daran oo
magaalada Baydhabo caanaheeda u soo iib gaysay iyo suuska badarka ah ay madax
ku sheeg dhiig miirato ah ay ku bixin jireen sidii oorida (afada, xaaska) uu
hayo buseelka iyo jamashada loo aaneeyo uurka haweenka ay ugu soo carro
gedisato magaalada Paariis ee wadanka Faransiiska ayagoo markaas teleefon kula
xiriira safaaradda Soomaalida ee Parisa. (Sow wax dhakafaar laga qaado ma aha
in safaarad dawlad qaran hawlaha noocaas ah fuliso!?). Daarood iyo Hawiye
waxay mudoo dheer alamsanayeen laf iyo jiir, waxayna weligooda ahaayeen
waraabe lud lagu raray. (Lud waa hilib oo xukunka lagu maldahayo.). Hadda se
waxaa baryay waa cusub iyo jamhuuriyad cusub. Awoodda dalka qabiil ama
qowmiyad gooni ah gallad looma siiyo ee waxaa lagu kasbadaa miisaan beeleed
saami quman ama qaab dimuqraaddii ah oo waxaa garsoore garta gooya noqonaya
sanduuqa cod bixinta. Qowmiyad walbana wixii awood ah ee ay ka hesho cod
doorasho oo aan lagu shuban sidii ururkii xisbiga isu rogay ee SYL uu yeeli
jiray oo caddaalad iyo xaqsoor ku dhisan ayay xaq u yeelanaysa waxa ka badanna
heli mayso. Waa sidii ay Soomaalidu hore u tiri: " Weel walba muggiisuu
qaadaa!"
Tifaftirka Baidoa.com :
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo Soo Saaray Warqad Furan:
Ujeeddo: DOORASHO MADAX QARAMEED ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed..
Guji
Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004