Hogaamiye koodyada Somalia waxa ay qayblibaax ka soo qaateen dagaaladii
sokeeye ee ka soday Somalia muddo ku dhaw 14 sanadood, dagaaladaas oo u
dhexeeyay inta badan maleeshiyooyinka ama kooxo taageersan iyaga, hogaamiye
kooxeedyadda, amaba ka amar qaata. Dagaaladaas oo badanaa ku salaysnaa
beelaysi ama jufaysi . Waxaa dagaaladaas ku dhintay 1000-nan rayid ah , oo
caruur iyo cirooleba leh, oo aan waxba galabsan oo ay haleeshay xabadihii la
iswaydaarsanayay.Taas oo sababi karta ama keeni karta in ay mas'uul ka yihiin
hogaamiye kooxdyadu, dadkaas aan waxba galbsan ee noftoodii waayay ama
dhimashadoodaba.
Iyada oo la odhan karro dhibaatadan waxa keenay ama dhaliyay ,hab
dhaqankii dawladii hore ee ina Siyaad ee ku dhisnayd beelaysiga ,
saldhigeeduna ahaa dhulbalaadhsi beeleed iyo iska horkeenid beelo Somaliyeed,
taas oo keentay markii ay dhacday dawladii ina Siyaad, in ay kala fogaadaan
beelihii ku tiirsanaa xukinkiisa iyo kuwii ay u xaydatay in ay xasuuqdo ama
barakiciso. Hadaba dagaaladan soo dhexmaray hogaamiye kooxeedyadan imikana ka
dhexsocda, waxa keenay markii ay dhacday dawladii in Siyaad ee ku salaysnayd
beelaysiga , waxa yimid is aamin la'aan iyo kala shaki, iyo hadday
beelheblaayo qabato xukunka biloo noqtay tii ina Siyaad oo kale. Arimaha ugu
wayn ee ay la dagi la'dahay Somalia ayaa waxa ka mida sababaha kor ku xusan.
Dagaaladan ka dhex socda maleeshiyooyinka hogaamiye kooxdyada, hogaamiye
jufooyinka iyo hogaamye beeleedyada, ayaa ah ama la odhan karaa badh waa xaq
badhna waa gardarro, kuwa xaqa ah hadaan eegno , inkasta oo ay tahay
jaahilnimo in loo dagaalo jufo jufo ama beel beel , ayaa hadana waxa aad
arkaysaa dad dhulkoodii ama xaqoogii loo dhacay oo keliya waa beelheblaayo,
taas oo keeni karta in kuwii wax laga dhacay ay iyaguna dagaal ay soo
abaabulaan si ay xaqoodii u soo dhacsadaan.Hadaba dagaaladan ka soo dhexeeyay
hogaamiye kooxdyada ayaa badankoodu ku salaysan arimahan.
Hadaba Hogaamiye kooxdyada hadaan eegno , Shaati Guduud markii uu la
dagaalamayay Caydiid oo u talinayay gobolada RRA-da , inkasta oo aanan ka
warqabin waxa ay ku sugnaayeen dadyawgaa daga goboladaas RRA-da cadaalad iyo
cadaaladdarro, ayaa waxa la odhan karaa , haddii ay cadaaladdarro ka jirtay
meesha , in uu dagaalkii Shaati-Guduud kaga saaray Caydiid in uu xaq ahaa.
Waxa kale oo jirta in dagaalkii dhexmaray Shaati-guduud iyo ku xigeenadiisii
, sababtayna in maati badani dhimato , ay burinayso geesinimadii Shaati-
Guduud iyo ku xigeenadiisii kana dhigaysa dambiile dagaal isaga , Xaabsade
iyo Madoobeba.
Dhibaatada ka taagan Kismaayo ayaa iyada la odhan karaa waa khilaaf gar
iyo garddarro, haddii ay jirto beel ku haysataa xoog , dhul aanay la hayn.
Khilaafka ka jira Somalia oo ay dhibtiisa leedahay Dawladii hore , ayaan
la xalin karayn haddii 100 jeer lagu shiro Keenya iyo haddii kaleba, ilaa la
saxo dhibaatadii ay ka tagtay dawladii hore, ama xaqddarada hadda jirta, sida
dhulboobka.
Hadaba ka qaybgalidda iyo ka qaybgalid la'aanta hogaamiye kooxdyada ee
shirka Kiinya ayaan qiimo ku fadhiyin , tan iyo inta ay jiraan hogaamiye
kooxdyo gar leh iyo kuwo gardarro wadaa. Sababta oo ah waxa aad arki kartaa
hogaamiye ku leh dhulkaygii ayaa ay hogaamiye hebel beeshiisu xoog ku
haysataa ilaa inta uu kabaxayana isma hor fadhiisanayno. Tan oo ah Dastuur ay
wada saxeexeen laba hogaamiye kooxeed oo mid gardarro wado midna gar u dirir
yahay ayaanay waxba ka soconayn.
Ugu dambayn hogaamiye kooxdyada ku shiraya Kiinaya , ayaa ka la ah kuwo
garddro wada iyo kuwo gar ku taagan oo ay xaqdoonimaddoodii la gashay dambi
kale kana dhigtay dambiile dagaal, maati ku dhimatay dagaal ay galeen ama
qaadeen awgeed awgeed, taas oo iyaduna gargaaraysa kii gardarrada waday, kana
lamid dhigaysa kii garddoonka ahaa.
Gabo gabadii xalka Somalia ayaa iman kara oo qudha , haddii ay
hogaamiyeyaashu is cafiyaan gartoodana kala qaataan, xukunkana ay kala
qaybsadaan oo ay noqdaan madaxwayne iyo wasiiroba, iyo in habayaraatee aan
loo dhiibin wax talo ah , oo ay suuqooda galaan, oo ay dawladda la dhisayaa
xaliso dhibaatooyinkii ka dhexeeyay dadwyagii ay isku dilayeen, ha ahaato
dhul amaba colaadkale eh.
Xalka labaad ee ay Somalia ku dagi karto ayaa ah ku dayasho Somaliland,
sababta oo ah inkasta oo ay ku noolyihiin Somaliland beelo kala duwan sida
Somalia , colaadna ay dawladii hore ee ina Siyaad soo kala dhexdhigtay, ayaa
hadana aanay jirin beel ama jufo xoog ku haysata dhul aanay lahayn, inkasta
oo ay jirto hadda dhibaato kaga timid xagga Somalia oo ah in qayb kamida
dadka Sool dagaa ay u janjeedhsadeen beelaysi oo ay beel ahaan isku xidhaya
Buntland. Arinta qudha ee ay Somaliland u nabadawday ayaa ah waxa aan jirin
cid cid xoog kuhaysata ama dhul aanay lahayn , waxa ka dhexeeya Dastuur iyo
dawlad kala hagta.
Arinta u dambaysa ayaa iyaduna ah , mar haddii ay jirto xaqddarro, taas oo
ah haddii loo laynayo dad xaqdarro ama dhulkoodii laga qaatay iyada oo loo
xoogsheetay, ka xaqdoonka ihi meeshii ay gaysaba dantu wuu gali tan iyo inta
uu helayo waxa uu tabanayo ee xaqqa u leeyahy, taas oo ah haddii uu Ethiopia
hub u doonto uu xaq u leeyahay. Hadaba Eedaynta Somalida ee Ethiopia iyo kuwa
u gala ayaan sal iyo raadtoona lahayn inta ay jirto xaqddarro la iska indha
tirayo, ama uu jiro Somali Somali gumaysanayaa, waxba yaan Meles iyo Ethiopia
lagu meeraysan.
HOGAAMIYEKOOXDYADDU MA U QALMAAN JAGADA MADAXTOOYADA EE SOMALIA 1aad
mahamud samatar
samatarapt@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004