Aaskii Midnimada iyo Rajagabkii Somaliweyn
(Maqaalkanu waxa uu ku saabsanyahay taariikhda soo
ifbaxii Aragtida Somaliweyn, dhalashadii midnimada
labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur,
iyo sidii Somalia iyo Somali Galbeed midnimadaas u
aaseen, yididiiladii Somaliweyn laga qabayna uga
dhigeen rajagab)
Figradda Somaliweyn waxay xooggeedu soo ifbaxday
badhtamihii Dagaalkii Labaad ee Adduunka (1939-1945)
xilligaas oo ay bilaabmeen halgamadii siyaasiga ahaa
ee gobonimadoonka oo socday intii u dhaxaysay
1943-1960. Halgamadaas oo ay hormood ka kala ahaayeen
Xisbigii SYL oo la aasaasay 1943 una halgamayey
xornimada Gobolladii Koonfurta oo maanta ah Somalia
iyo Xisbigii SNL oo la aasaasay 1947 una halgamayey
xornimada Gobolladii Waqooyi oo maanta ah
Jamhuuriyadda Somaliland. Halgamadaasu waxay
dhammaantood ka midaysnaayeen aaminsanaanta Aragtida
Somaliweyn oo ahayd in la xoreeyo, mideeyo, hal calan
iyo hal dawladna la hooskeeno 5tii Somaliyeed ee
Gumeysiga Reer Yurub u kala qaybiyey geyigii
Somaliyeed, taas oo ahayd sidatan: Somaliland iyo
Gobolka Somaliyeed ee Kenya waxaa saami ahaan u helay
Ingiriiska (1884-85), dibna Ingiriisku ka siiyey Kenya
Gobolka Waqooyi Bari ee Somaliyeed (1963) , Koonfurta
waxaa qaatay Talyaaniga (1889), Jabuuti waxay gacanta
u gashay Faransiiska (1862-1885), Somali-Galbeedna
waxa ku tuun-tuunsatay Itoobiya (1889), dibna Dhulka
Hawd Ingiriisku ka siiyey Itoobiya (1954).
Somaliland waxay ahayd dalkii ugu horreeyey ee
Somaliyeed oo gobonimada qaatay 26kii June, 1960,
ummadda Somalilandna waxay ahayd dadkii ugu horreeyey
ee kaga dhabeeya hirgelinta Aragtida Somaliweyn markii
ay 1dii July 1960 la midoobeen Koonfurta (Somalia)
lana baxeen Jamhuuriyadda Somalia. Midowganu waxa uu
yididiilo weyn ku abuuray dhammaan dadyowgii 5ta
Somaliyeed waxaana rajo weyn laga qabay in Israacan
cusub iyo jamhuuriyadda ka dhalatay ay horseed u
noqondoonaan xoraynta iyo keenidda 3dii gobol ee kale
si Aragtida Somaliweyn u dhabowdo loona abuuro
jamhuuriyad weyn oo Somaliyeed kana dhalata Geeska
Afrika.
Nasiib-darro, Aragtida Somaliweyn waxay figrad ahaan
iyo ficil ahaanba u jirtay intii u dhaxaysay
1943-1960. Burburka midnimadii dhalatay iyo
yididiiladii laga qabay Somaliweyn waxay la kowsatay
Israacii 1960 kadib markii ay Somalia diiday inay
ixtiraamto wadaagga dawladdii ka dhalatay midnimadii
cusbayd si toos ahna u boobtay. Somali Galbeed
intaTaliskii Siyaad Barre u oggolaaday ka qaybgalka
dawladnimadii Jamhuuriyaddii Somalia iyaga oo qaxooti
ah ayey qabiil ahaan ula safteen Taliskaas kana
qaybgaleen dagaalladii Somalia ku qaaday Reer
Waqooyiga. Bal aan eegno qaybta ay labadan (Somalia
iyo Somali Galbeed) mid kastaba ka qaadatay burburinta
midnimadii labada gobol iyo mijo-xaabinta Aragtida
Somaliwen.
Israacii 1960 waxa uu dhexmaray laba dawladood oo
cusub oo siman kana kala dhashay Maxmiyaddii
Ingiriiska ee Somaliland iyo Mustacmaraddii Talyaaniga
ee Somalia kuwaas oo ay kala hoggaaminayeen Ra`iisal
Wasaare Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (Waqooyiga) iyo
Ra`iisal Wasaare Cabdullahi Ciise Moxamuud
(Koonfurta). Waxa la filayey in marba qolada
madaxweynaha qaadata mooyee ay qolada kale qaadato
ra`iisal wasaaraha, jagooyinka kale ee muhiimka ah ee
dawladdana si caadil ah loo wada qaybsado.
Ayaandarro, Waqooyiga waxa loola dhaqmay sida gobol ka
tirsanaa Koonfur oo kale sida Mudug ama Banaadir,
dadkiisiina waxa si cad looga duudsiyey qaybtii ay ku
lahaayeen jamhuuriyaddii wadaagga ee cusbayd.
Sidaasna Koonfurtu waxay markiiba ku fashilantay inay
fahamto qiimaha midnimada. Markii Koonfurtu qaadatay
madaxweynihii ugu horreeyey oo ahaa Aden Cabdulle
Cosman (1960-1967), waxay ku darsatay ra`iisal
wasaarihii oo noqday Cabdirasheed Cali Sharma`arke
(1960-1964) iyo jagooyinkii ugu muhiimsanaa golaha
wasiirada sida Cabdirizaaq Xaaji Xuseen: Wasiirkii
Arrimaha Gudaha, Cabdullahi Ciise Moxamuud: Wasiirkii
Arrimaha Dibedda, Cosmaan Axmed Rooble: Wasiirkii
Maaliyadda, General Daa`uud Xirsi: Taliyihii Xoogga
Dalka Somaliyeed, General Moxamed Abshir Haamaan:
Taliyihii Ciidanka Boliiska Qaranka iwm,
barlamaankiina si xaqdarro ah ayey u bursatay
Koonfurtu. Marlabaad ayaa koonfurtu qaadatay ra`iisal
wasaarihii oo noqday Cabdirizaaq xaaji Xuseen
(1964-1967) oo isla madaxweyne Aden Cabdulle Cosman
magacaabay xilligiisii labaad. Madaxweynihii labaad
waxaa noqday Cabdirashiid Cali Sharma`arke (1967-1969)
oo isna Koonfur ahaa.
Aqoonsiga
Somaliland Wuxuu KU xidhan yahay Shacabka Sool, Sanaag IYO Cayn.
Guji...
FAALLO: AQOONSIGA SOMALILAND WUXUU KU
JIRA GACANTA QARANKA SOMALILAND
Guji...
SOMALILAND YEY KA GO'DAY YAYSE U GO'DAY
Guji...
»JAMHUURIYADDA
DHAAN DABAGAALE [Hagi]
Sannadguuradii
koowaad ee ka soo wareegtay markii Riyaale Kaahin Xooga Lagaga saaray
Laascaanood oo si weyn Looga Xusay magaalada Laascaanood
Asad
Somaliland iyo Xuduudaha |
Wacad-furka, inkiraadda, iyo cadaaladarrada ay
xukuumadihii rayidka ahaa ee Koonfurtu kula kaceen
dadka Waqooyi intii u dhaxaysay 1960-1969 waxay
muujisay sida dadka Koonfurtu jaahil uga ahaayeen
qiimaha midnimada iyo fahmidda dawlad-wadaag ah.
Duudsigaas foosha xumi waxa uu keenay in dadka
Waqooyigu isku-ciilkaambiyaan sidii fududay ee ay
dawladnimadoodii cusbayd ugu loogeen Koonfurta,
waxayna kaga cadhaysiisay siyaasiyiinta,
madax-dhaqameedka, ganacsatada iyo saraakiisha
ciidamada. Cadhadaasu waxay keentay in qaar ka mid ah
saraakiisha militariga ee Reer Waqooyiga ahaa uuna
hoggaaminayey Xasan Kayd ay inqilaab dhicisoobay ka
ridaan magaalada Hargeysa bishii Diisambar 10dii, 1961
si ummadda Waqooyi loogu soo cesho dawladnimadii laga
duudsiyey iyo madaxbanaanidiiba.
Halkii la dersilahaa sababta keentay gadoodka ciidanka
lana bilaabilahaa dib-u-heshiisiin qaran, ayaa waxa uu
madaxweyne Aden Cabdulle Cosman (1960-1967) ku
dhaqaaqay tallaabooyin lagu sii cadaadinayo Reer
Waqooyiga si loogu ciqaabo inqilaabka fashilmay
loolana dhaqmo sida mustacmarad ay haysato Koonfurtu.
Waxa uu isku-bedalay ciidamda, macallimiinta, iyo
shaqalaaha dawladda, isagoo kuwii Koonfurtu keenay
Waqooyi, kuwii Waqooyigana geeyay Koonfur.
Siyaad Barre oo sugayey fursad uu ku hanto xukunka
dalka kuna hammiyayey dhisid boqortooyo Daarood ayaa
si lama filaan ah afgebi-milatari ku qabsaday xukunkii
dalka bishii oktoobar 21dii, 1969 isaga oo ka
faa`iidaysanaya buuqii ka dhashay dilkii madaxweyne
Cabdirasheed cali Sharma`arke ee ka dhacay magaalada
Laas-caanood bishii Oktoobar 15dii, 1969. Si
keli-taliye Siyaad Barre u hirgesho hammigiisa una
helo cudud Daarood oo ilaalisa isla markaana difaacda
xukunka ayaa waxa uu markiiba u baaqay si sharcidarro
ahna dalka ku soo geshay Ogaadeenkii Somali Galbeed .
Wadanigii dalka u dhashay waxaa laga dhigay qaxooti,
qaxootigii Ogaadeenna waxaa laga dhigay wadani iyada
oo lagu taxay darajadii iyo jagooyinkii laga boobay
dadkii waddanka lahaa lagana dhigay xubno gole ,
wasiirro, danjirayaal, janano, guddoomiyayaal iwm
intii u dhaxaysay 1970-1990. Tusaale waxa loo soo
qaadankaraa: Col. Moxamed Cumar Jees (Reer DHagaxbuur)
oo xubin ka ahaa wixii lagu magacaabijiray Golihii
Sare ee Kacaanka, General Moxamed Cumar Cosman
(DHagaxbuur) oo ahaa taliyihii Ciidanka Badda, General
Bile Rafle Guuleed (Wardheer) oo guddoomiye ka kala
noqday Mudug, Togdheer, iyo gobolkii W/Galbeed,
Cabdiraxmaan Afar Jeeble (Qabridaharre) oo guddoomiye
ka ahaa gobolkii W/Galbeed marna ka ahaa danjire dalka
Imaaraadka, General Cabdiwahaab Moxamed Xuseen
(Qabridaharre) oo ahaa taliyihii Ciidanka
Guulwadayaasha, General Siyaad Daa`uud (DHagaxbuur)
oo ahaa taliyihii Qaybta 26 aad. Intaas iyo kuwo kale
oo badan waxay ka mid ahaayeen qaxootigii Ogaadeen ee
ka yimid Somali Galbeed. General Adan Gabyow
(Gaarisa) oo isna ahaa qaxooti Ogaadeen ah kana yimid
Gobolka Somaliyeed ee Kenya waxa uu noqday wasiirkii
Gashaandhigga dalka. Tirada jananada qaxootiga ahaa
ee Ogaadeenka kuna jiray ciidankii la odhanjiray
“Xoogga Dalka Somaliyeed” aad ayey uga badnayd marka
la isku geeyo tirada jananada Isaaqa iyo Hawiyaha ee
isla ciidankaas.
Madaxdaas iyo saraakiisha Ogaadeen waxa intooda badan
loo bedelijiray Goboladii Waqooyi , siiba kuwa Isaaqu
dego waxayna qaybweyn ka qaateen u cabbudhinta iyo u
sandullaynta Isaaqa Taliskii Siyaad Barre, isla
markaana qayb-laxaad leh ka qaateen siyaasaddii
Taliskaas ee dejintii boqolaalka kun ee qaxootigii u
badnaa Absamaha Somali Galbeed, kuwaas oo la dejiyey
duleedka Hargeysa iyo Berbera intii u dhaxaysay
1978-1985 si loogu dal-ballaadhiyo Daaroodka
mustaqbalka.
Dadka Reer Waqooyigu markii ay arkeen sida loo
duudsiyey dawladnimadoodii, dhulkoodiina loo soo
dejiyey qaxooti laxaad leh si loo dhaxal-wareejiyo dad
iyo dalba, ayaa waxay 1981 go`aansadeen aasaaska
Ururkii Hubaysnaa ee SNM si dadka iyo dalkaba looga
samata-baxsho halistaa weyn ee soo food-saartay.
Kadib markii Ururka SNM weerar burburin ah ku hayey
ciidamada Koonfurta iyo Jabhaddii Somali Galbeed ee
Ogaadeenka muddo 5 sano ah (1982-1987), ayaa waxaa
ururkaasi duullaan weyn ku qaaday bishii May, 1988
magaalooyinka Hargeysa iyo Burco kaas oo si dhab ah u
burburiyey awooddii ciidan iyo siyaasadeed ee Talisku
ku lahaa Gobolladii Waqooyi, ugu dambayntiina kaga
xoreeyey geyigaas bishii January 1991.
Sannadihii u dhaxeeyey 1982-1987, ka hor intaan
Ururkii SNM duullaankii weynaa ku soo qaadin
magaalooyinka waaweyn, waxaa dadka Isaaqa loo gestay
dil joogto ah, silic-dil, xadhig, tuulooyin baabi`in,
berkado qarxin, wadooyin miinayn iwm. Xilligii
duullaanka weynaa ee SNM (1988-1990), waxay ciidamadii
Koonfurta, Jabhaddii Somali Galbeed (Ogaadeen),
Jamhaddii SSDF (DHafoorqiiqii Majeerteen), Jabhaddii
Abowga, iyo Calooshood-u-shaqaystayaashii Koonfur
Afrika u geysteen dadka Isaaqa: gummaad, magaalooyin
burburin, qaxin, boob, xadhig, iyo macalluulin
dadweyne taas oo aan hore taariikhda u soo marin dadka
iyo dalka Somaliland. Magaalada Hargeysa xilligii
Moorgan waxa la shidanjiray daaqadaha iyo albaabada
markii lagu soo rogay bandoo lagana joojiyey
dhuxushii, xaabadii, caanihii, iyo hilibkii uga
imanjiray miyiga sannadihii 1986-1988. Waxaa la
xusuusanyahay in dad rayid ah oo gaadhaya ilaa 50,000
qof oo Isaaq ah lagu dilay Waqooyi siiba magaalooyinka
Hargeysa, Burco, iyo Berbera. Waxaa iyana xusid mudan
Gawracii Xeebta Gasiira ee Xamar halkaas oo bishii
July 1989 goor saq-dhexe ah dhegta dhiigga loo daray
46 rayid ah oo Isaaq ah. Ujeedada loo galay
dembiyadaas culus waxay ahayd in dadka Isaaqa la
qaran-guuriyo lagana dhaxal-wareejiyo dhulkooda hooyo
si loo dejiyo Absamihii laga soo raray Somali Galbeed
iyo kuwo kale. Arrintaasu wax qarsoodi ah ma ahayn
oo si cad ayaa loogu dagaal gelinjiray jabhadaha iyo
maliishiyada hubaysan ee Beelaha Daaroodka. Waxaa
kale oo arrintan sii xaqiijinaya warqaddii SIRTA CULUS
ahayd ee taariikhdu markii ay ahayd January 28, 1987
uu dembiile dagaal Moxamed saciid Moorgan u kala diray
soddogii madaxweyne Siyaad Barre, General Aden Hirsi
Gabyow, Wasiirkii Gashaandhigga, iyo General Axmed
Suleman Cabdalla, Wasiirkii Arrimaha Gudaha,
warqaddaas oo Moorgan ku soo jeedinayo talo ah in
dadka Isaaqa si tartiib-tartiib ah looga
dhaxal-wareejiyo dhulkooda hooyo laguna bedelo waxa uu
ku tilmaamay “Dadka ehelka u ah Kacaanka”, kuwaas oo
uu ulajeeday dadka Daaroodka maadaama warqaddu ka
timid madax Daarood, ku socotay madax Daarood oo
qudha, ahaydna sir culus.
|
MAGACA
SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Fahad |
"hadii
ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in
Salahudin
|
"Miyaan
niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la
C/Waaxid
|
"dadkaasi
la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur
Diridhaba
|
Kuwii
sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya
Asad |
"Shacbiga
Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin,
Faysal
|
"7/12/2002
ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda
XagarYare
|
Mudadii 30ka sano ahayd ee midnimada Waqooyi iyo
Koonfur (1960-1990) waxaa madaxweynanimada iyo
ra`iisal wasaarahaba isku haystay Koonfurta (Xilligii
Siyaad Barre isagaa labada isku haystay nuxur ahaan)
marka laga reebo labadii sano ee uu Madaxweyne
Cabdirasheed Cali Sharma`arke ra`iisal wasaaraha u
magacaabay Moxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (1967-1969).
Madaxda Reer Waqooyiga waxaa lagu maaweelinjiray
jagooyin maqaar-saar ah oo dusha laga ilaasho, waxaana
xabsi dheer oo sharcidarro ah lagu tuuray madaxdii ugu
waaweyneyd Reer Waqooyiga oo kala ahaa Moxamed Xaaji
Ibrahim Cigaal (Alla ha u naxariisto), Ismaciil Cali
Abokar, Cumar Carte Qaalib, iyo saraakiil badan oo
rayid iyo ciidanba lahaa. 22kii sano ee ugu horreeyey
Israaca (1960-1982) waxaa dadka Waqooyiga lagu hayey
duudsi dawladnimo, cadaadis siyaasadeed, bulsheed,
dhaqaale, ciidameed, iyo horumar, 8dii sano ee ugu
dambeeyeyna (1982-1990) waxaa loo geystay
dhibaatooyinka iyo dembiyada culus ee kor ku xusan.
Taariikhdan marag-ma-doontada ah waxay caddaynaysaa in
Somalia (Koonfurta) iyo Somali Galbeed (Beesha
Ogaadeenka) ay si wadajir ah toos uga mas`uul ahaayeen
burburinta iyo aasidda midnimadii labada gobol
(Waqooyi iyo Koonfur) sidaasna ku mijo-xaabiyeen
yididiiladii laga qabay Somaliweyn kana dhigeen
raja-gab. Dawladda Jabuuti oo gobonimada ka qaadatay
Fransiiska bishii June 27, 1977, way ka caagtay inay
ku soo biirto midnimada ka dib markii ay aragtay
duudsigii iyo tacadigii lagu sameeyey Reer Waqooyiga
17kii sano ee ugu horreeyey midnimada, 1960-1977.
Maantana, waa yaabe, waxaa midnimo iyo Somaliweyn u
ololaynaya Somalia iyo Somali Galbeed oo ah labadii
godka dheer ku riday. Raadintanu dhab iyo daacadnimo
kama aha ee waa damaacinimo iyo hunguri ay rabaan
inay mar labaad degaan, xukumaan isla markaana
barwaaqadeeda gurtaan Somaliland. Somali Galbeed
haddii aanay dal xor ah gacanta ku hayn, waa maxay
midnimada ay raadinaysaa? Maxay dad kula midoobi?
Waxaa halkaas ka cad in Beesha Ogaadeenka ee Somali
Galbeed oo ku mamtay dalkii la odhanjiray
Jamhuuriyadda Somalia xilligii Taliskii Siyaad Barre
aanay ku niyadsamayn dhulkkooda welina raadinayso
Somaliweynimo ay ku soo gabbato si ay u degaan,
xukumaan, una boobaan dal aanay u dhalan, taas oo ah
mustaxiil. Mar haddii ummadda Somaliland lagu
khiyaameeyey laguna baaba`shay midnimo iyo
Somaliweynimo ay horseed u ahayd iyada oo la
adeegsanayo gobolaysi, qabyaalad, iyo keli-talisnimo,
way ka digtoontahay in dib-dambe loogu beer-laxawsado
looguna khiyaameeyo midnimo iyo Somaliweyn dibnaha ku
eg. Marka la eego dawlad la`aanta ka taagan Somalia
mudada 14 ka sano ah ee dilka, silica, cabsida, iyo
macalluusha ku haya shacabka Somalia, waxa muuqata in
madax-ku-sheegga iyo dagaal-oogyaasha Somalia uu weli
garaadkoodu ku eg yahay heer qabiil iyo heer degaan oo
aanay weli fahmin qaran iyo waddan, sidaas awgeedna
ugu adkaatay inay dawlad samaystaan. Dadka sidaas ah
ma istaahilaan inay u ololeeyaan midnimo iyo
Somaliweyn ama lala wadaago dawlad maadaama ay ku
fashilmeen gurigooda. Dalka Somalia weli waxaa wax ka
xukuma qaxootgii Somali Galbeed iyo shakhsiyaad
sheegta Jamhuuriyadda Somaliland oo aan cidna matalin,
arrintaasuna waxay ka dhigtay dal aan la kala lahayn
waxayna adkaysay xallinta dhibaatada dawlad la`aanta.
Waxaa kale oo la yaab leh in siyaasiyiinta iyo
indheer-garatada Somalia, intooda badan, ku doodaan in
Somalia aanay ka gelin duudsi dawladeed iyo dembiyo
culus dadka iyo dalka Somaliland eeddana dusha ka
saaraan Taliskii Siyaad Barre. Waxay illowsanyihiin
inTaliskii Siyaad Barre ahaa Reer Koonfur (Somalia)
eedduna tahay eed Koonfur iyo eed Somali Galbeed.
Dadka Waqooyigu markii ay arkeen duudsigii, dulmigii ,
iyo dembiyadii cuslaa ee laga galay mudadii 30ka sano
ahayd ee Israaca (1960-1990) si buuxdana uga xoroobeen
Koonfurta, ka dib guushii weyneyd ee SNM ee January
1991, ayaa waxay badhtamihii sannadkii 1991
shirwyene ummadeed ku go`aansadeen inay gobonimadoodii
la soo noqdaan kuna dhawaaqaan dal madaxbannaan oo loo
bixiyay: Jamhuuriyadda Somaliland.
Dad badan oo Somaliyeed ayaa waxay aaminsanyihiin
figrad aad u khaldan taas oo ah in haddii qofku Somali
yahay aan laga xigin 5ta Somaliyeed (Somaliland,
Somalia, Jabuuti, Somali Galbeed, iyo Gobolka
Somaliyeed ee Waqooyi Bar Kenya) sababta oo ah
Somalidu waa isku dhaqan, diin, iyo af sidaas
awgeedna qofka “Somaliga” ah marba midka uu rabo
degikaro, ka shaqaysankaro, wax ka xukumikaro,
barwaaqadiisana ka qaybgelikaro. Figraddanu waa
halis waayo waxay horseedaysaa fawdo muujinaysa dal
iyo dawladnimo aan la kala lahayn iyo qaran aan summad
lahayn. Arrintan oo jirijirtay xilligii Taliskii
Siyaad Barre waa tii u suurtogelisay qaxootiyada
Somali-Galbeed iyo Waqooyi Bari Kenya inay si
sharcidarro ah ku soo galaan, degaan, shaqaystaan,
waxna ka xukumaan dalkii la odhanjiray “Jamhuuriyadda
Somalia” oo markii dambe ay u geysteen dhibaatooyin
laxaad leh. Somalidu haddii ay ku fashilantay inay
dawladnimo si caadil ah u wadaagto waa inay kala
madaxbanaanaato si ay u kala badbaado. Somalidu kama
duwana 18ka dal ee Carbeed oo isku diin, dhaqan, iyo
af ah, laakiin midkastaba gaar u leeyahay
qaranimadiisa iyo dawladnimadiisa, inta kalena sharci
ku soo galaan.
Jamhuuriyadda Somaliland waa dal xor ah oo leh qaran u
gaar ah iyo xuduud caalami ah waxaana leh dadka isir
ahaan iyo taariikh ahaan ka soo jeeda dhulka
Somaliland isla markaana deganaa xornimo-qaadashadii
1960. Xuquuqda muwaadinimada waxaa leh dadka
Somaliland oo qudha. Dadka ka yimaada Somalia,
Jabuuti, Somali Galbeed, Waqooyi Bari Kenya ama
adduunka kaleba waa inay sharci ku soo galaan,
joogaan, isla markaana kaga baxaan Somaliland hawl
kastaba haw yimaadeen marka laga reebo dadka deggan
Hawdka oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka
Somaliland. Shakhsiyaadka ama qoysaska dawladda
Somaliland u aqoonsato in naftoodu ku badbaadayso
joogista Somaliland, naxariis joogis waa loo
fidinkaraa sida insaaniyadu farayso dal kasta (Asylum
seekers) . Sugidda nabadgelyada, deganaanshaha, iyo
madaxbanaanida Somaliland waxay faraysaa in si joogto
ah loola socdo dhaqdhaqaaqa ajanebiga dalka jooga,
ciddii ku xad-gudubtana tallaabo sharci ah laga qaado.
Maamulka, matalaadda, xukunka, difaaca, iyo dheefta
Somaliland waxaa leh Ummadda Somaliland oo qudha. .
Qore: Ibrahim Hassan Gagale
Email: Ibrahim_hg@yahoo.com
March 12, 2004.
Faafin: SomaliTalk.com | March 13, 2004