SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

March 13, 2004  

War-1-12-Maarso,04,Nairobi.
Wasiirada A.Dibada IGAD:- 7 ilaa 10 Maalmood ayaa dib loodhigay ……..

Daabaco Boggan | Print
Tacadiyadii ugu Dambeyey ee ay Ururisey Hayadda Nabada ee Elman
» Soomaaliya:  intii u dhexayasey 10-kii maarso 2003, illaa 9 ka maarso 2004, waxaa la diley 1052 qof, waxa la kufsaday 61 dumar Soomaaliyeed, waxaa la afduubay 186 qof...
» Gud. Gudiga degmada kuntuwaarey oo qiray in deegaanka lagu beero daroogada...
warbixinta oo dhan akhri

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Kulkankii 4-aad ee Wasiirada A.Dibada ee IGAD ayaa shalay ka dhacey Grend Regency ee Magalada Nairobi. Kulankan oo looga hadlayey habsami u socodka shirka iyo awood qaybsiga wajiga 3-aad ee shirka nabada Soomaalida oo haatan ka socda dalka Kenya.

Kulankan ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay wasiirka arrimha dibada dalka Kenya ahna Guddoomiyaha hawl fududeynta IGAD ee heer wasiir Hon.Kolonzo Misayoka waxana uu sheegay in shirka uu marayo meel fiican loona baahan in halkiisa laga sii wado, waxaa kaloo uu shegay wasiirka in haddii uu shirka dheeraado ay caqabad ku noqoneyso dhaqaalaha shirka oo sii kordhaya.

Kulankaasi wasiirada arrimha dibada ee IGAD ayaa soo dhaweeyey kulankii wada tashiga ee Safari Park hotel ee 9-ilaa 29-Janaayo,04, waxay kaloo soo dhaweeyeen qodobadii heshiiska Hogaamiyayasha Soomaalida ee 29-Janaayo ,04 ka dhacay guriga Madaxtooyada ee dalka Kenya.

Wasiirada ayaa sheegay in shirka Nabada Soomaalida uu sameeyey Horumar la taaban karo.

Waxay kaloo tageereen warsaxaafadeedkii wasiirka arrimaha dibada dalka Kenya Hon.Kolonzo Misayoka ee 17-bishii Febraayo,04.

Wasiirada Arrimaha Dibada Ee IGAD ayaa ayiday Go'aankii Golaha Amaanka ee 25-bishii Febraayo,04 ee ku saabsanaa Ciidamo Nabada Ilaalin Afrikaan ah oo Somaliya la geynayo.

Wasiirada ayaa mar kale ka codsadey Hogamiyayaasha ku Maqan Soomaliya in ay dib ugu soo N0qdaan shirka madaama laguda galayo wajiga Seddexaad ee shirka Nabada Soomaalida .

Waxay kaloo sheegeen in shirka dib loo dhigay 7-ilaa 10 maalmood ,taasoo ah in laga soo qaado Odoyaasha Dhaqan soomaaliya iyo dhaqaalaha shirka oo laga sugayo beesha caalamaka gaar ahaan Midawga Yurub.

Wasiirada ayaa taageeray wax ka bedelida Qodobka 30-aad ,farqadiisa 1-aad ee xulida xubnaha Baarlamaanka ee qoraaalka Buuga Axdiga iyo dastuurka shirka Soomaalida.

Wasiirada ayaa sheegay in shirka u gudbay wajiga 3-aad loona bahan yahay in loo diyaariyo qabiilada ama beelaha soomaalida goobiihii ay ku qaybsan lahaayeen kuraasta Baarlamaanka beel waliba inta ku soo aadey ee tirada 275-xildhibaan.

Wasiirada ayaa 22-maarso ku kulmi doona dalka jabuuti.

Ugu danbeyn waxay u mahad celiyeen dawlada Kenya iyo shababka Kenya oo martigaliyey shirka soomaalida ,waxay kaloo u mahad celiyeen beesha caalamka oo ka taageeray dhaqalaha ku baxaya shirka.

Kulankaasi ayaa waxaa ka soo qayb galey wasiirada kala ah :-
Wasiirka arrimaha dibada Dalka Kenya ahna Guddoomiyaha Hawl fududeynta IGAD Hon.Kolonzo Misayoka .
Wasiirada Arrimha dibada Dalka Uganda Ahna Gudoomiyaha la tashiga IGAD ee wasiirada Hon.Augustine Nshimye. 
Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Xiriirka Caalamka ee Jabuuti Hon.Cali Cabdi Faarax. 
Wakiilka Dawlada Itoobiya ahna u qaybsaha dawlada Itoobiya shirka Nabada soomaalida Hon.AbdiAziz Ahmed Adem.
Safiirka Dawlada Ereteria ee Kenya Amb.M.Ali Omaro.
Xoghayaha Guud ee IGAD DR.Attalaha Hamad Bashir.
Ururka MIdawga Afrika Amb.Mohamed Ali Forum.
Uruka Jaamicada Carabta Amb.Samir Alhosny.
Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobey Amb.Winiston Tubman.
Dhanka Beesha Caalamka waxaa Goobjoogayaal ka ahaa kulankaasi.
Wadamada IGAD, Dawladaha kala ah:-
Talyaaniga ,Boqortooyada Ingiriiska,Faransiiska ,Sweden,Masar Switzerland,Kanada ,Denmark.Norwey,Libya,Filand,Jermalka,Mareykanka ,Bankioga Adduunka ,Jaamicada Carabta iyo kuwa kale.


War-2-12-Maarso,04,Nairobi.
Abid Human Right oo soo badhigay ……………………………………….

Ururka Xiquuqalka Insaanka ee Abid Human Rights ee Hiraan ayaa Madasha shirka Soomaalida ku qabtey Xaflad Balaran oo lagu maamusayey sanad guuradii ka soo wareegatay dhismaha ururka oo ku beegneyd shaley 12-maarso -04.

Guddomiyaha Ururka Abid Human Rigths Mudane Maxamed Caraaye Cabdule oo ka warbixiyey waxqabad ururka mudadii uu dhisnaa ,isagoo halkaasi ku soo bandhiagay qoraalo iyo cadeymo ka hadlaya falal ku xadgudub xuquuqul Insaan ah oo ka dhacey gobolka Hiiran.
Waxa kaloo uu sheegay in ururka Abid Human Rigths ee Hiiran uu sameeyo wacyi galin iyo tababaro ku saabsan arrimha xuquuqul Insaanka .
Xafladaasi waxa kaloo ka Hadley aqoonyahano , haween, culumaaudin ,Odoyaal dhaqameed ,waxaana halkaasi lagu soo bandhigay suugaan isugu jirta gabayo iyo buraabur.
Ugu danbeyn xaflada sanad guurada Ururka Xuquuqal Insaanka Abide e Gobolka Hiiraan waxa uu mahad celin Balaaran u soo jeediyey Ururka Xiquuqul Insaanka ee DR.Ismaaciil Jumcale oo gahan weyn ka gaystey dhismha ururkan Abid Human Rights ee gobolka Hiiraan.
Dhamaad.
Abdikarim Aden Husein.
Nairobi,Kenya.
abdikarimhussein@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA...

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

MAXAY INA YEESHAY CARTA? [Xariir]

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD