SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

March 13, 2004  

"Caburinta S/land ku heeso fikradaha Soomaalida."

Daabaco Boggan | Print
Tacadiyadii ugu Dambeyey ee ay Ururisey Hayadda Nabada ee Elman
» Soomaaliya:  intii u dhexayasey 10-kii maarso 2003, illaa 9 ka maarso 2004, waxaa la diley 1052 qof, waxa la kufsaday 61 dumar Soomaaliyeed, waxaa la afduubay 186 qof...
» Gud. Gudiga degmada kuntuwaarey oo qiray in deegaanka lagu beero daroogada...
warbixinta oo dhan akhri

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

Fadeexada Paltalkga: iyo Dulmiga Walaasha Muslimada ah....... GUJI....

Waxaan in muddo ah usii dhaba galay shabakadaha soomaalida oo si xad dhaaf ah usoo bandhigaya aragtida & fikradaha reer Somaliland!. Taasi mid dhibaato ah maaha, laakiin waxaa nasiib daro ah in dhinaca kale aysan soomaalidu wax fikrad ah - shar & qayr midna ay ka dhiiban karin shabakadaha ku abtirsada jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday gooni isutaaga.

Daraasaatkaan aan muddada ku jiray ayaan ku ekeen shabakadaha oo kaliya. Waxaan tusaale ahaan galay paltalk-ga qolalka wata magacyada kala duwan ee Somaliland. Sidoo kale ayaadan halkaas ka dhiiban karin fikradaada, adiga oo ah shaqsi soomaali ah. Marka ugu horaysa oo la arko lahjadaada ayaaba dibadda laguu tuurayaa!.

Billahaan danbe ayaa waxaa sii kordhay fikradaha & wararka quseeya somaliland ee dad reer somaliland ah, ku soo daabacayaan shabakadaha soomaalida, iyagoon wax dhib ah haba yaraatee la kulmin.

Marka su’aasha aan isweeydiiyey waxay tahay meeday xoriyadii fikrada shaqsi ahaaneed, maadaama ay sheegtaan in ay yihiin dad ama jamhuuriyad ku salaysan dastuurka dimuquraadiga?. Miyaadse hilmaanteen sida wanaaga leh ee la idinkugu ogolaaday dhiibashada fikradihiina? Mase soconaysaa fikradeena dhagaysta, tiinu inaan dhagaysano uma baahnine!?.

Waxaa kale oo nasiib daro ah, in maamulka & warbaahinta Somaliland ay si nacayb leh ama xushmad daro quursi ku jiro uga hadlaan soomaalida inteeda kale.

Dhibka aad is hor wadaan waa la’idinla qabay. Adinkana dhibaataa la idiin geestay, dhibaatana soomaaliya ayaad adinku ugeeseteen. Soomaalina gabi ahaan dhibaato ayaa soo gaartay. Saas oo ay tahay ayaa maanta soomaali oodhan idin soo dhoweenaysaa oo idin walaalaysanaysaa, halka adinku aad magaca Somalia ka cararaysaan.

Ama dowlad iskeed utaagan noqda ama ahaada qayb soomaaliya ka mid ah, mar walba shacabka waqooyi galbeed & kan koonfur waa dad isku baahan, walaalo ah, isku luuqad ah, isku dhaqan & diin ah.

Jabuuti oo waa hore xoriyad qaadatay waxay harsanaysay hooska Jamhuuriyada Soomaaliya, maanta marka ay jabuuti itoobiya la macaamiltamayso hoos ayeey fiirinaysaa, waayo Jabuuti walaalkeedii weynaa ayaa maanta ah bukaan socod.

Ugu danbayntii xiriir fiican oo soomaaliya la yeelataan, ayaa mar walba dan ku jirtaa.

W/Q. Liban Daahir
 
liban04@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

BOGGA MAQAALADA DADWEYNAHA EE MAANTA...

XAMAR DAAWO DACALLADA.. SAWIRRO

MAXAY INA YEESHAY CARTA? [Xariir]

» Qoraalkii Idaajaa ee  Federaalnimada Soomaaliya [Idaajaa]
» Dabagal Qoraalkii Idaajaa ee Federaalka Soomaaliya  [cadoow]
»
Federaalnimada Soomaaliya: waa Feer iyo faro-laab C/Waxid].
»Jawaab Maqaalkii "Federaalka iyo Walaalaha Galguduud" [Saciid H.]
» Federalka iyo walaalaha Galgaduud  [Shaafici]
» Soomaalidu Federaal Ma Qaadan Kartaa [A.Gulleed]
» Maxaa Sababay Nidaamka Federaalka  [Eng. Axmed]
» Axdiga Soomaalida Loogu Dhoobdhoobay Kenya [Tabatiig]

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
kaah

BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD