Jahligu waa cudur halis ah hase`ahaate daawo leh daawadiisana waa cilmiga.
Jahliga qofka wuxuu geliyaa nolol mugdi ah,misaanka wax lagu qiyaasana wuu ka
dhumiyaa(jaahilku sheyga mudan in la qimeeyo ma qiimeeyo,waxaan qiimo lahayna
aad ayuu u qiimeyaa).Qofka jaahilka ah asagoo nolol barwaaqa ah ku jiro ayuu
hadana ka gajeeysanyahay, waxa u roon iyo waxa u daran ma kala garto.Qofka
jaahilka ah ma qimeeyo waqtiga kamana faa`ideysto, maalintii dhalataana tan
kale wax uguma duwana .Jaahilku asagaa isla gar leh mar walba lagamana gar
helo,muranka iyo doodana waa awooda keliya ee uu leeyahay.
Nasiib xumo ummada Soomaaliyeed cudurkaa xun ayaa dhinac walba noloshooda
ka saameeyey ha noqoto dhinac diin iyo mid xirfad(profession).Hadana ma nihin
ummad ku baraarugsan dhibaatada jahliga uu leeyahay.Soomaali hadaynu nahay
kama doodno mana tixgelino qiimaha aqoonta leedahay, misaan weyna uma
yeelno.Waxaa isweeydiin mudan hadaan Soomaali nahay ma leenahay 1000(kun)
qofood oo jamiciyiin ah oo taqasus fiican leh?.Aniga ahaantayda uma malaynayo
in aan leenahay 1000 (kun ) qafood oo soomaali ah oo leh takhasus jamacadeed
oo rasmi ah oo ummadooda wax u qaban karta.Takhasus rasmi ah waxaan ulla
jeedaa dad waxa ay soo barteen ku shaqeyn kara,ummadana wax u qaban kara.Ka
warama ummad dhan oo toban malyan ku dhow oo aan lahayn kun qafood oo
jaamiciin ah oo taqasus fiican leh,ummadaas imasa ayey is bixin kartaa,xattaa
hadey dowlad hesho?.
Arinta kale oo in la qimeeyo mudan waa diinteena islaamka,hadaan
isweydiino imisa ayey dhanyihiin Soomaalida aqoon fiican diinta islaamka u
leh?Culumadeena diinta wax ka taqaan ma yihiin kuwo ummadii ku filan oo
jahliga haysta ka saari kara? Waxaa kaloo isweeydiin mudan imisa ayey
dhanyihiin Soomaalida diinta raacata oo wax ka barata,waxbarashada noocey
doonta ha noqotee?.Imisa qof oo Soomaali ayaa tafsiirka Quraanka kariimka ka
ah (114)suuradood wada dhageesatey? Ama axadiista nabigeena scw xattaa hal
kitaab sida Riyaadu Al Salaxiin?.Sidee ila tahay aad bey u yaryihiin sababtoo
ah Soomaalida inta badan miyi ayey ku noolaayeen, kuna noolyihiin mana
haystaan fursad ay wax ku bartaan culimada diinta wax ka taqaana
magaalooyinka ayey badankooda jogaan,dadka ku nool magaalooyinka intooda
badan kuma baraarugsanayn intii ka horeysey burburkii dowladii Soomaaliyeed
in diinta barashadeeda tahay shey muhiim ah, dad yar oo xer ah ayaa diinta
raacan jirey,ummadii inteeda badneydna waxaa la yiri waa caamo oo inay
jahliga ku jiraan ilaa abid ayaa looga raali noqdey, qaas ahaan dumarka oo
walidiinta Soomaaliyeed intooda badan ku baraarugsaneyn qiimaha ay leedahay
in gabadha wax la baro. Gabdhuhu waa hooyadii mustaqbalka waana qofka inta
badan caruurta abaabiya, madaama aabaha badanaa ilmaha la joogin,hooyo jaahil
ahna waxay soo saartaa caruur dhinac walba ka ka liita,ha noqoto
diin,dadnimo,akhlaaq,nadaafad iwm.
Mudo hada 10 sano laga joogo ayaa waxaan wadanka Talyaaniga kula kulmey
hooyo Soomaaliyeed oo sedax caruur oo ay dhashey ka dhigtey ama hadalka aan
si kale u dhige gelisey diinta Masiixiga(kirishtaan).Hooyo Xaliimo markaan
wediiyey sababta ay arintaa u sameysey waxay i siisey jawaab dheer,
hadalakeedana waxaa ka mid ahaa: ” Waalidkey aniga oo 14 jir ayey iga sareen
dugsiga quraanka oo aan markaa dhiganayey iyagoo ii arkey in aan noqdey gabar
weyn oo qaangaartey sanado yar ka dibna nin baan guursadey oo Ilaah iga siyey
sedaxdaan ilmood. Ninka ilmaha dhaley wuxuu ahaa nin khamrada caba hotel
Jubba iyo Curuba ayuu habeen walba khamriga ku soo cabi jirey markaan la
hadlana wuu i garaaci jirey kadib waxaa i suurta gashey mudo badan oo
dhibaato ah ka dib in ninkii i furo. Anigana shaqo ayaan kadib u soo aaday
wadankan Talyaaniga.Goortaan in mudo ah ka shaqeeyey Italy ayaan waxaa ii
suurta gashey in aan caruurteydii keensado. Waa dhamaadkii sideetanaadkii ka
hor intaan dagaalkii sokeeye dhicin.Ilmihii goortii Talyaaniga ay yimadeen
aniga ma awoodin in guriga ii joogaan madaama saacado badan aan shaqeyn jirey
waxay danta i badey in aan ( College) geeyo,waa meel ilmaha lagu hayo waxna
lagu baro oo ay maamulaan soorooyin iyo badariyaal Kirishtaan ah.College-kaa
ayey ilmihii wax ka baran jireen.Waqtiyada fasaxa ayey aniga i soo booqan
jireen iyo mararka qaarkood maalmaha sabtiga iyo axadaha ah.Markii in muda ah
ilmihii meeshaa ku jireen ayaa ugu horeyn waxaa ilmihii ka dhumey afkii
Soomaaliga ahaa,dhaqan ahaana waxay noqdeen ilmo Talyaani.Maalin ayaa waxaa i
yeeray badariyaashii College-ka maamulayey waxayna iga codsadeen in ilmaha ay
qataan diinta Kirishtanka sababta oo ah waxay yiraahdeen ilmaha meesha ku
jira oo idilwaa kirishtaan oo ilmahaaga waqtiyada Kanisada la tago iyo
waqtiyada ciidaha Kirishtanka kama qayb qataan oo waxaan aragney ilmihii oo
dareemaya soocitaan ,madaama ilmaha ilmaheena yihiin waxaan rabi lahayn in si
walba inooga tirsanadaan oo waxwalba oo anaga sameynayna inalaga qayb qataan
ee adiga sidey arintaa u aragtaa?.Anigana waan ku raacey ra`yigooda,maxaa
yeelay aniga diin waa i diin,waxay diinta Islaamka ka kala duwantahay mida
Kirishtaanka aniga ma aqaan,weligeyna la ima sheegin,iyagaba soo Ilaah ma
cabudaan?.”
Markey arintaa i sheegtey hooyo Xaliima waxaan isku dayey in aan u aqli
celiyo si ilmaha loo badbaadiyo,hase yeshee ma suurta gelin oo hooyo Xaliimo
waxay si caro ku jirta i tiri ”aniga ayaa la i soo sirey ma rabi in aan
anigana ilmahayga siro”
Waxaan weydiiyey oo sidee adiga laguu soo sirey,hooyo Xaliimo waxay igu
tiri : ”muslim baad tahay baa la i yiri weligeyna la ima sheegin muslimnimada
waxay tahay 14 sano goortaan gaarey dugsigii Quraanka waa la`iga soo saarey
qof wax i barana ma helin,marka ma waxaad rabtaa in sideeyda oo kale in
ilmaheyga ku dhaho muslim baad tihiin aniga oo aan u sheegi karin muslinimada
waxa ay tahay?”.
Xaliimo iyo ilmaheeda maanan arag dhowr iyo toban sano,caruurtaa waqtigii
iigu danbeysay Kirishtaan bey ahaayeen kan ugu yarna 8 jir buu ahaa maanta
waa 18 jir.Hadaba waxaa isweeydiin mudan ilmahaa ma hooyo Xalimo baa
Kirishtaan ka dhigtey? Mise waladiinta dhaley hooyo Xaliimo? Mise dhaqankeena
xun oo caadeystey in dumarka aan wax la barin?.su`ashaa jawaabteeda
akhristayaasha ayaan u dhaafey.Dumarka hadaan wax la barin ogsoonaada in
caruurteena halis ku jirto muslinnimadooda,qaas ahaan dadka dibada ku nool
Diinteena Islaamka ma ogola in jahli lagu sugnaado
In diinta Islaamka ogoleyn in jahli lagu sugnaado waxaa u daliil ah
aayadihii ugu horeyey ee Quraanka ee soo daga waxay ka hadlayeen wax akhrin ,cilmi
iyo qalinka wax lagu qoro ”Wax ku akhri nabiyow magaca eebe ee
abuuray(khalqiga).Dadkana ka abuurey Calaq.Akhri Eebena waa kan sharafta
lehe.Ee dadka barey sida Qalinka wax loogu qoro.Dad kana barey waxayna
aqoonin”(suurat Al-Calaq;1-5)
Diinta islaamka waxay dadka ugu yeertaa in dadku wax bartaan oo
maskaxdooda dhisanto.Erayada tilmaamaya in uu qofka fakaro ama garaadkiisa
isticmaalo wuxaa quraanka lagu sheegay 49 jeer.Tusaale ahaan erayga
Tacqiluuna(in aad wax garataan) 24 jeer.Erega Yacqinuuna (wax yaqiinsataan)
22 jeer iyo min hal jeer oo ah Yacqil(wax garanaya),Nacqil(wax kasaya) ,Ca`qal.Sidoo
kale erayada ka hadla dadka wax fahma Uli al albab oogarashada la saxiibka ah
(Uli al albab) waxaa Quraanka ku soo arootey 16 jeer.Sidoo kale Quraanka
wuxuu meelo badan dadka faraa in wax xasuustaan , fakaraan oo maskaxda
istacmalaan tusaale ahaan ”Abuurida Samawaadka iyoDhulka
iyoIskhilaafidda Habeenka iyo Maalinta Calaamooyin yaa ugu sugan kuwa Caqliga
leh.Ee ah kuwa ku xusa Eebe taagni iyo fadhi iyo jiifka oo ku fikira
abuuridda Samaawaadka iyo dhulka(iyagoo dhihi) Eebow uma` aadan abuurin
kan(khalqiga) baadil(ciyaar) waad ka nasahantahay ee naga kori
Cadaabta(naarta).(Suurat Aali Cimraan; 190-191).
Sidoo kale Ilaah wuxuu quraanka ku tilmaamey in uu yahay kitaab barakeysan
oo dadku mudanyihiin in ay fiiriyaan(bartaan) si ay u hagagaan ”(Quraanku)
waa Kitaab aan kugu soo dejinay (Maxamed) oo barakeysan,si ay u fiiriyaan
dadku ayaadkiisa iyo in ay waantoobaan kuwa caqliga leh”.(Suurat
Saad;29)
In diinta Islaamka cilmiga qimaysey waxaa kale oo u daliil ah inta goor uu
ereyga cilmi quraanka lagu xusey.Quraanka ereyga cilmi ama aqoon waxaa lagu
sheegey 865 jeer.Ayadahaas waxaa ka mid ah ”Ruux tukan oo Eebe adeeca
saacadaha Habeenkii isagoo sajuudsan oo taagan kana digtoon Aakhiro,asaga oo
quudareynaya naxriista ilaah (ma la mid baa mid sidaas fileynin) Waxaad
dhahdaa nabiyow ma simanyihiin kuwa Cilmiga leh iyo kuwa cilmiga aan
lahayn,kuwa wax og (cilmiga leh) uun baa waantoobi ”.(Suurat
Az-Zumar;9).
Quraanka wuxuu na baraa in ay xuntahay in si indha la´aan ah u nolaano
maxaa yeelay jahliga qofka caqliga iyo indhahuu tiraa, taas waxaa tusaale
kuugu filan Soomaalida Yurub iyo Nord Amerika timid .Tacliintii oo meel walba
buuxda ayaa lagu kari la´yahay in ay waxbartaan, dowladihii aan martida u
ahayn ayaa inala yaaban.Wadankan Sweden oo aan ku noolahay waxaad arkeysaa
Soomaali rag iyo dumarba leh oo dhowr iyo toban sano wadankan ku nool oo
luqadii wadanka weli baran oo markay xafiis dowladeed dan ka yeeshaan ama
isbitaalada weli loo turjumayo oo arimo ruuxa u qaas (private)ah ayaa qof
kale(turjubaan) ka ogaanayaa. Aqoon xumada xaga luqada waxay kaloo Soomaalida
u keentey shaqo la´aan joogta ah. Waxaana ognahay in
Georgi
Kapchits oo ah qoraa iyo macalin Ruush ah in uu bartey Af Soomaaliga
asagoo dibada ku nool oo Soomaaliya 5 maalmood keliya weligii joogey, hadaba
sidee ku dhacdey in anaga aan baran weyno luqada wadamada aan toban sano iyo
ka badan ku nool nahay? Jawaabta waa jahli iyo caajis hore oo aan wadankii
kala nimid ayaa nahaya, oo inoo diidey in aan fahano qimaha ay leeyahay in
aan wax barano.
Jahliga saameyn ma ku leeyahay dhibaatada wadankeena ka taagan ?
Dhibaatada jahliga ummada ku hayo waa arin aan Soomaalida ka doodin.
Soomaalida inta wax qorta waxey dhibaatada Soomaaliya ka jirta dusha ka
saraan Dagaal oogayaasha.Waa dhab Dagaal oogayaasha dhibaatada wadanka jirta
qeyb weyn ayey ku leeyihiin cidi ma dafiri karto hase ahaate waxaa isweydiin
mudan shacab jaahil ah imisa ayuu ku leeyahay dhibaatada wadanka?
Dadka ku takhasusa cilmiga bulshada (Sociology) waxay yiraahdaan ”ummad
walba waxey yeelataa hogaamiyayaal ummadaa u qalma”.Sababta oo ah
hogaamiyaha sidiisaba ummaduu ka soo dhaxbaxaa oo sidii roobkii cirka kama
soo da´o.Ummad aqoontooda aad u hoseysa oo habka ama nooca hogaamiyayaasha u
xushaan ama ku taageraan ay tahay asbaabo aad u liito, sida qabiilka iyo wax
lamid ah wey adagtahay in ay helaan hogaamiye fiican.
Waxaan maalin wada shekeesaney oday Soomaaliyeed, oo runtii malintaa wixii
ka horeeyey aan u arki jirey qof aragti dheer,waxa uu i sheegay in uu tageere
u yahay nin kamid ah Dagaal ogayaasha Soomaaliya .Wuxuu odaygaa ii sheegay
sababta uu u tageero ninkaa Dagaal ooga ay tahay in ay isku hayb hoose yihiin
.Odaygaa aragtidii waxay bulshada Soomaaliyeed ka noqotey wax caadi ah oo aan
lala yaabin.Dunida hora martey qofka hogaamiyaha ah waxay ku taageraan
aragtidiisa siyaasadeed iyo wanaaga shaqsiga uu leeyahay, lakiin dhalasho iyo
degaan uu ka soo jeedo laguma doorto hogaamiye, lagumana tageero.
Qabiil keliya oo la`isku taageero waxay faa`ido weyn u tahay Dagaal
oogayaasha Soomaaliyeed sababta oo ah wuxuu ogyahay wuxuu sameeyo iyo wuxuu
ku hadlaba in aan loo qabaneynin,oo mar walba uu helayo tageerida
beeshiisa,sidaa daraadeed Dagaal oogayaasha Soomaaliyeed malaha siyaasad iyo
mab´da cad oo loogu yimaado, maalinba koox ayuu heshiis layahay,kuwii uu
shaley la socdey ayuu maanta caynaya,maslaxadiisa meeshay ku jirto ayuu adaa,
isaga oo aan marnaba eegeynin danta guud.Beesha uu ka dhashey tixgelin ma
siiyo malintuu uga baahdo dhalinyaro oo uu dagaal geliyana wuu u habar wacdaa
iyagana ma diidaan.In ummada Soomaaliyeed jahliga ku jiraan cadowga dibada
iyo Dagaal oogaba waa u dan maxaa yeelay ummada markuu garaadkooda kobco
Dagaal ooge iyo wixii xumaan wataaba daaqaduu ka bixi lahaa.
Jahliga wuxuu ummadii Soomaaliyeed gaarsiiyey in naceybkii iyo qabyaaladii
sii korodha.Soo ayaan daro ma aha in mudo 14 sano kadib in bulshadii weli
qabiil qabiil isku aflagaadeyso:Qofka u fiirsada qoraalada ra`yiga ee
webside-yada Soomaalida ku soo baxaan waad la yaabi sida la`isku aflagadeeyo
taa waxaa ka daran Palktalk qolalka(Rooms) Soomaalida sameeysatey,qowladahaas
ayaa qaar waxay u bixiyeen QOLKA DANYERTA HAWIYE LAGU KARBAASHO iyo mid la
mid ah oo loo baxshey QOLKA DANYERTA DAROOD LAGU KARBAASHO. Markaad
qowladahan gashid oo aad dhageysatid dadka ku jira iyo waxa ay ku hadlayaan ,naxdin
iyo amakaag ayaad ka qaadeysaa, rag iyo dumar aflagaadada waa ka wada qayb
qataan,akhlaaq daro xushmad la`aan,damiir xumo iyo wax walba oo Ilaah xarimey
ayaa qowladahaas lagu hadlaa.Waa dadkii dhibaatada ka badbaadey oo nasiibka u
helay in ay ku noladaan wadan nabad ah una suurta gashey in ay isticmalaan
aalad sidaas casri u ah(Internet),intii ay ra`yi fiican is dhaafsan lahayeen,
wadankoodana u raadin lahayeen xal wanaagsan,iyagiina isku baran lahayeen,wax
fiicana is fari lahayeen, waxey doorbideen in saacado badan wakhtigooda
qaaliga ah ku lumiyaan aflagaado iyo wax danbi keliya uga saa`idaayo,ilayn
ruuxa jahliga ah nimco iyo wanaag walba uu helo kama faa`iideysto oo si qaab
daran ayuu u isticmaalaa.
Kawa wadanka jooga dhibaato aduun ayey ku jiraan ,nabadgelyo
la`aan,cudur,gaajo,waxbarasho daro.Kuwa dibada ku nolaana Qaad,dood macna
dara ah iyo aflagaado ayuu waqtigiisa ku qataa.Ummad 80%(boqolkiiba sideetan)
aan haysan shahaado dugsi hoose,islamarkaana diinta ay sheeganayaan wax ka
aqoon,xadaarad horena aan lahayn,misna nacayb iyo colaad la kala
dhaxdhigey,sidey qaran ku noqon karaan?.Sideyse ku wada noolaan karaan?.
Hadaba waxaa isweeydiin mudan ummad Soomaalida ah yaa u maqan?.Xageyse ku sii
socdaan?.
Waa maxey hadaba xalka?
Su`aashani jawaabteeda ma fududa lakiin aniga waxay ila tahay,waa in
garaadka iyo aqoonta qofka Soomaaliyeed la dhisaa, isbedelna lagu sameeyo
habka uu u fikiro.
Qofka Soomaaliga ah waa in la baraa qofkii mudan in loo hiiliyo oo la
taageero iyo kan mudan in laga hiiliyo, waa in la baraa qofka ah cadowgiisa
iyo kan walaalkii ah, iyo dantiisa guud. Si ummada wax loo baro oo loo bedelo,
garashadoodana kor loogu qaado, waxaa qasab ah in la helo waxgarad
Soomaaliyeed oo rag , dumar,dhalinyaro iyo wayeelba leh,kuwaasoo damiir
Soomaalinimo iyo mid muslinnimo ku jirta,oo ummadan u istaagta,kuwaaso ka
nadiif ah cudarka qabyaalada,daacadna ay ka tahay u damqashada ay ummada u
damqanayaan.
Ummaddana u horseeda wacyi gelin iyo isku soo dhawaansho dhab ah.
Dhalinyaradaa iyo odayaashaa wax garadka ah waa in ay dhisaan urur
Soomaaliyeed oo xuduud qabiil lahayn, iskuna dayaan in ay badalaan akhliga
iyo garaadka qofka soomaaliga ah. kuwaaso kulma sanadkii dhowr jeer, dunidana
xafiisyo ku yeesha si ay ummada islaax iyo walaaltanimo ugu beeri
lahayeen.Hadii rag iyo dumar arintan u istaaga la waayo oo qadiyada
Soomaaliyeed Dagaal ooge wadanka iyo ummadii burburiyey loo daayo,waxaan u
maley nayaa in 30 sano oo kale oo socota in sidaan, duli, rafaad iyo is jiid
jiid loogu jiri doono.Dagaal oogayaasha maanta, ilmaha ay dhaleen iyo
mooryaantooda ayaa mustaqbalkana shirar loo qaban donaa si xalkii
aabayaashooda gaari waayey in iyaga inoogu gaaraan.
Wabilaahi Towfiiq
Fg: Qaybta diinta ah sida ayadaha quraanka iyo xarfaha quraanka ku soo
aroorey waxaan ka soo xigtey kitaab yar oo magaciisa la yiraah (What is the
purpose of life) uu qorey Mostafa Malaekah.Sheekada hooyo xaliimo wa
dhab,magaca qofka keliya ayaan bedeley.
Ilyas Mohamud Hussein
Ilyas_mh@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004